Cabdillaahi Darawal oo magacaabay Musharaxiisa Madaxweynekuxigeenka ee Xisbiga UDUB gudihiisa

Hargaysa (Somaliland.org) – Cabdillaahi Xuseen Iimaan Darawal oo hore u sheegay in uu u sharaxan yahay jagada madaxwaynaha ee xisbiga UDUB ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargaysa waxa uu kaga dhawaaqay in Maxamed Xaaji Hadliye uu yahay musharaxa Madaxweyne kuxigeenka u noqon doona.

 Wasiirkii hore ee Wasaarada Caafimaadka iyo shaqada Cabdilaahi Xuseen Iimaan Darawal waxa uu kaga dayriyey gudida qaban-qaabada Shirweynaha labaad ee Xisbiga UDUB oo uu sheegay inuu gudoomiye u yahay ninka u sharaxan jagada Madaxweyne Kuxigeenka  ee ay ku tartamayaan Xisbiga dhexdiisa.

Md. Darawal waxa uu sheegay inaan gudidaasi si cadaalad ah u xulaynin  ergooyinka ka qeybgalaya  shirweynaha labaad ee Xisbiga UDUB.

Cabdilaahi Darawal waxa uu sheegay inuu murashaxa madaxweyne kuxigeenka u noqonaya uu u doortay  Maxamed Xaaji Hadliye.

Xisbiga UDUB ayaa 3 February ee sanadkan u mudeeyey qabsoomida Shirweynahooda 2aad ee Xisbiga oo muddo laba sano ka badan dhaafay wakhtigii la rabay in la qabto.

Cabdilaahi Xuseen Iimaan [Darawal]  iyo Axmed Sandoon ayaa sheegay inay ku tartami doonaan Jagada Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UDUB dhexdiisa.  

 

Axmed Maxamed Saleebaan/ Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.