Sool: U Diyaar Garowga Hawsha Diiwaan-gelinta Iyo Mudada Loo Kordhiyay Deegaamada Bariga Gobolka Sanaag Oo Caawa La Soo Gebagabeyn

Hargeysa (Somaliland.Org) Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa ku jira u diyaar garaw xoogan oo ay ugu diyaar garoobayaan sidii ay dhowaan uga bilaabi lahaayeen hawsha diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha gobolka Sool,

 

Waxaana sidaa u cadeeyay shabakada wararka ee Somaliland.Org guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Maxamed Ismaaciil Kaba-weyne mar uu maanta khadka telefoonka ugu xog waramayay, isagoo sheegay in todobaadkan ay ka bilaabi doonaan hawsha diiwaan-gelinta gobolka Sool “waxaanu ku sii dhowaanaynaa gobolka Sool si aanu uga bilowno hawsha diiwaan-gelinta 2-da bishan Janoury ee 2009-ka oo ku began maalinta jimcaha ah ee todobaadkan”Ayuu yidhi Kaba-weyne mar la weydiiyay waxa ka jira in komishanku shalay u guuray dhinaca gobolada bari ee Somaliland.

Waxaanu intaa ku daray “Waxa halkan {Hargeysa} ku hadhay aniga oo qudha waxaanuna ku rajo weynahay inaanu ku sii dhowaano dhinaca Laascaanood oo shaqadu ka bilaabmi doonto”Ayuu yidhi Kaba-weyne

Mar la weydiiyay tirada dhabta ah ee iska diiwaan-gelisay gobolka Sanaag wuxuu yidhi “Weli isuma soo dhamaan waxaana jirta in deegaamadii ay labada maalmood ka socotay loo kodhiyay maalin oo caawa ay ka soo xidhmi doonto markaas baa si rasmi ah loo shaacin doonaa natiijada dhabta ah ee gobolkaas”

 

Dhinaca kale tirade dadka iska diiwaan-gelisay gobolka Sanaag ayaa la sheegay inay  gaadhayso 195,000 {Boqol iyo Sagaashan iyo Shan oo qof} marka laga reebo ilaa shan labaatan hawl wadeen oo ka hawl-galay deegaamada dhinaca bari ee gobolka Sanaag oo iyaga ay ka bilaabantay maalin afraadkii hawshu ka socotoday guud ahaan gobolka Sanaag, isla markaana caawa la soo gebagabeyn doono.

Waxaana magaalada Burco soo gaadhay horaantii kooxihii ka hawl-galay goobaha diiwaan-gelinta ee gobolka Sanaag, kuwaas oo lagu wado inay dhinaca magaalada Burco uga sii boqoolaan sidii ay uga hawl-geli lahaayeen hawsha diiwaan-gelinta ee gobolka Sool.

 

Liban M.Shire

Somaliland.Org Hargeisa

  

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.