Laba Suldaan oo Dhalliilay kulan dhexmaray Daahir Riyaale iyo koox salaaddiin ah oo lagaga hadlayey khilaafka Waqooyiga Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.org) – Suldaan Ismaaciil Aadan Xirsi iyo Suldaan Xiis Barre oo ka tirsan salaadiinta Somaliland gaar ahaana salaadiinta waqooyiga Hargeysa ayaa sheegay inay ka soo hor jeedaan kulanka uu Madaxweyne Rayaale la yeeshay qaar kamida Salaadiinta Waqooyiga Hargeysa.

Labadan Suldaan oo ay  Waraysi gaar gaar ah la yeelatay Idaacadda Madaxa banaan ee Radio Horyaal ayaa sheegay   inaan kulankaasi dambe ee Madaxweynaha aanay waxba ka ogayn isla markaana aanay waxba kala socon waxa ay Madaxweyne Rayaale  iyo salaadintaasi ka wada hadleen.

Labada Suldaan waxa ay  tilmaameen in aanay ogolaanayn in la duudsiyo  xuquuqda umada ay suldaanka u yihiin  isla markaana haba yaraatee  wax ka soconayaa jirin waxyaabaha ay isla qaateen Madaxweyne Rayaale iyo Salaadiintaasi.

Labadan Suldaan ee Suld. Ismaaciil  Aadan Xirsi iyo  Suld. Xiis Barre waxa ay ka mid ahaayeen  koox salaadiin ah oo uu  dhawaan fadhiga kaga kacay Madaxweyne Rayaale kadib markii ay  isku af-garan waayeen  arrinta 13 goobood oo ka tirsan Waqooyiga gobolka  Hargeysa oo aanay wax diiwaangelin ahi ka qabsoomin.

Axmed Maxamed Saleebaan/ Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.