Shir Beesha Koonfurta Hargeysa ay ku yeesheen Hotel Ambassador

Hargeysa (Somaliland.org) – Shir ballaadhan oo ay maant isugu yimaadeen qaar ka mid ah Beelaha deegaanka koonfurta Caasimada Hargeysa ayaa lagu qabtay Hoteelka Ambaasadoor.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen 150 ergay oo isugu jiray Salaadiin, Cuqaal, Odayaal iyo waxgaradka Beelaha Danwadaago (Ciidagale), kuna saabsanaa ka tashiga aayaha, Masiirka iyo midaynta beesha, ayaa lagu doortay guddi ka kooban 7 xubnood.

Axmed Xasan Shafad oo loo doortay Afhayeenka gudidaasi oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay gudidani tahay mid u taagan isku xidhka iyo maslaxada danta guud ee beesha Dan-wadaago, waxa uu yidhi “Shirkan ay maanta isugu yimaadeen Beelaha Dan-wadaago waxa soo agaasimay Suldaan Maxamed Cabdilaahi Galaal oo ah guddoomiyaha gudidan todobada xubnood ka kooban. U jeedada shirkanina mid ay beeshu kaga tashanayso aayaheeda iyo mustaqbalkeeda”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey “Waxay beeshu isla qaadatay inay mideyso masiirkeeda iyo aayaheeda, isla markaana ay adkeeyaan danta guud ee nabadgelyada”

Guddoomiyaha gudida cuqaasha Caaqil Cawil Warsame ayaa isna sheegay inay u jeedada shirkani tahay siddii ay beeshu u mideyn lahayd mowqifkooda iyo hadafkooda Siyaasadeed una noqon lahayd.

 Suldaan Maxamed Cabdilaahi Galaal oo isaguna gebagebadii Shirkaas ka hadlay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay  oo uu yidhi “ Waa shir ay  qabsatay Sadexda Danwadaago waxayaabaha la isku raacayna waxa ka mid ah in  la dhiso guddi aan gudoomiye u ahay, taas oo ay u jeedada shirkani tahay in beeshu midowdo oo ay ka midowdo dhinaca Siyaasada wakhtigan Xasaasiga ah ee lagu jiray. Gudidan ila shaqeynaysana ay ka taliso aayaha beesha iyo dhinaca Siyaasada meesha ay mari doonto”.

Axmed Maxamed Saleebaan/ Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.