Wararka Wargeyska OGAAL: Diblomaasiyiin iyo Ganacsadeyaal Faransiis ah oo ka xog-waramay ujeedada socdaal ay ku joogaan Hargeysa

Hargeysa (Ogaal) – Diblamaasiyiin iyo Ganacsadayaal Faransiis ah ayaa shalay Booqasho ku yimi dalka Somaliland, Islamarkaana waxa ay sheegeen in ujeedadooda socdaalkoodu la xidhiidho arrimo ganacsi iyo ka qayb-gelka bilowga Xafiis Baan BCIMA oo Faransiis ahi ka furaynayo Hargeysa.

Waftigan oo xalay wareysi gaar ah hotel Mansoor ku siiyay Wariyayaal ka socda Wargeysyada Ogaal iyo Haatuf, waxa ugu horeyn qeybaha waftigan iyo ujeedadooda faah-faahin ka bixiyay, Xoghayaha koobaad ee Safaaradda Faransiiska ee Djibouti Thierry Choinier oo horkacaya waftigan, waxana uu sheegay in wafti ahaan ay  isugu jiraan Saraakiil ka kala socota wasaarada arrimaha dibada ee Faransiiska,  Safaaradda dalkaasi ku leeyahay Djiboti iyo saraakiil mataleysa shirkaddo Ganacsi. Waxana uu sheegay in ujeedada ugu weyn ee ay Hargeysa u yimaadeen ay tahay ka dumlamaasiyiin ahaan inay dhiiri geliyaan xidhiidhka ganacsi ee Somaliland iyo Faransiiska.  “Sidoo kale, waxa Beri (Maanta) imanaya Safiirka dawlada Faransiiska u fadhiya Kenya, Waxaanu kullan la yeelanaynaa Wasiirka arrimaha dibada Somaliland, waxa kale oo aanu tageynaa Dekada Berbera beri (Maanta), Axadana waxaanu ka qayb-gelaynaa xaflad loo sameynayo Furitaanka Xafiis Baan Faransiis ahi ka furanayo Hargeysa (BCIMA). Waxaanu ku faraxsanahay inaanu xidhiidh dhaqan dhaqaale la yeelano Somaliland.” Sidaas ayuu yidhi Xoghayuhu. Choinier, waxa uu sheegay  oo kale inay kullamo la yeelanayaan Wasiirrada Maaliyada iyo Arrimaha Gudaha. “Tusaale ahaan, Waxa jira urur ay leeyihiin dadka reer Somaliland ee ku hadla Afka Faransiiska dadkana bara Luuqadan oo aanu  taageero.” Sidaas ayuu yidhi Choinier oo aanu weydiinay ilaa hadda xidhiidhada ay la leeyihiin Somaliland iyo hadii uu jiro door ay ku leeyihiin geedi-socodka horumarinta addeegyada bulshada. waxana uu intaa ku daray isaga oo ka jawaabaya su’aal aanu ka weydiinay taageerada ay u geystaan Xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Faransiiska. “Dawlada Somaliland ayaa leh awooda ay kaga furatay Xafiiska Paris (Farance), sababtoo ah, waxaanu aqoonsanahay waxa Somaliland u qabsoomay.”

Thierry Choinier oo ka jawaabaya su’aal la xidhiidha qaababka dawladoodu u waajahdo budhcad badeeda oo inta badan xoog ah iyo cawaaqibka ka dhalan kara, waxa uu ku dooday in taas ay u suurtagelisay awooda mulatarigoodu. “Hawl-galada aanu ku qaadney Budhcad-badeedu waxay muujineysaa Awooda Ciidankayaga.” Ayuu yidhi.

Thierry Caboche oo ah Wakiilka Wasaarada Arrimaha dibada ee Faransiiska u qaabilsan dalalka Geeska Afrika ee Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Somalia iyo Somaliland, ayaa  ka waramay sidoo kale, xidhiidhka Somaliland iyo Faransiiska, “Sidaad ogtahay Faransiisku waxa uu horumarinayay xidhiidhka uu la leeyahay masuuliyiinta Somaliland, sidoo kale waxa Somaliland u jooga Paris wakiil. Anaguna sidoo kale, waxaanu xidhiidho kala soo sameynaa Somaliland safaaradayada Djibouti, waxa kale oo iyana jira hawl-galo kala duwan oo masuuliyiinta Somaliland ku yimaadeen Djibouti, si ay xidhiidho halkaa uga abuuraan. Taasina waxay ahayd 2007-dii, waxa iyaguna jiray safaro Safaaradayada Djibouti ku timi Somaliland si ay u horumariyaan xidhiidhada una bartaan hogaanka Somaliland. Islamarkaana u fahmaan arrimaha Gobol ahaan, laga soo bilaabo 2007 Faransiis ahaan waxaanu la lahayn Somaliland xidhiidho kooban, waxaanan u maleynayaa in aanu yaqiinsanay in xidhiidhadaasi ay ahaayeen kuwo muhiim ah, sababta oo ah marka ugu horeysa waxay calaamad u tahay dhiiri-gelin aanu ku siineynay si masuuliyiinta Somaliland ku sii taagnaadaan hanaankooda horumarineed iyo dimuqraadiyadeed.

Waxa kale oo xiise leh, in Faransiiska uu joogo oo uu xafiis ku leeyahay Paris, shaqsi (Fagadhe) matalaya oo wakiil u ah Somaliland, sidaa daraadeed, waxa uu fududeynayaa xidhiidhada ka dhexeeya Somaliland iyo Farance, taasina waa hawsha uu haatan ku jiro Ambassator Fagadhe.” Sidaas ayuu yidhi Thierry Caboche.

Sanadkii aynu ka soo gudubnay bishii september 2008, waxa jiray wafti Madaxweyne Rayaale hogaaminayay oo booqday dalka Faransiiska, waxana la is weydiin karaa saameynta socdaalkaasi yeeshay iyo inuu wax ka badaley arragtida siyaasadeed ee dawlada Faransiiska ku cabirto Somaliland. Sidaa daraadeed,  Su’aal arrintaa la xidhiidha oo aanu weydiinay,  wakiilka wasarada arrimaha dibada Faransiiska u qaabilsan Geeska Afrika Thierry Caboche waxa uu ku jawaabay. “Waxaan u maleynayaa, waxba ismey badelin ee weli waxaanu ku soconaa jihadayadii siyaasadeed ee aanu ku horumarineynay xidhiidhada ka dhexeeya masuuliyiinta dalkayaga iyo masuuliyiinta Somaliland, markaa wax is bedal ahi ma jirin. Laakiin, cadaymaa jira muujinaya in Somaliland ay u qalanto ku xisaabtan, islamarkaana si dhow ayaanu ulla soconaa arrimeheeda. Marka lagu darro horumarinta dhinaca dhaqaalahana, waa sababta ugu muhiimsan ee socdaalkayagani ku saleysan yahay taasoo ah isku xidhka dhaqaalaha. Waxaan u melaynayaa inay tahay markii koobaad ee aanu Somaliland la nimi talaabooyin horumar leh, taasoo aan filayo inay tahay muhiim.”sidaas ayuu yidhi.

Thierry waxa uu ka hadlay arrimaha budhcad badeeda oo uu sheegay in Faransiisku door muhiim ah ku leeyahay dedaalada lagaga hortegayo khatarta budhcadbadeedu ku hayso Gobolka iyo dunidaba. “Waxaanu bilownay hawl-geladan November 2007, ka dib markii Madaxweynaha Faransiisku soo dhigay in la ilaaliyo Maraakiibta u raran hayada WFP ee meel kasta oo ka mid ah Somaliya u sida cuntada, kuwaasoo khatar kala kulmayay budhcad badeeda, badhkoodna la afduubay. Sidaa daraadeed, marka ugu horeysa waxaanu bilownay inaanu gelbino Maraakiibta deeqda sida. Taasoo ay nagaga deydeen wadamada Denmark, Canada iyo Holand. Intaa ka dib-na waxaanu door muhiim ah ka ciyaarney dar-der gelinta qaraarkii Marykanku soo dhigey ee ahaa 18/16, si uu noo siiyo awood aanu ku fara-gelino biyaha gudaha Xuduudka Soomaaliya.”ayuu yidhi, sidoo kale, waxa uu sheegay in Faransiiska oo ah wakhtigan Madaxweynaha midowga Yurub uu door ka qaato hawl-galo uu sheegay in lagu ilaalinayo  Gacanka Cadmeed.

     Isaga oo ka sii hadlaya arrimaha ka hortagista budhcad-badeeda waxa uu sheegay Wakiilku, in xidhiidh iskaashi ay kala leeyihiin Somaliland. Waxana uu intaa ku daray oo uu sheegay in dhinaca Argagixisada sidoo kale ay iska kaashadaan Somaliland iyo Faransiisku oo ay is dhaafsadaan macluumaadka. Waxana uu ku dooday in ay kaalin ka qaateen daweynta dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Hargeysa ka dhacay 29/10, kuwaasoo la geeyay Djibouti. 

Thierry Caboche mar aanu wax ka weydiinay arrigtidooda doorashooyinka soo socda ee Somaliland iyo doorka ay ku leeyihiin waxa uu sheegay inay la socdeen qaabka diiwaan-gelintu uga dhaceysay Somaliland, “Waxaana aanu si aad u dhow ulla soconeynaa doorashada, Islamarkaana waxaanu aad ugu faraxsanahay oo aanu rajeynaynaa in doorashooyinkaasi ku dhacaan hanaan cadaaladeed iyo sida ugu dhaw ee dimuquraadiyadeed…ta aqoonsiga Somaliland, Faransiis ahaan iyo ka Midowga yurub ahaanba waxa aanu aaminsanahay inay arrintaasi u taalo Somaliland, masuuliyiinta koonfurta Soomaaliya iyo midowga Afrika, islamarkaana waa arrin ay tahay in ay wadamada Afrika iyo midowga Afrikaanku ku talaabsadaan ugu horeyn, dabadeedna ay la socodsiiyaan beesha caalamka waxa la yeelayo.”

Madaxa waaxda ganacsiga ee safaarada Faransiiska Emmanuel BOROS, oo su’aalo door ah aanu ka weydiinay socdaalkooda Hargeysa, waxa uu sheegay in ay taageersan yihiin ka safaarad ahaan, hanaanka Baankan lagu furayo iyo ka shaqeyntiisuba in ay ka sii socoto Somaliland. “Sidoo kale, waxaanu halkan u nimi sidii aanu u heli lahayn macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan arrimaha ganacsiga iyo xaallada Somaliland, si aanu markaa ulla socodsiino macluumaadka ay Somaliland uga baahanyihiin shirkadaha Faransiiska ah ee xiiseyn kara inay Somaliland yimaadaan si ay u maalgashadaan… Haddii markaa ay wanaagsanaadaan macluumaadka aanu helaa, waxaanu rajaynaynaa in natiijooyin wanaagsani ka soo baxayaan.”

Boros waxa uu sheegay in arrimaha la xidhiidha ganacsiga Somaliland iyo Faransiiska, ka safaarad ahaan uu bilaabey Afar bilood uun ka hor welina ay cusub yihiin balse ay rajeynayaan in Guulo laga gaadho. “Haddana waxa illa socda laba shirkadood oo waaweyn, kuwaasoo mid ka mid ahi (Baanka) bilowday ganacsigeeda.” Ayuu raaciyay hadalkiisa.  

Hugues Haubois oo ah maamulaha shirkad ka shaqeysa addeegyada Dekadaha iyo madaarada (SDV, TRANSAMI) oo waftigan ka mid ah ayaa  wariyayaasha u sheegay dhiniciisa in shirkadiisu indha-indhaynayso guud ahaan hawlaha ganasiga, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha dejinta iyo rarka Gaadiidka kala duwan ee bada, hawada iyo berigaba, taasoo uu sheegay inay ay kaga shaqeeyaan shirkad ahaan 88 wadan oo ku kala yaala caalamka oo dhan. “Imika xafiis noogama furna Somaliland. Laakiin, jaanis waanu u leenaahay inaanu xafiis ka sameysano. Waana taas, sababta aanu halkan u nimi.” Sidaas ayuu yidhi Hugues,

Hugues oo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyay in xukuumada Somaliland ay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha hawlaha shirkadoodu qabato, waxa sheegay in socdaalkiisani uu yahay markii ugu horeysay ee ay Somaliland shirkad ahaan yimaadaan, sidaa daraadeedna ay wakhti ku qaadaneyso, islamarkaana ka dib marka ay ka laabtaan safarkoodan ay eegi doonaan baahiyaadka jira Somaliland ee ay shirkad ahaan buuxin karaan.

Waftigan Faransiiska ah oo ka kooban todobada Xubnood, shalay gelinkii horena ka soo degay Hargeysa, Islamarkaana ilaa Axada bari sii joogi doona, qaar ka mid ah oo u badan Saraakiisha masuulka ka ah Baanka laanta ka furanaya Hargeysa, nooma ay suurtegelin in aanu la kullano. Hase ahaatee, dhinaca Somaliland masuuliyiinta la socota marka la eego waxa ka mid ah. Cali Ismaaciil Xassan oo ah xoghayaha koobaad ee safaarada Somaliland ee Faransiiska, sidoo kalena u qaabilsan arrimaha ganacsiga. Cali  waxa uu sheegay in socdaalkii dhawaan Madaxweyne Rayaale ku tagey dalka Faransiisku muhiimad weyn lahaa, islamarkaana dedaalka ugu weyn ee ay ku jiraan Safaarad ahaan ay tahay, ka sokow arrimaha siyaasada inay Somaliland hesho maalgashi dibadeed iyo in shirkadaha caalamiga ahi u soo jeedsadaan iyagoo ka duulaya sida uu hadalka u dhigay siyaasada wasaarada arrimaha dibada ee Somaliland.   Dhamaan arrimahan Baanka su’aalo dheeraad ah oo ka furaa Masuuliyiintani waa ay ka gaabsadeen.

 

Sheekh Shariif oo loolan adag ka dib ku guuleystay Madaxweynenimada Somaliya

Jabuuti (RTD/Ogaal)- Baarlamaanka dib u habeynta lagu sameeyay ee dawladda Kumeel-gaadhka Soomaaliya, ayaa xalay niskii dambe Madaxweyne cusub u doortay hogaamiyihii isbahaysiga dib u xoreynta Garabka Djibouti Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ka dib markii uu dhowaan xilkaa iska casilay Cabdillaahi Yuusuf Axmed.

Doorashadan oo ay loolan adag u galeen inka badan toban Murashax, waxaa goob-joog ka ahaa Raysal-wasaaraha Jabuuti, Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Diblomaasiyiin ka socda dalalka Shisheeye, wakiilo ka socday hay’addo, ururo Caalami ah iyo shaqsiyaad kale. Iyadoo wareegii saddexaad ay 126 xubnood oo ka mid ah 425 Xildhibaan oo fadhigaa ka qaybgalay u codeeyeen Maslax Maxamed Siyaad Bare, halka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo u baahnaa kaliya kala badh xildhibaanadu uu helay ku dhawaad 300 oo mudane (293) Aroortii hore ee saaka, iyadoo codbixintu jiitameysay ilaa fiidkii hore ee xalay.

Coddaynta doorashadan oo ka socotay Guriga Umadda ee Jabuuti, waxay Xildhibaanada isku-dhafka ah ee awood-qaybsiga Xukuumadda TFG iyo Mucaaradka qayb ahaan ku dhisani gudo galeen fiidkii xalay.

Jewigii Shirka iyo qaabkii codbixinta:

Fadhiga Baarlamaanka ee doorashada Madaxweynaha cusubi, wuxuu ku bilaabmay, islamarkaana uu ku socday ilaa gabagabadii jewi degen. Guddiga Doorashadu waxay diyaariyeen dhammaan agabkii doorashada lagu gelayay, sida waraaqihii codbixinta. Sidoo kale, waxaa la diyaariyay hawlwadeenada kale ee doorashada ka shaqaynayay.

Doorashadu waxay ahayd mid qarsoodi ah, waxaana la dhigay 4 Sanduuq oo Quraarad ka samaysan, kuwaasoo dhammaantoodba qufulo saarnaayeen, waraaqaha codbixintana lagaga ridayay jeexdin yar oo liid ah oo loogu talogalay. Xildhibaan kasta marka uu codaynta dhiibanayay, waxay Guddigu yeedhinayeen magaciisa, ka dibna marka ay Kaadhkiisa aqoonsiga arkaan waxay siinayeen waraaqda Codbixinta. Iyadoo doorashadan si toos ah loogala socday T-v-yada daafaha dunida. Markii ay dhammaatay codbixinta wajigeedii koowaad, Murashax kastaa wuxuu soo magacaabay xubin wakiil uga noqota tirinta iyo la socoshada wareegyada dambe ee codaynta. Guddiga Doorashad ayaa ka codsaday Guddoomiyaha Baarlamaanka, ahna sii-hayaha xilka Madaxweynenimo Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sh. Madoobe) inuu u furo Sanaadiiqda, kuwaasoo uu Fureyaashooda sitay, wuxuuna mid mid Guddiga ula tiriyay codadkii Murashaxiintu kala heleen.

Murashaxiinta wareegii koowaad galay iyo tirooyinkay kala heleen:

Wejigii u horeeyay ee coddaynta doorashada, waxaa tartanka Madaxweynenimada ka qaybgalay 11 Murashaxa, halka kuwo kalena ka tanaasuleen ka hor intii aanay coddayntu bilaabmi. Murashaxiinta Xildhibaanadu wareegii koowaad u coddeeyeen oo shan ka mid ahi kaalinta koowaad ku hadheen, waxay wareegii u horeeyay codadka Xildhibaanada u kala heleen sidan;

1. Axmed Xaashi Maxamuud                            9

2. Cali Xaashi Dhoore                                        2

3. C/raxmaan Cabdi Xusseen (Guul-wadde)                10

4. Cali Khaliif Galaydh                       31

5. Cawad Axmed Cashara                                5

6. Maslax M. Siyaad                                            60

7. Maxamed Cismaan Aadan Edsan               25

8. Muuse Macalin Yuusuf                  4

9. Nuur Xasan Xusseen (Nuur-cadde) 59

10.Shariif Sh. Axmed                                          215

11.Yuusuf Cumar Azhari                    2

Iyadoo sida Guddigu ku dooday ay saddex cod oo keliyi xumaadeen. Markii ay dhammaatay tirinta codadkii Murashax kastaa ka helay wareegii koowaad ee codbixinta, isla markaana uu cod-bixinta ku hogaaminayay Sheekh Shariif Sh. Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanku waxa uu ku dhawaaqay in lix Musharax ku guulaysteen inay u gudbaan tartanka wareega labaad, kuwaasoo kala ah;

1. Shariif Sh. Axmed

2. Maslax Maxamed Siyaad Barre

3. Nuur Xassan Xusseen (Nuur-cadde)

4. Dr. Cali Khaliif Galaydh

5. Maxamed Cismaan Aadan

6. Cabdiraxmaan Cabdi Xusseen (Guul-wadde).

Waqtigaa goor-sheegtu waxay dulsaarnayd 12:30 habeenimo. Sidaa darteed, Guddiga doorashadu waxay mudaneyaasha ku wargeliyeen inay u dareeraan 15 daqiiqo oo nasasho ah, si ay Guddi ahaan u sii diyaariyaan waraaqaha codbixinta wareega labaad. Laakiin, waxaa durbadiiba ku dhawaaqay in aanay tartanka wareega labaad ka qaybqaadanaynin laba ka mid ah lixdii Murashaxa ee u gudbay wejiga labaad, kuwaasoo kala ah Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo Nuur Xassan Xusseen (Nuur-cadde).  “ Wax badan baa la ina dhaliilay, laakiin caawa wax fiican baynu qabanay. Waxaan jeclahay in aan ka tanaasulo inaan u gudbo doorka labaad, si aan hawsha u dedejiyo.” Sidaa waxa yidhi Dr. Galaydh. “Waan tanaasulay…Doorashadu si wanaagsan bay u dhacday….Waa run oo inta u gudubtay wareega labaad baan ka mid ahaa, laakiin markaan qiimeeyay xaaladda, arkaynay in hawshu ku fiican tahay in la dedejiyo, isla markaana aan isleeyahay guushu waxay u dhowdahay cid aan aniga ahayn, ayaan u tanaasulay. Laakiin, diyaar baan u ahay in aan la shaqeeyo cidii soo baxda iyo in nabaddii aan bilaabay aan sii wado.” Sidaana waxaa ku dhawaaqay Nuur Xassan Xusseen oo ah sii-hayaha Raysal-Wasaaraha Soomaaliya.

Xod-xodashada iyo loobinka hoose ee Murashaxiintaa isu soo hadhay darteed, 15 daqiiqo ee loo qabtay in Xildhibaanadu ay ku soo laabtaan waqtigu wuu ka batay, markii laysu soo laabtayna waxaa ku dhawaaqay inuu tartanka ka hadhay Murashax Cabdiraxmaan Cabdi Xusseen (Guul-wadde). Hase yeeshee, Guddiga doorashada ayaa iyana dhinacooda shaaciyay in Musharax Maxamed Cismaan Aadan (Edson) u caddeeyay in aanu Hoolka Shirku ka socdo ku soo laabanaynin. Sidaa darteed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan-Madoobe, ayaa ku dhawaaqay in wareega labaad ee tartanka laga boodayo, loona gudbayo wejiga saddexaad ee tartanka maadaama ay labada Murashax ee Sh. Shariif iyo Maslax Maxamed Siyaad Barre oo keli ahi isku soo hadheen, taasoo uu xusay inuu dhigayo nidaamka iyo Xeer-hoosaadka Baarlamaankoodu, ka dib markii ay meesha ka baxeen afar ka mid ah lixdii Murashax ee wareega labaad u gudbay.

Kembesi ayaa maanta lagu qabanayaa xaflada caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

 

 

 

Dr Gaboose oo ka xog-waramay safar uu ku tegay Maraykanka

“Doorashadu hadday xilligeedii dib uga dhacdo, waqtigii Rayaale-na halkaas buu ku dhamaaday”

Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiyaha urur-siyaasaddeedka Qaran ee dhowaan heshiiska iskaashi la galay xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa shalay gelinkii dambe dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhammaystay socdaal muddo bil ka badan qaatay oo uu ku tegay dalka Maraykanka.

Dr. Gaboose oo ay Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyeen Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbigaas, waxa uu sheegay in Diblomaasiyiin Shisheeye ah iyo Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Maraykanka oo kulan la yeeshay inuu xog-waran ka siiya xaaladda guud ee haatan dalka ka jira. Isla markaana waxa uu tilmaamay in haddii doorashada Madaxtooyadu waqtigii loo cayimay dib uga dhacdo, inay hoos u dhigayo sumcada Somaliland ku leedahay beesha Caalamka. “Hadda waxaan maqnaa ugu yaraan muddo afartan maalmood ah. Waxaan muddadaas joogay dalka Maraykanka, waxaanan tegay dhowr gobol oo ka mid ah kuwa waa weyn, kuwaasoo Jaaliyadda Somaliland ku badan yihiin…Dalkaasi waa dal weyn oo dad nooli degen yihiin. Dadka nool waxaan ka wadaa; waa dad garanaya xuquuqdooda iyo xaqa dadku ku leeyahay…Dadka Somaliland ee aan halkaas kula kulmay, waxaan siiyay xogta dhabta ah ee dalka taala ee ah; dhibaatada dalka taala, shaqo la’aanta taala, sharci-darada taal, Maamul xumida taal, Musuq-maasuqa yaal iyo dawlad xumida taal. Waxa kale oo aan uga warbixiyay in la marayo xili doorasho. Sidaa darteed, doorashadani waa mid aad muhiim u ah, waayo masuuliyiin badan oo ajanabi ah oo aan la kulmay iyo cid walba oo aad la sheekaysataa waxaad moodaa inay doorashadan ku qiimaynayaan Somaliland inay talaabo weyn qaadi doonto, hadday ku dhamaaato si Nabdgelyo ah, xor oo xalaal ah oo si wanaagsan laysugu hibeeyo. Wax kasta oo carqalad ah oo doorashadaas ku yimaada waxaan hubaa inay maqaamkeenii hoos u dhigi doonto. Markaa shacbiga waxaan ugu baaqayaa in la dareemo oo ay qiimeeyaan in doorashadu waqtigeedii ku dhacdo, oo aan laga yeeli marmar siinyo yaryar. Sidaa darteed, doorashadu inay waqtigeedii ku dhacdaa waa muhiim, waayo haddii aanay waqtigeedii ku dhicina waqtigii Rayaale-na halkaas bay ku dhammaatay, mana qabo Anigu in sharciyad dambe oo kala hagaysa dadku imanayso.” Sidaa ayuu yidhi Dr. Gaboose oo qolka Nasashada ugu waramay Saxaafadda maxaliga ah. Wuxuuna faahfaahin ka bixiyay ujeedada socdaalka uu ku tegay Maraykanka. “Waxaan u tegay halkaas in aan taageerayaasha ururka Qaran uga sheekeeyo heshiiskii wanaagsanaa ee na dhexmaray anaga iyo KULMIYE, ugana waramo waxa uu salka ku hayo…Dadkaa aan halkaas ugu tegay, waxay ahaayeen kuwo codkooda, jeebkooda iyo gacantoodaba in Alle hala qabteen odayga Musharaxa ah ee Axmed-Siilaanyo inuu ku guulaysto (Madaxweynenimada) diyaar u ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha urur siyaasaddeedka Qaranka.

Mar la waydiiyay waxyaabihii uu kala hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka iyo cida uu kala kulmay, waxa uu ku jawaabay “Waxaan kala kulmay Wasaaradda raga ugu sareeya ee qaybta Afrika xukuma ee aan siyaasiyiinta ahayn. Waxaanu kulanay ninka Afrika oo dhan xukuma, ka Afrikada bari xukuma iyo Geeska Soomaalida ninka xukuma intaba. Marka koowaad, markii nala xidhay halkan (Hargeysa) Jendayi Frazer baa nagula kulantay, waanay na qiimeeyeen, Aniguna waxaan is idhi aad ku tidhaahid ‘Mahadsanid’. Midda labaadna, waxay ahayd barasho, ta saddexaadna waxay ahayd xaaladdan dalku ku jiro, doorashadan iyo siyaasadda guudbain aanu iska waraysano. Runtii waxaan la kulmy dad aad u jecel Somaliland, lana jecel in doorashadaasi (tartanka Madaxtooyada ee 29 March, 2009) inay guul ku dhammaato. Marka wax aynu inagu iska xumayno mooyee, xagaa (Maraykanka) waa naylaga jecel yahay.”

Mar la waydiiyay waxa ka jira warar sheegayay in midaynta taageerayaasha Qaran iyo KULMIYE ka sokow, socdaalkiisa Maraykanka ay qayb ka ahayd dhaqaale ururin ku saabsan in la xoojiyo maaliyadda xisbiga KULMIYE ololaha doorashada ku gelayo, waxa uu yidhi, “Walaahi, markii aanu heshiiska galay waxaanu balanqaaday in aanu Qoraxda iyo Barafkaba u marno sidii uu ku soo bixi lahaa xisbiga KULMIYE, waayo himiladayadii iyo tii dadka ayaanu ka dhex aragnay. Markaa adigu lacag baad sheegaysaaye wax kasta waanu doonay.”

 

“Waxaan u arkaa in Beesha Sool

UCID ka heshay wax aanu ku qanacno”

Prof. Cabdiraxmaan X. Saalax….Masuulka UCID u magacaabay xilka Raysa-wasaaraha…Waraysi gaar ah

Hargeysa (Ogaal)- Prof Cabdiraxmaan Xaaji Saalax Xassan oo ah Masuulka xisbiga UCID u magacaabay inuu qabto xilka Raysal-wasaaraha haddii ay xisbi ahaan ku guulaystaan doorashada soo socota, ayaa sheegay in beeshiisa gobolka Sool ku qanacsan tahay xilkaa iyo xilal muhiim ah oo xisbiga laga siiyay.

Mr. Cabdiraxmaan Xaaji Saalax oo doraad u waramay Weriyayaal ka tirsan Wargeyska Ogaal iyo Idaacadda VOA-da, waxa uu tilmaamay in aanay beesha gobol Sool wax dhib ah u arag haddii laga guulaystay Murashaxii Madaxweyne Ku-xigeenka ee gobolkaas ka soo jeeda, maadaama xisbiga laga siiyay xilal kale oo muhiim ah. “Haddii aan ka hadlo arrintaas, maanta (doraad) Kal-fadhigii wuxuu ku dhammaaday si guul ah, iyadoo ay dad badani ka soo qaybgaleen. Guushaa shirku ku dhammaaday waxay ahayd in la helo Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Raysal-wasaarihii, iyadoo uu Madaxweynihii (u tartami lahaa UCID) loogu doortay Inj. Faysal Cali Waraabe, Madaxweyne Ku-xigeenkana loogu doortay Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xassan, Aniga iyo beeshaydu ku qaadanay Raysal-wasaarihii, taasina waxay muujinaysaa in si siman loo qaybsado Maamulki dawladda. Jewi ahaan Shirku si wanaagsan buu u dhacday, kollayna waa laga wada dhegaystay dibaddaha, Somaliland iyo Soomaaliya intaba, waxaanan filayaa inay hambalyo u hayaan. Anagu waxaan doonaynay waxay ahayd uun, maadaama Somaliland maanta xisbiyo gaadhay in la helo xisbi Caddaalad, Kitaabka Illaahay iyo Sunihii Nebiga ku shaqeeya, kaasoo aanu uga dhawaanayno inay maanta ku samata baxaan dadka Somaliand.” Sidaa ayuu yidhi Prof. Cabdiraxmaan Xaaji Saalax oo wax laga waydiiyay sida uu u arko jewiga uu ku dhammaaday Shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga UCID, kaasoo doraad la soo gebogabeeyay. Mar la waydiiyay in xilkaa loo magacaabay meesha ka saarayso cabasho ergooyinka gobolka Sool ee Shirkii Golaha Dhexe ka qaybgalay ka muujiyeen qaabkii lagu reebay Murashax Dr. Cali Caydiid Xassan, laguna doortay Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xassan, waxa uu ku jawaabay, “Horta, haddii doorasho dhacdo cadho way iska samaysantaa, taasina waxay ka dhacaysaa waa wax kooban, haddii layska dhaqdhaqana waa lagu kala bogsanayaa. Waxay ila tahay doorashadii Murashaxiinta ee dhacday, waxay ahayd mid Dimoqraadiyadi keentay in dadna wax yeelaan, kuwo kalena wax diidaan. Markaa taas hore way dhammaatay, tan maanta ee laygu doortay markii looga soo gudbayna, waxay noqotay in anaga (reer Sool) nala siiyo Guddoomiyaha Golaha Wasiirada iyo xilal kale oo muhiim ah, haddii UCID ku guulaysato doorashada iyo weliba in wax nalaga siiyo xisbiga laftiisa oo aanu xubno muhiim ah ka qaadano. Waxaanu hogaanka xisbiga ku heshiinay in xilalka muhiimka ah nala siiyo oo aanu beesha (Dhulbahante) u helo. Markaa waxay ila tahay marka aan dhakhso gobolka ugu laabto, beeshana wada hadalo waanu ku qancaynaa. Laakiin, maaha in aad hesho meeshii aad markii hore doonaysay, haddii aad waydana ugu yaraan waa inaad heshaa wax dadkii ku qancaan, adiguna ku qanacdo. Sidaa darteed, waxaan u arkaa in aanu helay wax aan ku qanacnay.”

 

 

 

Guddoomiyaha KULMIYE oo ka hadlay sida ay tahay kalsoonida ay ku qabaan Komishanka doorashooyinka

Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caddeeyay in xisbi ahaan ay kalsooni buuxda ku qabaan hawlgudashada xubnaha sare Komishanka doorashooyinka.

Axmed-Siilaanyo oo markii uu shalay Dr. Gaboose ku soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa Saxaafaddu waydiisay su’aal la xidhiidha inta ay le’eg tahay kalsoonida ay xisbi ahaan ku qabaan Komishanka, waxa uu xisbiyada UCID iyo UDUB ugu baaqay inay iyana kalsoonida taas la mid ah u muujiyaan Guddiga doorashooyinka, taasoo uu xusay inay wanaajinayso rajada beesha Caalamka ee doorashooyinka Somaliland. “Waxaan doonayaa in aan halka ka caddeeyo haddii aanu xisbiga KULMIYE nahay in aanu kalsooni ku qabno Guddiga doorashooyinka. Kacaa-kuf badan waa la soo maray, wax ay dhaliil lahayn iyo cid aan dhaliili ka imanina ma jiro. Laakiin, maanta waqtiga aynu taagnahay ee aynu ka wada hadlayno ee aynu doorashada qarka u saaranahay, hay’adda sharciga ah ee jirta ee u xilsaarani waa iyaga (Guddiga Doorashooyinka), iyana siday inaga codsadeen ee ay yidhaahdeen; waxaanu la garab taaganay kalsooni buuxa iyo taageero. Sidaa darteed, waxaanu ugu baaqaynaa axsaabta kale inay sidaa si le’eg iyana kalsoonida loo baahanyahay siiyaan, si doorashadu u hagaagto una rajo geliso Caalamka.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Dhinaca kale, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo shalay ka soo laabtay safar muddo qaatay oo ugu maqnaa dalka Kenya, waxa uu sheegay inay martiqaad ka heleen dalal ka tirsan Bariga Afrika, taasoo uu xusay inay dhowaan u bixi doonaan masuuliyiin ka tirsan xisbigaas. “Waxay ila tahay oo aan aaminsanahay, haddii doorashadaasi (doorashada Madaxtooyada ee 29 March 2009) sida wanaagsan ee aynu doonayno inoogu dhacdo oo aan carqalad lagu samaynin oo aanay dib u dhicin, Somaliland inay talaabo aad u wayn qaadi doono. Hadda Jabuuti baan soo maray oo aan xalay (habeen hore) u soo hoyanay, waxaana halkaas ka socda shirkii arrimihii Soomaaliya, waxaananu Ilaahay ka baryaynaa inay halkaas ka dhalato dawlad wanaagsan oo ay ku kalsoon yihiin. Laakiin, waxaad moodaa rajada laga qabo inay walaac badani ku jiro.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa Saxaafadda kula hadlayay.

 

 

“Cabasho waxba inoo tari maysee ficil baa loo baahanyahay, waxaananu caddaynaynaa in aanu taageersanahay KULMIYE”

Suldaan Daair Xassan Khaliif

Hargaysa (Ogaal)- Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo ka mid ah Salaadiinta Beelaha Somaliland, gaar ahaan kuwa Lahayb-sooco, ayaa sheegay in isaga iyo beeshiisuba si buuxda u taageerayaan xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, kaasoo uu xusay inuu yahay xisbiga ay ka helayaan xaqa ay u leeyihiin inay ka qayb galaan talada dalka.

Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo shalay shir jaraa’id ku qabta Hargeysa, waxa uu sheegay in beelaha Gabooye aanay wax saami ah ku lahayn xukuumadda haatan jirta. “Dadka Gabooyaha ah oo tiradoodu badan tahay, waxay Xukuumadda jirta ku leeyihiin hal Wasiir ku-xigeen,” ayuu yidhi. Mar uu si gaar ah ula hadlayay shacabka beeshiisa, waxa uu yidhi “Wasiir buuxa ayaydaan ku lahayn, Baarlamaan ayaydaan ku jirin, hay’addaha Garsoorka Xaakin kuma lihidin, Xaakim kuma lihidin guud ahaan gobolada Somaliland, Boolisku waa la mid inta gobol ee dalku leeyahay oo Taliye Saldhig kuma lihidin iska daa Taliye Qaybeed iyo meel kale oo ka saraysa’e.” Wuxuuna intaa raaciyay “Qofku waa in uu baraarugo oo maskaxda ka shaqaysiiyo, si aynu uga muuqano hay’ad kasta oo dalku leeyahay; cabashana waxba inoo tarimayso. Laakiin, ficil baa loo baahanyahay,  haddii aynu meel kasta waanu dulmanahay la istaagno cidna waxba inoo qabanmayso. Sababtoo ah, dalku waa dalkeenii, waa in aynu cidii wax inoo qabanaysa ee intaas aan tilmaamayba inaga qayb gelinaysa, waa in aynu u hurnaa codkeena, dadnimadeena, maskaxdeena iyo maalkeena. Markaa waxaan idiin sheegayaa intaas aan tilmaamay in xisbiga ina siin karaa uu yahay Xisbiga KULMIYE.”

Suldaan Daakir Xassan Khaliif waxa uu baaq u jeediyay guud ahaan beelaha Lahayb-sooco. “Aniga oo ku hadlaya afka Beesha Madhibaan oo aan Suldaan u ahay, Beelaha kale ee walaalahay ah waxaan leeyahay nimanyahow taladaa qaata oo fikirkaa aanu idiin soo jeedinay nala eega. Anagu haddii aanu nahay beesha Madhibaan waxaanu cadaynaynaa in aanu taageernay kana mid nahay xisbiga KULMIYE, oo aanu ka helayno xaqayaga.” Sidaa ayuu yidhi Suldaanku.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.