Cuqaal ka tirsan Beelaha Bariga Sanaag oo ku eedeeyey Daahir Riyaale inuu burburinayo taladooda dhaqan

Ceerigaabo (Somaliland.org) – Cuqaasha iyo waxgaradka beel ka mid ah beelaha Bariga Gobolka Sanaag oo maanta kulan ballaadhan ku yeeshay magaalada Ceerigaabo ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in faro-gelin ay ku hayso nidaamka dhaqan ee beeshooda, kadib markii sida ay sheegeen xukuumaddu ay wado in magaalada Hargaysa ay ka wadaan hawl ay Suldaan ugu cumaamadayaan nin beeshooda ka tirsan.

Cuqaasha iyo waxgaradka beeshaasi waxay uga digeen xukuumadda iyo ninka la yidhaahdo Cismaan Buur Madaw oo aan beeshooda ahayni in magaalada Hargaysa ay ka wadaan caleemo saarida Suldaan aan beeshu ogayn, taasina ay keenayso tafaraaruq iyo danihii gaarka ahaa ee beeshu arrimaheeda dhaqanka kaga tashanayso la siyaasadeeyo oo marinka laga leexiyo, waxaanay si xoog leh ugu digeen xukuumadda Somaliland in si dhakhso ah ay faraha ugala baxaan arrimaha beeshooda.

Axmed Maxamed Saleebaan, Somaliland.org, Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.