Wararka Wargeyska OGAAL: “Meel Kali-talisnimo ka jirto laysma baryo….” Maxamed Cabdillaahi Uurcadde….Waraysi gaar ah

Hargeysa (Ogaa)- Guddoomiyaha Shirka Golaha Dhexe ee xisbiga UCID oo shalay ka furmay Hargeysa, Maxamed Cabdillaahi Uurcadde ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabkii ay u dhacday cod-bixintii ay ku shaaciyeen Murashaxiinta xisbigaa uga qaybgalay tartanka doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka dhacdo 29 March 2009-ka.

Maxamed Uurcadde oo sidoo kale xubin ka ah Guddiga Fulinta ee xisbiga UCID, ahna Maayar Ku-xigeenka caasimada Hargeysa, waxa uu caddeeyay in Dr. Cali Caydiid Xassan uu hore uga tanaasulay damaciisii Murashaxa Madaxweyne Ku-xigeenka, isla markaana dhawaaqa shalay ka soo yeedhay yahay mid baalmarsan nidaamka xisbigooda u yaala. “Anaga oo cuskanayna Xeerka xisbiga, gaar ahaan qodobka 16-naad faqradiisa tobnaad iyo qodobka 25-naad faqradiisa 2-aad, Guddiga Fulintu wuxuu shalay (doraad) yeeshay shir. Qodobadaas xeerku waxay sheegayaan in cidii doonaysa inay ka qaybgasho tartanka in Guddiga Fulinta ay wixii araaji ah u soo qorato. Dabadeedna, ninkii maanta (shalay) lahaa waan sharaxnahay iyo Maxamed-Rashiid baa isu soo taagay jagada Madaxweyne Ku-xigeenka. Laakiin, wuu ka tanaasulay (Dr. Cali Caydiid), waxaana soo hadhay Dr. Maxamed-Rashiid oo keliya, xisbiga UCID-na wixiisa oo dhan dibada ayuu ku soo dhammaystay. Markaa markii uu aanu hadalka siinay buu yidhi waan sharaxnahay, sidaa darteedna wuxuu khilaafsan yahay nidaamkii iyo sharcigii xisbiga ee qofka sharaxani soo marayay. Midda labaad, waa nin tanaasulay oo la hayo cod kiisii isagoo tanaasulay. Ta kale, ama  Murashaxa Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-xigeenka’e, dadka inta aanu kala reebi karaynay beryahan oo dhan waanu soo kala saaraynay, waxayna ahayd uun in aanu Golaha Dhexe cod u waydiino.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Ogaal. Iftiimintaa uu bixiyay ka dib, waxaanu waydiiyay su’aalo doorka, waxayna su’aalahaas iyo jawaabihii uu ka bixiyayba u dhaceen sidan;

Ogaal: Murashaxa iyo taageerayaashii waxay sheegeen in aanu qorshuhu ahayn in shalay doorashadu dhacdo, balse ay maanta codbixintu dhacaysay, markaa haddii ay sidaas tahay Shirguddoon ahaan maxaa keenay degdega ee aad u soo qadinteen?

Uurcadde: Horta, kuwa sidaa yidhi waa qaar aan xisbiga ahayn, warna aan u haynin. Waxa weeye; Shirguddoon ahaan waxaanu ku shaqaynay go’aankii Guddiga Fulinta iyo nidaamka xisbiga, maantana (shalay) waxay ahayd in la codeeyo, ninka yidhi sidaa may ahayna waa nin aan xisbiga UCID ahayn oo aan waxba kala socon ama ujeedo kale leh. Sidaa darteed, maanu dedejin oo nidaam baanu ku soconay, shirkuna laba maalmood ayuu ahaa qorshihiisu, maalinta u horaysana sida qorshuhu ahaa doorashada in la galo ayay ahayd. Markaas taas baanu raacnay anagu.

Ogaal: Haddii cod-bixintii Murashaxiintu dhacday, wax-ka-bedelkii barnaamijka xisbigana la ansixiyay, maanta muxuu yahay ajandiha Shirku oo la qabanayaa?

Uurcadde: Wuu soconayaa, waxaana la casuumayaa xisbiyada, hay’addaha iyo dad kale oo badan. Markaa hawlahayagii xisbiga anaga oo dhammaysanay baa casuumadaas la samaynayaa

Ogaal: Xubnaha cabanayay waxay sheegeen in codbixinta buuq la geliyay, xataa Shirguddoon ahaana aydaan haynin tirooyinkii Murashaxiinta u codeeyay. Markaa taasi  ma jirtaa?

Uurcadde: Codadka waanu tirinay, intii joogtayna way wada arkaysay, gacmahaana la taagay. Markaa iyadoo duuban baa la hayaa, wax layska afduubayayna may ahayn.

Ogaal: Markaa haddii aad Rikoodhkii tirada cod-bixinta haysaan, imisa ergay baa ogolaaday in Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xassan noqdo Murashaxa Madaxweyne Ku-xigeenka?

Uurcadde: Golaha Dhexe ee xisbigu waa 151 xubnood, waxaana fadhiyay 149 xubnood. Markaa saddex jeer baa codaynta la qaaday. Markii wax-ka-bedelka Xeerka loo codeeyay, waxaa ogolaaday 133 xubnood, 16 kalena way diideen. Murashaxa Madaxweynaha-na waxaa ogolaaday 147, waxaana diiday 2 xubnood, Murashaxa Madaxweyne Ku-xigeenkana waxaa diiday 6 xubnood, 143 xubnoodna way ogolaadeen. Markaa wax la afduubay oo meesha ka dhacday ma jirto, raga waxaas lihina waa kuwo ujeedo leh oo qas uun u jeeda, cid la afduubay iyo cid loogu talogalay in loo afduubaana midna ma jirto.

Ogaal: Maxamed Cabdillaahi waxaad sheegtay in Guddiga Fulinta xisbiga UCID oo aad xubin ka tahay u hawlgashay in markii horeba loo soo tanaasulo labadaa xubnood. Markaa maxaa diidaya in si Dimoqraadi ah qof waliba codka uu helo lagu kala guulaysto?

Uurcadde: Gudaha xisbigayaga waxaa jira nidaam la raaco oo Guddiga Fulintu leeyahay. Markaa cidii wax noo soo qoratay waanu wada qiimaynay, labadan oo keliya may ahayna rag badan baa ku jiray. Sidaa darted, cid walba markii aanu eegnay cidii ugu adkayd waxay noqdeen labadan xubnood, dabadeedna kuwii kale waxaanu waydiisanay tanaasulaad inay sameeyaan, Dimoqraadiyaduna maaha uun in laba qof isku jago uun isu wada taagaan oo gacanta loo kala taago oo tartan uun dhexmaro. Markaa muddo dheer buu kolba qof soo baxayay, oo aanu kolba mid qancinaynay. Waxaananu u doonaynay qofka aanu is leenahay xilligan lagu jiro uu ugu munaasibsan yahay, waxayna noqotay in aanu Maxamed-Rashiid qaadano.

Ogaal: Marka la eego xubnahan Xildhibaanada u badnaa ee qaabkii wax u dhaceen dhaliilayay, waxay sheegeen in had iyo jeer xisbiga UCID shaqsiyaad u afduuban yahay xataa marka arrintan laga tago. Markaa eedaas sideed u aragtaan?

Uurcadde: Shaqsiyaadkaa arrintaa ka hadlayaa, marka horeba kuwo Golaha Dhexe ku jira may ahayn, tusaale ahaan Bukhaari oo kale. Midda kale, waxa weeye niman xisbiga UCID ku soo baxay doorashadii (Wakiillada), laakiin waa kuwo aan xisbiga hadda wax shaqo ah ka qabanin una shaqaynin, wax ay kala socdaana aanu jirin weeye. Markaa wax xisbiga ka jira oo dhib ahi ma jirto, meel Kali-talisnimo ka jirtana la isma baryo, oo waanigan ku lahaa isu-tanaasil iyo baryo ayaanu ku dhammaynay.

Ogaal: Haddiiba aanay xubno ka ahayn Golaha Dhexe, maxaa keenay inay ka qaybgalaan Shirka?

Uurcadde: Xildhibaanada qaarkood way ku jiraan, qaar kalena kuma jiraan. Markaa dad badan maahee laba/sadexdan qaylinayaa waa kuwii aan ku jirin Golaha Dhexe. Laakiin, maadaama ay xisbiga ku soo baxeen oo ay cod badan sitaan, anagu ixtiraam ahaan baanu ugu sharafnay meesha.

Ogaal: Ugu dambayntii, Dr Cali Caydiid wuxuu sheegay in aanu ka tanaasulaynin damaciis, adiguna waxaad leedahay ilaa xataa saxeexii baa laga hayaa. Markaa maxay tahay sharciyan talaabada ay tahay inaad ka qaadaan?

Uurcadde: Taas waxaa ka tashan doonta Guddiga Fulinta, waana la eegi doonaa wixii uu nidaamku ka qabana waa laga qaadi.

 

 

Murashaxiinta Madaxweynenimo oo ugu baaqay kulan deg-deg ah Golaha dhexe ee UDUB

Hargeysa (Ogaal) – Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Darawal) iyo Axmed Sandon Xassan ayaa ugu baaqey Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga UDUB in la qabto shir deg-deg ah oo ay sheegeen in lagaga arrinsan doono xaalad adag oo xisbigan soo waajahday.

Labadan Masuul oo dhawaan mid kastaa gaarkiisa ugu dhawaaqay inuu Xisbiga talada haya ee UDUB dhexdiisa kaga tartamayo murashaxa Xisbiga ee doorashada Madaxweynaha uga qayb-geli doona ayaa naqdiyay qaabka Madaxweyne Rayaale iyo Madaxweyne ku xigeenku u maamuleen Xisbiga, waxana ay  tilmaameen in gudiga qaban-qaabada shirweynaha ee dhawaan la shaaciyay looga jeedo khiyaamo. Islamarkaana waxa ay u soo jeediyeen Golayaasha Baarlamanka,  Komishanka Doorashooyinka iyo Akadamiga nabada inay u fara-gerlin ku sameeyaan arrintan soo gurmadaan Xisbiga UDUB.

Warsaxaafadeed labadan musharax shalay soo saareen oo ay arrimahan kaga hadleena waxa uu isaga oo dhameystiran u qoraa sidan. “Anaga oo ah Axmed Sandon Xasan iyo Cabdilahi Xuseen Iiman (Darawal), labada musharax ee ilaa hadda isu soo taagay tartanka Madaxweynenimo ee xisbiga UDUB dhexdiisa, waxaanu cid kasta oo ay khusayso la socodsinaynaa qaar ka mid ah farsamooyinka guracan ee milgaha iyo Maamususka ka fog, kana soo horjeeda karaamada ummaddnimo distoorka & xeerarka kale, hanaanka dimuqraadiyadda, xeerka axsaabta No: 14, xeerka doorashooyinka iyo xeer hoosaadka xisbiga UDUB.

 Haadii aanu in yar dib ugu noqono sooyaalka taariikheed ee Somaliland, waxa la meel mariyay 31\5\2001 aftidii distoorka qaranka oo soo afjaray xiligii xukun beeleedkii ku dhisnaa Axdi beeleedka, iyada oo la adeegsanayo distoorka qaranka ayaa  la dhaqan geliyey xeerkii & gudigii xulista axsaabta/ururada siyaasadda & xeerkii & gudigii Doorashooyinka qaranka si loo helo tartan doorasho oo xor & xalaal ah, dedaalkii faraha badnaa ee ummadda reer Somaliland u gashay dib u yabyabkii qaranka S\Land, waxay ujeedada iyo dulucdiisu ahayd in la helo hogaan qaran ummadda u horeeda ka soo kabashada dhaawacii cuslaa ee naf iyo maalba lahaa ee ka soo gaadhay halgankii qadhaadhaa ee ummaddu u gashay ka xorowgii xukunkii faashiga ahaa & la soo noqoshadii madaxbanaanidii ka luntay 1960-kii.

 Xisbiga UDUB oo ay musharax u yihiin Daahir Rayaale Kaahin & Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ku guulaystay hogaaminta dalka.  tartanka hogaanka waxa marwalba loo adeegsanayay distoorka, xeerka axsaabta, xeerka doorashooyinka, xeer-hoosaadyada axsaabta & adeegsiga hanaanka dimoqraadiyadeed ee caalamka. Kadib markii uu ku guulaystay hogaaminta dalka, xisbiga UDUB waxa horyaalay talada ummada oo  dhinac kasta ka ragaadsan, una baahan in la isu geeyo awooda iyo imkaamiyaadka dhaqaale bulsho & taageerada bulshada caalamka si looga soo kabto burburka ku dhacay ummada reer S\Land. Xisbiga UDUB, si uu u hanto kaalintiisa hogaamineed, waxa haboonayd in uu adeegsado barnaamij siyaasadeed  hufan oo qeexaya arrimaha siyaasadeed/dhaqaale. Nasiibdarro, Madaxweynaha & Madaxweyne ku xigeenka (Daahir Rayaale & Axmed Yuusuf Yaasiin) ee uu saaray xisbiga UDUB waxay duuduubeen, seleda xashiishkana iskaga rideen hogaankii xisbiga, wada tashiga, xeerkii & barnaamjikii siyaasadeed ee xisbiga UDUB, labada masuul waxay lixdii sano ee ay xilka  hayeen adeegsadeen caqliga & cilmiga ku jira labadooda shakhsi oo kali ah, dhaliisha ay ummada reer S\Land dusha ka saaraysay xisbiga UDUB, waxay dummadooda tahay labada hogaamiye,(Daahir Rayaale & Axmed Yuusuf Yaasiin) oo kali ah.

Xaaladahaa aan soo sheegney iyo kuwo kale oo aanu ka gaabsaney awgeed, waxa labada masuul ku wanaagsanayd in ay  ka shaqeeyaan sidii ay dib ugu soo yabyabi lahaayeen habkii & hanaankii xisbiga UDUB. Nasiib darro , waxay kashaqaynayaan  abaabul & diyaarin shir weyne xisbi oo u jeedada ay ka leeyhiin tahay in ay farsameystaan sidii ayku noqon lahaayeen musharaxa Madaxweyne & Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga .Si arrintani ugu meel marto, waxay magacaabeen gudi qabanqaabo oo ka kooban 5 wasiir & 5 xubnood oo ah gudi fulin , ay xusheen, Madaxweyne ku –xigeenkuna gudoomiye u yahay, waxa weli talinayaa waa labadooda oo keli ah, waxay meel iska dhigeen oo ay baalmareen gudidii fulinta, Golihii dhexe & xeerkii maamul ee xisbiga UDUB. Sidaas dareed waxaanu ku wargelinaynaa golaha-Guurtida, Golaha Wakiillada, Komishanka-Doorashooyinka qaranka , Akaademiyada nabada & horumarka iyo garsoorka dalka oo dhamaantood ku soo tabcay arrimaha dimuqridiyada in ay ku barraarugaan xaaladda uu ku suganyahay xisbiga UDUB, Madaxweynaha & ku-xigeenkiisana loo sheego in aanay xisbiga u horseedin burbur iyo in uu ka baxo saaxadda siyaasada. Ugu danbayn, waxaanu gudiga fulinta & Golaha dhexe ee xisbiga UDUB ee daawanaya xaaladda foosha xun ee xisbigu ku suganyahay iyo godka madow ee uu u socdo, ku baraarujinaynaa inay hurdada ka toosaan oo ay isu abaabulaan sidii ay u badbaadin lahaayeen xisbiga UDUB, socodka hanaanka Dimoqraadiyada & fayo qabka qaranimadda S\Land. Sidaas darteed , waxaanu soo jeedinayanaa in la qabto shir Gole dhexe oo degdeg ah oo looga wada hadlo xaaladda uu ku sugan yahay xisbiga UDUB.”

 

Shirka Golaha Dhexe oo u furmay UCID iyo Hirdan ka dhacay cod-bixintii Murashaxa Madaxweyne Ku-xigeenka

Hargeysa (Ogaal)- Shirka Golaha Dhexe ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa shalay ka furmay magaalada Hargeysa.

Shirkan oo ay ka qaybgaleen 149 xubnood oo ergooyin ah, kuwaasoo ka kala yimi dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba. Ka dib markii uu shirkaa furay Guddoomiyaha xisbiga UCID Inj. Faysal Cali Waraabe, waxaa hogaaminta shirka la wareegay Shirguddoonka Shirka Golaha Dhexe. Isla markaana waxaa lagu ansixiyay wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyay Xeerka iyo barnaamijka siyaasaddeed ee xisbiga, waxaana cod gacan-taag ah ku ogolaaday 133 xubnood, halka 16 xubnoodna ka diideen.

Codbixintii Murashaxiinta:

Shirguddoonka ayaa sheegay in Guddiga Fulinta ee xisbigu wadatashiyo ay yeesheen maalmihii u dambeeyay ku go’aamiyeen in Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xassan uu ahaado Murashaxa Madaxweyne Ku-xigeenka, waxayna halkaa ka akhriyeen go’aankaa Guddiga Fulinta. “Iyadoo la cuskanayo qodobka 16-naad ee xeerka xisbiga faqradiisa 10-naad iyo qodobka 25-naad, faqradiisa 2-aad, waxaa Guddiga Fulinta ee xisbiga UCID yeeshay fadhi 27-kii Jan 2009, dood dheer ka diba isku wada waafaay isla markaana go’aamiyay una soo jeedinayaa fadhiga 4-aad e Golaha Dhexe;

  1. Murashaxa Madaxweynaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe
  2. Musharaxa Madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga UCID Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xassan;
  3. Si loo helo maamul tayo leh, in la abuuro labada jago ee kala ah; Chief of Cabinet iyo National Security Adviser.” Sidaa ayaa lagu yidhi go’aanka iyo soo-jeedintaa is huwan.

Ka hor intii aan lagu dhawaaqin cod-qaadista, waxaa fursad hadalka loo siiyay Dr. Cali Caydiid Xassan oo ah sida Shirguddoonku sheegay  Murashaxii u dambeeyay ee ka tanaasula jagada Madaxweyne Ku-xigeenka, waxaanu sheegay in aanu weli ka tanaasulin damaciisa tartanka. Hase yeeshee, Guddoomiyaha Shirka Golaha Dhexe Maxamed Cabdillaahi Uurcadde ayaa ku dhawaaqay in cod loo qaado Murashaxa Madaxweyna, kaasoo uu u taagnaa Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo keli ahi, waxayna ergooyinku cod gacan-taag ah ku ogolaadeen inuu noqdo Murashaxa xisbiga UCID ee tartanka Madaxtooyada. Ka dibna waxaa cod loo qaaday Dr. Maxamed-rashiid Sh. Xassan inuu noqdo Murashaxa Madaxweyne Ku-xigeenka, taasoo ergooyinku cod gacan-taag ah ku ogolaadeen. Hase yeeshee, waxa uu buuq iyo sawaxan ka dhashay cod-bixintii jagada Madaxweyne Ku-xigeenka, ka dib markii xubno ka tirsan ergooyinku ku dooddeen in aanay caddaalad u dhicin. Laakiin, Guddoomiyaha Shirku wuxuu ku dhawaaqay in Inj. Faysal Cali Waraabe iyo Dr. Maxamer-Rashiid Sheekh Xassan Guulleed ku guulaysteen inay noqdaan Murashaxiinta doorashada Madaxtooyada uga qaybgalaya xisbiga UCID.

Aragtida Murashaxa laga guulaystay:

Ka dib markii hoolkii Shirku ka socday laga dareeray, codbixintiina dhacday waxaa barxada Hotelka Saxaafadda kula hadlay qaar ka mid ah taageerayaasha Murashax Dr. Cali Caydiid Xassan, waxayna sheegeen in cod-bixintii loo qaaday Murashaxa Madaxweyne Ku-xigeenka ee uu ku guulaystay Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xassan, ay u dhacday qaab afduub ah. “Cod-bixintii Murashaxa Madaxweyne Ku-xigeenku waxay ahayd mid afduub ah. Xataa Shirguddoonku ma sheegin magaca Murashaxa (Dr. Cali Caydiid)…..Taasi waxay dhaawacaysaa xisbiga, waxayna keenaysaa in maalinba maalinta ka dambaysa in dadku ka dareeraan, ka niyad jabaan, ka qancaan, xisbiguna kusii saqiiro. Waxaan shacbiga Somaliland u sheegayaa in xisbiga UCID u afduuban yahay shaqsiyaad, waxaana daliil u ah taas maanta dhacday.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali Bukhaari oo ka tirsan Golaha Wakiillada. Wuxuuna intaa raaciyay, “Murashaxu wuxuu caddeeyay in aanu tanaasulin, lamana odhan Murashaxa kale yaa taageersan?”. Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Jaamac iyo Xil. Faarax Maxamed Cabdulle oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in aanay cod-bixintii Murashaxa Madaxweyne Ku-xigeenku qaab caddaalad ah u dhicin.

Dr. Cali Caydiid Xasan oo ah aqoonyahan ka soo jeeda gobolka Sool oo isna Saxaafadda la hadlay, wuxuu sheegay in doorashadu aanay u dhicin qaab xalaal ah, isla markaana aanu ku qanacsanayn nidaamkii cod-bixinta jagada Madaxweyne Ku-xigeenka UCID loo maamulay.

Gebogebado:

Ka sokow arrimahaas, Shirku wuxuu markii hore ku bilawday kuna socday jewi degen, waxaana dhex-taal looga dhigay khudbado iyo madadaalooyin halkaas kaga jeediyay. Isla markaana waxa la soo gebogebayn doonaa maanta, iyadoo ay ka qaybgalayaan ergooyin marti sharaf ah oo ka kala socda xisbiyada Siyaasadda, Xukuumadda, hay’addaha Caalamiga, shaqsiyaad sumcad ku leh bulshada iyo marti sharaf kale.

 

Djibouti: Koox ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka cusub ee Somaliya oo diiday inay  dhaartaan

 

Djibouti (Ogaal/W.Wararka) – 140 ka xubnihii ka socday isbahaysiga dib u xoraynta garabka uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee ku biiray Barlamaanka Soomaaliya ayaa shalay lagu dhaariyay Magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti. Islamarkaana waxa ka qaybgalka dhaarta ka baaqday 60-meeyo xubnood oo ka mid ah Isbahaysigan, kuwaasoo la sheegay qaar ka mid ahi inay si cad u diideen inay dhaartaan, halka badhkoodna lagu waddo inay caawa uun gaadhaan dalka Djibouti.

Warku waxa uu intaa ku daray in Xubnahani is bahaysiga ee diiday ay u badnaayeen koox Diyaarad khaas ahi ka soo qaaday magaalada Muqdisho, waxana ay diidmadooda sabab uga dhigeen sida la sheegay qaabka dhaartu u dhaceysay iyo in ay doonayaan in la badelo dastuurka oo lagu dhaqo dalka Somaliya Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.

Gudoomiyaha Barlamanka Ahna sii hayaha xilka madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Sh. Aadan Madoobe) ayaa yeedhinayay xubnaha la dhaariyay oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo min 24-Xubnood loo dhaarinayay.

Waxaa sidoo kale, madasha shalay laga soo jeediyay qaabka ay u dhaceyso doorashada Madaxweynaha Somaliya, oo ka dib marka ay dhamaato hawsha mideynta Xubnaha Baarlamanka.

Sheekh Aadan Max’ed Nuur gudoomiyaha Barlamanka ayaa madasha shalay ka sheegay in howlaha qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha iyo isku dabaridka ay dib ugu celin doonaan gudi Barlamanka ka tirsan oo uu magacaabay hawshaa wakhtigii uu joogay Baydhabo, kuwaasoo qarsoomay ka dib markii siyaasad ahaan looga baabi’iyay shirkii uu damacsanaa inuu ku qabto Baydhabo Gudoomiyuhu. Dib u soo nooleynta gudigan mudanayaal saluugay ayaa Sheekh Aadan Madoobe waxa uu ku dejiyay in ay gudiga ku darri doonaan xubno cusub.

 

Cabdirashiid Xidig oo ka tirsan mudanayaasha Barlamanka, islamarkaana Afhayeen u ah gudigaasi ayaa fadhiga shalay waxaa uu ka aqriyay sharuudaha laga doonayo qofka u tartamaya xilka madaxweynenimo. “Musharaxa Doonaya in uu u tartamo jagada madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa laga doonayaa, in  uu buuxiyo sharuudaha ku qoran qodobka 40-aad, sida in isaga iyo waalidkiiba ay yihiin muwaadiniin Soomaali ah, in da’diisu’aaney ka yareyn 40-sano, in uu muslim yahay, kuna dhaqmo diinta islaamka, in musharaxu uu bixiyo lacag gaadhaysa 2-kun oo doolarka Maraykanka ah.” qodobadaas ayaa ka mid ahaa shuruudaha uu akhriyay sida ay ku waramayaan suxufiyiinta kulankaa ka qayb-gashay.

Ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ka mid ah xubnaha shaaricyay inay u sharaxan-yihiin Madaxweyne oo kulankaa ka hadlay ayaa sheegay in heshiiska keenay in la mideeyo Barlamanka ka kala socda dowladda iyo isbahaysiga ay tahay wax ku yimid halgan dheer oo la soo galay marka loo eegana waqtigeedu uu gaabnaa, isagoo xubnaha kale ee ka maqan wadahadalka ku baaqay in lagu soo biiriyo.

Wakiilka Dowladda Jabuuti ee wadahadalada Soomaalida Dr. Xaamud Cabdi Suldaan oo isna goobta ka hadlay ayaa u hanbaliyeeyay midnimada labada dhinac isagoo ugu baaqay in ay wajahaan nabadda.

Waxaa la sugayaa maalmaaha soo socda hogaamiyaha loo dooran doono, isku darkan labadan dhinac, kaasoo ka sokow dagaalada Koonfurta Somaliya ay sugayaan caqabado Aasan oo la xidhiidha weli saamiga beelaha. Tusaale ahaan, Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Puntland ee Somaliya,  Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay inaanu aqoonsan doono natiijooyin kasta oo ka soo baxa wadahadalada dhinacayada Soomaalida uga socda Djibouti maadaama aan maamulkiisa lagala tashan xubnaha barlamaanka cusub ee ay soo xuleen isbahaysiga Mucaaradka.

Cabdiraxmaan Faroole wareysi uu siiyay Laanta Af-Soomaaliga ee idaacada codka Maraykanka ee VOA, waxa uu dhaliil ugu jeedayay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaaliya oo uu ku tilmaamay inuu qaab deg-deg ah u wado shirka kooxaha Soomaalida uga socda Djibouti.

Faroole waxa uu ku dooday in maamulkiisu xaq-u leeyahay inay qeyb ka qaataan howlaha dib-u-heshiisiinta, Islamarkaana waxa uu ku hanjabay in hadii aan laga qeyb gelin oo laga baaqsado aanay maamulka Puntland aqoonsan doonin dowlad ka soo baxda dibuheshiisiinta Soomaaliya ee Djibouti.

Madaxweynaha Puntland, wuxuu sheegay in aan lagala tashan qaabka loo soo xulay  barlamaanka cusub ee ay soo magacaabeen mucaaradka Soomaaliya. Cabdiraxmaan Faroole wuxuu carabka ku dhuftay in xubnaha Barlamaanka cusub ee la ansixiyay ay gobolada Konfureed ee Somaliya oo kaliya quseeyaan. Waxana uu intaa ku daray in xataa xubnaha u sharaxan Madaxweynenimada Somaliland ee ka soo jeeda Puntland aanay wakiil ka ahayn, sidaa daraadeed, waxa hadalkani u muuqtaa mid ka turjumaya dareeno soo baxay wakhtigii Cabdilaahi Yuusuf oo haatan Magangelyo weydiistay dalka Yeman uu iska casilay Xilka Madaxweynenimada Somaliya, kaasoo sheegay in Cabdilaahi Yuusuf dhiniciisa u hawl-geli doona si kasta oo uu u fashilin karo dawladaha ka danbeeya. 

 

 

 

 

 

Wasiirka Arrmaha dibada Itoobiya oo ka hadley xaalada Somaliya ee haatan

Addis Ababa (Ogaal/W.Wararka) – Wasiirka arimaha dibada ee Ethiopia Seyoum Mesfin ayaa meesha ka saaray in ciidamadoodu dib ugu noqon doonaan Somaliya, Islamarkaana waxa ku eedeeyay kooxda Al-Sabaab inay ku baaqeen dagaalo cusub wixii ka dambeeyay markii ay ciidamadoodu bilaabeen bixida.

Wasiirka khaarajiga Ethopia wuxuu sheegay in dagaalo ay abuureen Al-shabaab ay ku dhinteen dad ka badan 16,000 qof. “Ciidamadayadii waan kala baxnay Somalia, waxayna ka talaabeen xadka, mana dhacayso inay dib ugu laabtaan oo waxay qabanayaan howlo kale oo uu dalkoodu uga baahan yahay” ayuu yidhi Mesfin .

Wasiirka arimaha dibada ee Ethiopia oo wariyeyaal kula hadlayay Addis Ababa shalay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal ay ku sheegeen madaxda AU-da oo ah inay ciidamada Ethiopia dib ugu labanayaan Somalia markii loo baahdo; kadib laba sano oo ay halkaas u joogeen howlgalo dhiig badan sababay. “Ma filayo in ciidamada Ethiopia ay dib ugu laabanayaan Somalia, balse waxaan sameynaynaa talaabo kasta oo aan ku xoojinayno AMISOM [The African Union Mission to Somalia], iyo dagaal walba oo ay Somalidu la galayaan nabadgalyo darada iyo kooxda yar ee argagaxisada ah”ayuu sheegay Mesfin.

Dhinaca kale, Agaasimaha wasaarada arimaha dibada Somalia Max’ed Jaamac Cali ayaa u sheegay VOA inuu aad uga walwalsan yahay dib isku habeynta kooxaha dagaalka ka wada Somaliya, ka dib bixitaanka ciidamada Ethiopia . “Markaan eegno amaankeena, xaalada Somalia waa mid aad khatar u ah, sida aad arkayso, waxayna xaaladu sii xumaatay markii ay ciidamada Ethiopia baxeen; waxaa jirta khatar aan la sifeyn karin” ayuu yidhi Max’ed Jaamac Cali.

Ciidamada Ethiopia waxay gudaha u galeen Somalia sanadkii 2006 si ay gacan u siiyaan dawlad Soomaalida loogu soo dhisay Kenya, taasoo aan awood lahayn ilaa maanta, waxayna talada ka tuureen Midowgii Maxkamadaha, iyagoo dhamaadkii 2008 go’aansaday inay ka baxaan Somalia.

 

 

 

 

 

 

 

 

Madax-dhaqameedka iyo odayaasha Beesha Bariga

Sanaag oo sheegay inay taageeradii kala taabteen xisbiga UDUB

Ceerigaabo (Ogaal) Cuqaasha, odayaasha iyo wax-garad ka tirsan Beesha Wansangeli ee Bariga gobolka Sanaag, ayaa caddeeyay inay taageeradii kala noqdeen xisbiga talada haya ee UDUB.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Ogaal ee gobolka Sanaag Cabdillaahi Xusseen Darwiish, Madax-dhaqameedkan iyo Wax-garadkan beesha Bariga Sanaag oo Arbacadii shir jaraa’id ku qabtay Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee magaalada Ceerigaabo, waxay halkaa kaga dhawaaqeen baaq nuxurkiisu yahay in ay taageeradii kala noqdeen xisbiga UDUB. Waxayna sheegen in aanay raali ka ahayn wax talo ahna aan laga waydiin Suldaan cusub oo la sheegay in loo caleemo saaray Beesha Wansangeli, kaasoo ay sheegeen inay magacaabeen Madaxweyne Rayaale iyo xubno kale oo weheliyaa. “Haddii aannu nahay beelaha Warsangeli gaar ahaan Bah-ogayslabe, waxannu shirkan jaraa’id ku caddaynaynaa in kalsoonidii aannu ku wada shaqayn jirney aannu kala noqonnay Xisbiga UDUB.” Sidaas waxa yidhi Chief Caaqil Maxamed Xasan Cumar oo halkaas ka hadlay. “Waxa nagu kaliftey qaddiyad cusub oo aannu u qaadan wayney ama garawsan waynay oo ah wiil Hargeysa jooga oo Suldaan cusub nalooga soo dhigay, iyadoo haddii  aannu nahay Madax-dhaqameedyo ama Wasiirro ama Xildhibaannadayada toonna aan wax talo ah nalaga weydiin.” Sidaa ayuu yidhi mar wax laga waydiiyay sababta xilligan keentay inay taageerada kala laabtaan xisbiga UDUB.

 

Saadaasha Sheekh Aadan Siiro ee Isbadelka iyo soo dhaweyntii dadka   

Hargeysa (Ogaal)–Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiiray, oo ka mid ah culimada sida aadka looga yaqaan Somaliland ayaa shalay si aad ah loogu soo dhaweeyay madaarka Hargeysa, ka dib markii uu ka soo laabtay socdaal caafimaad oo uu in muddo ah ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud, oo shalay galinkii hore soo gaadhay Hargerysa waxa madaarka kaga hortegay dadweyne aad u farabadan oo ay wehelyaan qaar ka mid ah culimada waa wayn ee Hargeysa iyo masuuliyiin dawlada ka tirsan, sida Guddoomiyaha shaqaalaha dawlada.

Sheekha oo diyaarada ka soo dagay isaga oo sita bir taageeraysa socodkiisa ka dib markii qaliin lagaga sameeyay suulka lugta midig, ayaa waxa uu warbaahinta ugu waramay qolka nasashada ee Madaarka, isaga oo warbaahinta la hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan u mahad naqaayaa ILaahay (SW), waxa kale oo aan u mahadnaqayaa shacabka qiimaha badan ee aan ka soo jeedo iyo dalka aan aan ka soo jeedo ee Jamhuuriyadda Somaliland, odhan maayo Somaliland laakiin waxaan leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland si aan uga gadisnaano meelo badan oo aan Jamhuuriyad ahayn.

Walaalayaal ILaahay mahadiisa ka dib.

Waxaan Maanta aad ugu faraxsanahay Somaliland oo xor ah, dawlad leh oo ah Umad wax qabsanaysa ah, oo runtii meel u jeeda inkastoo wax badani inaga khaldan yihiin, waxaan doonayaa inaan saddex kalmadood idhaahdo, mid hore waxaan leeyahay isbadal ayaa inagu soo socda, shacabka reer Somaliland-na aad ayay ugu mahadsan yihiin sidii wanaagsan ee aynu diwaangalinta u samaynay, inkastoy inagu cusbayd, hadana waxaynu samaynay guul balaadhan, maadaama oo tirakoobkii uu Somaliland oo dhan ka dhacay, walaalayaal isbadalka soo socda waxaanu leenahay oo aanu aad iyo aad shacabka ugu dardaaraynaa in la doorta, isbadal baynu u baahanahay.”

Sheekha oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Shacabka reer Somaliland 75% waa dhalinyar, waxa la doonayaa horumar iyo shaqo la abuuro, dalka wax laga badalo oo dadkeenu noqdaan dad daryeel hella, ma imanayo isbadalka noocaas ahi, haddii aynaan dooran hogaankii taa qabanayay, waa fursad waxaanan dadkayga reer Somaliland aad iyo aad ugu dhiirinayaa fursadaa maanta in laga faa’idaysto, xisbiga talada haya ee aynu dooranay, qof walbana waa in lagu ixtiraamaa wakhtiga uu hayo, waxaynu leenahay maanta idinku fursad ayaad haysataan (UDUB), hadaad isbadal samaysaan runtii fursad baad leedihiin.”

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud, waxa uu mahad balaadhan u diray xisbiga UCID, kaasi oo uu sheegay in guddoomiyaha xisbigaasi la soo xidhiidhi jiray markuu isbitaalka ku jiray “Labada xisbi ee Mucaaridka ah, waxaan runtii aad u hambalyaynayaa Guddoomiyaha xisbiga UCID oo runtii si gaara in ka badan shan goor igula soo xidhiidhay Telefoonka, isaga oo caafimaadkayga wax badan iga waydiiyay, kana mid ah dadka qadiyada Somaliland-na ku adag, xataa markii Khilaafku ka jiray Somaliland mawqifyo badan iska taagay, khaladaadka qofka ka dhacaana aniga aktayada kuma wayna, laakiin qofka Ilaaliya Towxiidka calankeena ku yaala, qofka ilaalinaya qadiyada Somaliland, qofka ilaalinaya

midnimadeena iyo Cadaaladeena waaka aynu doonayno inuu maanta umadda horgallo.

Waxaan idiin sheegaya in badan waxaan ka warwareegay in aan dhex u ahaado saddex xisbi qaran ee maanta jira, laakiin go’aankaygu wuxuu yahay maalmaha soo socda in aniga iyo dad badan oo aanu meel u wada jeedno in ay khasab tahay in isbadalka soo socda laga qayb qaato, haddii kale horomarka aynu doonaynaa maaha mid suurta galaya, qaabka uu isbadalkaasi noqonayo iyo qaabka aynu uga qayb qaadanaynana markaa an dalka waraysto sida wax u jiraan ayaan ka hadli doonaa.

Walaalayaal waxaan aad iyo aad ugu mahadinayaa bahda Wargeysyada iyo TV-yada, oo aan is leeyahay qayb wayn bay ka qaateen horomarka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan aad iyo aad ula yaabanaa TV-yada Madax banaan xataa Tv-ga Qaranka iyo jaraa’dkeenii oo aad Website walba aad kala soconayso wixii dalka ka jiray intiiniina waad qabateen.” Sidaas ayuu yidhi Sheekhu waxana uu bahda warbaahinta kulla dardaarmay inay ilaaliyaan dhinacooda Qaranimada.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.