Aragtideyda Hawlgalka Diwaangelinta Gobolka Sanaag. By: A.A.A.Goodir

Kolayadii gaadiidka ee siddey agabka  iyo hawl-wadeennada u socday Goobaha diwaangelinta, waxay ahaayeen kuwo kala daadsan, oo lagu direy qorshe la?aan (haphazard), iyadoo uusan jirin hage  dal-yaqaan ah oo hoggaamiya gaadiidka intii isku aag ahba, waxaana sidoo kale, iyana aan jirin farsamo yaqaanno  (Mechanics), daba socda gaadiidka oo farsamayn kara wixii jidka kaga xumaada oo fadhiista dhabbaha dheer ee rafka iyo qardo-jeexa ah, iyadoo sida la wada ogsoon yahay dhibaato lagala kulmay arrimahan.

1.      In gaadiid badani jidka ku xumaaday, qaar kalena ka lumeen jihadii ay ku socdeen, hagid la?aan awgeed.

2.      In dib u dhac ku yimid furitaanka goobo badan, lagalana daahay agabkii  iyo shaqaalihii, halkii maalin ka hor loo sii hor-marin lahaa  goobaha fog-fog ee qorfaha ah, sida kuwa dhul xeebeedka iyo gubanka buuraleyda ah ku yaalla, iyadoo ahayd in gaadiid feyow oo ka bixi kara loogu  talo-galo meelba meesha ka adag.

3.      Isku-duwid la?aan iyo ku talo-gal la?aan gaadiid  Kayd ah (Reserve), oo isla kolkiiba lagu wareejin karo agabka iyo shaqaalaha jidka ku cadilma, iyadoo lagala kulmay gurmad la?aan komishanka diwaangelinta ee degmooyinka, una muuqday kuwo aan loogu talo-gelin awood dhaqaale  oo ay wax ku fulin karaan, taasoo ku soo baxsatay Dadweynaha deegaanada.

4.      Madaxda kormeerka heer  Qaran oo qayb ka ahayd hawl dhabqinta  habsami u socodka  xawliga saacadaha diwaangelinta  goobaha, taasoo keeneysey joog-joogsi  iyo wakhti lumis aan loo baahnayn.

5.      Goobo abaar awgeed looga guuray oo iyadoo aan meel kale hore  loogu beddelin, laga kor dhacay sahan la?aan awgeed.

6.      Wakiillada Asxaabta oo aan sidii la rabay ula hawlgelin, ulana jaadqaadin kormeerrada Komishanka Qaranka (heer kasta), taasoo dhalisay kala xidhiidh furasho iyo wada hawlgal  la?aan.  

7.      Hab-raaca iyo natiijada ka soo baxda diwaan-gelinta  Gobollada waa inay  ahaadaan kuwo degdeg loogu soo bandhigo bulsho-weynta, Axsaabta Qaranka iyo Wasaaradda arrimaha gudaha, si aan wakhti loo lumin oo loogu tabaabushaysto hirgelinta Doorashada soo fool leh ee Madaxtooyada, taasoo Komishanka looga baahan yahay inay isla imikaba u jeediyaan wax kastaba  xagga Doorashada ee ku talo-galka  miisaaniyadda  iyo dalabka agabka Doorashada ee xaasaasiga ah, iyadoo uu wakhtigu cidhiidhi yahay, loona baahan yahay in loo soo jeesto, taabbo-gelinta Doorashada  aayaha Dalku ku xidhan yahay.

BY. A.A.A GOODIR

HARGEYSA      

This entry was posted in Opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.