Sheekh Aadan Siiro oo ka soo noqday socdaal Caafimaad

Hargeysa (Somaliland.org) – Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo ka mid ah culimo awdiinka waawayn ee dalka ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday, kadib markii uu hawl caafimaad muddo bil iyo badh ah ugu maqnaa dalka Maleesiya.

Sheekh Aadan Siiro oo si wayn loogu soo dhaweeyay Caasimadda Hargaysa ayaa qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha ugu waramay warbaahitna madaxa banaan, waxa uu sheegay in hawshii caafimaad ee uu u tagay wadanka Maleesiya uu ku soo guulaystay, haatana Caafimaadkiisu’aad u wanaagsan yahay, waxaanu Sheekh Aadan Siiro u mahad naqay cid kasta oo gacan ka siisay hawshii uu caafimaadka ugu baxay.

Sheekh Aadan Siiro oo ka hadlayay arrimaha dhinaca siyaasadda ee dalka Somaliland, waxa uu sheegay in dalka Somaliland uu u baahan yahay isbedel Siyaasadeed oo dalka ka dhaca, isaga oo ugu baaqay shacabka Somaliland in codkooda ay ku doortaan cid wax u qabanaysa.

Axmed Maxamed Saleebaan, Somaliland.org, Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.