Wararka Wargeyska OGAAL:

Dagaalka kursiga M/weynenimo ee Baydhabo iyo hawl-galka Cabdilaahi Yuusuf ee Puntland

 

Baydhabo (W.Wararka/Ogaal) – Maxamed Qanyare Afrax ayaa shaaca ka qaaday inuu u taagan-yahay Murashaxa Madaxweyne-nimo ee Soomaaliya. iyadoo inta badan mudanayaashii taageerayay Cabdilaahi Yuusuf ay shaaciyeen inay iska casileen xubinimada Baarlamanka Soomaaliya.

Cabdilaahi Yuusuf ka dib markii uu ka waayay wax garowshiinyo ah Baarlamaanka oo ahaa isku daygii sadexaad ee halgan siyaasadeedkiisa, wuxuu qaatay go’aankii u banaanaa, maadaama aanu haysan kala doorasho, Islamarkaana taageeradiisu ku soo ururtay, koox xildhibaano ah iyo qoyskiisa. Waxa si adag uga soo horjeedsaday Madaxweynaha dalalka la jaarka ah Somaliya, kuwaasoo ku dhaleeceeyay inuu isagu yahay carqalada ugu weyn ee nabad-gelyada hor taagan.

5-ta January waxa lagu wadaa in uu Soomaaliya ka bixi doono Askariga ugu danbeeya ee Itobiyaanka ahi, iyagoo ay weheliyaan woxogaa ciidamo ah oo ka kala socday Uganda iyo Burundi ayay ciidamada Itobiya ahaayeen kuwa kaliya ee ilaalinayay dawlada Somaliya loo dhisay. ma jiraan calaamado muujinaya, in Itobiyaanku ka danbeeyeen shaqo ka tagistiisa, welinna waxay go’aansan karaan mar labaad ka bixitaankooda Somaliya inay dib u dhigaan. Hase ahaatee, weli waxa jirta fursado laga faa’iidaysan karo, ka hor inta aan la gaadhin 5-ta January ee ka bixitaanka Itobiyaanka. “Hadii uu jiro wax ay Al-shabaab ku awoodi karaysay inay u is ticmaasho taageero ay dadka ka hesho, waxay ahayd joogitaanka Itobiyaanka, markaa hadii ay baxaan waxa ku adkaan doonta Al-shabaab inay helaan taageeradda dadka shacabka ah” sidaa waxa yidhi Dublamaasi reer Galbeed ah, waxana uu inta ku daray dublamaasigaasi, inaanay sahlanayn sida ay Soomaalidu u aamini karto Afkaaraha Al-shabaab.  Sidaa daaraadeed-na waxa uu qabaa in laga faa’iidaysto heshiiskii Jabuuti oo beesha Caalamku taageerto.

Fikirkan sare waxa jirta arragti ka soo horjeeda. Taasoo muujinaysa in Kursiga uu baneeyay Cabdilaahi Yuusuf dagaalka loo geli doono laftiisu mushkilada sii kordhinayo. “Waxa xiligan jirta Khatar dhab ah, taasoo hadii beesha caalamku iyo Madaxweyne Yuusuf ay dhisi lahaayeen dawlad xasiloon guul laga gaadhi lahaa.

Kooxaha iska hor jeeda ayaa mar labaad dalka u kala googoyn doona qidcado yar-yar, iyagoo u hal-gemaya buuxinta awooda banaanaatay.” Peter Greste oo ka mid ah qorayaasha Idaacadda BBC-da ayaa sidaa aaminsan. 

Hadalkan qoraaga waxa durba u marag furay Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah dagaal-oogayaashi magaalada Muqdisho, xubina ka ah Baarlamaanka fadhigiisu yahay Baydhabo, kaasoo shaaca ka qaaday inuu murashax u yahay xilka Madaxweynenimada Soomaaliya uu baneeyay Cabdillaahi Yuusuf.

Maxamed Qanyare oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo, waxa uu ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyo aasaasay Isbahaysi la baxay Argagaxiso la-dagaalanka 2005, kaasoo Midowgii Maxkamaduhu ka saareen Muqdisho, waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo cid kasta oo qaadata mid la mid ah go’aankiisa oo isutaagta Madaxweynenimada Soomaaliya. hase-ahaatee, waxa uu muujiyay cabsida uu ka qabo inuu Gudoomiyaha Baarlamaanku iska korodhsado mudada ku meel-gaadhka ah. “Sharcigu wuxuu dhigayaa in haddii Madaxweynuhu iscasilo uu shaqada sii hayno Guddoomiyaha Baarlamaanku muddo bil ah, taasoo lagu dooranayo Madaxweyne cusub,” ayuu yidhi Mr Qanyare. Wuxuuna intaa ku daray, in aanu sharciga dawladda Kumeel-gaadhka ah ee Soomaaliya ogolayn in Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo haatan sii haya xilka Madaxweynaha uu waqtiga korodhsado.

Dhinaca kale, 30 xildhibaan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanada Puntland, ayaa magaalada Gaal-kacayo oo loo soo daad-gureeyay kaga dhawaaqay shalay inay iska casileen Xubinimadii Baarlamaanka Soomaaliya. sida ay baahiyeen Idaacadaha Puntland, waxa ay ku doodayaan kooxdani in ay burburtay dowladii ka dib markii uu iska casilay Madaxweynuhu. Dadka siyaasada indha indheeya badhkood ayaa waxay arrintan u arkaan inay tahay calaamad muujinaysa,  nidaamka qabyaaladeed ee saldhiga u ah dawlad-nimada Soomaalida iyo hawl-galka Cabdilaahi Yuusuf ka bilaabay deegaankiisa isaga oo sameynaya isku day afraad oo uu ku muujinayo inuu sii waddo iska caabintiisa, maadaama uu haysto gabaad uu ku gor-gor tami karo. Hase-ahaatee, waxa jira caqabado isku day-ga Madaxweynahan is casilay hor-yaala, hadii uu xataa iska dhaga-mariyo dar-daarankii Beesha Caalamku ugu jeedisay inay la shaqeeyo dawlada uu iska casilay.  waxana ka mid ah. Saraakiil la sheegay inay kala hadheen taageeradii ay u hayeen Cabdilaahi iyo ciidamadii uu ka qaaday Puntland badhkood, saraakiishaas waxa ka mid ah sida wararku sheegayaan Max’ed Saciid Xersi (Morgan) iyo Taliyaha Guutada 4-aad ee ciidamada dawlada Col.Cabdilahi Cali Mire (Careys). Sidoo kale, waxa jira, Bayaano dhaadheer oo aqoon-yahanada iyo wax-garadka Beeshiisa badhkood ku baahiyeen Saxaafada oo ay ku sheegayaan in Cabdilaahi Yuusuf Fashilmay, Islamarkaana aanay ku raaceyn reernimo ee ay la shaqayn doonaan xukuumada Nuur Cadde.

Hadii sida loo rumaynayo ay u jiraan arrimahanina waxay dhabar jab ku keeni kartaa talaabo Kasta oo Odaygani ku tijaabin karo inuu door ku sii yeesho siyaasada  Soomaaliya iyo inuu hadimeeyo saaxiibada ay sida xun isu qabteen ee haatan kaga danbeeya maamulkii uu madaxda ka ahaa.

Si kasta oo loo eegana Somaliya waxay wajahday xili kale oo qalalaase iyo rabshado ah, kuwaasoo sii dhaawici doona shicibka sanadaha badan ku hoos noolaa qaar ka mid ah dhibaatooyinkii bini’aadmi nimo ee aduunyada ugu xumaa.

 

 

 

Komishanka oo shaaciyay bilawga Diiwaangelinta Sool iyo wakhtiga la bilaabayo 15-ka Maalmood

 

Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Kaboweyne), ayaa sheegay in gobolka Sool hawsha Diiwaangelintu si rasmi ah uga bilaabmi doono 2 bisha January oo ay hal maalin ahi inaga xigto.

Kaboweyne oo shalay u waramay Telefishanka SLSC, waxa uu shaaca ka qaaday in marka ay soo gebogabowdo hawsha Diiwaangelinta gobolka Sool ay lixda gobol ka bilaabmi doonto hawsha kooxaha 15 maalmood dheeri ah ka hawlgalay si loo diiwaangeliyo dadka ay fursada hore dhaaftay. Inkastoo Xasan Maxamed Cumar (Looshade) oo xubin ka ah Komishanka doorashooyinka, kana mid ah xubnaha u qaabilsanaa gobolka Sanaag uu hore u sheegay in 60-kii goobood ee lagu kordhiyay gobolkaas ay isugu minguuriyeen wax ka yar labaatan goobood, haddana Guddoomiye Kaboweyne waxa uu ku doodday in ilaa dhowr iyo konton goobood oo lixdankaa ka mid ah ay diiwaangelintu ka dhacday. “Ilaa dhowr iyo konton goobood ( oo ka mid ah lixdankii lagu kordhiyay Sanaag) ayay ka hirgashay, meeshii aanay ka hirgelina meel ku dhow baa la geeyay. Goobahaas maalin dheeraad ah baanu ugu darnay markii aanu aragnay dad fara badan oo doonayay inay Kaadhadhka qaataan.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Ismaaciil Maxamed.

Guddoomiyaha oo la waydiiyay xilliga ay hawshooda bilaabayaan kooxaha maalmaha dheeriga ah ka hawlgalaya gobollada dalka, si loo diiwaangeliyo dadka ay fursadihii hore dhaafeen waxa uu ku jawaabay, “Maalmaha dheeraadka ah ee 15 ka maalmood, waxaanu si degdeg ah u bilaabaynaa marka ay naga dhamaato hawsha gobolka Sool, gobolkastana waxaanu u qorshaynay kooxo laban-laab ah oo ka hawlgala shan iyo tobanka cisho. Tusaale ahaan, gobolka Hargeysa waxaan u qorshaynay 13 goobood oo qalabkooda iy hawlwadeenadu laban-laab yihiin goob walba. Sidoo kale, Awdal 8 goobood oo sidaas oo kale ah, Togdheer-na 8 goobood. Sanaag waxa iyana aanu u qorshaynay 6 goobood, Sool-na 4 goobood.” Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinku waxa uu tilmaamay in hawsha Diiwaangelinta gobolka Sool ay ka dhici doonto 160 goobood, isla markaana ay si rasmi ah u bilaabmayso horaanta bisha fooda inagu soo haysa. “Gobolka Sool hawsha Diiwaangelintu waxay ka bilaabmaysaa labada bisha (2 January 2009), waxayna ka dhacaysaa 160 goobood. Markii hore waxay ahayd 59 goobood, waxaana ku kordhay 91 goobood oo cusub,” ayuu yidhi. Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in hawlwadeenada Diiwaangelinta ee ka hawlgalay gobolka Sanaag aanay ku soo laabanaynin Hargeysa, balse ay si toos ah ugu ambabaxayaan gobolka Sool.

Maxamed Ismaaciil Kaboweyne waxa uu sheegay in marka laga foodqaado hawsha gobolka Sool ay bilaabi doonaan inay tirooyinka iska diiwaangeliyay lixda gobol ee dalka ku shubaan Kambuyuutarka (Server) kala-shaandhaynaya dadka laba jeer iyo wax ka badan isdiiwaangeliyay. Isla markaana ay goob walba oo isdiiwaangelintu ka dhacday ku dhejin doonaan liiska dadka iska diiwaangeliyay ee ka codayn doona.

Guddoomiyuhu waxa uu u mahadnaqay masuuliyiinta Xukuumadda, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka iyo masuuliyiinta xisbiyada Mucaaradka ee ka qaybgalay furitaankii hawsha Diiwaangelinta gobolka Sanaag. Sidoo kale, waxa uu amaanay hawlwadeenada ka shaqaynayay goobaha diiwaangelinta ee gobolkaas iyo dadweynaha.

 

 

 

Dad Rayid ah oo ku geeriyooday Madaafiic lagu garaacay Muqdisho

“Al-Shabaab dagaalka joojin mayso xataa

haddii ay ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya”

Sheekh Mukhtaar Roobow Abumansuur

Muqdisho (W.Wararka/Ogaal)- Urur Diimeedka Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in aanay joojin doonin dagaalada ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya, inta laga hirgelinayo Xukun Islaami ku dhisan.

Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abu-Mansor) oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, waxa uu ka hadlay dagaalo ay inka badan 30 qof ku dhinteen oo maalmihii u dambeeyay ka dhacay qaybo ka mid ah gobolka Galguduud. “Dagaalkii ka dhacay Guricel, wuxuu ahaa mid u dhexeeya kooxo ay soo abaabushay Itoobiya iyo Al-shabaab, runtii degmada Guriceel iyaga ayaa la wareegay kuna sugan hadda,” ayuu yidhi Abu-Mansuur. Waxa uu sheegay kooxda Al-Shabaab in aanay dagaal kula jirin urur-diimeedka kale ee Ahlusuna Wal-jamaaca, balse ay la dagaalamayaan koox oo uu xusay inay hubaysay Itoobiya. “Dagaalka aanu wadno kuma xidhna joogitaanka iyo bixitaanka Itoobiya. Laakiin, hadii Itoobiya ay baxdo dagaalku wuu soconayaa, waayo hadafkayagu waa inaanu dalka Somalia ku xukuno diinta Islaamka, markaas ayuuna dagaalku joogsan karaa.” Sidaa ayuu yidhi Mr Roobow. Wuxuuna intaa raaciyay, “Itoobiya waxay doonaysaa inay 3-jabhadood kusoo jahayso Somalia si aanu dalku u deign. Jabhadahaa mid ahaan waxaa loo qorsheeyay Hiiraan iyo Bakool, midna Gobolada dhexe, iyadoo tan sadexaadna loogu talogalay Gobolka Gedo.”

“Culumadii dhawan ka sheegtay Abu-hureyra (Masjid ku yaala Muqdisho) in qofkii ku dhintay dagaalka Galguduud uu naarta galayo, waxaan leeyahay waxba ma taqaanaan ee ka daaya afkiina Mujaahidiinta,” ayuu yidhi Sheekh Roobow.

Dhinaca kale, duqayn Madaafiiceed iyo dagaalo is-huwan ayaa shalay maalintii labaad ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada caasimada ah ee ay colaaduhu daashadeen ee Muqdisho.

Dagaalkani waxa uu duhurnimadii shalay ka qarxay qaybo ka mid ah degmada Hodan, gaar ahaan deegaanada Tarabuunka iyo Taleex  ee Waqooyiga Muqdisho oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dawladda TFG, kaasoo dhinacyada dirirtu u dhexaysay isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyaan, isla markaana ay siday ku dooddeen ay guulo ka gaadheen. Hase yeeshee, waxa uu dagaalku sababay Madaafiic culus oo lagu garaacay degmooyinka Hawlwagaad iyo Wardhiigley, kuwaasoo mid ka mid ahi ku habsaday Makhaayad cunto oo ku taala gudaha suuga Baaaraha oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan saddex qof, tiro kalena ku dhaawacantay.

Sidoo kale, degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa iyana waxaa ku geeriyooday 3-qof oo dhammaantood Rayid ah, kuwaasoo sida la sheegay ay rasaas jeeraaro ahi haleeshay. Iyadoo Madaafiic kale oo ku dhacday deegaanka KM 4 ay ilaa laba qof ku dhintee, tiro intaa ka badana ku dhaawacmeen.

 

 

“Suxufinnimada waxaan bilaabay 1988-kii oo uu Dagaal ka socday Dalka”

Maxaa keenay in Raage Cabdilaahi Oomaar ka tago BBC oo uu u wareego Al-Jazeera?

 

 

“Dagaalka Ciraaq 20-ka sanno ee soo socda ma dhammaan doono haddii aan dalkaa laga bixin”

Raage Cabdilaahi Oomaar; Waraysi gaar ah.

 

Hargeysa (Ogaal)- “Horta, Anigu England baan ku soo koray, Aniga oo Shan jir ilaa Lix Jir ah ayaan halkaa tegay oo Waxbarashadaydii Dugsiga iyo Jaamacadda halkaas ayaan ku soo qaatay. Markaa marnaba Anigu maan filayn in aan Suxufi noqdo, waxaan islahaa Qareen baad noqon doontaa ama qof Dhaqaalaha barta. Laakiin, Reerkayagu sida reeraha kale waxa la dhegaysan jiray Laanta Af-ka Soomaaliga ee  BBC-da, markaa Dunida waxa ka dhacaya ayuun baan aad iyo aad u rabay inaan ogaado oo aan Indhahayga ku soo arko oo aan barto. Hase ahaatee, markaan Jaamacadda dhiganayay ma jirin Koorasyo Saxaafadeed oo la dhigtaa, kaliya Anigu waan ku dhex dhacay Saxaafadda ee wax aan is-lahaa waad gelaysaa ma ahayn.” Sidaa waxa yidhi Raage Cabdilaahi Oomaar oo ka mid ah Suxufiyiinta dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee Caalamiga ah, isla markaana ka hawl-gala Telefishanka Al-Jazeera qaybteeda Afka Ingiriisiga oo waqtigan fasax shaqo ku jooga Magaalada Hargeysa, kaas oo Waraysi siiyay Wargeyska Ogaal.

Raage Cabdilaahi Oomaar oo hadda fasax ku yimi dalka, ayaa sheegay in uu Warbixino dalka ka diyaarin doono bisha saddexaad ee sanadka cusub, isla markaana uu dalka dib ugu soo noqon doono. Waxaanu ka war bixiyay sababta u sahashay in uu noqdo Suxufi heer Caalami ah, waxyaabihii uu kala kulmay Afgembigii Maraykanka ee Maamulkii Saddaam Xuseen ee Ciraaq, waqtigaas oo uu halkaa ku sugnaa iyo mustaqbalka SIyaasadeed ee dalkaas.

Waraysiga uu Ogaal la yeeshay Raage Cabdilaahi Oomaar  iyo jawaabihii uu ka bixiyay wuxuu u dhacay sidan;

S: Raage, waxa jira dhalinyaro jecel inay noqdaan Suxufiyiin heer Caalami ah sidaada, Jid noocee ah ayaad u soo jeedinaysaa inay maraan?

J: Qofka doonaya in uu Suxufi noqdo ee Hargeysa jooga ama dibedaha u baxay waxaan odhan lahaa imika aad bay idiinku fududahay inaad Suxufi noqotaan. Waxa jira Kamarado yar-yar, Internet-yo iyo Website-yo Wararka la geliyo. Hadda Barnaamijka aan baahiyo ee Witness (Al-Jazeera ka baxa) iyo Barnaamijyada kale inta badan Website-yada ayaanu ka helnaa, maaha Shirkado waawayni barnaamijyo ay sameeyeen. Anigu markaa aad baan ugu dhiirigelin lahaa dhalinyarada doonaya inay Suxufiyiin noqdaan oo ay dedaalaan waxbarasho ahaan. Maaha in qof kaliya oo Soomaali ah ayaa adduunyada laga ogaan karaa oo Magac samaysan kara. Si kasta oo aan dadka u caawin karona waan u caawinayaa.

S: Haddii aanad ku talo-gelin inaad noqoto Suxufi, Dariiq noocma ah ayaa kuu sahlay inaad noqoto Suxufi?

J: Waxa ii sahlay, berigii dalka uu dagaalku ka dhacayay ee 1988 ilaa 1990-kii, ayaan Jaamacadda England ee Oxform ka soo baxay, runtii magac way leedahay, laakiin taasi muhiim maaha. Berigaa Dagaalka waddanka ka dhacay aad looma ogayn, Saxafiyiin badan oo Ajaanib ahina dalka ma imanin, Aniguna waxaan rabay waxa dalkayga ka dhacaya inaan soo arko oo aan wax yar ka qoro. Markaa Xidhiidh baan la samaystay Idaacadda BBC-da qaybta Raadiyaha, gaar ahaan Barnaamijka Focus On Africa la yidhaahdo. Waxaan ku idhi, Soomaali baan ahay waxaanan doonayaa inaan Caalamka u soo bandhigo dalkayga waxa ka dhacaya. Aniga ayuun baa Cajalad yar iyo Mikirifoon yar la imi. Jidkaba halkaas ayaan ka bilaabay oo aan Saxaafadda ka galay. Markaa waxaan odhan lahaa Somalia, Somaliland, Jabuuti iyo meel walba mashaakil fara badan ayaa dadka haysta, Warar badan-na way ka dhacayaan ee qofkii raba inuu Suxufi noqdo oo dalalkaa ku nool, way fududahay inuu War duubo oo uu War qoro, Internet-kana laga qoro wixii dhacay.  Ingiriisku wuxuu yidhaahdaa Suxufigu waa Nasiib, markaa Anigu inaan Suxufi noqdo nasiibkayga ayaa I siiyay oo Ilaahay I siiyay. Laakiin, waxaan odhan lahaa qofkii Kamaradda iibsada ee si aqooni ku dheehan tahay u qora Wararka, isla markaana Internet-yada geliya, cid uun baa qaadan doonta Warkaaga, sida Reuters, AP iyo kuwo kale oo halka yar ayaa laga bilaabaa.

S: Dadka qaarkii ayaa marka Raage lagu soo hadal-qaado xusuusan kara Dagaalkii Ciraaq iyo kii Afgaanistaan. Markaa maxaad nooga sheegi kartaa Dagaalladaas?

J: Magaalada Baqdaad Ciidamada Maraykanku waxay qabsadeen 9-kii bishii April 2003, Anigu waxaan sii joogay halkaa 14 ilaa 16 maalmood ka dib, dabadeed Aniga iyo afar dhalinyaro ah oo kale oo Suxufiyiin Ingiriis ah aanu Gaadhi kaxaysanay oo aanu Waddada dheer ee Baqdaad ka baxda ee tagta Cammaan, dalka Jordan aanu marnay. Warbixintii ugu dambaysay waxaan ku diray, arrintani (Qabsashada Ciraaq) sidan ku dhammaan mayso. Ciraaq intaan Dagaalku dhicin waxaan joogay 7 sannadood, waxa kale waqtiyadaa joogay Dhalinyaro Soomaali ah oo kale oo Dawladda Saddaam Xuseen way u ogolayd in ay dalkeeda soo galaan dadka Baasaboor Soomaaliga sitaa, oo maadaama uu dal Muslim ah yahay waa loo furay. Ciraaqiyiintii aan la joogay nin Ajanebi ah iimay qaadan, ee waxay ii qaateen Qof Muslim ah oo Soomaali ah, aad baanay ii soo dhaweeyeen. Markaaa haddii aad eegto Saxafiyiinta kale ee aan la joogay ee CNN ama BBC ka yimi, sidaa umay geli karayn dalka iyo dhaqanka Ciraaqiga ah. markaad eegto dadka Ciraaqiyiinta ah ee aad guri la joogto waxaad ogaanaysay in aan dadka Ciraaqiyiinta ahi jeclayn Saddaam Xuseen. Laakiin, waxa laga sii necbaa qof Ajaanib ah oo dalka ku soo duulay, kuna qabsaday Xoog uu dalka xukumo (Maraykanka), qof walibana wuu ka soo horjeeday Shiico ha ahaado ama Sunni-ba. Markaa arrintaas qof kastaaba dunida waa arkayay in waxani (Duullimaadka Maraykan ee Ciraaq) aanay Xorriyad-siin ahayn, sida uu Madaxweyne Bush u sheegay. Anigu maalintaas uu Maraykanku qabsaday sidii aan u arkayay wax is-bedelay ma jiro, baaba’ ka dhashay mooyaane, wax kale oo lagu soo kordhiyay ma jiro, Afgaanistaan-na waa la mid.

S: Laakiin, Raage Buug aad ka qortay Dagaalkaa Ciraaq oo aad u bixisay ‘Maalintii Kacaanka’ waxaad kaga war bixisay dhibta halkaa ka taagnayd…?

J: Horta, walaal dad fara badani waxay ku tilmaamaan (Gelitaankii Maraykanka ee Ciraaq) Dagaal ma ahayn kaasi ee wuxuu ahaa Duullimaad Maraykanku ku duulay Ciraaq. Maalintii Taalladii weynayd ee Saddaam Xuseen soo dhacday, qof Ciraaqiyiinta ka mid ahi wuxuu igu yidhi, ‘Imika Duullimaadkii Maraykanku wuu dhammaaday, ee hadda ayuu bilaabmayaa Dagaalkii Ciraaq.’ Kaasi Dagaal ma ahayn oo Maraykanku cid uu la dagaallamay ma  jirin oo way kala yaaceen Ciidankii Ciraaq. Hadda ayuun buu Dagaalkii socdaa, waxaanan filayaa ma dhammaan doono ilaa labaatan sanno ama soddon sano ilaa Waddankaa laga baxo.

 

La soco….

 

Aqoonyahano saadaaliyay in Maraykanku gobollo u kala go’I doono sannadka 2010-ka

 

MOSCOW – “Muddo toban sanadood ahayd ayaa Prof. Ruushan Igor Panarin uu sadaalo ka bixinayay in dalka Maraykanku uu kala daadan doono sanadka 2010-ka. Mar kasta oo uu arrintaa ka hadlo inyar ayaa fikirkiisa aamina in burburka dhaqaale iyo niyadeed uu sare u qaadi doono dagaal sokeeye iyo weliba burbur rasmiya oo kala dhaqaajiya gobollada Maraykanka. Hase ahaatee, waxa waqtigan uu helay inbadan oo dhegeysata afkaarihiisa; kuwaasoo ah warbaahinta Ruushka.” Sidaa waxa lagu bilaabay qoraalka maqaal laga soo xigtay Prof. Ruushan ah oo saadaaliyay inuu Maraykanku gobollo u kala daadan doono.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, waraysiyo ayaa maalin kasta laga qaadayay khabiirkaas, kuwaasoo la sheegay inay la xidhiidhaan saadaalaha uu ka bixiyay Maraykanka. “Tani (saadaal) waa rikoodh,” ayuu yidhi Prof. Panarin. “Laakiin waxaan u malaynayaa dareenku wuxuu u socdaa xataa inuu soo kordhayo.” Prof. Panarin oo da’diisu tahay 50 jir ayaa la sheegay inuu hore u ahaa khabiir falanqeeya arrimaha Sirdoonka KGB, isla markaana waxa uu madax ka yahay Akadeemiga Arrimaha Dibada Ruushanka ee diblomaasiyada mustaqbalka. Sidaa daraadeed, saadaalihiisa la xidhiidha Maraykanka ayaa noqon kara sida la sheegay kuwo ay ku raaxaystaan dhegeha maamulayaasha Aqalka Kremlin-ka, kuwaasoo sannadahan ku dhaleecaynayay maamulka Washington wax kasta oo xasilooni-darrada Bariga Dhexe ka taagan iyo mashaakilaadka dhaqaale burburka ah ee caalamka. Mr. Panarin aragtiyihiisa waxa la sheegay inay ku jiraan kuwo uu ku saadaalinayay in Ruushku si buuxda ugu soo noqonayo booskiisa caalamka uu ku lahaa ka hor burburkii Midawgii Soofiyeetiga ee sagaashanaadkii.

Ninkan siyaasaddaha ku khabiirka ah Mr. Panarin ayaa la sheegay inuu ku adkaysanayo inaanu nebcayn Ameerikaanka. Balse, waxa uu ka digayaa ay tahay muuqaalkooda mustaqbalka. “Waxa jirta qiyaas 55-45% dhan oo ah fursado immika loo haysto in kala-burburkaasi uu dhici doono,” ayuu yidhi. Waxaanu intaa raaciyay, “Qofna ma jeclaan karo hanaankaas.” “Laakiin, waxaanu ka hadlaynaa waa macquuliyaadka, mana aha aragtida ugu dambaysa ee Ruushanka.” Mr. Panarin waxa uu tilmaamay in dadka soo-galootiga Maraykanka ee faraha badan, daqaale-burburka iyo niya-jabka hoos-u-dhacu ay sababi doonaan qiime-dhaca doollarka iyo dagaal sokeeye oo xiga. “Ilaa dhamaadka bisha Juun 2010-ka ama horaanta July, ayuu Maraykanku u kala go’I doonaa lix qaybood – iyadoo gobolka Alaska-na uu dib ugu soo noqonayo gacanta Ruushka.” Ayuu yidhi khabiirkaasi. Sadaashan oo khabiirkaasi ay kala qaybqaadanayaan khabiirro shabkadiisa ka tirsan ayaa sheegay in mashaakilaadka dhaqaaluhu ay abuuri doonaan carqalado siyaasadeed iyo kuwo shacbi oo Maraykanka ka dhaca. Sidaa daraadeedna, “Gobollada qaniga ah ayaa ka xanibi doona maalgelinta ay siiyaan dawladda federaalka, isla markaana ka go’aya dawladda federaaliga ah. Kacdoono dadweyne ayaa dhacaya, waxaana xigaya dagaal sokeeye.

Markaa Maraykanku wuxuu bilaabi doonaa inuu u kala go’o qabiil-qabiil iyadoo quwadaha shisheeyaha ahina ay arrintaa faragelin ku samayn doonaan.” Ayuu yidhi Mr Panarin. Gobolka California ayaa noqon doona wax uu ugu yeedhay “Jamhuuriyada California,” waxaanu qayb ka noqon doonaa Shiinaha ama saamayn ayuu Shiinuhu ku yeelan doonaa. Gobolka Texas ayuu ku tilmaamay inuu xuddun u noqonayo “Jamhuuriyada Texas,” taasoo koobsanaysa gobollo ku dhici doona gacanta Mexico ama ay saamayn badan ku yeelan doonaan. Washington D.C iyo New York ayaa qayb ka noqon doona wax uu ugu yeedhay “Ameerikada Atlaantigta” kuwaasoo ku biiri kara Midawga Yurub. Dalka Canada ayaa urursan doona koox gobollada waqooyi ee Maraykanka ah, kuwaas oo Prof. Panarin uu ugu yeedhay, “Jamhuuriyada Badhtamaha Ameerika.” Wuxuu kaloo saadaaliyay in Gobolka Hawaii uu noqon doono Maxmiyad uu yeesho Jabaanku ama Shiinuhu, halka Gobolka Alaska uu ku dhici doono gacanta Ruushka. “Waxay noqon doontaa caqligal inuu Ruushku sheegto Gobolka Alaska; waxaanu qayb ka ahaa Boqortooyadii Ruushka mudo dheer.” Ayuu yidhi khabiirkaasi. Prof. Panarin wuxuu saadaashiisan ku soo qaatay Madaxweynaha Maraykanka taladiisa qabnaya ee Barack Obama, kaasoo uu ku tilmaamay nin ay Ameerikaanku uga fadhiyaan rajada ka-hortaga mashaakilaadkaas. Hase ahaatee, wuxuu sheegay inaanu waxba ka qaban karayn marka bishu hortiisa timaado. Fikirka saadashan oo warbaahinta Ruushku sida la sheegay ay aad u baahisay ayaa dareemo su’aalo layskaga waydiinayay ka kiciyay Aqalka Cad, balse ma jiraan wax jawaabo la xidhiidha arrintaas oo ka soo baxay dhinaca dawladda Maraykanka.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.