Ganacsatada Ku Hawlan Boobka Hantida Guud ee Qaranka

Ilaa iyo markii xukuumadda Daahir Riyaale Kaahin talada dalka qabatay waxa qaranka gacantiisa ka baxay hanti aad u badan oo ay ku jirto lacag, gaadiid iyo dhulalba kuwaas oo aan laga haynin wax raad ah sidii loo bixiyay iyo meesha ay ku dambaysay lacagtii lagu iibiyay.

Hantidaas oo sifo sharci darro ah uga hoos baxayay ummadda masuuliyaddeedana ay lahaayeen xubno ka tirsanaanjiray, iyo kuwa imikaba ka tirsan xukuumadda maanta joogta iyo goleyaasha degaanka.

Waxa in la xusuusiyo mudan ganacsatada iibsanaya hantidaas ee u haysta inaan sharcigu kaga daba iman doonin in malahoodu beenyahay. Ganacsatadaasi waxay si buuxda uga dheregsanyihiin sifaha sharci-darrada ah ee ay kula wareegayaan hantida ma guuraanka ah, waxana ay ugu badheedheen khamaar in haddii xukuumadda Daahir Riyaale sii joogto ama mid aan ka duwanayni beddesho, ay hantida qaranka ee ay bililiqaysteen ay gacantooda ku sii jirayso amaba haddii dib loogu celiyo ummadda ay sheegandoonaan lacagtii kaga baxday sidaa darteed aanay marnaba khasaare joogi doonin.

Malahaasi ama khamaarkaasi waa been, haddii laga sadaaliyo rabitaanka shacbiga Somaliland. Waa marka hore e haddii la doorto mid ka mida labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE-ba khamaarkoodu wuxuu u egyahay mid beenoobi doona oo xitaa haddii ay ka caga jiidaan aan shacbigu ka yeelli doonin in xukuumaddoodu sharciyayso bililaqaysiga saamiyada muwaadin kastaaba ku leeyahay hantida danta guud ee gashay gacanta ganacsatadaas. Waa marka labaade khamaarkooda ah in xukuumadda Riyaale sii joogi doonto ayaa ku salaysan riyo gaaban oo ah in dalkani ku dambayn doono diktaatooriyad, waayo haddii aan joogitaanka xukuumadda Riyaale ku iman boob iyo cabudhin, uma eka xisbiga Daahir Riyaale mid shacbiga codad ka helaya haddii doorasho xalaal ahi dalka ka dhacdo.

Khamaarka ganacsataasi wuxuu u egyahay mid ku saqiiri doona wax gu’ ka yar madaama aan xukuumadda Daahir Riyaale baajin karin rabitaanka dadweynaha ee inay codkooda ku doortaan madax daacad u ah diyaarna u ah inay ilaaliso hantidooda.

Ganacsatadaasi way ogyihiin, iyaga iyo xubnaha masuuliyiinta ay shuraakada kula yihiinba inay gacmaha dembi kula jiraan, maadaama ganacsatadaasi ay ku hawlanyihiin dhiirrigelinta bililiqaysiga hantida iyo dhiirrigelinta tuugada iyo laaluushka masuuliyiinta xilalka haya, iyada oo dunida oo dhan ay ka jirto sharciyo ciqaab ah oo lagu qaado dadka falalkoodu tooska u dhiirrigeliyo tuugada isla markaana ugu badheedha. Ha ogaadeen in Somaliland aanay ka duwanaan doonin dunidaaas isla markaana ay mutaysan karaan ciqaab culus haddii ay ku caddaato inay kalkaaliyeen boobka dhulalka danta guud ah. Hana isku qanciyeen in aanay jiri doonin lacag looga celiyo dhulalka ummaddu dib ugala soo noqondoonto.

Mudane Siciid Cilmi Roobe, oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada ee la soo doortay, ayaa waraysi uu siiyay idaacadda Radio Horyaal wuxuu dadka aan sharciga’aadka u aqoonin ugu caddeeyay darqiiqa sharica ah ee loo maro bixinta dhulalkaas inay tahay in marka hore ay talada iibku ka timaaddo golaha degaanka kadib marka uu arko wadatashi baahsanna ka sameeyo ayna ku caddaato qiimayntaas, in qaranka ay ugu jirto faa’iido in dhulkaa la iibiyo. Taasoo macnaheedu yahay in aan talada iibku ku imanin baahi nin masuul ahi qabo ama damac nin ganacsade ahi la yimid ee ay ku timaaddo baahi qaranku qabo.

Mudane Siciid Cilmi Rooble wuxuu tilmaamay in xukuumaddani aanay ahayn mid sharci ku iibin karta dhulalka maadaama ay tahay ku meelgaadh wakhtigeedii dhamaaday.

Mudane Siciid Cilmi Rooble isaga oo dadka aan aqoonta u lahayn u kala caddaynaha qaabka lagu wareejin karo hanti qaran wuxuu sheegay in talada golaha degaanka ka dib ay u soo gudbiyaan golaha gobolka oo isna marka uu qiimeeyo ee uu ku qanco u gudbindoona xukuumadda, oo iyaduna haddii ay ku qanacdo in danta ummaddu ku jirto u gudbindoonta guddida qandaraasyada qaranka. Marka guddidaasi qabato, waxay u maridoontaa nidaam cad oo ummadda oo dhami markhaati ka tahay, looguna soo bandhigo qofkii dani kaga jirtaana uu ugu tartami karo iibsigeeda. Lacagta ka soo xeroota iibku waxay ku dhacaysaa khasnadda dhexe ee xukuumadda. Wuxuu xildhibaan Siciid sheegay in tallaabooyinkaas oo dhan ay tahay in laga soo wargeliyo Golaha Wakiilada.

Tilmaantaas uu mudanuhu ka bixiyay sifaha sharciga oo uu sheegay inaan lagu dhaqmin marka dhulalkan la bixinayo, wuxuu uga digay ganacsatada in waxa ay ku kacayaan sharci darro tahay. Hadalkaas mudanaha oo ah mid aad u muhiim ah maadaama dadka ku kaca dembiyadu ay ku doodaan layma sheegin ama kamaan warhayn sidaa darteedna aanay heli doonin wax marmarsiyo ah iyada oo imika iyo marar badan oo horeba si cad loogu sheegay.

Haddaba dhulalkaas sida sharci darrada ah loogu wareejiyay ganacsatada, sida sharcigu dhigayo wali waa dhul hanti guud oo qaranku leeyahay, lacagta ganacsatadu bixisayna waxay ka dhigantahay mid ay iska siiyeen qof aan dhul aanuu lahayn iibinaya taasoo aan looga tixgelindoonin maxkamadaha hortooda.

This entry was posted in Elections. Bookmark the permalink.

Comments are closed.