Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Sharci-darro Ku Iibiso Dhulka Danta-guud Ee Dalka

Hargaysa (Somaliland.org)- Guddoomiyaha Guddida arrimaha gudaha, difaaca iyo nabad-gelyada ee golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay sifo sharci darro ah ku iibiso dhulka danta guud ee magaalooyinka waawayn ee dalka.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo aanu maanta Waraysi la yeelanay waxa uu sheegay in xukuumadda Madaxwayne Riyaale ka iibisay qaar ka mid ah Ganacsatada waawayn dhul dan guud ah oo ku kala yaala meelo kala duwan oo dalka ah; sida xaafadda India-linka ee magaalada Hargaysa, xaafadda Laynka Booliska oo la hadalhayo in ay dhawaan iibisay iyo xaafadda ku taala duleedka magaalada Berbera oo ay degenaayeen dad danyar ah, dhulkaasi oo uu xildhibaanku sheegay in aan loo marin sifo sharciga waafaqsan; isla markaana aan la garanayn meel la geeyay lacagtii laga qaaday tijaarta iibsatay.

Xildhibaan Siciid waxa uu uga digay ganacsatada dalka in ay hantidooda geliyaan dhulka ama hanti kale oo dan guud ah oo aanay u marin hab sharciga waafaqsan.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu xukuumadda haysa talada dalka ee uu dhamaaday wakhtigii sharciga ahaa ee la doortay; isla markaana uu gabaabsi yahay mudadii sannadka ahayd ee loo kordhiyay. Sidaasi dartedna aanay banaanayn buu yidhi in xukuumadu ay bilawdo boob iyo hanti urursi, taasi oo uu sheegay in ay u hanti urursanayso ololaha doorashada

Axmed Maxamed Saleebaan (Ilkacase), Hargaysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.