Muddanayaasha Wakiilada Ee Xisbiga UDUB Oo Xubno Ka Mid Ah Golaha Dhexe Laga Saaray Lagana Reebay Ergada Shirweynaha


“Way Jirtaa In Aniga Iyo Mudanayaal Kalaba Laga Saaray Golaha Dhexe” Xariir Siciid Bulaale, Golaha Wakiilada

Hargeysa, January 29,2009 (Haatuf)- Mudanayaasha xisbiga UDUB ee golaha wakiilada Somaliland ayaa la sheegay in qaar ka mid ah laga reebay golaha dhexe ee xisbiga UDUB lagana saaray ergada shirweynaha xisbiga UDUB ee qabsoomi doona 3-da February, 2009 ka ka qaybgalaysa kuwaas oo ilo xoogaal ahi noo sheegeen in mudanayaashaasi ay ka mid yihiin:

md: Aadan Tarabi Oogle, 2: Faraxaan Maxamed Cali, 3. Md: Xariir Siciid Bulaale, 4. Md: Maxamuud Dhunkaal Guutaale, 5, Md: Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale, 6. Md: Saleebaan Yuusuf Cali Koore, 7, Md: Ibraahim Maxamed Xuseen DHaadheere, 8, Md: Maxamed Nuur Duur.

Mudanayaashaasi oo dhamaantood ka tirsan xisbiga UDUB ayaa ilo xogogaal ahi sheegeen in sababta looga saaray golaha dhexe ee xisbiga UDUB ka dib markii   si weyn uga shakiyeen marka loo eego doodaha ay madasha fadhiyada golahaas u jeediyeen oo isbedel wayni ku dhacay aragtiyahoodii hore ugu difaaci jireen siyaasada xisbiga UDUB taas darteedna la sheegay in arintaasi ay tahay ta xudunta u ah ka saarida golaha dhexe ee xisbiga UDUB laga saaray.

Inkastoo Md: Saleebaan Yuusuf Cali Koore uu wakhtigan xaadirka ah socdaal ugu maqan yahay dalka UK hadana Md: Xariir Siciid Bulaale oo ka mida mudanayaashaasi la sheegay in golaha dhexe laga saaray, oo aanu wax ka waydiinay maalintii shalay arinkaasi ayaa isagu qiray in laga saaray golaha dhexe ee UDUB isaga iyo mudanayaal kale oo ka tirsan golaha wakiilada inkastoo uu ka war wareegay inuu faahfaahin dheeraada ka bixiyo arimaha lagaga saaray mudanayaashooda golaha dhexe ee UDUB hadana waxa uu si kooban u yidhi md: Xariir Siciid Bullaale “ way jirtaa in aniga iyo mudanayaal kalaba laga saaray golaha dhexe ee xisbiga UDUB”

Haseyeeshee Md; Aadan Tarabi Oogle oo ka mida mudanayaasha laga soo doortay xisbiga UDUB gaar ahaana gobolka Sool ayaa isagu ka gaabsaday inuu wax odhaaha ka yidhaahdo arintaasi ka dib markii aanu khatka telefoonka kula xidhiidhnayna waxa uu noo sheegay inaanu diyaar u ahayn inuu qadiyadaa ka hadlo.

Inkastoo aanu si rasmiya xisbiga UDUB u shaacinin 33 ka mudane ee golaha wakiilada kaga jire, in dhamaantood ay ka qaybgeli doonaan shirweynaha golaha dhexe hadana waxay tibaaxuhu sheegayeen in mudanayaashaasi si rasmiya looga saaray golaha dhexe xisbiga UDUB.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.