Qaybtii labaad ee Weftiga xisbiga KULMIYE ee Gobolka Sanaag oo ku soo noqday Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.org) – Qaybtii labaad ee weftigii xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE oo baryahanba kormeer ku joogay gobolka Sanaag, kaas oo ay ugu kuur-galayeen diwaangelintii ka socotay gobolkaasi ayaa xalay ku soo noqday magaalada Hargaysa.

Weftigan oo ka mid ahaa wefti uu hogaaminayay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa todobaadkii hore markii ay ku sugnaayeen gobolka Sanaag isu qaybiyay laba wefti, iyada oo weftigan xalay soo gaadhay caasimadda Hargaysa oo ay ka mid ahaayen Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Mujaahid Cali Maxamed Cali (Guray), uuna hogaaminayay guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Mudane Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ay socdaal ku soo mareen deegaanada waqooyi-bari ka xiga Ceerigaabo oo ay ka mid ahaayeen degmada Maydh, Ruqay iyo deegaanada la xidhiidha, waxaanay sheegeen in goobahaasi diwaangelintu si fiican uga qabsoontay. Hase ahaatee, waxay aad u dhaliileen xukuumadda Somaliland oo dadkaasi aan haba yaraatee gaadhsiin adeegyadii ay  u baahnaayeen, sida caafimaadka iyo waxbarashada. Waxaanay hambalyeeyeen dadka ku dhaqan gobolweynaha Sanaag oo si wadaniyadi ay ku jirto uga qayb qaatay diiwaangelinta ka dhacday gobolka Sanaag, iyada oo uu weli magaalada Ceerigaabo ku sugan yahay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada oo ka mid ahaa weftigaa.

Weftigan xisbiga KULMIYE ayaa intii aanay soo gaadhin magaalada Hargaysa, waxa magaalada Berbera ku soo dhaweeyay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Saaxil Mudane Cismaan Cabdi Barkhadle (Shiine).

Axmed Maxamed Saleebaan, Somaliland.org, Hargeysa

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.