Komishanka Doorashooyinka oo ku dhawaaq tirada hordhaca ah ee diiwaangelinta Gobolka Sanaag

Ceerigaabo (Somaliland.org) – Mr Xasan  Looshide  oo ka tirsan komishanka isla markaana ahaa  masuuliyiinta u xilsaarnaa gobolka Sanaag ayaa sheegay in diiwaan galintii gobolka Sanaag ay si nabad ah u dhamaatay. Waxana uu si rasmi ah maanta ugu dhawaaqay tirada hordhaca ah ee dadka iska diiwaangaliyey gobolka oo uu sheegay inay dhan tahay 180,000 qof, iyadoo aanay ku jirin 30 goobood oo ka tirsan barriga Sanaag.

Hawshii diiwaan galinta codbixiyayaasha ee maalmahan ka socotay gobolka Sanaag ayaa xalay la soo gabagabeeyey, marka laga reebo 30 goobood oo laga sameeyay deegaanada Bariga Sanaag, oo iyagana la soo gabagabayn doono caawa.

Hawlwadeenadii komishanka qaranka ee ka shaqeynaayey gobolada diiwaan galinta ayaa soo gaadhay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco oo komishanku xarumo ka samaysteen.

Wararka ka imanaya Burco ayaa sheegaya in magaalada ay buux-dhaafiyeen gaadiidka iyo dadka faraha badan ee ka shaqeynaayey hawshaa diiwaan galinta.

Axmed Maxamed Saleebaan, Somaliland.org, Hargeysa.

This entry was posted in News and tagged . Bookmark the permalink.

Comments are closed.