Wararka Wargeyska OGAAL: Wasiir Waran-cadde oo difaacay go’aan ka cadhaysiiyey Garabka UDUB ee isbadel doonka ah

 Hargeysa (Ogaal)- Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha labaad ee xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa ku dhawaaqay waqtiga uu qabsoomi doono Shirweynaha xisbigoodu.

Afhayeenka Guddiga Qabanqaabada Shirka UDUB Rashiid Xaaji Cabdillaahi Guulleed oo shalay Shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee xisbigaasi ku leeyahay Hargeysa, waxa uu sheegay in Shirweynahooda oo haatan muddo dhowr sannadood ah muddo dhaaf ahi uu 3 –dan bishan soo socota ka furmi doono Hargeysa. Rashiid Xaaji Cabdillaahi waxa uu soo saaray qoraal wargelin ah oo uu ergooyinka Shirweynaha kul socod siinayo in ugu dambayn 2 bisha ay ku soo xeroodaan Hargeysa, si ay u qaataan kaadhadhka ergooyinka. Waxa uu tilmaamay in xubintii ka dambaysa waqtiga Guddigu u cayintay inay Guddi ahaan u aqoonsan doonaan xubin ka maarantay ka qaybgalka, kana baaqan doono ka qaybgalka Shirweynaha xisbiga UDUB. Afhayeenka Guddiga Qabanqaabadu ma sheegin muddada uu socon doono Shirweynaha xisbigoodu, balse siday wararka qaarkood sheegayaan waxaa loo qorsheeyay in muddo saddex maalmood ah uu shirku socdo.

Tan iyo markii uu dhowaan Madaxweyne Rayaale magacaabay Guddigan oo 11 xubnood ka kooban, Islamarkaana uu Madaxweyne Ku xigeenku gudoomiye u yahay, waxaa si hoose u socday olalayaal iska soo horjeeda oo murashaxiinta Xisbiga UDUB dhexdiisu ugu jiraan sidii ay u hanan lahaayeen taageerada Xisbiga. Hase ahaatee, waxa jiray dareeno muujinaya kala duwanaan dhinaca arragtida ah oo la xidhiidha qaabka shirku u dhacayo iyo xataa nidaamka Gudoomiyaha xisbigu u maray magacaabista gudiga oo murashaxiinta u taagan in xisbigu u doorto Xubnaha u tartami doona Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay Mudane Rayaale inuu sife sharci daro ah, Madaxweyne ku xigeenka ugu xushay inuu gudoomiye ka noqdo Gudiga qaban-qaabada shirweynaha kala saareysa Murashaxiin uu ka mid-yahay, taasoo ay ku tilmaameen talaabo daaha ka feydaysa damac ay Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin qorsheynayaan in lagula tartamo Saaxad ay garsoor ka yihiin.

Hase ahaatee, Wasiirka Duulista hawada Cali Maxamed Warancade oo u waramay hadh-wanaagnews ayaa ku dooday in xeerka ay waafaqsantahay qaabka Madaxweyne Rayaale u magacaabay Gudiga. Waxaana uu ku dooday in Xisbiga UDUB gudihiisa ay ka jirto dimuquraadiyadi. “Waxa la yidhi si xun wax u sheeg sixir ka daran, sidaad ogtahay saddexda qof ee ugu sareeya Xisbigu waxa weeyaan Guddoomiyaha, Guddoomiye ku xigeenka iyo Xoghayaha guud, sidaad la socoto waxa dhawaan iyada oo ay hawsha shirku soo guda-gashay geeriyooda Xoghayihii guud Bullaale, isla markaana waxa khasab noqotay kaalintiisii cid buuxisa in la helo oo ah Ninkii isaga ka sareeyay oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka UDUB oo ah Madaxweyne Ku-xigeenka. Markaa Madaxweyne ku xigeenka sababta soo gelisay waxa weeyaan maadaama ninkii meesha hayay uu ka baxay, ninka labaad ee xogogaalka u sii ahaa ee Xoghayaha ka sareeyay waxa uu ahaa Guddoomiye ku-xigeenka oo ah Madaxweyne Ku-xigeenka.” Sidaas waxa yidhi mudane Cali Maxamed Warancade. Waxana uu intaa ku daray oo uu ku dooday in Xisbigu la dabaqayo xeerarkiisa in kasta oo aanu qodob ka mid ah xeer hoosaadkaasi soo qaadan. “Waxaan filayaa Xisbigu nidaam iyo shuruuc  ayuu leeyahay hore loo dhisay, horaana Xisbigu uu isugu ogolaaday oo uu uga wada socday in saddexdaa nin ay u yihiin Madax Xisbiga. Markaa dee hadday khalad tahay markii hore ee shuruucda la qorayay ee nidaamkan la dhisayay, ayaan sidan loo habeeyeen. Laakiin waxaad moodaa in haddii nin meesha ka baxay in Shuruucdii uun lagu dhaqmay, mana qabo Annigu wax kale oo dhib ahi inuu jiro, waana Masuuliyaddii loo igmaday Madaxweynuhu inuu Xisbiga u sameeyo oo uu horumariyo.” Ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawada Somaliland.

  Hase ahaatee, Cali Warancadde mar uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay inta ay leegtahay rejada Xisbiga UDUB ka qabo in uu doorashooyinka soo socda ku guulaysto mar labaad Madaxnimada dalka Somaliland, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi, “Wallaahi rejo wanaagsan ayaanu ka qabnaa, Illaahay mahaddii, muddo dheer ayaanu soo wadnay hawshan, ninkuna marka uu hawsha loo diray ku jiro, waa inuu joogteeyo, maadaama dalkani dal curdin ah yahay waxaan qabaa inay ummada reer Somaliland fahansan tahay, inay maanta u baahan tahay ninka raadka ku jooga, maadaama ay dhawdahay raacdadii aanu ku haynay Ictiraafka iyo horumarka Somaliland aan filayo in maanta inyar loola jiro, waxaan qabaa inay dadku ku kalsoon yihiin ninkii hawsha ku jiray in guusha soo dhawaatayna uu gaadhsiiyo. Markaa rejo wayn ayaanu qabnaa in mar labaad nala doorto.”

  Wasiirka Duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Cali Maxamed Warancadde, oo la waydiiyay sida ay Somaliland ahaan u arkaan iyo rejada uu yeelan karo Shirka dalka Jabuuti uga socda Kooxaha Koonfurta Soomaaliya, waxa uu yidhi, “Wallaahi Annagu haddaanu nahay ummada iyo Xukuumadda Somaliland walaalahayo waxaanu la jecelahay nabad, deganaansho iyo inay dawlad helaan oo ay nimcada nabadgalyada ku raaxaystaan, runtiina waa wax aad iyo aad looga murugoodo, markaad aragto dalkaa aanu deriska nahay ee aanu walaalaha nahay ee Soomaaliya, sidaa awgeed waxaanu la jecelahay inay ku heshiiyaan aaminaad, walaaloobaan, dhibaatada dhexdooda ka jirta iyo dagaaladda ay joojiyaan, si Gobolka Geeskuna uu naacawdaa nabadgalyada uu ugu raaxaysto.”  “Waxaan leeyahay Walaalahayaga Soomaaliyeed, waa inaad ku heshiiyaan Jabuuti, wallaalihiina gogosha idiin dhigay ee dantiina wada aqbala. oo inay dawlad samaystaan, oo weliba ay iska illaaliyaan kuwa fad-qalalada kula dhex jira ee jagooyinkii ay ku heshiin lahaayeen ka buuxiyay ee dibad meerka ah ee ay ka mid yihiin Canaasiirta Somaliland ka soo jeeda oo had iyo jeer aad moodo inay lugta ku walaaqayaan ama jagooyinkii qabaa’ilka ku salaysnaa ee ay ku heshiin lahaayeen ay ka buuxinayaan iyaga oo wax alla wax ay u hayaan jirin, kuwaana waxaan leeyahay iska ilaaliya, iska saara, intiina dantu isku qabatay ee Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray heshiiya oo wax dhista, oo ha isku sii daynina dadka fadqalalada idinkula dhex jira.” Ayuu raaciyay Cali Warancade hadalkiisa.

 

“Somaliland wey ka duwantahay fikirkii aan ka heystay”
Ganacsadayaal reer Galbeed ah oo dalka u yimi inay saami ku yeeshaan Warshada Daqiiqda Berbera
  

Hargeysa (Ogaal)- Wefti ganacadayaal reer galbeed ah oo dalka u yimi maalgashiga qayb ay ku yeeshaan hirgelinta wershed daqiiqda samaysa, isla markaana wadahadalo wax-wada qabsi ah kula jira Shirkaddaha Indha-deero, Al-Xarbi iyo Ganacsade Shariif ayaa shalay ka xog-waramay ujeedooyinka socdaalkooda.  

Weftigan oo ay shirkadda Indha-deero ee maxalliga ahi ku dhiirigelisey inay marka hore dalka yimaadaan, si ay iyagu u soo indha-indheeyaan, ayaa Shariif Axmed Baalaawi oo guddoomiyaha ganacsatada Soomaalida Imaaraadka, isla markaana heshiis iskaashi kula jira shirkaddaha Indha-deero iyo Al-Xarbi isaga oo ka hadlayay ujeedada socdaalkan ay dalka ku yimaadeen wuxuu yidhi, “Waxaanu u nimi Somaliland Wershaddan Daqiiqda. Wersheddaas dhawr sannadood ka hor ayaanu ka dhisnay Berbera, haddana waxaanu doonaynaa inaanu bilawno hawlihii wershedda. Isla markaana qolyahan (wefti ganacsato ajaanib ah) nala socdaana waxay rajaynayaan inay nagula shurkaan wershedda, waxaananu rajaynaynaa inaanu wersheddaas wax-soo-saarkeeda ka bilawno Somaliland.” Mar la waydiiyay kaalinta ay ka qaadan karayso hirgelinta wersheddani dhinaca dhaqaalaha iyo siday rajaynayaan inuu noqon doono qiimaha daqiiqdu, wuxuu yidhi, “Waxaan rajaynaynaa inay qayb wayn ka qaadato, sida aad ka warqabtaana waxa hada Daqiiqda laga keenaa wadamo kale, sida Imaaraadka iyo kuwo kale, waxaanu rajaynaynaa in taasi aanay dhicin wershadu hadii ay bilaabanto oo ay istaadhanto waa laga kaaftoomi doonaa in dibada laga keeno daqiiqda, isla markaana dad badan oo Soomaali ah ayaa shaqooyin ka heli doona.” Mr Shariif Axmed wuxuu intaa raaciyay in xubnaha ganacsatada ajaanibka ahina ay dalka u yimaadeen sidii qayb uga qaadan lahaayeen shaqo-gelinta wersheddaas. “Waxyaabaha aan halkan (Somaliland) u keenay weftiga waxa ka mid ah inay arkaan amaanka iyo kala-dambaynta ka jirta, si ay dadka kale uga dhaadhiciyaan nabadgelyada iyo amaanka halkan ka jira. Ninkan (mid ka mid ah weftiga ajaanibka ah) wuxuu I lahaa qof kasta oo aan u sheego inaanu Somalia/Somaliland u socdo wuu ila yaabayay, laakiin markuu arkay hada amniga meesha ka jira iyo xataa lacagaha dibaddaha lagu kala sarifanayo aragtidiisii aad bay isu-bedeshay, waxaananu rajaynaynaa inay bilaw fiican noqoto.” Ayuu yidhi mar la waydiiyay siday u arkaan weftigu Somaliland iyo ka hor socdaalkoodii ay kaga yimaadeen Ameerika siday u arkayeen. Mr Christophe oo ka socda shirkad Ameerikaan ah oo fadhigeedu yahay Gobolka Waqooyiga Corolina ayaa la waydiiyay siduu u arko amaanka Somaliland iyo waxyaabihii uu ka aaminsanaa, waxaanu ku jawaabay, “Somaliland aad bay uga duwan tahay wixii aan ka aaminsanaa markii hore, waxaanan dareemayaa in aan ku haysto amaan buuxa. Waxaad lugayn kartaa jidadka adigoo xoriyaddaada haysta, waxaanad dareemi kartaa inaad amaan haysato. Markaa Somaliland aad bay uga duwan tahay wixii aan ka akhriyi jiray Wargeysyada, sidoo kalena aan ka daawan jiray Telefishanada muuqaaladii Muqdisho ka imanayay. Waxaad halkan ka qabateen shaqo wanaagsan (Somalilanders-ka), welina waxaa idiin dhiman shaqo badan oo adag oo ay tahay inaad qabataan. Waxaa leedihiin doorashooyin soo socda, haddii ay doorashooyinkaasi si wanaagsan u dhacaana waa suurtagal inaad sii socotaa….Waa inaad amaan haysataan, ka hor intaydaan horumarin wax-soo-saarkiina.”

Mar la waydiiyay Shirkadda uu ka socdaa ta ay tahay iyo meesha fadhieedu yahay, waxa uu ku jawaabay, “Anigu waxaan ka socdaa Shirkadda BS International oo fadhigeedu yahay Waqooyiga Carolina ee Maraykanka, waxayna ka shaqaysa ka ganacsiga Raashinada; sida Caanaha, Sonkorta, daruuriyaadka maalinlaha ah, Bariiska, Saliida wax lagu karsado, Daqiiqda iyo maceeshadaha kala duwan ee aad maalinkasta ku aragtaan suuqyada.” Sidoo kale, mar la sii waydiiyay muddada ay qaadan karto ka midho-dhalinta iskaashiga shirkaddahan ajaanibka iyo maxalliga ahi, waxa uu yidhi, “Marka ugu horeysa waa inaad haysataa amaan buuxa, kaasoo ay horumar ka gaadhay Somaliland. Dabadeedna, waa inaad haysataa dad wanaagsan oo daacad ah, si aad ula shaqayso……Wadajir waxaanu ku abuuri karnaa hawlgal midaysan, waana suurtagal in aanu Somalland ka hirgelino Wershad soo saarta quudka, si ay hoos ugu dhigto qiimaha ascaarta iyo inay dadku si wanaagsan u helaan adeegeeda.” Mr. Kristof Mar la waydiiyay inay suurtagal tahay in marka uu ku laabto Maraykanka uu horseedi karo Shirkado oo Maraykan ahi inay Somaliland yimaadaan, waxa uu ku jawaabay, “Waxaanu u bandhigi doonaa oo aanu ogaysiin doonaa waxyaabihii aanu halkan ku aragnay. Laakiin, run ahaantii si aad waayo-arag ugu noqoto, waa inaad timaadaa Somaliland oo aad indhahaaga ku aragto. Waa inaad dadka eegtaa, dareentaa inaad amaan haysato, taasina waa mid lagu guulaystay. Waxaanu rajaynaynaa in aanu ganacsi cusub Somaliland ka bilawno.”

Dhawr sannadood ka hor ayay Shirkaddaha Indha-deero, Al-Xarbi iyo Ganacsade Shariif Axmed si wada-jir ah dhismaha wersheddaas ka hirgeliyeen magaalada Berbera, balse waxay sheegeen inay immika ku rajo wayn yihiin sidii loo dhaqaajin lahaa wax-soo-saarkeeda.

 

 

 

Hanjabaado hor leh oo ka soo yeedhay Al-shabaab 

Sheekh Shariif: “Itoobiya Nabad baanu kula noolanaynaa”

Jabuuti (W.Wararka/Ogaal)- Guddoomiyaha Isbahaysiga Dib-u-xoraynta ee garabka Jabuuti oo haatan u taagan tartanka Madaxtinimada Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in dalka Itoobiya ay kula noolaanayaan Nabad iyo deris-wanaag.

Sheekh Shariif waxa uu ugu baaqay kooxaha Muqaawada ee weli dagaalka ka wada Soomaaliya inay colaada joojiyaan, isla markaana waxa uu caddeeyay inuu shaqsiyan diyar u yahay inuu kala dooddo qaybaha siyaasadda, Diimaha iyo qodobka ku saabsan sii wadida dagaalka Soomaaliya. “Aad ayay muhiim u tahay inaan xoojino xidhiidhka dalalka dariska nala ah, oo aanu dhamayno dhibaatooyinkii hore u dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya,” ayuu yidhi Sheekh Shariif oo haatan ku sugan Jabuuti. Wuxuuna ugu baaqay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliya inay ka shaqeeyaan Nabdda, maadaama sida uu xusay ay dalkaa ka baxeen ciidankii Itoobiya ee labadii sannadood ee u dambeeyay joogay, kuwaasoo uu sheegay inay sabab u ahaayeen in dagaalo halkaa ka dhacaan. “Mucaaradku waxay u dagaalamayeen in dalka laga saaro ciidamada Itoobiya. Hadda dalka oo dhan way ka baxeen, wixii maanta ka dambeeyana ma jirto sabab dagaalada loo sii wado, loona dilo qof Soomaali ah,” ayuu yidhi Shariif Shariif oo u waramay wakaalada wararka Reuters. “Go’aankeenu waa inaan xoojino amaanka dalka…Waxaanu isku dayi doonaa inaan isku darno xoogaga mucaaradka iyo intii laga heli karo ciidamadii dowladdii Milateriga ahayd, waxaananu dhalinyarada baraynaa qiimaha uu amaanku leeyahay,” ayuu raaciyay. Wuxuuna intaa ku daray, inay jiraan siyaasiyiin diidan in sida uu sheegay bulshada Soomaaliyeed ay nabad iyo dawlad helaan, kuwaasoo uu ku doodday inay ka qabanayaan bulshada.

Dhinaca kale, magaalada Baydhabo oo ahayd fadhigii baarlamaanka TFG-da oo gacanta u gashay Al-shabaab, ayaa afhayeenka ururka Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abu-mansuur), waxa la sheegay inuu markii ugu horeysay shalay khudbad u jeediyay shacabka ku dhaqan magaalada, ka dib markii ay dorraad si buuxda ula wareegeen magaaladaas. Mr Roobow oo hadal u jeediyay dadweyne isugu soo baxay garoonka Kubadda Cagta, wuxuu sheegay inay halkaa ka samayn doonaan maamul hoos yimaada ururkooda. Isla markaana wuxuu shacabka reer Baydhabo ku amray inay si degdeg ah u soo celiyaan alaabooyin la sheegay in laga bililiqaystay xaruntii Madaxtooyada ee Cabdillaahi Yuusuf iyo xarunta Baarlamaanka TFG. “Ma aqbalayno dowlad aan dalka ku xukumayn Shareecada Islaamka, ruuxii isku daya inuu dalka ku maamulo wax aan shareecada ahayn [Dastuur], waxaan u aqoonsanaynaa murtad diinta ka baxay, waanan la dagaalamaynaa,” ayuu yidhi Abu-Mansor. Wuxuuna shacabka Baydhabo ugu baaqay inay si dejiyaan, isla markaana nabad ku joogaan magaaladooda. Sheekh Roobow wuxuu shacabka Baydhabo ugu baaqay inay la soo baxaan hubkooda, si loo sii wado dagaalada ay kaga soo horjeedaan dawladda TFG iyo ciidanka shisheeye ee ku sugan Soomaaliya. Waxa uu sheegay in aanu ururkooda khusaynin shirka dib-u-heshiisiinta ah ee ka socda dalka Jabuuti.

Dhinaca kale, Xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan dawladd TFG oo doraad ka tegay magaalada Baydhabo ka dib la wareegida Al-Shabaab, ayaa gaadhay degmada Waajid ee gobolka Bakool, waxayna halkaas kulamo kula yeesheen odayaasha gobolkaas. Warku wuxuu intaa ku daray, in masuuliyiintan oo ka kooba shan xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo maamulkii gobolka Bay ay odayaasha reer Bakool ka dalbadeen in loo ogolaado, gacana laga siiyo sidii ay uga duuli lahaayeen Madaarka degmada Waajid, si ay uga qaybgalaan shirka dib-u-heshiisiinta ee ka socda dalka Jabuuti. Xil. Ibraahin Isaaq Yarow oo xubnahaa ka mid ah ayaa warbaahinta u sheegay in qorshahoodu yahay sidii ay uga ambabixi lahaayeen degmada Waajid. Mudaneyaashan oo doraad gacanta u galay kooxda Al-Shabaab ka dib markii ay la wareegtay magaalada Baydhabo, waxay kooxdaas la dalbadeen inay cafis u fidiso, waxayna socod dheer oo lug ah ku marmariyeen jidadka magaaladaas, ka hor intii aanay sii daynin.

 

 

 

 

Maamulka Gobolka Togdheer oo Cuqaasha ka dalbaday inaanay ciidanka u raacin waxyeelada Tuugta Hubeysan

 

 

Burco (Ogaal) – Masuuliyiinta Nabad-gelyada Gobolka Togdheer iyo Cuqaasha dhaqanka ee magaalada Burco ayaa  shirar ka yeeshay, qaabka loo waajahayo tuugta sida tooska ah ugu badheedha dhaca dadka. Islamarkaana waxa la sheegay in maamulka Gobolku ka dalbadeen cuqaasha in ay ogolaadaan Taalaabo kasta oo ciidamada amaanku ka qaadaan Tuuga hubeysan.

Sida uu ku soo waramay Wakiilka Ogaal ee Togdheer, kullan Isniintii doraad ka dhacay magaalada Burco  oo ay ka qayb galeen Gudoomiyaha gobolka Togdheer Jaamac Cabdilaahi Biin iyo Duqa Degmada Burco Maxamuud Axmad Xasan (Dhaga-laab) Taliyaha Ciidanka Asluubta Gobolka Jaamac Axmad Qodax (Jaamac Dheeg) ayaa waxa lagu soo bandhigay hubka aamusan ee ay tuugtu habeenkii dadka ku baadhaan oo u badan mindiyo iyo faashash  af-badan. 

 Waxaaney Masuuliyiinta Nabad-gelyadu shirkaa ka sheegeen in ay tuugta Hubaysan ee dadka hantidooda dhacaya ay isku darsadeen Tuuganimo iyo dil ay ku beegsanayaan dadka shacabka ah isla markaana ay u wada socdaan Toban toban, kuwaas oo habeenkii iyagoo sita qoryo iyo faashash gurayaha u dhaca, sidoo kalena dadka suuqa maraya su’aan gabasho lahayn ugu furta Telefoonada gacanta.

Masuuliyiinta Gobolka Togdheer waxay ku tilmaameen Tuugadan kuwo aan haba yaraatee ka baqayn Askarta habeenkii wareegta Xaafada magaalada ee roondada ah, kuwaasoo ay sheegeen in marka ay arkaan askar ula soo baxaya hub, Sidaa daraadeedna aanu Askarigu ku dhacayn in uu qabto hadii aanu hubkiisa u isticmaalin. (Toogasho)  “Waxaananu u aqoonsaney anagu maamul ahaan in tuugtan uu dabada ka wado Cadaw shisheeye oo Doonaya in uu falal amni daro ah ka fuliyo Gobolka, Markaa waxaanu Go’aansanay Maamul ahaan in aanu idiin yeedhno madaama aad tihiin Cuqaashii Gobolka oo aad saxeexdaan qaraar u fasaxaya Ciidanka Boolisku in ay Toogtaan oo aan loo raacin Budhacadan Hubeysan ee Tuuganimada iyo Dilka isku darsadey” Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Gobolka Togdheer.

 Dhinaca kale, waxa iyagana u hadley Cuqaasha Gobolka Togdheer Toban Xubnood oo ka tirsan odayaasha  Gobolka waxaaney sheegeen in ay ku garab taaganyiin Masuuliyiinta Gobolka in wax laga qabto Tuugta islamarkaana diyaar u yihiin in ay qalinka ku duugaan qaraar u fasaxaya Ciidamada amaanka in ay talaabo haboon ka qaadaan,

 Warku waxa uu intaa ku darya in Cuqaasha iyo Masuuliyiinta nabad-gelyada Gobolku ay isku raaceen in  maalmaha soo socda ay kala saxeexdaan Go’aamo wax ku ool ah oo lagula wadda dagaalamayo Tuugada.

 

 

Waraabe Magan-gelyo doon ah oo iska dhiibay Gabiley

Wajaale (Ogaal)- Waraabe u muuqday Carbis ayaa shalay la wareegay guri ku yaal magaalada Gabiley.
Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno magaalada Gabiley, Waraabahan ayaa galay Guriga shalay gelinkii hore, ka dib markii uu ka hadhay koox Waraabayaal ah oo sida la sheegay habeenimadii ay soo wadda-galeen Magaalada iyagoo is cadhsanaya.

Waraabahan ayaa sida ay sheegayaan wararka magaalada Gabilay shalay waagu ugu baryay Xayndaabka ama deyrka Guriga uu markii danbe gudaha u galay, islamarakaana waxa hareereeyey oo ku soo xoomay dad-weynaha ku dhaqan magaalada Gebilay, kuwaasoo markii danbe ciidamo loo dalbaday ka dib markii la waayay meel laga saaro Waraabihii.

Sheekadan ayaa dadka reer Gabiley qaarba si u fasireen, si weyna shalay looga hadal hayay magaaladaas.  hase ahaatee, Maxamed Daa’uud Camuud oo ka mid ah dadkii tagay Gurigan Waraabuhu galay ayaa Ogaal u sheegay in Dadka Aqoonta u leh, dhaqanka Waraabayaashu ay arrintan ku sifeeyeen cabsi iyo inuu soo magangalay dadka.  “Waa arrin iska caadiya oo Waraabayaashu mar-marka qaarkood midbay isugu tagaan oo dilaan, sidaa darteed meel kasta oo uu uga carari karro ayuu uga fakadaa iyo meeshii uu amaan ku heli karrayo. Waraabahana waxa Odayaashu ku sheegeen noociisa Sayn-walac. Caawa (Xalay) ayaanu iska baxay markii Albaabadii guriga loo furay dadkii ku soo buuqayna  iska kala tageen” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Daa’uud.

Waraabahan oo Guriga uu galay ee magalada Gabiley ay leeyihiin, Agoon uu ka tegay Marxuum Daahir Muxumed Ileeye oo dhawaan geeriyooday ayaa dadka shalay soo arkay waxa ay sheegeen in aanu wax cabsi ah ka qabin dadka, Islamarkaana aan wax dhibaato ah loo geysan ee xalay uu si caadi ah u baxay.

Ka sokow Cabsida la sheegay in ay Waraabahan u soo gelisay dadka, waa wax marar kala duwan oo badan la arko in Waraabe waagu ugu baryo Magaalooyinka Soomaalidu guud ahaan, kaasoo marka dadku ku soo toosaan had iyo jeer dhibaato la kulma.

 September 29-keedii sanadkii hore ee 2008, ayaa Tukaan ku yaal  Magaalada Wajaale ee xuduudka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya waxa la wareegay Waraabe Cadhaysan, kaasoo maalin iyo Habeen dhan heystay  Tukaankaasi.

Souce: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.