Maxaa Loo Waayey Oday Reer Boorama Ah Oo Yidhaahda Rayaalow Joog, Mise Waxay Kula Safan Yihiin Jidkii Ay Eeday Beeshii Siyaad Barre?

Faalo – Maxamed Cumar, Weriyaha Haatuf ee Boorama

Somaliland waxay maraysaa meel isgoys ah oo aan la garanayn jidka ay reer Somaliland qaadi doonaan mustaqbalka. Sidaas oo ay tahay waxa muuqata sansaan kale oo ka duwan kuwii aan hore u naqaanay ee ku dhammaan jiray musaalaxda iyo sasabaha mucaaradka, iyo hanjabaadihii loo jeedin jiray cid kastoo isku dayda inay raacaan jidka isbedel doonka ah.

Waxa la ogyahay in Rayaale madaxtooyada ku dhammaystay laba iyo toban sanadood, oo uu toddoba sannadood ku dhawaad madaxweyne ahaa, shanta kalena ku xigeen ahaa, welina uu ku sii adkaysanayo inuu gar iyo gardaraba ku sii joogo qasriga madaxtooyada.

Sidoo kale ayaa la og yahay inaanay maanta jirin rajadii reer Somaliland ku doonayaan inay si xor ah oo dimuqraadi ah dalkii ay u soo dhinteen ugu sameeyaan hoggaan kale oo u keeni kara horumar, balse niyad wanaagga ay u hadlayaan beelaha dhexe ee Somaliland ay waran ku tahay Rayaale iyo beelaha reer Boorama ee haybta ku taageera, waxaana iska caddaan ah in hadalada ka soo yeedhaya maamulka Rayaale iyo waxa hoosta ka socda aanay is lahayn. Isla markaana ay komishankii doorashooyinkuna qirteen in aanay suuragal ahayn in doorashooyin dhacaan 29ka bisha soo socota March, 2009, taas oo ah wakhtigii lagu heshiiyey inay dhacaan doorashooyinka Somaliland.

Waxa kale oo aan ognahay dagaalada hoose ee siyaasadeed ee ay xukuumaddu ku haysay Golaha Guurtida hoggaankiisa, kaas oo la ogyahay sida Rayaale ugu fashilmay xil ka qaadista shirguddoonka, Saleebaan Maxamuud Aadan, oo haatan odayaashii Guurtidda ee dagaalka ku ridi kari waayey ku dayayaan sabaale inay kaga qaadaan kursiga.

Sidoo kale waxa laga dharagsan yahay in Xisbigii UDUB ee ay reer Somaliland codkooda siiyeen maanta yahay UDUB kale, oo laba nin leeyihiin, bannaankana looga saaray raggii xisbigaasi u horseeday inuu dalka xukuumo. Waxaas oo dhammi waxay muujinayaan duruufaha xukuumadda Somaliland ku doonayaan inaan Soomaali kula mid noqoto dalka Soomaaliya.

Haddaba markaad eegto waxa dalka ka dhacaya, iyo dabaylaha siyaasadeed ee aan la ogeyn dhinac ay geyn doonaan Somaliland, ayaan dadweynaha reer Awdal, siyaasi, culimo, oday dhaqameed iyo waxgarad kaleba aan laga haynin talo iyo tusaale dalkan lagaga badbaadin karo waxa ku soo fool leh.

Marka laga reebo shakhsiyaad si aad ah looga neceb yahay gobolkan oo ku jira xisbiyada siyaasadda ee mucaaradka, waxaad mooddaa in taageerayaasha xukuumadda Rayaale iyo beelo gaar ahi badankoodu doonayaanba inaan dalka doorasho ka dhicin, iyagoo dhinaca kalena aad mooddo inay raalli ku yihiin falalka ka baxsan shuruucda dalka ee uu ku dhaqmo Daahir Rayaale iyo xukuumaddiisu.

Lama hayo madaxdhaqameed ama waxgarad weli Rayaale yidhaa “Abaalkii beelaha dhexe inaad ku dhaqanto siday kugu doorteen si la mid ah ‘waxaanad mooddaa inay u riyaaqsan yihiin waxyaalaha meel ka dhaca ah ee uu ku dhaqmayo Rayaale iyo la taliyayayaashiisu, waxaan maqlayey sheekooyin la xidhiidha sida loo boobay xaqii UDUB ay ku lahaayeen Cabdilaahi Darawal iyo Ismaaciil Yare, sheekooyinkaas oo lagu sheegeyo in Rayaale iska celiyey siyaasiyiintii uu webiga kaga soo tallaabay, kuna faraxsan yihiin in sidaas oo kale loo galo saleebaan Gaal iyo kuwa la socdaba si gogosha Rayaale ugu sii taallo madaxtooyada, .

Weli Odayaasha reer Boorama, kama muujin dareen ku saabsan xeeladaha siyaasadeed ee Rayaale ku doonayo inuu xoog iyo xoolo, iyo xeerba ku sii haysto dalkan 17 sannadood caalamka go’doonka ka ah. Waxaan xusuustaa hadal Marxuum Cigaal u jeediyey reer tolkii mar uu Berbera Booqasho ku tegey isagoo yidhi ‘Reer Berberoow idiinka tegi maayo taariikh keeni karta in sidii mareexaanka la idin u gaadhsado, ee isku tashada‘, Rayaale waxaad moodda inuu garab maray dardaaraankii Marxuum Cigaal isagoo wejiyo kala duwan kula shaqaysta taageerayaashiisa Boorama, iyo beelaha dhexe ee dalka.

Rayaale waxa uu magacaabay wasiirro uu marxuum Cigaal iska ilaalin jirey oo uu iska fogayn jirey, oo ay ka mid yihiin wasiirka maaliyada.

Maanta reer Boorama kama mideysna doorashada Rayaale sidii waagii hore, Beelaha dhexena kama mideysna doorashada UDUB, waxaase waajib ahaa in reer Boorama maanta garawsadaan sidii fiicnayd ee loo qabtay Rayaale markii madaxtooyada Hargeysa la geeyey 12 sano ka hor, waxaanad mooddaa inay weli Rayaale u arkaan geesi iska celiyey beelihii colaadda sokeeye soo kala dhex martay reer Awdal, sacabkana u tumaan mar kasta oo mujaahid ka mid ah beelaha dhexe iyo reer Booramaba uu xidho, xil ka qaado, ama bahdilaad ku sameeyo taasina ay tahay waxyaalaha reer Awdal u keeni kara godobaha aan la ogeyn wakhti lala xisaabtamo, .

Waxa kale oo la ogyahay in qaybo ka mid ah beelaha dhexe ee taageray Rayaale ay maanta siyaasiyiin ka tirsani ka tirsan yihiin mucaaradka, Sida Dr Gaboose, Cabdi Aw Daahir, iyo qaar kale oo badan, reer Boorama weli waxay aaminsan yihiin in Rayaale oo kursiga ka tegaa u tahay guuldarro, maadaama kursigaasi u soo jiiday awood aanay lahayn beelihii taageeri jiray SNM.

Ugu dambayntiina waxa odayaasha reer Boorama iyo waxgaradka gudo iyo debedba looga fadhiyaa inay ka talo bixiyaan mustaqbalka dalka, inankoodana xusuusiyaan shalay, kana qabtaan gardarada iyo abaal la’aanta uu ku hayo beelihii, siyaasiyiintii iyo shakhsiyaadkii sababta u ahaa madaxweynenimadiisa, haddii kale waxay noqon doontaa in godobaha Rayaale ee xaddi dhaafay reer Awdal iyo isagaba u horseedaan jidkii la mariyey xukuumaddii afweyne iyo Beeshiisii Marreexan.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.