Wararka Wargeyska OGAAL: Xukuumada oo muujisay in lagaga baxay heshiiskii Warshadaha Berbera lagu dhagax-dhigay

Hargeysa (Ogaal) – Wasiirka Warshadaha Somaliland Maxamed Saleebaan Maxamuud (Maxamed Saleebaan weyne) ayaa  markii ugu horeysay mujiyay in lagaga baxay heshiis hore xukuumadu u baahisay oo sheegayay in Shirkado Jarmal ahi ka dhisayaan magaalada Berbera Sadex Warshadood, kuwaasoo Madaxweyne Rayaale dhagax-dhigay.

Wasiirka warshadaha oo xalay u waramay Telefishanka madaxa-banaan ee Speace chanal waxa uu sheegay in Xukuumad ahaan ay dedaal badan u galeen in ay dalka yimaadaan shirkado shisheeye, balse taas ay caqabad ku noqotay Ictiraaf la’aantu. “Wadamada Afrikaanka ah ciddina ma aaminto, sababtoo ah ninbaa subax iska soo kacaya oo dalkiiba waan inqilaabay odhanaya.” Sidaas ayuu yidhi waxaana uu intaa ku daray wasiirku oo sheegay in dalka Somaliland caqabadaha ugu waaweyn ee shirkaduhu ugu dhiiran la’yihiin inay maal-gashadaan ay tahay Ictiraaf la’aan iyo adeegyadii sahli lahaa oo aan jirin. “Madaxweynuhu dedaal aad u weyn ayuu geliyay sidii dalka shirkado shisheeye u iman lahaayeen, laakiin caqabadu waxay noqotay oo waxay socotaba loo imanayaa xeerarka maalgashiga iyo Ictiraaf la’aanta dalkeena.” Ayuu yidhi,

Mudane Maxamed Saleebaan, waxa uu ku dooday inuu jiray heshiiska hore xukuumad ahaan ay u sheegeen in Boqolaal Milyan oo doolar Sadex-warshadood oo Sibidhka, Jibsinka iyo dhuxul-dhagaxda lagaga hir-gelin doono dalka. Hase ahaatee, arrimaha dedaalkaas suuldaaray ee uu ku sheegay inay heshiiskaasi u socon waayay ka sokow, waxa uu ku adkeystay inay weli jiraan xidhiidho shirkado shisheeye oo maal-gashi ay la leeyihiin.

Wasiirka warshadaha oo ka hadlayay mudadii uu xilka hayay, waxa uu sheegay inay sameeyeen xeer loogu tala-galay in lagu maamulo, Islamarkaana kala haggo warshad-leyda.  Waxaana uu ku taliyay in warshad leydu xidhiidh joogta ah la yeeshaan wasaarada. Isaga oo muujiyay in ay jiraan dad aan wasaarada wax talo ah kala yeelan arrimahan warshadaha. “Qofbaa dhoofaya oo warshad tuurta ku soo qaadanaya… hadhowna waa warshed reer dhami leeyahay ayaa la diidey.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Waxaana uu intaa ku daray oo uu sheegay in xeerka ay sameeyeen saameynayo qaabka muwaadinka ama shirkadu u dhisayaan Warshadaha oo ay tahaybuu yidhi in la kala fogeeyo. goobta wax soo saarka, xafiiska maamulka iyo Kaydka wax soo saarka warshada. “Taas waxaa loo sameynayaa, si aan hadii dab dhaco u wadda guban ee wax u kala hadhaan.. ta kale, waxa ku jirta inaynu la noolaano dabeecada dalkeena.. maadaama aynaan haysan caawimo dibadeed dal la ictiraafsan-yahayna aynaan ahayn in mulkiilaha warshadu isku tashado oo uu Barkad loogu tala-galo dabdemiska ka dhex dhiso weeye,.” Sidaas ayuu yidhi.

Wasiirka oo la weydiiyay, in warshadaha ay ugu tala-galeen goob dalka ka mid ah oo gaar u noqota Warshadaha waxa uu sheegay in weli xaaladu yabyab-tahay, balse aanu meesha ka madhneyn qorshahaasi. Waxaana hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi. “Burco oo kale, waxaanu ugu tala-galay inay noqoto Magaalo warshadeed. Hargeysi xarunta siyaasada ee dalka laga hagayo.. Boorama, waxbarashada, Berberana Ganacsigii iyo..” 

Waxa kale oo uu wasiirka Warshaduhu ku sheegay waraysigan in dhawaan masuuliyiin ka kala socota Wasaaradaha dalka Somaliland ay ka qayb-geli doonaan shir uu soo qaban-qaabiyay dalka Faransiisku oo ka dhacaya Dalka Jabuuti. Kaasoo uu sheegay inay arrimahan maal-gashiga iyo kobcinta dhaqaalaha warshadaha kaga hadli doonaan.

  Wararkii ugu dambeeyay ee qasaaraha Dagaalkii ugu cuslaa ee ka dhaca Muqdisho todobaadyadan

Muqdisho (AP/Ogaal)- Ugu yaraan 21 qof ayaa ku geeriyooday, inka badan 60 qofna way ku dhaawacmeen dagaalo shalay maalintii labaad ka dhacayay Muqdisho, ka dib markii kooxo dablay Soomaali ahi weerareen saldhigyada ciidamada Amisom ee Muqdisho.

Daraasiin dad ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur ayaa la sheegay inay dhaawacyo xuni ka soo gaadheen dagaaladan shalay ka dhacay Muqdisho, kaasoo ku soo beegmay laba maalmood ka dib markii weerarka qaraxyo miidaamo ahaa oo ay aad ugu dhinteen askarta Amisom lagu soo qaaday saldhig ay degen yihiin, iyada oo 11-ka askari ee halkaa ku naf-waayay dhamaantood ahaayeen Burundhiis. Inkasta oo weerarkaa hore ee is-qarxinta miidaamada ah ay masuuliyadiisa sheegteen Al-shabaab, hadana dagaalka shalay waxa ku andacooday inay sababtiisa lahaayeen urur la sheegay inay ku midoobeen afar urur oo loogu magac-daray Xisbul Islam.

Baabuurta ambalaaska loo yaqaano ayaa ka ururiyay maydadka 18 qof meelo kala duwan oo magaalada Muqdisho ah, sida laga soo xigtay Rufaaci Maxamed Salaad oo ka mid ah xidhiidhiyeyaasha gaadiidkaas. Maamulaha Cusbataalka Medina Daahir Maxamed Dheere ayaa sheegay in 78 qof ay dagaalkaa ku dhaawacmeen lana geeyay cusbataalka. Isla markaana qaar ka mid ah ay dhaawacyadoodu culus yihiin. Dad goob-joog ah ayaa sheegay in dagaalku bilaabmay markii kooxo dablay ahi ay weerareen saldhig millatari oo ku yaala koonfurta Muqdisho, halkaasoo ciidamada nabad-ilaalinta Afrika iyo kuwa dawlada ku meel-gaadhka ahi ku sugnaayeen. Labada dhinacba waxay isku ridayeen madaafiic iyo rasaasta qoryaha daran-dooriga ah ka dhacda. Kooxaha ka soo kacdoonka wada ayaa sidoo kale madaafiic ku duqeeyay qasriga madaxtooyada Soomaaliya, sida laga soo xigtay afhayeenka Madaxweyne Shariif, Cabdillaahi Khadar. Maalintii Isniintii ayaanay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ay wehelinayaan golihiisii wasiirradu gaadheen Muqdisho. “Madaxweynuhu wuu joogaa halkan, waana nabad qabaa,” ayuu yidhi afhayeenku. Waxana la sheegay in waqtiga madaafiicda lagu garaacay madaxtooyada uu ka socday shir Sheekh Shariif la lahaa gudiga amaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Urur ay ku bohoobeen Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa wax laga xumado ku tilmaamay dagaalada shalay ka dhacay magaalada muqdisho waxana ay ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo dagaaladaasi.

Afhayeenka golahan Axmed Diiriye Cali oo shalay ka hadlayay kulan golaha ka yeeshay mudada uu shaqaynayo ayaa waxa uu sheegay in aan loo baahneyn dagaalo danbe oo ku daata Muqdisho. “Waa wax laga Xumaado dagaalna maanaan doonaynin in uu ka dhaco magaalada xiligan, waxaanan ugu baaqeynaa dhinacyada dagaaladamaya in ay daadinta dhiiga joojiyaan oo ay illaahay ka cabsadaan xabad xal laguma gaadhayo”ayuu yidhi Afhayeenka dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye.

Dagaalka shalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa tan iyo marka ay gudaha Soomaaliya ka baxeen ciidamada Ethiopia.

Waxaana dagaalkani dhacay, xili ay socdaan dedaalo la doonayo in lagu dhex-dhexaadiyo kooxaha ku dagaalama koonfurta Soomaaliya oo ay Muqdisho ku sugan-yihiin Koox ka socota midawga Culimada  Islaamka oo arrintaa ku hawlan.

 

 

 

 

 

 

 “Dalku wuxuu jiraa 20-kii Sanadood ee Siyaad Barre  xukumayay, welina sagxada ayaynu naalaa” Axmed Jawhari

 

Hargeysa (Ogaal)- Mr. Axmed Maxamed Jawhari oo ka mid ah siyaasiyiinta isbedal doonka ah ee doonaya inay ka mid noqdaan Murashaxiinta madaxtooyada ee xisbiga talada haya ee laga horjoogsaday shirweynihii labaad ee UDUB, ayaa sheegay in aanu weli ka hadhin damiciisii. Islamarkaana ay ka fiirsanayaan Axsaabta dalka iyo xeerarkooda.

Jawhari oo Isniintii doraad dalka dib ugu soo laabtey, ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal laba todobaad qaatey oo uu ku soo maray Imaaraadka Carabta waxa uu sheegay in aanu ilaa hadda Xisbiga UDUB ka gaadhin go’aan ay kaga digo roganayaan, isaga iyo taageerayaashiisu. Balse hadii loo baahdo ay darsayaan xisbiga ogol in dhalinyarada iyo aqoonyahanka dalku talo ku yeeshaan.  “Xisbiga UDUB, waa xisbigayagii waanu ku soo tacabnay, waxaana aanu doonaynaa in wax la soxo.. hadday saxmi waayaan waxa jira go’aamo kale oo aanu qaadan karro..waxaanu eegaynaa waxyaabo badan oo  is bedel ku sameeya oo wadanku jidkii hore ee uu marayay wax ka bedala, xisbigii nala ogolaada ee taladiisa ay ka qayb geli karaan aqoon-yahada iyo dhalinyaradu, kaas ayaanu gacmahayaga isugu geynaynaa” Sidaas ayuu yidhi

Waxa kale oo Mr. Jawhari sheegay in aanay isku mowqif ahayn, waxna ku darsan doonin siyaasiyiinta garabka isbeddel-doonka UDUB ee iyagana loo diiday ka qaybgalka shirweynihii labaad ee xisbigooda, kuwaas oo uu sheegay inuu isku keenay hawl-galkii xukuumadu kaga hor-joogsatay shirweynihii xisbiga. “Isku mowqif ma nihin, waxna kuma darsanayo wasiirrada hore maamulka ugu soo jiray. waayo waxay qayb ku leeyihiin khalaldaadka aan u taaganahay inaan saxo ee xisbigayaga dhexdiisa, markii horena nimankaas waxa isu kaaya keenay kaadhadhkii shirweynaha ee naloo wada diiday, balse isku mowqif maanaan ahayn, isku afkaarna maanaan ahayn”

Waxa kale oo uu sheegay in dalku haatan jiray muddo dheer, Islamarkaana ay tahay in bulshadu wax qabsato. Isaga oo tilmaamay waqtiga doorashadu inaanu la mid ahayn xiligii shirka la isu diidayay ee ruux waliba uu codkiisa iyo kaadhkiisa xor u yahay. “Dalkani wuxuu jiraa Labaatankii Sanadood ee Siyaad Bare dalka xukumiyay, welina sagxadaynu naalaa, maxaa sababay, waxa weeye in dadku wax qabsado oo ka fekero halka ay wax ka qaldan-yihiin oo aanu qofna uga habran waxa uu xaqa ugu leeyahay” sidaas ayuu yidhi Jawhari  

 

Mr. Axmed Maxamed Jawhari waxa kale oo uu ka warramay ujeeddada socdaalka gaaban ee ku tegay Imaaraadka Carabta, kaasoo uu ku tilmaamay mid shaqsi ah, balse aanay ka madhnayn la tashiyo siyaasadeed oo uu la soo yeeshay dad kala duwan.

 

 

Xukuumadda oo iska fogeysay masuuliyada ilaalinta hantida muwaadiniinta

“Ka hortagista Fadhi-ku-taajirku maaha waajibkayaga, haddaanu xidh-xidhi lahayn waxa la odhan lahaa…”

 Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibada

Hargeysa (Ogaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horraysay iska fogeysay eedaymo Wasaaradda daakhiliga loogu jeediyay masuuliyadda ay ku leeyihiin Lacagayow dhawaan laga dhacay qaar ka mid ah Dadweynaha Somaliland, waxaanay sheegtay inaan Wasaaradda Daakhiliga Masuuliyadi ka saarnayn dhacdadan.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) ayaa sheegay in wax-ka-qabashada iyo ka-hortagga Falkii Lacagta lagaga dhacay dadweynaha Somaliland aanay ahayn Masuuliyad saaran Wasaaradda Arrimaah gudaha, isla markaana eed ku lahayn. “Maalin dhawayd waxaan maqlayay dad Wasaaradda arrimaha gudaha ku eedaynaya waxyaabaha dhacay ee fadhi-ku-macaashka ah, taas oo ay ku sheegeen in Wasaaraddu ay wax ka qaban wayday, waxaan dib ugu noqday oo aan dhinac walba ka eegay Masuuliyadihii Wasaaradda, marnaba kumaan arag meel ay kaga jirto, Anagana waajib na saaran maaha in aanu ka hor tagno arrintaas.” Ayuu yidhi Axmed-Keyse, Agaasimihii guud ee hore ee Wasaaradda Daakhiliga, haddana ah Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha dibedda, oo shalay ka hadlayay Xaflad uu Xilka ugu wareejinayay Agaasimaha cusub ee Wasaaraddaas.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibeddu wuxuu sheegay in haddiiba ay tallaabo xadhig ah ama ay kaga hortegayaan falka dhacay qaadi lahaayeen Xukuumad ahaan ay waajahi lahaayeen eedaymo hor leh. Sidaa darteed, aanay sharciyan waajib saaran ahayn. “Haddii aanu ka hortegi lahayn oo aanu xidh-xidhi lahayn waxa nala odhan lahaa Xukuumaddu waxay ka horjeeddaa in dadku maalin ku taajiraan. Sidaa darteed, waxaan u arkay eedayn Wasaaradda lala maagay.” Ayuu yidhi Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse).

 

 

 

UCID siduu u arkaa dhawaaqii Komishanka?

“M/weyne Rayaale waxaan usoo jeedinayaa inuu iscasilo”

Afhayeenka UCID…….Waraysi

Korodhsiimo ma jirayso oo suurtagal maaha, Komishankana ka aqbali maynee waa in doorashada la qabto”

Hargeysa (Ogaal)- “Hadalkii shalay (doraad) wuxuu ahaa warbixin ay (Komishanku) dhiibayeen, waxayna sheegayeen xaaladdaha aan weli u sugnayn. Laakiin, hadal af laga yidhi annaga (UCID) nama qancin karo, kumana qanacsanin oo balankayaguna muu ahayn. Maalmahanba saddexda xisbi iyo Komishanku waxay ku jireen Xeerkii (Code of Conduct) anshaxa doorashada. Gebogebo ayaanu maraynaa, qaybtaa qaybteediina waxay ahayd Miisaaniyaddii iyo time-line-kii (waqtiyada la gelayo hawlaha) inay soo sameeyaan (Komishanku), dabadeedna na soo hordhigaan. Markaa marka laga dooddo ayay caddaanaysaa maalinta ay ku dhacayso, inay waqtigeedii dhacayso iyo inay maalmo dib uga dhici karto, laakiin annagu 29 March uun baanu taaganahay, balse, marka aanu helo wax na qanciya oo noo cuntamaya uun baanu wax ka odhan karnaa ama wax qaadan karnaa. Markaa hadalkoodaa warbixin uun baanu u qaadanay, ilaa aanu time-line-kaa isla aragno oo aanu ka wadahadalnana ma garawsan karno Komishanka.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka, ahna Xoghayaha Arrimaha gudaha ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Xassan Xusseen (Codyare).

Afhayeenka oo xalay u waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu Madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisa ku eedeeyay inay dabada jiidayaan qabsoomida doorashada Madaxtooyada. Isla markaana waxa uu caddeeyay in aanay xisbi ahaan ku qanacsanayn hadal doraad ka soo yeedhay Komishanka doorashooyinka oo sheegay in aanay doorashada Madaxtooyadu ku qabsoomi karin waqtigii hore loogu heshiiyay ee 29 March 2009. Hase yeeshee, Xassan Xusseen waxa uu tilmaamay in doorashadu xilligii loo qabto ku qabsoomi karto, wuxuuna xusay in laga gudbi karo caqabadaha Komishanku sheegay inay hor yaalaan. “Haddii daacad laga wada yahay waa laga gudbi karaa….Deeqbixiyeyaashu waa kuwii caddeeyay inay lacagtii ay doorashada ugu talogaleen hayaan. Laakiin, waxa jooga niman kalsoonidii dadka waayay oo doonaya inay wax ku helaan oo ay dalka ku xukumaan korodhsiimo Qayru-distoori ah oo ka soo horjeeda hanaankii Dimoqraadiyada ee aynu ku faanaynay ee aynu ku talaabsanay oo iyagu duminaya oo mar walba doorashada turaan-turooyin hor dhigaya, Deeqbixiyeyaashuna aanay fahmin, taasoo ah Xukuumaddan talo ka baratay Kursi-jacayl iyo korodhsiimo,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa raaciyay, “Keliya waxa weeye; carqaladaynta qoladan danaha leh ee wax tuurtuuraysa ee mar walba hawl kasta oo la galo dib u jiidaysa. Waxa la yidhi, ‘Ruqo ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo.’ Haddii aanay wax qaban inay dalka burburiyaan oo ay carqalad geliyaan maaha, waxaanan u soo jeedinayaa Madaxweyne Rayaale inuu iscasilo…Korodhsiimo ma jirayso, suurtagalna maaha, Komishankana ka aqbali maynee waa in doorashada la qabto.” Waxa uu Deeqbixiyeyaasha ku eedeeyay inay sabab u yihiin hawlgelid la’aanta Kambuyuutarka kala hufaya dadka isdiiwaangeliyay, kuwaasoo uu sheegay in aanay weli soo dhamaystirin hawlwadeeno ajaanib ah oo markii hore loo tabobaray ka shaqaysiinta Server-ka. “Deeqbixiyeyaashu laftoodu waxay eed ku leeyihiin Server-kii (Kambuyuutarka kala-shaandhaynta) shaqayn lahaa oo aanay weli hawlgelinin,” ayuu yidhi. Afhayeenka UCID waxa uu sheegay in inta ka horaysa muddada kooban ee ka hadhay doorashada la shaqayn karo xilliyada maalintii iyo habeenkii intaba, taasoo uu xusay in Komishanku ku kala fududayn karaan hawlaha u diyaargarawga doorashada.

Mr. Xassan Xusseen Maxamed waxa kale oo uu Xukuumadda ku eedeeyay in aanay weli diyaarin dhaqaalihii 25% ahaa ee loogu talogalay inay Somaliland ku biiriso dhaqaalaha lagu qabanayo doorashada, maadaama 75% kii kale ay Deeqbixiyeyaashu kafaalo-qaadeen.

 

Nuxurka Kulan dhex maray Madaxweynayaasha Jabbuuti iyo Iran

“Dalalka Islaamka ahi waa inay meel uga soo wada-jeestaan cadowgooda”

Madaxweynaha Iran

Jabuuti (PressTV/Ogaal)- Madaxweynaha dalka Iran Ahmedinejad ayaa ugu baaqay dalalka Islaamka inay meel uga soo wada jeestaan cadowgooda, waqti uu shalay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti kulan ku saabsan sidii labada dhinac Heshiis Dhaqaala u kala saxeexan lahaayeen kula lahaa dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Dalka Iran Mohamoud Ahmedinejad waxa uu dalalka Dunida Islaamka ugu baaqay in ay midoobaan, isla markaana meel uga soo wada jeestaan cadowgooda, si ay meesha uga saaraan wax uu ugu yeedhay Qorshaha cadowga dalalka Islaamku ku doonayo in uu dhexdooda kaga abuuro khilaaf. “Midowga iyo Iskaashi dhex mara dalalka Islaamku wuxuu meesha ka saarayaa qorshaha cadowga ee lagu doonayo in khilaaf lagaga dhex abuuro dhexdooda, isla markaana laysku fidiyo oo lagu qabsado. Waana in ay meel uga soo wada-jeestaan cadowgooda.” Ayuu y idhi Madaxweynaha Iran Ahmedinejad.

Mr. Ahmedinejad oo isla shalayba u gudbay dalka Kenya oo qayb ka ah saddex dal oo Afrikaan ah oo uu socdaal ku marayo, kuwaas oo kala ah, Jabuuti, Kenya iyo Komoros, ayaa ka hor intii aanu ka soo amba-bixin shalay Magaalada Tehran ee dalka Iran Warbaahinta uga waramay ujeedada socdaalkiisa. “Waxa farxad noo ah in aanu xidhiidho soke oo Siyaasadeed, dhaqaale iyo Bulsho aanu la leenahay dalalka Afrikaanka, waxaananu inta aan ku gudo jirno socdaalkan la kulmi doonaa Madaxweynayaasha iyo Wufuud sarsare oo ka socda dalalka Kenya, Jabuuti iyo Komoro.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Iran.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxa uu Dalalka Quwadaha is-bida ee Caalamka ku sheegay in ay sal u yihiin Khilaafaadka Gobolka ka taagan, waxaanu sheegay in xidhiidh sokeeye oo dhex mara dalalka Muslimka ahi ay xoojinayso iskaashigooda.

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo isna Kulankaa hadal ka jeediyay ayaa dalka Iran ku tilmaamay dal Teknoolajiyad ahaan waqtigan casriga ah isku filan.

Gebogebadii Kulanka ayaa labada Wasiir arrimo dibedadeed ee labada dal waxay halkaa kula saxeexdeen Heshiis ka kooban 5 qodob oo ku salaysan Iskaashi dhaqaale oo dhex mara labada dal.

Madaxweynah dalka Iran ayaa isla shalayba u gudbay dalka Kenya oo noqonaya dalkii labaad ee uu Socdaalkiisan ku maro. Halkaas oo la filayo in uu wada-hadallo kula yeesho Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki.

 

 

Haddii laguu magacaabo wasiirka arrimaha dibada ma isku tuuri lahayd Muqdisho?

 

Jabuuti (Reuters/Ogaal) – Wasiirka dhawaan loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Oomaar oo dhalsho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay xaaladda Somalia iyo waqtiga ay Wasiirada cusub ee la magacaabay tegayaan Muqdisho. Waxaanu sheegay in ay wada-hadallo la gelayaan Kooxda Al-Shabaab.

Sida aanu ka soo xiganay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo Khadka Telefoonka Waraysi kula yeeshay Wasiirka Khaarajiga Somalia Maxamed Cabdilaahi Oomaar oo hadda ku sugan Magaalada Jabuuti, waxa uu Wasiirku ka hadlay Weerar is-miidaamin ah oo ay Kooxda Al-Shabaab ku qaadeen fadhiisin Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku dhinteen 11 ka mid ah Ciidamada AMISOM, isla markaana ay ku dhaawacmeen tiro 20 ka badan. Waxaanu Weerarkaa ku tilmaamay mid axmaqnimo, balse waxa uu sheegay in joogitaanka Ciidamada AMISOM ee Somalia aanay waxba u dhimayn.

Siday qortay Reuters, waxa kale oo uu Wasiirkan oo da’diisu 55-jir tahay uu ka hadlay aragtidiisa ku wajahan magacaabista Xilka Wasiirnimo oo Jimcihii toddobaadkii tegay u magacaabay Ra’iisal-Wasaaraha cusub ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke. “Aad baan ugu faraxsanahay, uguna qanacsanahay fursaddan (Magacaabista Wasiirnimo), waana dhacdo taariikhi ah haddii aanu qabsano (Somalia).” ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Oomaar. Waxaanu sheegay in ku-tala-galkoodu yahay sidii loo xasilin lahaa Magaalada Muqdisho, marka dambena ay uga gudbi lahaayeen Somalia.

Maxamed Cabdilaahi Oomaar waxa uu sheegay in Wasiirada dhawaan la magacaabay ee Xukuumadda Somalia oo wali ku sugan Magaalada Jabuuti ay tegi doonaan Magaalada Muqdisho. “Dhammaadka Bishan ama bilowga bisha dambe ayaan rejaynayaa in aanu Muqdisho tagno. Laga yaabaa, dhammaadka bisha saddexaadna waxa Muqdisho tegi doona Baarlamaanka.” Ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi. Inkasta oo siday Reuters faafisay ay Magaalada Muqdisho ugu dambaysay muddo 24-sanno ka hor ah, waqtigaas oo ahaa 1985-kii, haddana wuxuu hadda ku qanacsan yahay in uu mar kale tago Muqdisho. “Waan tegi doonaa Muqdisho, shaki kama jiro.” Ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi.

Wasiirka arrimaha Dibedda Somalia wuxuu shegay in ay diyaar u yihiin in ay wada-hadallo la galaan Kooxda Al-Shabaab. “Soomaalidu waxay doonayaan ma adka, waxay doonayaan in ay noolaadaan, Caruurtoodu tegaan Dugsiyada, isla markaana ay habeenkii amni iyo nabad ku seexdaan. Laakiin, caadiyan hadda waxaas oo dhan kuwo la-yaab ah ayaa loo arkaa.” Ayuu yidhi Wasiirka khaarajiga Somalia. waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaanu diyaar ula nahay martiqaad furan in aanu isu nimaadno. Arrin kasta waa lagu dari karaa Ajendaha laga wada hadlayo, laakiin Soomaalidu ma aqbalayso qalalaase, waxaanay 99.9% Shacabku doonayaan in Dagaalku dhammaado.”

Waraysigan Wakaaladda Wararka ee Reuters ay la yeelatay Wasiirka arrimaha Dibedda Somalia ayaa noqonaya Waraysigii u horeeyay ee uu siiyo Warbaahinta tan iyo intii loo magacaabay Xilka Wasiirnimo.

 

 

Agaasimaha guud ee cusub ee Wasaaradda Daakhiliga oo Xilka la wareegay

“Waxa Madaxu ila caddaaday da’ maaha ee waa hawl”

Agaasimaha guud ee cusub

 

Hargeysa (Ogaal)- Munaasibad ay ka qaybgaleen, Wasiiro, Xildhibaanno, Madax-dhaqameed, Hay’adaha Caalamiga ah, Maayaro iyo marti-sharaf kale oo ay Xilka kula kala wareegayeen Agaasimihii guud ee hore ee Wasaaradda Daakhiliga iyo Agaasime cusub oo dhawaan loo magacaabay ayaa shalay lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Wasaaraddaas.

Munaasibaddan oo ahayd mid si wacan loo agaasimay, ayaa Masuuliyiintii halka ka hadlay waxa ka mid ahaa Wasiirka Daakhiliga Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro). “Aad baanu u xusuusan doonaa Agaasimaha guud ee hore, waxaananu leenahay meel fog nagamaad tegin oo Wasaaradda arrimaha dibedda oo aanu wada-shaqayn leenahay ayaad tagtay, wixii aanu kaaga baahanana Adiga oo halkaa jooga ayaad nala qaban doontaa. Agaasimaha guud ee cusubna waxaanu leenahay soo dhawaw, Anagu muddo ayaanu shaqaynaynay oo waanu daallanahay, waxaananu kaa rejaynaynaa firfircooni iyo fikir cusub.” Ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.

Agaasimihii guud ee hore Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) oo loo bedelay Wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibedda oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka waramay sooyaalkii Agaasimayaasha ee Wasaaradda iyo waqtigii uu qabtay Xilka. “Waxa farxad ii ah in aan maanta oo ay bishu tahay 24-ka February 2009 aan Xilkan oo aan qabtay 23-kii November 2004 ku wareejiyo Agaasimaha guud ee cusub oo noqonaya Agaasimihii 5aad ee Wasaaraddu yeelato tan iyo intii la aasaasay Somaliland ama Wasaaraddaba.” Ayuu yidhi Agaasimihii guud ee hore. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Wasaaraddan Arrimaha guduhu waa Wasaaraddii Dimuqraadiyadda, taana waxa marag u ah Doorashooyinkii dalka laga qabtay oo Wasaaraddan la’aanteed aan qabsoomeen. Waxaana arrintaa ku ammaanan Wasaaradda iyo Shaqaalaheeda.”

Agaasimihii guud ee hore Axmed-Keyse waxa uu ku dheeraaday waxyaabaha u qabsoomay Wasaaraddiisa intii uu Xilka Agaasimaha guud hayay, waxaanu sheegay in waxyaabo badan oo la taaban karo ay gaadhay Wasaaraddu, isla marakaana tirada Shaqaalaha Wasaaradda iyo Waaxyaha kala duwan kordheen intii uu Agaasimaha guud ahaa. Wasiir-ku-xigeenka cusub ee arrimaha dibedda, ahna Agaasimihii guud ee hore waxa uu halkaa ka jeediyay ereyo kaftan ah. “Maalintii aan Wasaaradda Arrimaha gudaha imanayay waxa laygu yidhi, waxa lagu geeyay Wasaaraddii Madax-dhaqameedka oo waa lagu dilayaa. Ilaahay mahaddii 4 sanno ka dib ayaan ka tegayaa Anaga oo si wacan u wada shaqaynay. Imikana waxa laygu yidhi, Wasaaraddii Ceel-Af-weyn ayaad tagtay oo looga jeedo Wasiirka iyo Wasiiru-dawlaha ayaa reer Ceel-Af-weyn ah. waxaan filayaa waan soo baqdin  dhammaystaye in aanu is-fahmi doono.” Ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha dibeddu, oo hore u ahaa Agaasimaha guud ee daakhiliga. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Agaasimaha cusub-na waxaan leeyahay, yaan lagu baqdin gelin.”

Agaasimaha cusub ee Xilka la wareegay Yuusuf Maxamed Ducaale oo isna halkaa ka hadlay ayaa isna yidhi, “Haddii lays cabsi gelinayo oo la leeyahay malaha Ninkani ka bixi maayo hawshan ballaadhan ee loo magacaabay, waxaan taa idinka leeyahay waxan Madaxa iga cadi maaha da’ ee waa hawl. Aniga shaqadaydu waxay ahayd Macalin, Macalin-na waa aqoonyahan oo wax kasta oo la abuuro isaga ayaa ka dambeeya, taasna ku darsada” Agaasimaha guud ee cusubi wuxuu ballan-qaaday in uu gudan doono hawsha loo igmaday.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, Suldaan Cumar Sul. Maxamed Faarax iyo Suldaan Maxamed Xanudalle oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland. kuwaas oo Agaasimaha guud ee hore ku ammaanay intii uu Xilka soo hayay, isla markaana ugu duceeyay in Xilka Wasiirku-xigeennimo u fududeeyo, Agaasimaha guud ee cusubna Ilaahay uga baryay in uu Xilka u fududeeyo.

Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubbad oo ka mid ahaa dadkii halkaa ka hadlay ayaa ballan-qaaday in ay Boolis ahaan la shaqayn doonaan Agaasimaha cusub.

Masuuliyiintii kale ee iyana halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Cali Xasan Maxamed (Cali-Asad) oo ku dheeraaday aqoonta kartiyeed ee uu u leeyahay Agaasimaha guud ee hore, isla markaana ku soo dhaweeyey Wasaaradda Agaasimaha guud ee cusub.

Maayarka Ceerigaabo Ismaaciil X. Nuur oo isna halkaa ka hadlay ayaa duco ka dib, kula dardaarmay Agaasimaha guud ee cusub in fuliyo hawlaha Gobolka Sanaag kaga xidhma Wasaaradda. Taas oo uu Wasiirka Daakhiliguna u ballan-qaaday in itaalkooda ay fulin doonaan.  “Agaasimaha cusub waxaan leeyahay yaananu tebin Agaasimihii hore, Deegaan fog ayaan ka imi ee Wasiirka ka sokeeya ha naloo fuliyo.” Ayuu yidhi Ismaaciil X. Nuur.

Maayarka Boorama Cabdiraxmaan Bile oo isna halkaa ka hadlay ayaa soo-dhawayn Agaasimaha cusub ka dib, wuxuu halkaa ka jeediyay hadal u muuqday sarbeeb. “Waxa la yidhi beribaa Nin Indho la’ ayaa Raashinka loo calaalin jiray oo iyada oo macaanka laga dhammeeyay ayaa la siin jiray, markii dambe ayaa qolo kale oo u tumaysaa timi oo aan macaanka ka dhammaynayn, sidaas oo kale inaad noqoto ayaanu kaa rejaynaynaa Agaasime.” Ayuu yidhi Maayarka Boorama.

Waxa isaguna halkaa ka hadlay taliyaha ciidanaka Ilaalada xeebaha oo balan-qaaday inay wada shaqeyn fiican la yeelan doonaan aggaasimaha cusub.

 Saylac: Siddeed Caruur ah oo Cudurka Jadeecada u geeriyooday

Hargeysa (Ogaal)- Siddeed Caruur ah ayaa la sheegay in ay ugu geeriyoodeen, islamarkaana tiro kale u jiifaan Cudurka Jadeecada  Deegaamo ka tirsan Degmada Saylac ee Gobolka Salal.

Sida aanu ka soo xiganay Shabakadda Wararka ee Ramaasnews, Isu-duwaha Caafimaadka Gobolka Awdal Cabdilaahi Muuse Yoonis ayaa shaaca ka qaaday in tiradan Caruurta ahi ay Xanuunka Jadeecada ugu geeriyoodeen Tuulooyinka Laanta Lorowda, Xariirad iyo Degmada Saylac, waxaanu ka dayriyay xaaladda Caafimaad ee deegaankaas. Isaga oo sheegay in Cudurkani faro-baas ku hayo Tuulooyinkan, islamarkaana uu cudurkani haleelay tiro kale oo Caruur ah, kuwaas oo aan dawo iyo gargaar Caafimaad toona haysan.

Isu-duwaha Caafimaadka Gobolka Awdal, wuxuu sheegay in shalay ay gargaar caafimaad gaadhsiinayaan Tuulooyinka ay Carruurtani Cudurku ku haleelay.

Dhinaca kale, Maayar-ku-xigeenka Degmada Saylac Cismaan Muumin Aare iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa sida lagu baahiyay Ramaasnews kormeer indho-indhayn ah waxay ku marayaan degmada Saylac iyo Tuulooyinka hoos yimaada, si ay tiro koob sugan ugu sameeyaan tirada dhabta ah ee dhalaanka u jiifa xanuunka Jadeecada.

Mudane ka tirsan Golaha Wakiillada oo ku taliyey in la bedelo nidaamka doorashooyinka Somaliland

“Waxaan soo jeedinayaa oo aan shacbiga reer Somaliland, Madaxweynaha  iyo  Golayaasha qarankaba  u soo bandhigayaa in sida ugu dhakhso badan oo hada ah Distoorka dib loogu furo, si looga diga-rogto nidaamkan aynu ku dhaqmayno hada, loona helo dawlad ah (Parliamentary Government ) oo…”

Hargeysa (Ogaal)- Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada, gaar ahaan xubnaha ka soo baxay xisbiga UDUB, ayaa ku taliyay in wax-ka-bedel lagu sameeyo nidaamka doorashooyinka Somaliland, isla markaana si degdeg ah loo furo Distoorka si loo furdaamiyo caqabadaha hor yaala qabsoomida doorashooyinka.

Xil. Cabdikariim Aw Cali oo shalay warsaxaafadeed soosaaray, waxa uu sheegay in furitaanka Distoorka iyo wax-ka-bedelka nidaamka doorashooyinku ay horseed u noqon karto in la helo dawlad Baarlamaanku soo dhiso, taasoo uu tilmaamay in aanay u baahnayn dhaqaale dibadeed iyo mid Maxali ah, isla markaana ay meesha ka saarayso murano iyo khalkhal siyaasaddeed oo halis geliya Nabadgelyada dalka. Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan; “Maalinimadii ay bishani ahayd 23/02/2009 waxaa Komishanka doorashooyinka qaranku Golaha Wakiilada hortooda ka cadeeyeen in ayna suurogal ahayn in doorasho la qabto 29 March  ee sananadkan 2009, sidii ay ku mudaysnayd. Waxa kale oo ay ka gaabsadeen wakhti  kale oo ay cayimaan.

Haddaba, waxaynu ognahay in habka doorashooyinka ay Somaliland qaadatay oo wadamada waaweyn ee dhaqaalaha leh sida Maraykanka oo kale ay muuqato in aynaan itaal u hayn iyo awood midna.

Inkasta oo ay tahay hab dimuquraadiyadeed, hase ahaatee ay jirto habab ka fudud kuwaas oo iyaguna Dimuquraadiyad ah sida, Doorashada  ka dhex dhalata  Golaha Wakiilada (Parliamentary Government), taasi oo aan loo baahnayn miisaaniyad iyo dhaqaale culus oo dibadeed iyo mid dalka gudihiisa kaga dhacda , had iyo jeerna aanay ka dhalan muran shaki iyo khilaaf siyaasadeed, sida ay imika arintani mar walba u keento jahawareer, muran, dib-u-dhac  iyo khalkhal siyaasadeed oo mar walba taagan. Waxaan markaa soo jeedinayaa oo aan shacbiga reer Somaliland, Madaxweynaha  iyo  Golayaasha qarankaba  u soo bandhigayaa in sida ugu dhakhso badan oo hada ah Distoorka dib loogu furo, si looga diga-rogto nidaamkan aynu ku dhaqmayno hada, loona helo dawlad ah (Parliamentary Government ) oo Madaxweynaha laga soo dhex doorto Baarlamaka gudihiisa, loona sameeyo Dawlad Ra’iisul-wasaare leh , Madaxda Xisbiyada ee hada joogta iyo cidii kale ee xisbiyada lagaga soo kordhin karo  Golaha Wakiilda marka  Distoorka wax laga bedelo  halkaana ay ka soo dhex tartanto cid kasta oo danaynaysaa. Waxaan aaminsanahay inay taasi baajin doonto inay Somaliland doorashooyinkeedu ay marwalba u dabranaato mucaawino iyo gacan shisheeye iyo in laga baaqsado culayska iyo dhibaatada u diyaar garawga doorashooyinka oo miisaanka iyo culayska ay leedahay aanu dalkani xamili karin, isla markaana ay ka timaado in dadku iyagoo aan u bislayn habka axsaabta ay si xun oo aan loo baahnayn ugu qaybsameen oo marwalba ay ka jirto arrimo waxyeelayn kara Nabadgelyada iyo xasiloonida. Ciddii danaynaysa maslaxada iyo danta umaddan, waxaa aynu ku khasbanahay in haddii Sharcigu uu khaldanyahay ama sharciga ay wax ka qaldanyihiin oo markaa caqabad ku ah ama mashkilad ku ah habsami-u-socodka  iyo xasiloonida dalka, waxay ila tahay in arrin xaq ah ay tahay in wax laga bedelo wax kasta oo caqabad ku ah ama lagu furdaamin karo mashaakilada horteena  yaala,  loona baahanyahay in laga fikiro.

Murti Soomaaliyeed ayaa odhanaysa (labadii talaababa talo ayaa ka dhex dhalata). Sidaa darteed, waxaan rajaynayaa inaanu arinku inaga noqon sidii ay murtidii Hadraawi  tidhi :-

(Daliilku hadduu cad yahay, Damiinku ma dhuuxi karo,

Shalay kama daacad noqon dantayda wixii ahaa,

Daraad ma xasuusan karo waxaan dibin-daabyo falay).”

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

 

 

 

 

 

 

           



 

 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.