Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka oo sheegay in ay aanay ka hadhayn tirooyinkii iskhilaafsanaa ee Guddoomiyaha Diiwaangelinta

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Kaba-weyne) ayaa sheegay inay baadhis iyo dabagal ku samaynayaan cidii lahayd masuuliyada  tirooyinkii is khilaafsanaa ee uu dhawaan ku dhawaaqay Gudoomiyada gudiga diiwaangelinta Codbixiyayaasha, Ismaaciil Muuse  Nuur, isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Guddoomiyaha Komishanka, Mr. Kabaweyne oo u warramay wargeyska Haatuf ee ka soo baxa Hargeysa, waxa uu sheegay in hadalkaasi uu ku koobnaa xubintaasi ku dhawaaqday ee aanu komishanku u dhamayn, waxana uu sheegay inay ku qabsadeen, isla markaana uu isaguna markii danbe uu beeniyey, balse, waxa uu sheegay in isagu’aanu sidaas kaga hadhayn.

Kaba-weyne waxa uu sheegay in xubnaha Komishanku marka ay ka soo noqdaan hawlaha ay hadda ku kala maqan yihiin ee diiwaangelinta inuu arrintaa Komishanku ka fadhiisan doono, qaraarna ay ka soo saari doonaan, isaga oo xusay inay guddi u saari doonaan soo baadha cidda masuuliyaddaas leh.

Gudoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Codbixiyayaasha, mudane Ismaaciil Muuse Nuur oo xubin ka ah Komishanka Doorashooyinka ayaa dhawaan sheegay in ay tirada hordhaca ah ee dadka gobolka Awdal iska diiwaangalisay ay tahay ilaa 180-kun oo qof, taas oo ku dhowaan 50 kun ku kordhinaysa tiradii hordhaca ahayd ee Komishanku faafiyey markii ay dhammaatay diiwaangelinta gobolkaas,  inkasta oo uu markii danbe beeniyey warkaas, isla markaana uu sheegay inay tahay tirada Awdal iska diiwaan galisay 133,000 qof.

Hadalkaas ayaa keenay xasaasiyad iyo jahawareer, isla markaana dhaawac weyn  soo gaadhsiiyey kalsoonidii komishanka qaranka ee doorashooyinka.

Dhinaca kale, Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhaga-weyne) ayaa xukuumada Madaxwayne Riyaale ku eedeeyey in ay faro-galin joogto ah ku hayso hawsha komishanka doorashooyinka Qaranka. Waxana uu ku baaqay in laga tashado Komishanka inta ka horraysa doorashada, si doorasho xor iyo xalaal ahi u dhacdo.

Axmed Maxamed Saleebaan, Somaliland.org, Hargeysa.

This entry was posted in News and tagged . Bookmark the permalink.

Comments are closed.