Hablo Da’doodu Yartahay Oo Rag Soomaaliya U Dhashay Qarsoodi Somaliland Uga Dhoofinayeen

“Waxa Ay Ahaayeen Dhalinyaro U Labisan Habka Wadaadada, Kuna Hadlayey Luuqada Reer Xamarka”

Hargeysa, December 29,2008 (Haatuf)- hablihii ay shabakada aan la aqoonsani u tahriibinaysay dalka Djabuuti ayaa sheegay in ay qorshaha lagu kaxaynay ay wateen niman reer Xamar ah kuwaas oo ay sheegeen inay lahaayeen muuqaal culimo kuwaas oo saddex jeer la kulmay hablaha, inkasta oo kulamadaasi saddexda ah ee ay la kulmeen wadaadada aanay ka sheegin habluhu wax aan ahayn in la gaynayo Djibouti ka dibna la dhoofin doono hadana waxa la rumaysan yahay inay ujeedadu intaa ka durugsanayd.

Inkastoo ay hablahani diideen inaanu su’aalo ka weydiino arrintan hadana sida laga soo xigtay waalidkood waxay ahaayeen dadka ka dambeeyay qorshahan dhalinyaro ka soo jeedo Soomaaliya oo leh muuqaal diimeed kuwaasoo maalgalinayay qorshaha lagu kaxaynayay hablaha iyada oo ay arrintan xidhiidhinaysay gabadh u dhalatay Somaliland oo sida la sheegay laba bilood ka hor ka soo guurtay Muqdisho taasoo iyada loo soo marinayay lacagta la siinayo hablaha.

Afarta hablood ayaa habeen hore 10-kii caweysnimo laga siidaayey xarunta CID-da ka dib markii ay waraysteen ciidanka baadhitaanka dambiyadu, ma jiraan wax war ah oo ay Bilaysku ka soo saareen arrintan iyo inay qabteen ciddii ka dambaysay, inkasta oo ay gabadhii qorshahan xidhiidhinaysay ay xidhan tahay.

Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah waalidiinta hablaha ayaa waxa uu qorshuhu ahaa in maanta ahaan (Isniin) ay ka baxaan Hargeysa oo la geeyo dalka Djabuuti.

“ hablahan waxaa la doonayey in isniinta bari (Maanta) ay magaalada ka baxaan oo ay tagaan Jabuuti, waxay noo sheegeen in dhawr jeer ay la kulmeen niman dhalinyaro ah oo da’doodu iskugu jirto qiyaas ahaan 21-30 jir , kuwaas oo muuqaal ahaan u ekaa niman wadaado ah oo qaarkood ku labisan jireen khamiis iyo cimaamado isla markaana waxay ku hadli jireen luuqada reer xamarka, teeda kale dhawrkii jeer ee ay la kulmeen hablaha waxay u sheegeen inay tagayaan Djibouti, balse intaa wax ka badan habluhu noomay sheegin, waxaanay yidhaahdeen lacagta waxa bixin jirtay gabadh la socotay nimanka oo imika ku xidhan CID-da” sidaa waxa tidhi hooyo dhashay mid ka mid ah hablaha.

Nin magiciisa ku soo koobay Daahir oo ka mid ah ehelada mid ka mid ah hablahan isla markaana ay laba guri oo isku xiga ku kala nool yihiin ayaa Haatuf u xaqiijiyay inay ka shakiyeen kharashka badan ee ay inantoodu isticmaali jirtay taas oo si weyn loo arki jiray balse inta badan dadku ismay waydiinin halka ay ka keenaysay, haddii la waydiiyana waxay ku gaabsan jirtay waxaa na siisay hay’ad caawimo iyo wax la mid ah “ waxaan ku arki jiray lacag badan oo dollar ah iyadoo sidata, waan yaabi jiray markaan waydiiyana waxay I odhan jirtay waxa nasiiyey hay’ad iyo wax la mid ah, waxayna xaafada siin jirtay lacagta oo qof walba wax bay u dhiibi jirtay, xitaa anigaygan kula hadlaya dhowr jeer ayay jaad ii qaaday, hase ahaatee waxaan ka xumahay inaan mar hore dareemi waayay arrintan” ayuu yidhi Daahir.

Sidoo kale haweenay ka mida qaraabada mid ka mid ah hablaha ayaa iyaduna Haatuf u sheegtay in muddo haatan laga joogo 3 cisho uu gurigooda soo hor istaagay gaadhi Surf ah oo ay saaran yihiin gabadh xijaaban iyo dhowr nin, iyada oo arintaas ka hadlaysana waxay tidhi “ waxa maalin afraadii gurigayaga soo hor istaagay gaadhi Surf ah waxaana ka soo degtay gabadh muuqaal ahaan iyo hadal ahaanba reer Somaliland ah oo xijaaban, waxayna I waydiisay miyay joogtaa hebli, dabeed waxaan la yaabay inanta yar iyo gaadhigan lagu doonayo, ka dib waxaan eegay gaadhigii waxaana fuushanaa dhawr nin oo da’dooda aan ku qiyaasay 20 ilaa 28 jir kuwaas oo qaar ka mid ahi gadh isku jooga ay lahaayeen, ka dibna way noqdeen markii ay waayeen inantii ” ayay tidhi gabadhaasi.

Hablaha ayaa waxa kale oo la ogaaday inay Dukaan ku yaala xaafada Jig-Jiga Yar ay dhigteen afar Moobil oo qaali ah iyo 900 oo doolar oo ay doonayeen inay sii qaataan marka ay magaalada ka baxayaan, dukaankaas oo aanay sheegin waalidku halka uu ku yaalo.

Dadweynaha ku nool xaafada Jig-Jiga Yar ayaa cabsi weyn ka muujiyay arrintan ka dhacday dugsiga 18-ka May ee ay hablahani dhiganayeen, taas oo ay sheegeen inay tahay halis ku soo korodhay carruurta da’da yar ee aan caqligoodu ku filayn, iyaga oo sheegay in haddii aan wax laga qaban ay dhici karto in carruur kale la waayo oo la kaxaysto.

Arrintan ayaa waxa la rumaysan yahay inay ka dambeeyaan shabakado isku xidhan oo jooga meelo kala duwan ayna ka mid yihiin wadaado u dhashay Somalia, kuwaas oo loo malaynayo inay ka mid yihiin kooxaha mayalka adag ee ka dagaalama halkaas, iyada oo la tuhunsan yahay in ujeeddada ay ka lahaayeen carruurtani ay tahay inay tababar ku soo siiyaan dugsiyada ay carruurta ku tababaraan ka dibna ay halkan ku soo celiyaan si ay u fuliyaan ujeeddooyinka ay kooxahaasi leeyihiin.

Xigasho – Haatuf News

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

47 Responses to Hablo Da’doodu Yartahay Oo Rag Soomaaliya U Dhashay Qarsoodi Somaliland Uga Dhoofinayeen

  1. Baruud says:

    abdi abdillah wuxuu yidhi:

    24. Abdi Abdillahi | December 30th, 2008 at 4:50 pm
    Waxaan la hadlayaa Barudkan cuqdadaysan. Cuqdadii reer galbeed waligood ku jiri jirtey baa kaa hadlinaysee, iska saar oo umada walaalheen ah ee soo qaxday aflagaadad ka daa. Cidi waxba kaa waydiin mayso in ay wadanka joogaan iyo in kale waxna ma yeli kartid ee nacnacda jooji oo aamu. Isaaq bi’is fooqal isaaq bi’is.

    if u people are fair car bal postkiisa masaxa mise waxa idiin muuqda reer galbeed uun lol!!!!!!!!! walaahi badownimadiina waa very entertaining lol!!!!!

  2. Baruud says:

    meeshan habarjeclo baa leh waxaanu loogu talagalay ina reer hargeysa lagu caayo bal eega sida ee cayda reer hargeysa u ogolyihiin laakiins u masaxaan kuwar yaga wax laga sheegayo!

  3. Baruud says:

    Weli waad isu hiilaneysaan miyaa? again u have erased my post but left abdi abdillahi`s insulting post because i believe u agree with his views. typical habar jeclos weligiin ba xumaanta waad isku raaci jirteen bal halka idin gaadhsiiso hala arko

  4. cabdiqani says:

    SCWWB
    waxaan la yaabanahay ragan meesha wax ku soo qor qoraya ee meeshaba sidii baltalkga isugu caayaya waar xishooda oo ama wax macquula ku hadla ama iska aamusa ,waa maxay ragiina waawayn ee sidan u wada hadlayaa
    ilaahbaa mahadleh

  5. Aideed says:

    Asalaamu Alaykum

    Baaruud, runta markaan kuu sheego kalmadahaa Cabdi Cabdullaahi ku caayay Somaliland Galbeed way i dhaaftay. Waana ka xumahay in aan taadii uun soo qaato, maanse arag kalmadahaa. Arrintaa iyada ah waan kaa raali galiyay. Haddii uuse yidhi Galbeed maxaad ugu booday Sacad Muuse ilayn Galbeed dad badan baa dega’e.

    Anigu HJ ma ihi!!! Baaruudow qoqobku ma fiicna, dadka in la kala qaybiyona aad bay u xun tahay oo ilaahay baa reebay. Ilaahay wuxuu yidhi “dadka muslimka ah oo dhami waa walaal” Anigu kuma lihi ka wax dilaa waa walaalkeen!
    Fadlan faham hadalkayga, waxaana rajaynayaa emailkaaga dambe in aynu iskaga soo dhawaano meeshii hore ee aynu kala taagnayn.
    Mar labaad Walaahi HJ ma ihi ee ka soo deg raarta aad fuushay!
    Wabilaahi Towfiiq

  6. Aideed says:

    Baaruudow,

    Su’aalahaygii ka maad soo jawaabin?

    fyi. Anigu Habar Jeclo ma ihi! Laakiin waan la abtirsadaa reer ahaan aniga iyo iyagana nama kala saari kartid. Siilaanyo ma taageero, oo siyaasadda Somaliland dhex baan ka ahay! Laakiin waxaan ahay nin waaqiciga adduunka la socda oo aan sidaada meelahan dhow dhow ka fakirayn. Waxaad rabtaa in aad dadkii walaalaha ahaa aad kala saarto intaad Somali ka timid ayaad Somaliland u soo gashay si aad u sii jajabiso!

    Maanta dunida muslimka iyo Somliland-ba uma baahna adiga iyo dadka sidaada u fakiraaya ee u shaqeeya danaha dadka raba in ay burburiyaan wadankayaga.
    Wabilaahi Towfiiq

  7. Aideed says:

    Asalaamu Alaykum

    Ninkaagan rasaasta qaraxda la baxay waxaad tahay masaa’ib aan ilaahiisa abuuray ka baqanayn oo calooshii u shaqeysta ah. Aniga oon jeclayn in aan mar dembe kuu soo jawaabo oo waqti iskaga kaa lumiyo waxaan ku siin lahaa taladan hoos ku qoran;
    A) Marka hore ogaw Habar Jeclo caydaadu in aanay waxba ka qaadaynin.
    B) Waxaa lacag lagugu siiyaa in aad Sheekhyada caydooda ku badiso internet-ka sida reer galbeedku yidhaahdo (Beenta ku cel celi iyada ayaa markay badato run noqone). Fadlan soo baro waa kuma Sheekh Xasan Daahir Aways (Caweys la yidhaahdo ee ogow).
    C) Siilaanyo adiga laguuma waydiinaayo doorashadiisa.
    Adeer rasaasow ilaahay ka baqo oo lacagta lagu siiyo cadaabta kaa celin wayso ee ogow. Adeer intaanan taa ku odhan muslim ma tahay?
    Adeer ogow sunta aan afuufaysaa dadka reer Somaliland waxba kama qaadayso, reer Xamarka martida ula joogana kuma diri kartid ee ogwo.
    Wabilaahi Towfiiq

  8. Nasar says:

    Asalaamu Calaykum.
    Markaad wax cad qofka ku hayso ayaa lagu sheegi kara beenaale, lakiin Mujahid Gaboobe waa raga kaliya ee kashifa qudhaankaad qarsanaysaan. Mar labaad ayuu idiin digay markaa in laga feejignaado weeyaan intii kumaanku qof la QARXIN lahaa.
    w/s

  9. Aideed says:

    Asalaamu Alaykum

    Waar ninkan Baaruud la yidhaahdo markaan xalay u jawaabayay waxaan moodayay nin ay ka run tahay diiditaanka dadka reer Koonfureed ee Somaliland ku soo qaxay! Waxaanse iminka oo aan Website-ka ku soo noqday ogaaday in uu yahay kuwa u shaqeeya >>> ee dadka lagu sii dhex daayay si ay been iyo nacayb dhinac walba u socda ku afuufaan dadka si muddo ka dib dadku u qaataan mid ka mid ah khiyaamooyinkaa ay rabaan in ay dadka iskaga hor keenaan kuna guulaystaan dagaalka ay wadaan! Markii ay si kale u geli keri waayeen reer Somaliland waxay rabaan in ay iska dhigaan qaar u hadlaya danta iyo dadka Somaliland!
    Waar adeer Baaruud sheekadeenu waxay joogtay reer Xamar ma joogayo Somaliland ee maxaa iminka Burco iyo dadkii deganaa iyo sheekh yadeedii waaweynaa maxay kuu gaysteen. Culimada ilaahay ee Xasan Daahir Aways ka midka yahay afkaaga hala gaadhin. Marba meel baad ku boodi sida haadka duula. In laguu jawaabo ma istaahishid Waar dad yahow sheekada ha sii wad wadin ee halkaas ku xidha. Dadkanu waxay raadinayaan wax kale oo waxay fadhiyaan centre-kii ***
    Wabilaahi Towfiiq

  10. Patriot says:

    sheik cali warsame burco buu degganyahay. Burco na waa somaliland. Maxay dowlada somaliland jeelka mandheera u gelin wayday haddii uu yahay sida aad noogu shekaynayso?

  11. Patriot says:

    Baruud, maxaad iska hadashay. Reer burco xamar dagaal u tagay ma jiro. Reer burco xamar waxba kama gelin. Haddi runta la sheego, reer burco waxa ay ku mushqulsan yahiin sidii ay u tahriibi lahayen. Europe yeey raban, not xamar.

    Ta labad, laba way ka badan yahiin nimanka al shabaab u sareeya ee hargeysa u dhashay. Wa illa 4, haddi aanay ka badnayn.

    Hargeysa yaa la qarxinaya, hablahiini yaa la kaxaysanayaa, adiguna burco iyo habar jeclo yaad uso jeesatay. Waxay tusaysaa nacasnimadaada. You have to figure out who your real enemy is before you talk. Waxaan u malaynayaa in aad adigu ka mid tahay caddowga reer somaliland, wayo caddowga somaliland waxa ay rabaan in reer somaliland isu jeesto. Waa hawsha aad halkan ka waddo.

  12. yoolac says:

    asaalamacalaykum caytanka iyo yoo yoo tanku maaha af reerwaqooyi lagu yaqaan ,waxaa inoo caada ahayd wax iswaydiin .waxaan akhriyay arainta kahadlaysa caruurta waa arin naxdin leh ,illaahay hayna illaaliyo waa arin aad u xun oo cadawtinimobadani ku jirto waxaan leeyahay waa cadaw aan inoo arxamayn,waxaad ka garanaysaa halka ayinaga ataageen aad halloogu feejignaado ,dawlad,shicib ,waalidiin,dhamaan ALLAAMAHADLEH KII AAMINAA AWOODLEH

  13. yoolac says:

    asaalamacalaykum caytanka iyo yoo yoo tanku maaha af reerwaqooyi lagu yaqaan ,waxaa inoo caada ahayd wax iswaydiin .waxaan akhriyay arainta kahadlaysa caruurta waa arin naxdin leh ,illaahay hayna illaaliyo waa arin aad u xun oo cadawtinimobadani ku jirto waxaan leeyahay waa cadaw aan inoo arxamayn,waxaad ka garanaysaa halka ayinaga ataageen aad halloogu feejignaado ,dawlad,shicib ,waalidiin,dhamaan ALLAAMAHADLEH KII AAMINAA AWOODLEL

  14. Lander says:

    PPL from somaliland and somalia have different cultures. Somalia ppl dont know what xishood, ceeb and moral is. Either they have to leave somaliland today, or somalilanders culture and traditions will be poisoned very soon.

    Male Somalilander
    24 years old

  15. geeljire says:

    Salaamaad, marka dawladu iyo ina riyaale dawakhaan ayey been abuur la yimaadaan. Quetion? in gaalo hablaha yar yar fara xumeyso iyo in according to the article quraan la soo baro waa iyama/ Our prioraties are really screwd up.
    Somaliland wake up… sheekada abuurka ah ee la doonayo in lagu cimri dherersado ha noola imanina!!!

  16. MohamedJama says:

    waa ayaan darro iyo doqonimadaa ama dullinimada dadkaa [somalilander-ka] ah ee ah kuwaa dhego barjoobay . sidee bay u dhacdaa in walawayn marnaa isku qarxiyaan hargeysaa marnaa hablo yar yar u diyariyaana dhillaysi( prostitution). waxay ahayd inanaayn cag soo dhigin wadankaa ama la laayo gebi ahaan.. dadkaa somaliland waa inay mid mid u ugaadhsadaan kudaafadan wala weyn taa ah ..

    waa in laga masaaafuriyaaa dadkaa somaliland.. hadii kalee dadka somaliland waa inay layaan dadkan waxaa ku kacayaa dhamaan ..

    Mass nin korsaday isaga meleg. waxaa muuqataa in hargeysi noqotay mukhaabarad cid walbaa waxay doonto ka samaysoo .. maanatana waa aragtaan in hablihii la kiraynayo . tani waa cadawaad cad

  17. Muuse says:

    Asalaamu caleykum.

    Runtii Maanta ayaan arkay warkan ku saabsan hablaha la kaxaysanayo waana cawaaqib xumo inagu soo fool leh haddaan wax laga qaban, waxaa wax ka qaban kara labo qaybood.

    1. Dawladda. iyadaana ka masuula dadka iyo dalkaba, xumaan iyo wanaagba wixii ka yimaadda iyagaa qaadaya, if iyo aakhirona waa la weydiinayaa, waxaana fiican inay fahmaan nimankan u ordaya inay madax noqdaan micnaha MASUUL (waa la weydiinayaa), laakiin nasiib darro iima muuqato dadkii masuuliayaddaas qaadi lahaa, Alle ayaan weydiinayaa inuu madax inooga dhigo cid garanaysa micnaha MASUUL.
    2. qolada labaad waa shacabka oo haddii aanay ilaashan diintooda dhaqankooda iyo aayahooda cidi u ilaalin mayso, weliba dadku waa inay maskaxdooda koriyaan oo iska ilaaliyaan wixii wax u dhimaya dhaqankooda diintooda iyo anshaxa dhalinyar tooda oo ah mustaqbalkii berrito, haddii mustaqbalku inaga xumaadana waa dabar go’.
    weliba waxaan aad uga xumahay in dadkeennii loo qaybiyey wadaad iyo waranle iyadoo dadku ay wada muslimiin yihiin laakiin waa tijaabo u hirgashay cadowga umadda iyo cadowga diinta markaa diintan waajib baa inaga wada saarane sidaa haloo fahmo waxaan uga jeedaa caruurta haddii diinta lagula dadaalo wax badan ayay inoo kordhinaysaaye waxba inaga dhimi mayso, teeda kale haddii hablaha xijaabka lagula dadaalo wax badan ayay inoo kordhinaysaaye halagu dadaalo.

    ugu dambeyn waxaan usoo jeedinayaa qolyaha wax kusoo qora waxaan odhan lahaa maskaxdiina fura oo direct attack yaan la samayn sida dadka u dhashay koonfurta oo ah dad la mida kuwa halkan ku dhashay oo xumaan iyo wanaag ba leh, aduunyadana maamul ayaa kala haga, haddii maamulku aanu samayn sharci qofka xun qabta meeshuu doono haka yimaadee meel la gaadhi maayo, waata keentay in tuuggii qolo noqdo oo kii wax dila ama dhaca ama wuxuu doono sameeyaa qolo u noqdo, haddii reer koonfureedka la saaro qolo kalaa ku xigta kadibna qolo kalaa ku xigta kadibna kadibna kadibna ………… sheeko dhamaanaysa maaha markaa xalku reer hebel maaha ee waa sharci wax kala saara ayaan jirin oo maalin walba cid loo eedeynayaa, aduunkuna ilaa uu dhamaado cid sharciga khilaafta la waayi maayo laakiin waxaa ugu daran:

    RAGGA CALOOSHIISA LA CIYAARIYO CIIL KAMA BAXAY DARAN!!!

    WABILAAHI TOWFIIQ

    MUUSE NUUR

  18. jibriil says:

    Salaan sare Dhamaantiin
    No Comment…………
    Mar hadii fikirkii la dhiibanaya Cay loo bedelay

  19. jibriil says:

    Salaan sare Dhamaantiin
    No Comment Mar hadii fikirkii la dhiibanaya Cay loo bedelay

  20. Ahmed-Yasiin says:

    Somaliland take care, ha la iska jiro cadawga Somaliland yoolka ka dhigtay, nimanka arrintan ku kacay waa kuwii shalay dhallinyaradeenna inagu qarxiyay.

    “Good job, Gaboobe iyo Sirdoonka Somaliland-ba,

  21. coon says:

    Reer koonfur nimanyahow haku aakhiro seegina, waa masaakiin soo qaxday sidaan inaba u qaxnay, ee wixii xun ciduu dooni ha ahaadee kaasaa ubaahan in wax laga qabto, waxaan aad u wanaagsan hadaynu rabno inaan wax noqono inaanan cadaalada katakin kana fogaano arimaha xanbaarsan nacayb guud, oo cid gaara kuwajahan. waad salaamantihiin .

  22. Ahmed says:

    arrintan kollay wax way ka jiraan laakiin sida saxbaday qaar qabaan ma qabo ee waxaa haboon in dadka wadanka soo galaya la tira-koobo oo lala socdo ku wa hada ku jirana waa in loo sheegaa inay si deg-deg ah isu diiwaann geliyaan, waa in ay qaataan kaadhadh algu aqoonsanayo iyada oo faro iyo cadayn damaanadeed laga qaadayo. hay’adaha ammaankuna waa inay joojiyaan qofkasta oo ay ka shakiyaan iyaga oo waydiinaya kaadhka aqoosiga ama ha noqodo somaliland ama qaxoonti cidii aan haysan waa in fara laga qaadaa loo sheegaa inay mudo ciyiman ku samaystaan kaadhaka aqoonsiga oo lagu sii dayaa maamand.
    waad mahadsantihiin

  23. waar heedhaha dadkiina isaaqa ahoow maxaa horta qadiyad kasta oo dalkiina ka dhacda marka aarraa la iska dhaafsado iyadoo la isticmaalayo alaadaha saxaafada nooc kasta oo ay tahay aad calool xumaanta,naxliga,is-aamina la’aanta iyo is nacaybkiina aad ugu dabaqdaan waayo wax kasta ama dawladu ha ku lug lahaato ama yaanay ku lug lahaan waxaa ugu kala fikir duwanaataan sidaa aad u kala reer duwan tihiin oo mid waliba reerkooda maslaxadooda siyaadeed siday arintaasi u taageerayso ama uga hor jeedo ayay ku saleeyaan dooda arinkooda… waxaana laga garan kara mid walba waxa uu soo qoro reerkooda tusaale ahaan: kuwiina sida mayalka adag dadkaa maganta iyo martida ahba cadawga ugu sheegayaa waa la garanayaa oo waa kuwa ay ka guuxayso anagaba waa la isagu kaaya tagee maxaa reer xamarka loogu naxariisanayaa oo loo soo dhawaynayaa ogaw hada wuu arkaa inay in dadkan la magan geliyo aan islaamnimada iyo bina’ aadamnimadaba ku saxan tahay laakiin waxaa u muuqanaaaya qaar uu og yahay in ay had iyo jeer daacad yihiin oo cadaalad aan dalkaba oolina doonaan ayuu arkayaa allaa waa qoladii doonaysay kurisiga ee aad ka ciidayseena wax kasta oo ay ka hadlaan kaga hor yimaada! kuwa iyagu isticmaalaya waa walawayn iyo hooyo cay iyo waxaa ka hadlaya waa la garanayaa oo waxay isaga badan yihiin qaar garasho hooseeya iyo dad kii da’da yaree ee dhalashadoodu ay sideetamaadkii tahay oo waxa ay garanayaan ay tahay cuqdada laga buuxiyay ee ah waxaynu u go’aynaa reer koonfur baa ina gumaaday IWM.

    Hargaysa oo reer xamar la yidhaahdo ha ka baxaana wax lala yaabo maaha oo reer hargaysa reer xamar iska daaye dadka reer somaliland ee gobolada bariga ayay hargaysa inta maamulka ka jiraa odayaal iyo qaar la nooca kuwa halkan wax ku soo qorayaa inta la soo uruuriyo oo shir loo qabto la yidhaahdaa dadka bari ka yimi ha kabaxaan magaalada dhibaato iyo rabash bay wadaan e..ogoow waxaa waxa laga sii daynayaa wax lagu magacaabo TV ga qaranka iyo idaacada hargaysa. markaa dadkani waa dadkaas waraabayaasha lagu dhex gawracayo si loo foorariyo dadkooda dareenka iyo damiirka leh.

    waxaan ku soo gunanadayaa reer somaliland ama reer hargaysoow bal dadnimada,dhaqan,martisoor,islaanimo,gobonimo,ilaalinta danihiina iyo dalkiinaba intaba idinka oo aan ka tagin naxliga gudiinana soo yara dhigta oo arimaha sida ku saxa ama ceeb la’aanta ah uga munaashaqooda tilmaama sida hawsha yar ee lagu heli karo ka wax idin yeelaya iyo ka aan idin yeelayn! oo waliba raga qaar hablaahaaba ka aqoon iyo garasho wacan at least kuwa waxaa soo qorayaa dee magac hableed ha iskaga dhuunto iyadoo aanaan haweenka meel kaga dhacayn hadana waa dhaqanka soomalida iyo qof nin loo aqoonsan yahay ee hadana waxaan nin laga filayn laga arko loo nisbeeyo xaga haweenka like Mr googarad.

    Tusan iyo Tudanbe

  24. Abdi Abdillahi says:

    Waxaan la hadlayaa Barudkan cuqdadaysan. Cuqdadii reer galbeed waligood ku jiri jirtey baa kaa hadlinaysee, iska saar oo umada walaalheen ah ee soo qaxday aflagaadad ka daa. Cidi waxba kaa waydiin mayso in ay wadanka joogaan iyo in kale waxna ma yeli kartid ee nacnacda jooji oo aamu. Isaaq bi’is fooqal isaaq bi’is.

  25. cabdiqani says:

    SCWWB
    ANIGU ARINTAY DHACDAY AAD AYAAN ULA YAABAY,WAANA ARIN RUTII CADOW KA SOO SHAQEEYAY,WAANA ALXAMDU LILAAH MAR HADDII AYNU KU GUULAYSANAY IN AYNU QABANO HABLIHII IYO CADOWGII QAARBA,WAXAANA LEE YAHAY CIIDANKA DALKU XILWAYN HA ISKA SAAREEN DADKA SOO GALAYA CAASIMADA IYO XUDUUDAHABA.
    NINKA MAGACIISA KU SHEEGAY JAMAAL WAXAAN LEE YAHAY DADKU ISKU WADA FAKRAD MAAHA AQOONTAADA GAABAN AYAAD HADASHAY MAGACA IYO SHARAFTA DADKA REER SOOMAALILANA WAXBA AFKAAGA XUN KAGA TARI MAYSID,DHAMAAN DADKA REER SOMALILANDNA WAXAAN LEE YAHAY DADKA SOO QAXAY EE XAMAR KA YIMI NABSIGOODA INAGA ILAALIYA OO MAATADA IYO CARUURTA AY WATAAN HALA SOO DHAWEEYO,KUWA DIINTA KU DHUUMANAYANA CIDAY DOONAAN HA AHAADEENE AAD HALOOGU FIIRSADO
    ILAAHBAA MAHAD LEH

  26. jamaal yare says:

    Cajiib
    walaalayaal dhamaantiin salaan sare marka xiga.
    waxan buuqa iska daaya oo reer hargaysa hadaynu nahay hableheena waashay aynu qabsano iyaa.
    miyaadan arkayn ninka sheekada ku jira ee ku leh inaytydu lacag bay isiin jirtay lacag badan reerkoo dhana way siin jirtay qaadkana way ii qaadi jirtay inan yarna way ahayd oo iskuulka dhigata.
    miyaanay taasi ka markhaati kacayn in reer hargaysa hablohooda kiraystaan.
    waar xishooda oo reer xamarkana daaya naageheneena aan qabsano.

    hadii kale dee qaad ka ha idiin qaadeen diinteenu waa qaade.

  27. Aideed says:

    Asalaamu Alaykum

    Walaal Baruud adiga oo mahadsan, haa waan kala saari karnaa! Si fudud ayaa loo kala ogaan karaa haddii ay dawladda Somliland gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudahu ay la shaqayn lahayd dadkeeda oo ay samayn lahayd control magaalo kasta ka dhaca. Dadku markay magaalo yimaadaan waxay ku soo degaan Hudheel, guri ay kiraystaan ama reer ay is garanayaan, iyo kuwa aan meelna lahayn oo gidaarada seexda. Markaa si fudu ayay u heli karaan dadka soo galay waxay yihiin sababta ay u yimaadeen oo weliba muddo ku siman 30 daqiiqadood ayay ku waraysan karaan dadkaa soo galay magaalooyinka.
    Walaal waa runtaa oo masaakiin baan nahay iyaguna inaga sii daran cid kale oo naxariis u haysaana ma jirto. Markaa sidii uu nabbigeenii (NNKH)yidhi dadka muslimka ahi waa isku jidh, waana in aynu u naxno oo ka damqano dhibaatada walaalaheena muslimka ah haysata. Waa layna waydiinayaa maalinta qiyaamaha jawaabna uma hayno arrintaas ilaa hadda!
    Mahadsanid

  28. Salaamullaah reer Somaliland, waad wadda salaamantihiin, Ilmo Adeerayaal, Walaalayaal/walaalo, dhamaan dadka muddan marlabaad waan idin salaamay.

    Hawiye, waa dad cawaan ah, ee aan waxba kala garanayn, dadka soo dhoweyey haddii ee qaraxyo ku burbursheen waa mid aad u xun, anagii beeba na hadsatey, war maanta haddii hargaisa aad aragtaan qaxootigaan, waa la yaabi lahaa, awal inaga baa mangan galyo siyaasadeed waydiisan jirney, waddamadda jaardka inala ah, maantanah anagii baaba siinaa, balse anagu si wacan baanu kula dhaqanaaa walaalahayaga dariska nala ah.

    War Puntland ku qarxiyah anaga dhadhaafah,Inkaar baad qabtaaneh, war hawiyahaan gaagaaban, ee madowga baddan, oo wadda masaakiinta ah, xagee keenaah, walaahi waad ka naxin haddii aad aragtaan, tarxiil iska daayeeh, wax xun ba uma quurtaan, haddanah madareemayaan xushmadda aan u haynoh…

    War dadkaani somaliba ma ahan, Ilaahii Somaliland sidaas ka dhigay aanu u xamdi naqnoh!!!!!!

  29. Aideed says:

    Asalaamu Alaykum
    Waar afkaaga hagaajiso inanyahow, kolba magac kale kusoo galaya website-ka!

  30. abdi says:

    all off u r talking shit,go and eat gabobe’s shit.

  31. Aideed says:

    Asalaamu Alaykum
    Walaal Baruud, markii xamar dadkeena lagu laayay Xamar dadka oo dhan kamay masuul ahayn ee dawlad ayaa inala dagaalamaysay! Dawladdaas oo cid kastaa ku jireen. Dadkan laakiin inoo martida ah waxay ila tahay oo aakhiradeena iyo addunyadeenaba u fiican in loo qabto wixii lagu caawin karo.MAhadsanid

  32. Aideed says:

    Asalaamu Alaykum
    Walaal Baaruud, ma u hiilinayo dadka dambiga galay amaba galaya ee aynu is fahamno taas oo aan leeyahay haddii ay jiraan 1000 qof oo Xamar ka yimi 10 qofse dambi galeen. Waxaan u arkaa ama ay ila tahay aniga oo aan qofna ku xumaynayn in 10ka qof oo kaliya laga celiyo wadanka. Sidee ayaad walaal u aragtaa iyada oo la yidhi hala mastaafuriyo dhamaantood! Waxaan tusaale kale kaaga dhigayaa haddii dadkeena ka yimid Somaliland ee dibedaha ama wadamada Carabaha ku nool dad ka mid ahi dambi galaan laakiin dawladdahaasi go’aan ku gaadhaan in dhamaantood laga soo mastaafuriyo meelaha ay joogaan oo dib loogu celiyo magaalooyinkii ay ka yimaadeen. Arrintaas si sax ah u eeg oo yaanay ina qaadin cadho ka timid dhibaatooyinkii lay noo gaystay iyo dadkii laynaga laayay. Waxaa loo baahan yahay in ay dawladda Somaliland ka shaqayso amaanka wadanka iyada oo la shaqaynaysa dadka. Mahadsanidin

  33. Aideed says:

    Asalaamu Calaykum
    Anigu waxaan odhan lahaa sida uu Cawil yidhi yaan dadka la is raacin waayo dad kasta waxaa laga dhex helaa mid xun iyo mid fiicanba!Qofkii runta sheegana yaan la durin oo laga dhigin cadowga Somaliland. Haddii aanaynu runta isu sheegin wax ma hagaagayaane ogaada! Dadka walaalaheen ah ee dhibaatadu inoo keentay ha dhibina ee qofkii dambi gala hala mastaafuriyo. Addunku waa hadhkaa labadiisa galin oo shalay ayay ahayd markii dibedda dadkeenu wadhnaa ee aynu Ethiopia iyo DJibouti martida ku ahayn. Maantase inaga ayaa marti laynoo yahay.

  34. Raage says:

    Waxaan weydiiyey adigu ma noo kala saari kartaa ka fiican iyo ka raba inuu dadkeena isku qarxiyo? Nimankan dalkooda ha lagu celiyo kooda xun iyo kooda fiican cidi kala garanmeeyso. Arimaha kale aad sheegtay na waa arin u taala dadka reer Soomaaliland waana arin sokeeye ee ma aha cadow koonfur ka yimi oo magaaladda qarxinaya mise waxaad tahay wadaadada hoosta kala jira?

  35. cawil axmed maxamed says:

    Assalaamu caleykum wr wb

    Walaal ummada walaalaheena ee inagu soo qaxay ee islaamka ah yaan la dhibin,wixii dhib waddana hala isla qabto,waxaanse arkay hayado ajanabi ah,oo ummadii xanuuno ku talaalaya oo xukuumadeenu la shaqaynayso,oromo guri kasta oo somaliland ah ka shaqaynaysa iyadoo muwaadaniintii gaajoonayso,weliba xanuuno fara badana ay guryaha la hoos joogaan,wasiiradii oo hablihii yaryaraa landcruisadaku sitoo fusiqii baraya,carruurtii wasiiradoo surwaalo gaagaban sita oo fusuqay debeda kala yimaadeen ummadii baraya,qashinkii oo magaalada daacuun laga qaadayo,oo lacagtii lagu guri lahaana dalxiisuun loogu baxayo,idaacadii dadka laga wacyi gelin lahaa,oo heesuun dadkii lagu mirqaamiyey iyo qaad,si aanay uba baraarugin,markaas ummadan garbada ka laalaada ee diinteedii iyo dhaqankeediiba laga kaxeeyey ,maxay indhaha dadweynuhu u arki waayeen,mise shacabkan islaamkaa tom iyo jerry noqday dadka lagu jeediyo,si aanay foolxumada u dareemin,dadkan se aad ka hadlaysaan miyaanay ahayn kuwii dawooyinka bixinayey,ee shahaadooyinka marti soorka ah madaxtooyada geynayey ee idaacadaha adduunkoo dhan ka sheegayey,miyaanay ahayn dadka maqaaxi kastoo caalam ka ka mid ah leh walaaladayo si fiicanbay noo soo dhaweeyeen,sharafta ha inaga qaadina ee horta aan qashinka iska qaadno,carruurteenan gaajada ugu bakhtiyeysa madaxtooyada horteeda aan horta wax siino,masaajidka madaxtooyada ka soo horjeeda ee masjidu jaamic ayaan ku tukaday maraan hargeysa tegay,walaahay kaarbeedka boodhka yaala ayaan ku tukan kari waayey,waxaana la igu yidhi waa masaajidkay ku tukadaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu intaan naxay baan idhi waar ilaahay ha soo hadeeyee,xitaa kaarbeedka masaajidka ka bedela ma garanwaayeen,oo hal wiiloo nadiifiyana u qabta alaahu mustacaan.

  36. cabdi ileeye says:

    marka haore salamad marka xigta arintan ka dhacaday casimadu waa arin aad u fool xun isla markana la doonayo in shacbiga soamliland karamadooda iyo sharaftooda lagu ciyaro marka waxan soo jeedin lahaa in dhaman walidiinta ubadka somaliland ay u soo jeestan ubaxooda soo korayaa waxay ku sugan yihin oo ay wax kastoo ilamahoodu sameynayo la socdan hadii kale waxay ubadku gacanta u galayaan ma naxariistayaal calooshood u shaqaystayaala oo cadaw ku ah umadeena iyo horumarkeena, xukumadeenana waxan kula talinayaa ianay hurdada ka kacdo oo ay ku dedaasho sidii ay u badbadin lahayd uamadeeda cadawgu dhanka kaga hareeraysan yahay.

  37. Raage says:

    kiti fiqi,

    doqonto sokeeye uun baa u muuqda! kaagaas oo miidhan bay walaweyntu ku daba dhuuntaan

  38. kiti fiqi says:

    c/s.
    saaxiibayaal dadka inoo martida ah ee cadga ka soo cararay ha lakala reebo. dabcan qaar badan baa inaga xitaa inoo cadaw ah, laakiin dhamaan yaan la wada aflagaadeeyn. ta kale tan dawladku sheegta ah baa qabta waxaasoo dhaliil ah, waayo,kuwa hayadaha sheeganaya sida ay uga ilaaliyaan kuwa ugaadhsada, sile’eg bay si sahlan hablaheena uga ilaalin lahaayeen haday rabaan. waxaanse qabaa dawlad ku sheegta baaba ka masuul ah waxaas oo qudhun ah iyo in kaloo badan, bal iyaga qudhooda ha loo fiirsado waxa ay sameeyaan hadh iyo habeenba ee basar xuma ah!!

  39. Raage says:

    Bravo Abdikarim!

  40. Abdikariim Hassan says:

    horta marka hore waxaan jeclaan lahaa inaan u jawaabo ninka magaciisa kusoo koobay Hassan ee aflagaadeeyay ina gaboobe waar inkoow hadaad tahay somalilander ma ninka kuu iftiimiyey in caruurtiinii la xadayo ayaa ka danbeeya mise kaga leh waa been tii ina gaboobe, hadaanad ahayn somalilander oo aad tahay reer koonfur waad uraysaa ee geesiyaashayada ha aflagaadayn waxaad tahay kuwa kasoo horjeeda horumarkaga iyo wada noolaanshahayaga.
    hadaan kaa intaa ku dhaafo Waa in la badbaadiya shacbiga Somaliland gaar ahaan dumarka iyo caruurta jilicsan ee halista iyo ceebaha noocan ahi iyo kuwo ka sii daranba dalkooda hooyo gudahiisa uu cadow shisheeye ugu geysanayo.

    anigoo tageeraya fikirka ah in laga mastaafuriyo reer xamarka dalka waxaan odhan lahaa hadaad doonaysaan inay inii nabad galaan caruurtiina iyo dumarkiinu iska mastaafuriya dadkan xun ee reer xamarka ah.

    wabilaahi tawfiiq
    by;Abdikariim Hassan.
    BerBera Somaliland.

  41. Raage says:

    jamaaloow ha qarin dayuusiinta ee magacyadooda soo qor walaal!

  42. Raage says:

    jamac iyo jamaal,

    intuba waa wax xun laakiinse kuwa hay`adaha ajanibiga magaalada dadka kuma qarxiyaan oo fataal * ayeey kireysteen taana waa anshax xumo la socda faqriga waxa na ku filan ajanibiga cadaanka oo dhowr jeer sting operation lagu xidho jeelka mandheera yaga iyo fataaliinta iyo dhilooyinka raacaba. laakiinse reer koonfureedkani waa halis nooc kale ah oo noo dhuumanaya oo dagaal noo cadaystay

  43. jamaal yare says:

    jama mahadsanid
    waxaan ogahay sheeko waxanba ka xun oo hargaysa ka jirta
    hay’adaha ajinabiga waxaa ay shaqaaleeyeen dhowr nin oo ka soo shaqeeya inay u keenaan hablo under age ah
    oo lagu soo ururiyo gaadhiyo galabtii waxaana laa siiyaa 10 dolar midiiba.
    hadaad u baahataan ragaas magacyadoodaa waan idiin soo qori iyo guryaha la geeyo hablahaas.
    subxaan allah

  44. Jama says:

    salaan qaaliya iga gudooma walaalayaal
    salaan ka dib.
    somalidu waxay ku maahmaahdaa
    inantii hooyadeed habeen ka dhaxdaay hanbo.
    hablihiina u tashada.
    oo kuwan hadh iyo habeen gidaarada fadhiya ee wadada laga mari kari la’yahy miyaydaaan araag.
    wadanka miyaydaan joogin waar ninkii naago doonayaa waayi maayo.
    laakiinse warka inoo hubiya.
    anigu haatuf waxaan u aqaanaa jariirad aan fiicnayne

  45. Raage says:

    Haddaan si degdeg ah soomaalida koonfureed dalkooda loo masaafurin waxan iyo wax ka sii daran sida qaraxyadii Oct.29 baa dhici doona ee calool jileeca ha la iska dhaafo oo cadowgan immediately dalka ha laga saaro yada oo aan la kala reebin xataa kuwa naagaha soomaaliland qaba na yaga iyo xasaaskooda ba ha lagu celiyo halkay ka yimaadeen. Enough is Enough!!!!!

  46. Farah Ali Jama says:

    Waa in la badbaadiya shacbiga Somaliland gaar ahaan dumarka iyo caruurta jilicsan ee halista iyo ceebaha noocan ahi iyo kuwo ka sii daranba dalkooda hooyo gudahiisa uu cadow shisheeye ugu geysanayo.

    Sidaas daraadeed, waxa la gaadhey xiligii talaabo adag laga qaadi lahaa lana wada musaafurin lahaa wadaad xumeyaasha Reer Somalia ee shaadhka Diinta soo xidhay gadh orgigana la baxay ee munaafiqiinta iyo dembiileyaasha ahi.

  47. HASSAN says:

    A/C
    WAA BEENTII INA GABOOBE KUWA CARUURTAA YAR YAR ISKULADA KA KAXAYSTEE HAY’ADAHA KA KIREEYAANAA WAA KOOXDIISA.