Shirweynihii UDUB Oo Si Qarsoodiya Loo Qabanayo iyo Madaxweynaha iyo ku xigeenka Oo Keligood isa Soo Sharaxay.

Warar lagu kalsoonyahay oo aanu hadda ka helnay xubno sare oo ka tirsan xisbul xaakimka UDUB iyo madaxtooyadaba ayaa noo xaqiijiyey in si hoos ahaan ah loo qaybiyey kaadhadhkii casuumadda ee shirweynaha xisbiga UDUB.

Taasoo madaxweynuhu uu sheegay inuu uu keligii u sharaxanyahay jagada madaxweyne nimada, Axmed Yuusuf Yaasiin-na ku xigeenka.

Madaxweyne Riyaale waa madaxweynihii Somaliland, waana gudoomiyihii xisbiga UDUB, waana musharaxa Madaxweynahay ee xisbiga UDUB, isagaana ka shir guddoon ah, hadaba akhristow ma haboontahay inaad ninkaa la tartami lahayd, yaa loo dhiibayaa form-amka musharaxiinta.

Waxay arintani ay ceeb ku tahay dimuqraadiyadda Somaliland, waxaanay ka soo horjeedaa xeerarka xisbiga UDUB iyo distoorka Somaliland-ba. Taasoo uu dhigayo xeerka UDUB in marka shirweyne la qabanayo la magacaabo guddi qabanqaabo oo madax banaan oo shaacisa mudada shirka la qabanayo, madasha iyo qaabka ay u dhacayso doorashada xisbiga dhexdiisu, taasoo xeerku dhigayo in si sinaan ah loogu tartamo jagooyinka xisbiga oo ay ka midyihiin cidda isu soo taagi doonta jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku xigeenku.

Waxa muuqata in Madaxweynuhu uu ku kacayo fal aan raali laga noqon doonin oo horseedi kara burburka xisbiga UDUB oo dhaawac weyn u geysan doona geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland.

Hadaba ma haboontahay wakhtigan xaadirka ah ee siyaasadda mandaqadu ay qasantahay in uu madaxweynuhu ku kaco falal abuuri kara iska hor imaad ka dhex dhaca xisbiga dhexdiisa. Iyada oo la ogyahay inay jiraan axsaab aan ahayn saddexdaas xisbi qaran oo diyaar u ah inay fuliyaan shuruudaha lagu noqon karo xisbi diyaarna u ah inay si xor ah ugu tartamaan axsaabta kale, iyada oo waliba uu sharcigu siiyay saddexda xisbi qaran ee UDUB, KULMIYE iyo UCID inay yihiin axsaabta qaranka ee la aqoonsanyahay, ma jirtaa baahi loo qabo in saddexdaas xisbi qaran lagu xidho shuruud ah inay gudahooda ka sameeyaan tartan xalaal ah haddii ay taa ka soo bixi waayaanna inay luminayaan xaqii ay ku ahaan layaaheen xisbi qaran (forfeit), booskoodii lagu casuumo axsaabta kale ee aan imika la aqoonsan ee diyaarka u ah inay fuliyaan shuruudahaas.

Muuse Ahmed Abdi, Hargeisa – Somaliland – muuse2009@hotmail.co.uk

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

8 Responses to Shirweynihii UDUB Oo Si Qarsoodiya Loo Qabanayo iyo Madaxweynaha iyo ku xigeenka Oo Keligood isa Soo Sharaxay.

  1. MADAXDA XISBIGA UDUB MA HADALKAA HABAAR KAGA DHACAY

    Kol Hadaad Xil Ummadeed Hayso Oo Ku Fadhido Kursi Qaranku Leeyahay Waxaa Lagaaga Fadhiyaa In Aad Dul Qaad U Yeelato Dhaliilaha Laguu Soo Jeedinayo Waxa La Dhaliilayaa Maaha Shaqsiyadaada Ee Waa Kursiga Aad Ku Fadhido Nin Durbaan Tuntay Ilaaq Dalbay Ayaa La Yidhi Mar Hadaad U Soo Istaagtay In Aad Masuul Qaran Noqoto Oo Mansabkuu Doono Ha Noqdee Xil Qaran Hayso Waxaa Lagaaga Baahan Yahay In Aad Ka Faa,Iidaysto Dhaliisha Laguu Soo Jeedinayo Hadii Kale Ood Dhinac Marto Waxaa Iman Doonta Maalin Xeedho Iyo Fandhaal Kala Dhaceeyn Oo Aanad Waxba Ka Qaban Karin, Hadaad Masuul Qaran Tahay Oo Xil Ummadeed Hayso Oo Lagugu Dhaliilo Inaad Shaqada Subaxii Soo Gasho 10:00 Subaxnimo Halkaad Ka Soo Geli Lahayd 7:00 Subaxnimo Haw Qaadan Khalad Ee Waa Dayac Ka Muuqday Masuuliyadii Aad Haysay Waxaana Lagaaga Baahan Yahay Adigoon Dhankaa Iyo Dhankaa Midna Eegin Inaad Dhaliishaada Qaadato Si Dhaqso Ahna U Daboosho.

    Hadaan U Soo Noqdo Dulucda Maqaalkaygan Waxaad Moodaa Beryahaasba In Madaxda Sare Ee Xisbiga Talada Haya Ee Udub Ay Ku Jireen Difaac Runtiina Markaad Dhan Ka Eegto La Yaab Malaha Difaacoodu Waayo Waxaad Moodaa In Daadkii Meel Walba Uga Soo Galay Oo Ay Taagan Yihiin Nin Qoyani Biyo Iskama Dhawro Waxaana Taas Ugu Wacan Iyagoo Dayacay Masuuliyadii Loo Igmaday Ka Dib Markii La Doortay Siday Dhaanto U Tumanayeen Ayey Ka War Heleen In Waqtigii Ay Xilka Haynayeen Gebegebo Ku Dhaw Yahay Iyagoo Aan Weli Irbad Dhuub Gelin Sidaynu Xusuusanay Xiliyadii Lagu Jiray Tartankii Doorashadii Madaxweynaha Xisbiga Udub Wuxuu Sameeyey Balanqaadyo Kuwaas Oo Madaxda Sare Ee Xisbiga Udub Kaga Dhawaaqayeen Goob Kasta Oo Ay Taageero Ka Raadinayeen Laakiin Markay Ku Guulaysteen Doorashadii Xaalkoodu Wuxuu Noqday Habar Baa Iska Hawhawlee Heelada Inoo Tuma Ama Rahii Yidhi Hadaad Wax Miyir Qababa Aragto Waqtigaa Is Gurayee Waxay Hada Yiqiinsadeen In Ay Soo Dhawaatay Waqtigii Xeedhada Gunteeda Laysugu Iman Lahaa Markaasaa Nin Waliba Meeshu U Jeeday U Dhaqaaqay Afkana Gacanta Geliyey Isagoon Cidna U Aaba Yeelayn Wasiirkii Warfaafinta Ayaa Hadlay Markaasu Wixii Afkiisa Ka Soo Baxaba Ku Hadlay Waar Ilayn Af Aanad Lahayn Ma Xukuntid Wuxuu Hadalo Af Ka Weyn Kula Dhacay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Iyo Weliba Golaha Baarlamaanka Kuwaas Oo Ahaa Cay Iyo Aflagaado Aan Loo Miidaan Dayin Weedhahan Gefka Iyo Qadafk Ahaa Ee Masuuulkan Ka Soo Yeedhayey Waxay U Muuqdeen Kuwo Loogu Tala Galay In Lagu Dejiyo Culayska Sii Siyaadayey Ee Haystay Xisbiga Udub Laakiin Waxaa La Odhan Karaa Wasiirku Wixii Laga Filayey Kama Hadal Ee Wuxuu Isku Qaaday Meel Darin Iyo Reera Muskood Taasina Waxay Daaha Ka Fayday Fadhiidnimada Xisbiga Udub Iyo Sidaanay U Hayn Wax Ay La Shir Yimaadaan, Culayska Haysta Xisbiga Udubna Waxaa Lagu Khafiifin Karaa Iyadoo Shacabka Loo Soo Bandhigo Wixii La Qabtay Laakiin Hadaad Caytanto Iyo Hadaad Cid Aflagaadayso Ogow Waxaad Wax U Dhintay Masuuliyadaadii Waxaana Aad U Debecday Mucaaridkii Kaa Soo Hor Jeeday Waxaana Iman Doonta Dharaar Lagaagala Xisaabtami Doono Xilkii Aad Haysay Laguna Waydiin Doono Wixii Aad Balan Qaaday Waxay U Fuli Waayeen, Meeday Idaacadii Miisaaniyada Sanad Walba Lagu Darayey Ee Ilaa Intii Udub Talada Qabatay La Lahaa Sanadkan Ayaa La Soo Iibinayaa Hadii Baarlamaanku Taas Wax Ka Waydiiyo Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Mudane Axmed X Daahir Tolow Muxuu Ku Jawaabi Doonaa Isagaan U Dhaafayaa Jawaabta. Markaas Meesha Xisaabtan Ayaa Yaala Ee Aflagaadadu Waa Reeban Tahay

    Waxaa Kale Oo Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Ku Xigay Oo Hadlay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin Oo Isna Halkii Ka Miisay Inkastoo Aan Madaxweyne Riyaale Looga Baran Hadalo Badan Oo Sidan Oo Kale Ah Oo Lagu Weerarayo Mucaaridka Iyo Golayaasha Kale Hadana Khudbadiisii Ugu Danbaysay Waxay Ahayd Mid Ay Ka Muuqatay Xaasxaasiyad Badani Isla Markaana Lagu Weerayey Akhsaax Ka Mida Golaha Baarlamaanka Iyo Weliba Madaxda Ururka Sahan Kaas Oo Dhawaan Lagaga Dhawaaqay Somaliland Si Kasta Ha Ahaatee Waxaad Moodaysay In Madaxweyne Riyaale Markii Ugu Horeysay Ku Dhiiraday Inuu Weerar Dhanka Saxaafada Ku Qaado Mucaaridkiisa Oo Weliba Duro Meelaha Uu U Arko In Ay Ku Xoogan Yihiin Waxayse Taasi U Markaati Furtay In Madaxweynehu Riyaale Ku Raacsan Yahay Wasiirkiisa Warfaafinta Iyo Dhamaan Wasiirada Kale Hadalada Naxliga Iyo Cuqdada Ee Ka Soo Yeedha Mar Kasta Oo Ay Shir Jaraa,Id Qabtaan, Soomaalidu Waxay Ku Maahmaahdaa Dameero Isku Halayn Ayey Hooyadood Hoosta Ugaga Jiraan Markaa Wasiirku Kuma Dhaceen Inuu Siduu Doono U Hadlo Hadaanay Ahayn Gardaro Garab Og

    Iyadoo Weli La Hibanayo Hadaladii Madaxweyneha Iyo Wasiirka Warfaafinta Ayaa Hadana Waxaa Hadlay Xoghaya Guud Ee Xisbiga Udub Mudane Maxamed Ismaaciil Bullale Oo Isaga Aan Markii Horeba Hadalkiisa Khayr Lagu Ogayn Waxaana Ka Dhacday Af Kala Qaad Wuxuu Cambaareyn Ula Istaagay Golaha Sharci Dejinta Iyo Xisbiga Mucaaridka Ee Kulmiye Gaar Ahaan Gudoomiyaha Xisbiga Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo Tii Horeba Ta Danbe Ku Ilow Ayaa Ka Dhacday,

    Waxaan Filayaa In Aanay Weli Dhaweyn Ee Rag Badan Oo Kale Ayaa Hadhay Kuwaasoo Hore Ugu Guulaystay Koobka Af Xumada Isku Soo Wada Duuboo Waxaad Moodaa In Udub Shirtay Isla Markaana Isku Raacday Kol Hadaanay Hayn Waxqabad Ay Fagaarayaasha La Shir Tagto In Ay Difaac Ka Dhigtaan Aflagaadooyin Iyo Cambaareyn Lagala Hor Tegayo Mucaaridka Isku Duuban Ee U Diyaarka Ah In Ay Banaanka Soo Dhigaan Sida Udub Ugu Fashilantay Hogaaminta Dalka Mudadii Ay Xilka Haysay, Waxaana Taas Kuu Cadaynaysa Sidii Looga Filayey In Shacabka U Soo Ban Dhigaan Guulaha Ay Gaadheen Mudadii Ay Xilka Ahayeen Waxa U Qabsoomay Iyo Waxaan U Qabsoomin Iyo Sababta Ay U Qabsoomi Waayeen Ayey Bilaabeen Yooyootan Iyo Ku Jiqsii Taas Oo Ay Uga Dan Leeyihiin Labo Arimood Mid Uun Kuwaas Oo Ay Filayaan In Ay U Saamaxayso In Ay Kursiga Ku Sii Negaadaan
    1. In Ay Qas Iyo Muran Ka Dhex Bilaabaan Golayaasha Qaranka Isla Markaana Distuurka Laga Dhigo La Jiifiyaana Banaan Sida Hadaba Dhacday Ee Lagu Xaliyey Khilaafkii Gudiga Komishanka Taasoo U Dhacday Sidii Madaxweyne Riyaale Jeclaa Aakhirkana U Saamaxaysa In Ay Mar Labaad Ku Soo Noqdaan Awooda Dalka Mudo Shan Sano Oo Danbe Ah Iyadoo La Aabaabulayo Doorasho Ku Sheeg Magac U Yaal Ah
    2. Mida Labaad Ee Madaxda Udub U Dooratay In Ay Mucaaridka Weeraraan Waxaa Weeyaan In Mucaaridka La Kulayliyo Oo Lagu Kelifo In Ay Iyaguna Jawaabaan Taas Oo Aakhirka Keenaysa Isku Dhac Salka Ku Haya In Waqtiga Xisbiga Udub Talada Dalka Haynayo La Kordhisto Iyadoo Sabab Looga Dhigayo In Aan Doorasho Dhici Karin Arimo La Xidhiidho Nabad Gelyo Xumo Awgeed

    Isku Soo Duuboo Waxaynu Eegi Doonaa Inta Ay Sii Socdaan Iyo Halka Ay Gaadhaan Weerarak Indha La,Aanta Ah Ee Madaxda Udub Ku Ekaysiiyeen Madaxda Mucaaridka Iyo Weliba Golaha Baarlamaanka Iyo Natiijada Ka Soo Baxdaa Waxay Noqoto

    c/raxmaan faarax cabdi (baxsane)
    baxsane1@hotmail.com

  2. Xisbiga UDUB horta ma jiraa xisbi ahaan marka hore intaynaan doodba ka galin? Sedexda xisbi siyaasi ee jamhuuriyada Somaliland waxay magac xisbi u sitaan kuna yihiin xisbi marka ay ku dhaqmaan oo ay buuxiyaan shuruudihii xisbinimo ama wali u dhisanyihiin ama u shaqaynayaan qaabkii xisbinimo.

    Xisbiga UDUB oo sida aynu ka wada war qabno aan xisbi jira ahayn balse uu magacu wali iska sii noolyahay ayaa illa maanta awood u la’ inay shirweyne xisbi qabsadaan. Xisbiga UDUB waxay ku fashilmeen inay sugaan jiritaanka xisbinimadoodii wakhtiyo fara badanna waxay ku lumiyeen wax ka sheega xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye oo ay ku daba xiiqeen. UDUB waa xisbi todoba sanadood aan kulan yeelan xisbi ahaan maalin qudha , waa xisbi hal nin kaga magacaaban yahay xoghayaha guud dadka intooda kalena afka ay kaga sii hadhay Udubnimadii jahawareerna ka haysto isku milanka dawlada iyo xisbigii.

    Xoghayaha guud ee xisbiga ahna mansabka keliya ee UDUBBA laga yaqaan waxaanu ku leenahay hadalka yarayso oo hawshada ka soo bax. Xisbiyada shirweynahoodii qabsadayna la tartan oo shir xalaal ah qarsoodina aan ahayn xisbigaaga u soo qaban qaabi waa haday kartiyi meesha taal hadii kale se Bulaalow lagu baray !!

  3. abdi jama says:

    salaamu calaykumwa raxmatulahi wa baraaku dhamaan umada rer somaliland gaar ahan shaqaalaha somalilandorg inta ka dib hadan halkan ka dhibto fikradayda walaahay waxaan filaya inay maanta u cadahay umada somaliland waxa ay riyale iyo xisbigiisu ku dhaqmayaan waxa la yidhi niman waxa joga garan waxa soo socdana ma garto marka waxaan odhan kara way isak cadahay sida sharcigii ay u jabiyen rayale iyo xakuumadiisu waxaan filaya awalba waxay ku jogen oo ay meesha ku dhaxleen wuxuu ahaa distoorka kiina maanta haday iyagu ay kow ka noqdeen oo ay jabiyen waxay noqonaysa inu riyaale mesha sharci ku joogin xisbigana waxa uu xisbi ku yahay waa distoorka qof walbana waxaa macalin u ah maanta indhihiisa marka waxaan uugu baaqi lahaa umada somaliland inay gartaan maanta waxa ku haboon waxa filya waxa halkaa digay xisbiga udub waa taag darida dowlada xisbi xisbinimadisi ku fadhilmayna waxuu yahay oo dhan ba iska yar marka waxaan leeyahay umada maanta yaa idiinku dhow jaaniskiinii waxaaan la hadlayaa kaliya inta danta dalka iyo dadka ka damqanaysa in cashar inoogu filna horaa losoo wada arkay dowladan tagta darana nin aqoon yar iyo calooshii u shaqaysto moyane waxan filaya inaan ninka kale aqoon ugu laabnen waxaan jeclahay inan halkaliya dadka dib u xasuusiyo mana filayo qof wadaniyo inu kalmada ilaabi karo taas oo ahayd (siilaanyo dhalay )xiligaaas dadku way garanayeen waxuu ahaa siilaanyo laakiin maanta ma garan karo waxay ku ilabeen waxaanan filaya inu kulmiyo yahay xisbiga kaliya ee maanta dalkan iyo dadkan tabalaysan u horseedi laha horumar laakin ilaahay daka hagarn siiyo aaamiin wa bilahi towfiiq

  4. Mohahmmed says:

    Aniga Fikirkayga waxay ila tahay,Sida Dastuurkuna Dhigaayo in Xisbigii Shirweynihiisa qabsan waaya 5 sanno-ba mar In sharciyadiisu Dhacday, Taas bedelkeedana uu sharcigu u ogol yahay inuu soo galo Ururadii sisaasadeed ee kal hore u tartamay xisbinimada kiisa Kaalinta Afraad galay, waana Xisbiga Sahan Ee madaxda ururka qaran madaxda ka ahayd,Shir ay UDUB qabsato oo aan Saxaafadu ka warhayn, Xisbiyada kale ka war hayn,Shacabka somaliland ka warhayn, Aduunka Dimoqraadiyada inaga Taageeraa ka warhayn, Ma noqonaayo shir ay sharci Noqda Kommishanka ayaana laga sugi doonaa Inuu isagu aqbalo iyo in kale….

    shakour1

  5. farah hashi says:

    Awalba waa la ogaa in UDUB aanay dimoqraadiyad wadin ee ay suuq madow wax ku mal maluuqayaan waase wanaag haddii la arkay in aan cid KULMIYE dhaanta marna kujiron axsaabta ilaa UNKa ayaana ka mar khaati furay sidii quruxda badnayd ee shir weynaha kULMIYE u dhacay iyo sidii ay u soo saareen murrashi xiinta Xisbiga. waxaan filayaa in UDUB gabalkeed dhacay ee kuwa weli wax moo dayoow dadkiina dhinac ka raaca

  6. salaan kadib markii ma ninbuu ka qarsoonaa in riyaale doonaayo in uu meesha surmo ku qabto, kuwii lahaa siilaanyo waxa uu sameeyey ayaanu aragnaa hada muxuu samayn doonaa marka uu talada wadanka qabtonna bal waan eegi doonaa adeerkood waxa uu sameeyo, waxaana aan ugu bushaaraynayaa marka albaabka laga soo xidho ee udub tidhaahdo naga raali ahaada in uu furan yahay albaabka kulmiye oo waliba ahmiyad weyn la siin doono cidkasta oo kulmiye ku soo biirta..

    waana ogaan doonaa insha alaah waxa uu sameeyo kaligii macalin

    sidaa iyo la socod wacan

  7. Samatar /sahal says:

    Waalaal adiguna naftaada been ha u sheegin dadkana garaad la’an ha ka dhigin. Sadex nin baa dalka xuurta ku haysta oo cid kale uma ogola inay madax waynanimada kula tartamaan .Daahir Rayaal,Ahmed Siilaanyo iyo Faysal Tartan xalaal ah ma ogolo.

  8. salaan ka dib. jaallayaal muhiimadu waa xisbigu shirwayne ma qabsadaa ama suuq madaw ha ahaato ama yaanay ahaane.waayo guud ahaanba umada somaliland waxaa kaliye ee ay u fadhidaa waa xisbul xaakimka oo shirkiisa qabsada ama kuwa joogaa ha isku soo saaran ama ha ogolaadaan in lala baratamo.

    Hadiiba ay dhacdo in odayaasho aw riyaale iyo jaalle yaasiin ay iyagu u dhigaan siday ku noqon lahaayeen u ordayaasha udub dee markaana udubta ayuun baa gudaheeda isla xaajoon oo raga kale dhawr noocba way noqon karaan, sida qaar odayaasha ku shafra sida awyada dhigiisa oo yidhaahda odayaashu aad bay wadanka u horumariyeen ama qubaa-qaseen cidiba sida ay u dhigi doonaan weeye, iyo qaar laga iibsado damacooda oo ka qaleeya jaallaayaasha, waa laga yaabaa in ay jiraan rag han,damac iyo dhiig iyo uusba leh laakiin la saqiiriyo calaashaan abkay dooli diloow dad nool ma ku daaha.

    hadalba gun leh ee waynu eegnaa halka ay iskala soo dhacaan udub yahanada illaa la og yahay damacooda ama bilaabayba dhaqdhaqaaqyada u olalaynta ah ee ay ku kasbanayaan teegeerayaasha udub ee ah kuwa ay kalsoonidooda badka isku keeneen taasoo labada dastuur ee ka wadanka iyo ka xisbigu xaqa u siinayaan inay wax doortaan lana doorto sidoo kalena is sharaxaan cidna sharaxaan.

    Guull Alle Iyo Geedi Gobonimo.