Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Xisbiga KULMIYE Oo Ka Digay qorshaha Xukuumadda Riyaale ugu fasaxday Quwadaha Shisheeye Dekedaha Somaliland

Hargeysa (Somaliland.org) – Xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa ka dayriyay khatar uu sheegay in ay  ka iman karto qorshaha xukuumaddu ugu ogolaatay quwadaha shiyeeye ee la dagaalamaya budhcad-badeedda  Soomaaliya in ay isticmaalaan dekedaha Somaliland.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi oo u warramay Radio Horyaal, waxa uu sheegay in go’aanka xukuumaddu ku sheegtay in ciidamada caalamka ee la dagaalamaya budhcadbadeedda Soomaaliya ay hawlgaladooda milateri u isticmaali karaan dekedaha Somaliland uu dhibaato ku keeni karo degenaanshaha iyo xasiloonida ka jirta Somaliland. Waxana uu sheegay inay tahay arrin u baahan taxadir iyo wada tashi laga yeesho.

Dr. Maxamed Cabdillaahi, waxa uu sheegay in xukuumaddu wakhtigan aanay go’aan noocaas ah qaadan karin, isaga oo yidhi “Waayo, xukuumadda oo muddadii sharciga ahayd ee la doortay ay dhammaatay, muddadii ku meel gaadhka ahayd ee xisbiyadu u kordhiyeena ay ka hadhay saddex bilood wax ka yari ma qaadan karto go’aanka intaa leeg ee ogolaanaya in ciidamo ajnebi ahi dalka yimaadaan oo ay hawlgalo milateri u isticmaalaan dekedaheena iyo biyaha badda Somaliland”.

Waxana uu intaas ku daray in wax  waxtar ah ama masaalix ah oo ay dhaafsatay oo bulshada ay u sheegtay xukumaddu aanay jirin. Isla markaana waxa loo baahan yahay ayuu yidhi in tallaabadan oo kale marka la qaadanayo in laga yeesho wadatashi qaran oo golayaasha Qaranka iyo axsaabta loo soo bandhigo, dabadeetana la gaadho go’aan midaysan.

Axmed Maxamed Saleebaan, Somaliland.org, Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.