Isku Day Xukuumaddu Ku Muujinaysay In Weli Laga Taageersan Yahay Gobolka Saaxil Oo Fashilmay

Hargaysa (Somalioland.org)- Xaflad ay soo abaabushay xukuumadda Madaxwayne Riyaale oo ay ku soo ururisay Cuqaal iyo dad ka soo jeeda gobolka Saaxil oo lagu waday inay maanta ku qabsoonto magaalada Laalays  ayaa baaqatay.

Xafladan ayaa sida la sheegay waxay qayb ka tahay sidii xisbiga UDUB uu u muujin lahaa in dadweynaha gobolka Saaxil ay wali taageersan yihiin xisbiga UDUB.

Tallaabooyinka noocan ah ee ay xukuumaddu qaadayso ayaa ka dambeeyay markii ay aragtay awooda awooda taageero ee bulshada Saaxil u hayso xisbiga KULMIYE.

Xafladan taageero muujinta ah ee Xukuumadu soo abaabushay ayaa lagu wadaa in maalinta khamiista lagu qabto magaalada Laalays.

Todobaadkii aynu soo dhaafnay dadwayne tiro badan oo isugu jira bulshada reer Saaxil iyo Togdheer ayaa sheegay in ay si buuxda ugala noqdeen taageeradii ay siin jireen xisbiga UDUB, kuna biireen xisbiga KULMIYE.

Deegaanada Laasgeel iyo Dhubato ayaa iyaguna muujiyay taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE, mar uu dhawaan deegaanadaasi booqasho ku tagay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland.

Dadkii soo dhawaynayay Madaxwayne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa waxay lulayeen calanka iyo astaanta xisbiga siyaasiga ah ee mucaaridka ugu wayn ee KULMIYE

Axmed Maxamed Saleebaan (Ilkacase), Hargaysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.