Xisbiga UCID oo soo saaray Musharraxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka

UCID

UCID

Hargeysa (Somaliland.org) – Shirkii Golaha dhexe ee xisbiga siyaasiga ah ee UCID oo maanta ka furmay Hoteelka Maansoor ee Magaalada Hargaysa, ayaa lagu doortay musharaxa Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa.

Shirkaasi oo ay ka soo qayb galeen 150 ergay, waxaa musharaxa Madaxwaynaha loogu doortay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, halka musharaxa madaxwayne  ku xigeenkana loo doortay Maxamed Rashiid Sh. Xasan. Waxa kale oo lagu ansixiyey Xeerka iyo barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga.

Shirka ayaa buuq ka dhashay, markii Shirguddoonka Shirka, Mr. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde uu ku dhawaaqay in Guddida Fulinta ee xisbigu ay hore u go’aamiyeen in Guddoomiyaha Xisbigu uu noqonayo Musharraxa Madaxweynaha, isla markaana Xeerka xisbiga lagu daray, laguna ansixiyey shirka golaha Dhexe ee xisbiga.

Sidaa darteed, waxa uu sheegay in Guddida Fulintu ay isku raaceen in musharraxa Madaxweynuhu uu noqdo Faysal Cali Waraabe, Musharraxa Madaxweynekuxigeenkuna uu noqdo, Maxamed-rashiid Sh. Xasan, isla markaana loo baahan yahay in Golaha Dhexe ansixiyo.

Dr. Cali Caydiid Xasan oo ahaa musharaxii labaad ee u taagnaa jagada madaxwayne ku xigeenka UCID ee laga guulaystay ayaa ku eedeeyay shir guddoonka shirkaasi waday in ay majaro habaabiyeen.

Xisbiga Siyaasiga ah ee UCID wuxuu noqday xisbigii labaad ee ku guulaysta in uu soo xusho musharaxiintiisa, iyada oo xisbiga KULMIYE uu hore u soo xushay, halka uu ilaa haatan aanu soo xulan xisbiga talada haya ee UDUB.

Axmed Maxamed Saleebaan, Somaliland.org, Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.