Distoorku Riyaale Uuma Ogola Ina uu Jagada Madaxweynaha Qabto markale

Riyaale imise jeer ayaa jagada madaxweynaha loo dhaariyay? Tiraba saddex jeer. 1) Maalintii uu Cigaal geeriyooday 2) maalintii la doortay 3) maalintii Guurtidu u kordhisay!!!! Haddii markale (Alla ka ma dhige e) loo dhaariye jagada madaxweynaha waxa aay noqoneysaa AFAR JEER. Haddaba Sua’aashu waxa weeyi: Distoorku ma ogol yahey in qofna jagada madaxweyne in ka  badan laba jeer loo dhaariyo?  Jawaabtu waa maya.   

Riyaale muddadii uu ka dhaxlay marxuum Cigaal waxa loo dhaariyay madaxweyne wadanka ee looma dhaarin KU-SIME.  Taasi muuran kama taagna.  Imika markii Guurtidu u kordhiseyna waxa loo dhaariyay madaxweyne ee KU-SIME looma dhaarin. Halkaa waxa ka cad ina uu saddex jeer jagada hore u soo qabtay marka lagu daro markii la doortay.   

Hadaba distoorku muxuu o dhanayaa? Distoorku waxa uu dhigaaya sidan: “Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan”     

 Riyaale weli maalin ayuu run sheegay.  Waa maalintii uu yidhi, “distoorka ma jebiyo ee marmar ayaan iska garab maraa”!  Maantana waxa uu u soo qeytay ina uu iska garab maro markale.  

Sida la faafiyay shirweynihii labaad ee Xisbiga UDUB waxa la qaban doono 3-da bisha February ee 2009. Waxaana hubaal ah ina uu Riyaale isu soo sharixi jagada madaxweynaha. Sida shirkan loo soo qabanqaabiyay waxa loogu talagalay ina aan cid aan Riyaale aheyni ku soo bixin jagada madaxweynaha. Taasina waa mid xisbiga UDUB u caado noqotay. Madmadawga shirkan ku gadaaman waa arrin falaqeyn dheer u baahan oo aan mar kale u dhigan ee aan ku soo noqdo nuxurka qoraalkan oo ah Riyaale SADDEX jeer oo hore ayuu jagada madaxweynaha soo qabtay. Sida awgeed sida distoorka ku qayaxan markale jagada ma qaban karo. Sababtuna waa tan hoos ku qayaxan 

U fiirso: distoorku ma odhan looma DOORAN karo laba jeer wax ka badan ee waxa uu yidhi laba jeer wax ka badan Madaxweyne ma NOQON karo. Distoorka qodobkisa 88 qeybtiisa (2) waxa aay dhigeysaa sidan, (Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan).  Qodobkaa 88 (2) nuxurkiisu waxa weeye Qofna laba jeer wax ka badan madaxweyne ma nuqon karo. Qodobkaasi ahmeyad ma siinin ina la doortay iyo inuu dhaxlay ee waxa uu ahmeyd siiyay ina uu madaxweyne noqday uun. Haddii aaynu sii jilcino sida uu ku noqday wax ka soo qaad ma leh ee ina uu noqday ayaa muhiim ah.  

Haddaba sua’aashu waxa aay tahey, mudaddii uu dhameystiray Riyaale markii uu Marxuum Cigaal geeryooday ma loo tiriyaa HAL JEER (one term) mise waa maya.  Culumada qareenado (Qareen ma ihi ee la soco) waxa aay isku waafaqsan yiheen ina uu mudadii uu dhaxlay loo tirinaayo HAL JEER (one term).  

 Madaxweyne laba siyood ayaa lagu noqon karaa: 1) Doorashu 2) Jagdaa oo si lama filaan ah u banaanaata. Distoorku waxa uu qayaxay haddi jagada lagu buuxiyo doorasho ina muddado loo cayimay tahay shan (5) sanno. Haddi si aan doorasho aheyn ku timaaadana waxa la dhameystirayaa muddadii ka hadhsaneyd.   Marka meel aay distoorka kaga taalo jagada madaxweynaha haddi si aan doorasho aheyn lagu buuxiyo loo tirin maayo ma jirto. 

Haddaba marka jagada madaxweynaha lagu buxiyo si an doorasho aheyn waxa aay noqon kartaa laba mid. Midi waa KU-SIME ila inta madaxweyne cusub la dooranaayo midne waa madaxweyne rasmi ah.  Waxa aay culumado isku waafaqsan yiheen  mar haddi uu kursiga ku fadhiyay isaga oo Madaxweyne TAAM ah oo aanu aheyn ku MEEL GAADH ina loo tirinaayo hal jeer oo buuxa amba shan (5) sanno ha gaadho amba ha ka yaraato e. Taasina waxa aaynu iska shabahnaa distoorka mareykanga.  

Sida aanu muran ka taageyna Riyaale waxa uu aha Madaxweyne TAAM ah muddadii uu Marxuum Cigaal ka dhaxlay ee ma aheyn ku meel gaadh (care taker). Sida awgeed waxa loo tirinayaa HAL JEER. Waxa iyana laf dhabar u ah doodan distoorku marnaba amba meelnaba ina aany ku qeyxneyn ina  LABADA JEER aay tahey laba jeer oo min shan (5) sanno oo BUUXA ah.  Haddan halka ku celiyo distoorku waxa uu odhanaya LABA JEER oo QUDHA ee ma odhanaayo laba jeer oo min shan sanno ah (BUUXA). Mida kale distoorku kama hadlin muddada dhaxal-tooyada ina loo tirin karo hal jeer iyo in kale laakiin waxa laga dheegan kara qodobka 88 (2). 

Bal haddaba aan eegno waxa uu distoorku ka odhannaayo haddii uu Madaxweynuhu geeriyoodo.  Waxa uu u kala qaaday laba. Waa ta hore e sida ku qayaxaan qodobka 89 (1)  waxa uu odhanayaa haddi uu geeriyoodo saddexda sanno ee hore gudahooda Madaxweyne ku xigeenka ayaa u sii qabanaaya jagada Madaxeynaha si ku meel gaadh ah (temporary President). Doorashada Madaxweynahan waxa lagu qabanayaa muddo lix (6) bilood ah.  Culumada qareenado waxa ay isku wafaqsan yiheen mar haddi uu ku meel gaadh yahey ina aan loo tirinayn hal jeer (one term) 

Waa ta labaada e qodobka 89 (2) waxa uu odhanayaa haddi uu geeriyoodo labada sanno ee dambe gudahooda, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa la wareegaaya jagada Madaxweynaha inta ka hadhay muddada oo isla markana magacaabaaya Madaxweyne kuxigeen isaga oo ka dooranaaya Wakiilada. Culumada qareenado waxa aay isla waafaqsan yiheen mar haddi uu isagu dooranaayo Madaxweyne ku-xigeenkiina ina aanu aheyn ku meel gaadh ee uu yahey Madaxweyne TAAM ah.  Sidaasina waa sidii Riyaale ku soo baxay.  Mar haddi aanu aheyna meel ku gaadh waxa la isku waafaqsan yahey ina loo tirinaayo HAL JEER (one term). Sida awgeed distoorku ma ogola ina uu Riyaale mar kale Madaxweyna nimada iso soo taago 

Haddaba haddi uu mar kale Riyaale isa soo sharaxo oo la doorto (Ilaahay inaguma keene e) waxa uu Madaxweynanimada qabanayaa SADDEX (3) JEER amba AFAR (4) JEER. Taasina waxa aay ka hor imaneysaa qodobka 88 (2) ee odhanaaya, Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan. Haddi aan sii lafa gurno nuxurku waa imisa jeer  (number of terms) ayoo qofku Madaxweynanimada qaban karaa ee ma ah inta sanno ( number of years) ee uu hayay.  

Waxa iyanna muhiim ah marka arrimaha qawaaniinta laga hadlaayo bal ina la darso sidaa qawaaniinta wadanada kalana ka yeelan marka Madaxweyne geeriyodo. Haddaba haddi aaynu soo qaadanu distoorka Mareykanga waxa uu odhanayaa sida ku qayaxaan bedelkaka (The 22nd Amendment) sidan hoos ku qoran: 

“Qofna looma dooran karo xafiiska Madaxweynanimada laba jeer wax ka badan; amba qofka mar soo noqday Madaxweyne laba sanno in ka badan isaga oo dhameystiraaya muddo qof kale oo aan isaga aheyn loo doortay waxa iskii Madaxweyne loogu dooran karaa MAR QUDHA”  Distoorka Mareykanka sida ku cad mudadda uu dhaxlo waxa loo tirinaayo HAL JEER oo TAAM ah inkasta oo ay ka yartahey shan (5) sanno.  Habku dhaqankan distooriga ihi Mareykanka uun u gaar ma aha ee waxa la qaba wadana fara badan.  

GEBOGEBO 

Waxa laga yaaba ina dadka qaar kood yidhaahdaan DAW ma ah ina muddo shan (5) sanno ka yar loo xisaabiyo mudda buuxda, hase yeesee mar ka aad dhinaca kale ka eegto dadka qaar kood ayaa odhanaaya DAW ma ah ina uu qofna qabto laba jeer wax ka badan (labbadii jeer ee la doortay iyo tii uu daxlay) amba toban(10) sanno wax ka badan.  Calaa kuli xaal ma aha maxaa DAW ah ee waa sida waafaqsan distoorka. Doodani waxa ay ku saleeysan tahey ina muddada uu qof noqonaayo Madaxweyne aanay ka badan toban (10) sanno bal se aay ka yaraan karto.  Kaba soo qaad haddi Riyaale mar kale la doorto waxa uu hayn doona Madaxweyna nimada ina ka badan lix iyo toban (16) sanno.  

Arrintani waxa ay qiimu u leedahey wadanada Fulinta iyo Garsoorku kala Madaxbanaan yahey laakin sida ka jirta Somaliland Fulinta iyo Garsoorku waa isla hal. Garsoorkuna waxa uu u shaqeeyaa Fulinta oo u yeedhisa hadaba sida aay iyaga ugu badineyso. Markaasi waxa la iskaga daaliyo garsoosrka meesha ma taalo.  

Waxa aan idinkaga tegaya qodobak 88 (2), ee odhanaya, (Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan). “No person may hold the office of President for more than two terms.  

 

Ali Gulaid

This entry was posted in Editorial. Bookmark the permalink.

Comments are closed.