Togdheer: Raashin loo Qaybiyey 12,887 Qoys oo Danyar ah

Togdheer:  Raashin loo Qaybiyey 12,887 Qoys oo Danyar ah
Burco (Somaliland.Org)- Hay’adda wadaniga ah ee ADO , ayaa raashin mucaawimo ah u qaybisay 12,887 qoys oo ku kala nool 108 tuulo oo ka kala tirsan degmooyinka Oodweyne, Burco iyo Buuhoodle.
Faysal Kayse Cumar oo ah sarkaalka madaxda ka ah qaybinta deeqdaas ayaa Wariye Kayse A.digale u sheegay in raashinkani qayb ka yahay gurmadka deg-degga ah oo loogu talogalay dadka ay saameeyeen   abaaraha iyo sicir-bararka meceeshadaha daruuriga ah, si loogu kabo nolol-maamlmeedkooda, “Raashinkan waxaanu u qaybinay bulshada danyarta ah, waxaannu socon doonaa muddo saddex bilood ah,” ayuu yidhi sarkaalku, isagoo intaa ku daray in hawlaha qaybinta raashinkani ka soo dhammaatay degaannada Oodweyne, jiidda Burco-na ka socoto, dhinaca Buuhoodle-na dhowaan ka bilaabmi doonto.
Raashinka mucaawimada ah oo ay ku bixisay hay’adda WFP, qaybintiisana u xilsaaran tahay hay’adda ADO , waxa uu ka kooban yahay saliid, hadhuudh iyo boorash, iyadoo hawshaasina socon doonto muddo saddex bilood ah.
Sidoo kale Inj.Cabdi Raabbi oo isaguna ka mid ahaa hawlwadeennada ku hawlan qaybinta raashinkaas ee jiidda Gobolka Oodweyne, ayaa sheegay in si fiican loogu qaybiyay raashinka deeqda ah ee loogu talogalay degaannadaas, si wanaagsanna hawshaasi ku dhammaatay.
Mid la mid ah deeqdan raashinkan ah ah ayaa sannadkii hore hay’adahani ugu qaybiyeen 9727 (sagaal kun toddoba boqol iyo toddoba iyo labaatan) ka mid ah qoysaska danyarta ah ee deggan gudaha magaalooyinka Burco, Oodweyne iyo Buuhoodle.
Qaybinta raashinkan kaalmada ah ayaa ku soo beegantay wakhti xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday in dalka ka jiraan abaaro baahsan, sidaa daraadeed waxa ay hay’adaha samafalka ah ugu baaqday in la soo gaadhaan gurmad degdeg ah.
Burco, Somaliland
Somaliland.Org
This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.