Foolxumo Iyo Musuqmaasuq hadheeyey sifaha xulashada ergada xisbiga UDUB ee UK


London, 30 January 2009 (Somaliland Today)- Shabakadda wararka ee Somaliland today ayaa heshay xog ku saabsan sidii loo soo xulay ergooyinka xisbiga UDUB ee UK uga qayb galaya shirweynaha labaad ee xisbiga UDUB oo hadda hawshiisii laga bilaabay dalka iyo debeddaba. Warbixintii oo faahfaahsanina waa sidan.

Waxa dhawaan soo gaadhay carriga Ingiriiska wasiirka Goleyaasha, Cabdi Xasan Buuni iyo wasiir-ku-xigeenka qorshaynta, Axmed Xaashi iyo xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog si ay u soo xulaan ergooyinka xisbiga UDUB ee UK (Boqortooyada Ingiriiska) uga qayb gelaya shirweynaha labaad ee UDUB lana filayo inuu qabsoomo bilowga bisha February ee sanadkan 2009. Buuni, wasiir-ku-xigeenka iyo xildhibaanka oo uu Madaxweynuhu xulitaanka ergayda u soo wakiishay ayaa isugu yeedhay koox la filayo inay taageero buuxda siin doonaan doorashada musharaxnimada Daahir Riyaale, iyagoo baal maray inay isugu yeedhaan guddigii fulinta ee xisbiga oo dhan ee sharciga lagu dhisay sida ku cad warqadda halkan ku lifaaqan ee uu saxeexay Guddoomiyha UDUB ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Daahir Riyaale iyo Xoghayihii Guud ee Xisbiga, Maxamed Ismaaciil Bulaale.

Liistada Magacyada Guddiga Fulinta ee uu ansixiyey madaxweynuhu waa sidatan:

1. Axmed Naasir Xirsi- Guddomiyaha Xisbiga UDUB- UK
2. Faysal Cilmi Cali- Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga UDUB- UK
3. Axmed Xadi Saciid- Guddoomiye-ku-xigeenka Labaad
4. Maxamed Aw Daahir- Xoghayaha UDUB- YK
5. Cumar Gahayr Jaamac- Xoghaye-ku-xigeenka
6. Yusuf Xirsi Axmed (Xariir)- Khasnajiga Guud ee UDUB-UK
7. Cabdillaahi Maxamed Saleebaan- Ku-xigeenka khasnajiga Guud
8. Cabdiraxmaan Sheekh Xuseen Cabdi- Hoggaanka Xidhiidhka Guud
9. Maxamed Cabdillaahi Ciise- siyaasadda iyo horumarinta xisbiga
10. Maxamed Xasan Mataan- Afhayeenka Xisbiga
11. Cabdi Daahir Xasan- Guddoomiyaha Waaxda Waqooyi ee London
12. Mahdi Jaamac Rooble-Hogaanka Abaabulka iyo Wacyigelinta
13. Yuusuf Maxamuud Cawaale- Guddoomiyaha Galbeedka London
14. Ibraahim Maxamed Nuur- Guddoomiyaha Waaxda Koonfurta London
15. Axmed Yuusuf Ducaale- Guddoomiyaha Waaxda Bariga London
16. Koosaar Caydii Cabdi- Hoggaanka Anshax-marinta iyo Shuruucaha
17. Cabdiraxmaan Xasan Xaaji-Hantidhawraha Guud
18. Siciid Xasan Biixi- Guddoomiyaha London
19. Maxamed Cabdi Sheekh (Xirsi)- Xubin
20. Maxamuud Caddaani- Xubin
21. Nuux Fidhin- Xubin
22. Cabdalla Cabdi Dubad (Alifdoon)- Xubin
23. Muuse Cabdillaaahi Gaagaale- Xubin
24. Cali Jaamac Diiriye- Xubin
25. Muuse Maxamed Ducaale- Xubin
26. Cabdi Maxamuud (Cabdi Weyne)- Xubin
27. Fu’aad Ibraahim Odowaa- Xubin
28. Maxamed Xasan Cabdi- Xubin
29. Qaasin Aadan Saleebaan- Xubin
30. Suleemaan Yaasin Barre- Xubin
31. Axmed Cabdi Ismaaciil “Gorse”

Hase yeeshee waxa aan shirkaasi ka qayb gelin xubno door ah oo ka tirsan Guddiga fulinta ee xisbiga UDUB-UK sida ay xaqiijiyey ilwareedka Somaliland Today u warramay. Xubnaha shirkan ka qayb galaya oo tigidhada safarkoodana ay dawladdu ka bixinayaso oo hab beelaysan loo qaybiyeyna waxa ay kala yiihiin sidan:

1- Samaroon (5 ergo)
2- Garxajis (5 Ergo)
3- H/Jeclo (5 ergo)
4- H/Awal (5 ergo)

Sida shaxdan ku cad waxa laga reebay ergada UK beelihii kale ee Somaliland kana mid ahaan jiray taageerayaasha xisbiga UDUB sida Reer Sool, Badhan, Balligubadleh iyo Seylac. Iyadoo masuuliyiintaas loo soo diray xulitaanka ergada xisbiga UK sida uu Cabdiraxmaan Xoog ku caddeeyey waraysi uu dhawaan siiyay wargeyska HAATUF ayaa haddana waxa Riyaale uu si gaar ah u soo faray wasiir Buuni “in laga reebo liistada ergooyinka xisbiga UDUB ee UK labo xubnood oo ka tirsan Guddiga Fulinta oo ka soo jeeda Balligubadleh” taasoo loo maleynayo inay sababtu tahay in Riyaale ka walaacsanyahay inay taageero siiyaan Cabdillaahi Darawal oo haatan kula tartamaya isaga jagada madaxweynanimada ee xisbiga UDUB.

Ilo wareedkaas ayaa ku daray in labada xubnood ee la reebay ay kala yihiin Yuusuf Xirsi Ahmed iyo Dr. Koosaar Caydiid Cabdi.

Liistada ergada UK ee la gudbiyey ayaa lagu tilmaamay inay tahay mid sharci darro ah oo khiyaamo lagu sameeyey.

Warar cusub oo haatan na soo gaadhayaa ayaa iyana caddaynaya in Taliska Sare ee xisbiga UDUB kala jabay ka dib markii Riyaale uu rag ku jira golaha fulinta iy ka dhexeba uu sifo sharci darro ah looga saaray xisbiga gebi ahaanba. Waxa la filayaa in xubnahaas sida sharci darrada ah debedda looga dhigay xisbiga inay qabsan doonaan shirweyne gooniya oo ay ku soo magacaabaan madaxweyne iyo madxweyne-ku-xigeen cusub.

Source: SomalilandToday

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.