Cabdillaahi Yuusuf Oo Markiiba Garoowe Ka Bilaabay Abaabul Colaadeed Oo Uu Ku Doonayo Inuu Dagaal Ka Huriyo Degaanada Sool Iyo Bariga Sanaag

Garoowe (Somaliland.Org) – Dagaal-ooge Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo dorraad uun iska casiley Madaxweynenimadii dawladda Mbagathi ee uu burburiyay ayaa markii dorraad soo gaadhay Garoowe waxa uu isla markiiba bilaabay abaabul colaadeed iyo musanow uu kula dhexdhacay maamul-goboleedka Majeerteeniya ee uu ka soo jeedo, halkaas oo uu shirar ugu qabtay qaar ka mid ah Murashixiinta ku loolamaya doorasho la sheegay inay bisha January horraanteeda ka dhacayso halkaas.

Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo ku sugan magaalada Garoowe, Cabdillaahi ayaa shalay wuxuu kulan Gurigiisa kula yeeshay murashaxiinta u tartamaysa madaxtinimada maamul-goboleedka Puntland, kuwaas oo sida warku sheegay Cabdillaahi Yuusuf uu ku canaantay muranka ka dhexeeya iyadoo aanay jirin meel laysku soo sharaxo ama loo tartamo, maadaama buu Cabdillaahi Yuusuf yidhi “aanay gacanta idiinku jirin dhulkii Sool iyo Sanaag bari”.

Cabdilaahi Yuusuf waxa uu murashaxiinta Puntland u sheegay in ninkii doonaya inuu madax ka noqdo Puntland uu u diyaar-garoobo marka hore sidii uu u soo celin lahaa gobolada ka maqan maamul-goboleedkiisa, kuwaas oo uu ula jeedo gobolada Sool iyo Bariga Sanaag oo ka tirsan dhulka Somaliland ee uu damaca isirnimada ku salaysan ka abuuray Cabdillaahi Yuusuf xiligii uu sameeyay maamul-goboleedka Puntland.

Col. Cabdillaahi Yuusuf oo markii uu la hadlayay murashaxiintan oo uu ku jiray Cadde Muuse oo ah ninka imika madaxda Puntland ku magacaaban ayaa u muuqday inuu isagu yahay Madaxweynihii Puntland, waxaanu murashaxiinta u sheegay in intii uu ka maqnaa maamulka Puntland dhulkeedii la kala qayb-saday oo badhna la qabsaday, qaarna hadda loo soo socdo, sidaas darteed loo baahan yahay inay isdifaacaan, soona ceshadaan dhulka ka maqan.

Waxa kale oo uu Cabdillaahi Yuusuf u sheegay murashaxiinta Puntland in dhowaan ay ciidamadiisii iyo hubkii ka jiray dhinaca Koonfurta Somalia soo gaadhi doonaan degaanada Puntland, isagoo xusay in ciidamadaas madaxoodii ay soo gaadheen magaalada Gaal-kacayo oo ay diyaarado saddexdii maalmood ee u dambeeyay ku soo daadguraynayeen, sidaas darteed loo diyaar-garoobo sidii dib loogu soo celin lahaa degaano uu sheegay inay maamulka Puntland ka maqan yihiin.

Sidoo kale, wuxuu warku sheegay in Cabdillaahi Yuusuf uu murashaxiinta uu kulanka la yeeshay uga waramay sababihii ku kelifay inuu iska casilo xilkii Madaxweynenimadii dawladda Mbagathi, taas oo uu ku tilmaamay inay ahayd mu’aamarad ay ka dambeeyeen dawladdo aanu si toos ah u magacaabin balse uu sheegay inay ka mid yihiin kuwa gobolka Geeska Afrika ku yaal qaarkood.

Cabdillaahi Yuusuf oo ku caanbaxay hurinta collaadaha Somalia, isla markaana loo aanaynayo inta badan dagaalada dabada dheeraaday ee ka jira Somalia, ayaa dib ugu soo noqoshadiisa Puntland waxay dad badani u arkaan inaanu sagan la’aanayn Cabdillaahi Yuusuf oo uu cid uun ku foognaan doono, iyadoo la rumaysan yahay inuu qorshaynayo inuu Puntland kaga dhawaaqo maamul gooni-u-goosad ah oo ka madax banaan Somalia inteeda kale, taas oo ka dhalatay isa-seega ay Cabdillaahi Yuusuf isa seegeen kooxdii Mbagathi ee uu awal hore hormoodka u ahaa, sidaas darteedna uu Cabdillaahi doonayo xilligan inuu kaga aarsado kooxdaas ay siyaasadda isku seegeen iyo dawladdaha badhi-taarayaba in uu Puntland ka gooyo Somalia.

Dhinaca kale, dadka u dhuun-daloola arrimaha Geeska Afrika ayaa tibaaxay inaanay wakhtigan Cabdillaahi Yuusuf u suurto-galeyn inuu collaad hor ka huriyo degaanada Sool iyo Bariga Sanaag, halkaas oo ay hore ugu dagaalameen ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyaadka Majeerteeniya, balse degaanadan ayaa intii ay maamulka Somaliland gacanta ku dhigeen waxaa ka hirgalay deganaansho iyo nidaam maamul, waxaana dantay collaadii ay halkaas ka waday maamulka Majeerteeniya.

 

Xigasho Haatuf

 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.