“Hadalkaasi Gud. Guddiga Diiwaan-gelintu Kelidii Ayuu Ku Koobnaa, … Guddi Baanu U Saareynaa Cidii Dembigaas Leh” – Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka

Hargeysa (Somaliland.Org) – “Anigu nin soo gubtay baan ahay oo meel walba soo maray oo maanta qof qof ka jeclayso niyadiisa’aanay ku jirin baan ahay, haddii aan ogahay in sidaas lay odhanayo runtii ma baan qabteen meeshan, waxaa 24-ka saacadood aan u fadhiyo-na waxa weeyaan ilaalin aan doonaayo meesha maadaama ay masuuliyadii aniga I saaran tahay inaan anigu wixii ilaaliyo.” Sidaa waxa yidhi Maxamed Ismaaciil Kabaweyne, gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo aanu shalay Wareysi khaas ah kala yeelanay arrimo badan oo la xidhiidha hawsha diiwaangelinta iyo doorashooyinka ee Komishanka gacanta ku hayo.

Maxamed Ismaaciil Kabaweyne waxa uu wareysigan kaga jawaabayaa arrimo ay ka mid yihiin hadalkii isburinayay ee la xidhiidhay tirooyinkii dadkii iska diiwaangeliyay afartii gobol ee hore diiwaangelintu uga dhacday ee dhawaan ka soo yeedhay gudoomiyaha guddida Diiwaangelinta Ismaaciil Muuse Nuur, diidmadii Madaxweyne Riyaale isku hortaagay qaadashadii Maxamed Baaruud loogu qaatay inuu noqdo Agaasimaha Data-da Diiwaangelinta iyo arrimo kale oo xiiso leh oo la xidhiidha hawlaha doorashooyinka ee Komishanku u xilsaaran yahay.

Haddaba, wareysigaasi waxa uu u dhacays sidan:

S: Hawshii Diiwaangelinta ee gobolka Sanaag waxa jirtay in goobihii Sanaag Bari sida Badhan iyo Dhahar ay maalmo dib uga dhacday bilowgeedii, maantana qorshuhu sidii uu ahaa ay ku egtahay lixdii cisho ee gobolka Sanaag loogu talo-galay, markaa halkee ayay hawshaasi maraysaa maxayse tahay ku talo-galkiinu inaad ka yeeshaan maalmihii ay dib uga dhacday goobahaas?

J: Wallaahi waa run oo meelahaas laba cisho ka hor ayey gaadhay shaqadu, markaa in arrintooda ilaa Axsaabta xal aanu ka gaadhno weeye, waanu isla eegnay hay’adda Inter Peace, markaa waxay yidhaahdeen koley haddii goobahaas aanaan annagu kharashka bixinayn waad kari karaysaan inaad ugu dartaan labadaas meelood oo qudha (Dhahar iyo Badhan), annaguna (Komishanka) qodobkaas waxaanu ka qabnaa ma jirto haddii aanay naga hor imanin cilado farsamo oo ay ka mid tahay waraaqihii oo dhammaaday, stationary-gii lagu shaqayn lahaa ee loogu talo-galay gobolka Sanaag ee lixdii cisho ku beegnaa haddii aanay wax ka waayin oo ay wax ka soo hadhaan, haddii markaa dadka jooga yihiin dad aan laga tegi karin yahay, iyadoo maanta dadkii Somaliland aad iyo aad ugu soo qulqulaayo oo weliba ay wax weyn ka tartay oo kaadhka dhalashadu mudan yahay oo aan dib loo helayn, kaasina uu yahay ka dadka ku dhiiri-gelinaya inay isdiiwaangeliyaan.

S: Markaad eegto Badhan iyo Dhahar dadka jooga weli miyey jiraan dad aan isdiiwaangelin oo ay ku filaan karto maalin haddii aad ku kordhisaan, mase jiraan dad weli diidan diiwaangelinta oo meelahaas jooga?

J: Runtii Gudoomiye Komishan ahaan dad badan baan la xidhiidhay oo waxaan la xidhiidhay shaqaalihii, gaar ahaan inamadii IT-ga ahaa, waxay yidhaahdeen aad iyo aad baa naloo soo dhaweeyay, waxaanu filaynayna maaha oo Ceerigaabo halkanaa nooga wanaagsanaatay oo xoolo ayaa naloo qalay, hawsha diiwaangelintuna si fiican ayay uga socotay, tirada imika la diiwaangeliyeyna ay tiro aad u wanaagsan tahay ayaanu warka ku haynaa.

S: Guud ahaan diiwaangelinta ku talo-galku wuxuu ahaa inay dhammaato sannadkan intaanu dhammaan, maadaama doorashadii Madaxweynuhu ku egtahay bisha March 2009, laakiin weli waxa idiin hadhsan gobolka Sool oo aad u qorshayseen 2-da January 2009, markaa muxuu yahay ku talo-galkiina doorashada ma waxbaa iska bedelaya?

J: Wallaahi ka Komishan ahaan balantii aanu qaadnay ee aanu timeline-ka ku samaysanay ee aanu ummadda oo dhan ugu balanqaadnay maalin qudha kamaanu baydhin, 14-kii October ee aanu balanta ku qaadnay inaanu bilowno diiwaangelintana waanu ku bilownay, gobol kastana wakhtigii aanu ugu talo-galnay dib ugamaanu dhicin, waxa qudha ee naga horyimid ee ummaddu wada ogtahay waxa weeye qaraxyadii ee wadanka ka dhacay, intii Hindidii Ajnebiga ahayd wadanka ka baxday ee aanu soo noqoshadooda daba-soconay, markaa wakhtigaa Jadwalkayagii ka lumay, haddii aanu dabooli karno (cover) oo imikadan shaqadayadii inaanu is-garab wadno ayaanu doonaynaaye waanu daboolaynaa, haddii aanu ka gaadhsiin wayno-na oo wax naga qabsadaana, dee waa wax u yaalla annaga iyo Axsaabta aanu annagu (Komishanka) dhex u nahay, laakiin annagu marnaba ma jeclin wakhtigii aanu ballanka ku qaadnay inaanu dib uga dhacno.

S: Marka aynu eegno xeerka Doorashooyinka waxa ku qoran in lix bilood ka hor doorashada inay diiwaangelintu ku dhammaato, diiwaangelintii Sool-na waxay gelaysaa bisha January 2009 iyadoo doorashadii Madaxtooyadana ay u muddaysan tahay bisha March 2009, markaa malaga yaabaa in arrintaas hadhow ay Golayaasha Baarlamaanka gaar ahaan Guurtidu ay marmarsiiyo uga dhigtaan muddo-kordhin kale?

J: Wallaahi filimaayo arrintan inay golaha Guurtidu marmarsiiyo ka dhigan karto oo waa dad wadaniyiin ah, laakiin annagu wixii aanu u caal-weyno mooyaane cidna waxba ka bedeli mayso.

S: Waxa jirta in sharcigu dhigayo in Xisbiyadu shirweynahoodii qabsadaan doorashada ka hor si ay u soo doortaan murashixiintooda, labada xisbi ee mucaaridku way qabsadeen, laakiin xisbiga talada haya ee UDUB weli shirweynihiisii muu qaban, wakhtigii doorashaduna wuu soo dhawaaday, arrintaas muxuu yahay Komishan ahaan ku talo-galkiinu?

J: Waxa weeye wixii sharci ah ee annaga xeerkayagu noo saamaxayo inaanu annagu ku soconayno oo aanaan cidna uga tudhaynin.

S: Markaad eegto sharciga laftiisa xisbiga’aan shirweynihiisa qabsan waxay ka dhigan tahay inuu yahay mid sharciyadiisu dhacday (invalid), markaa xisbiga UDUB oo aan ilaa hadda shirweynihiisii qabsan maxay noqonaysaa wada-shaqaynta aad la yeelanaysaan?

J: Waxa weeye wixii xeerku noo ogolyahay uun baanu ku soconaynaa.

S: Waxa jirtay hadal maalin dhawayd ka soo baxay gudoomiyaha guddida diiwaangelinta, kaas oo uu ku sheegay tirooyin gobolada qaar ku kordhay iyo kuwa uu iska dhimay, inkastoo uu markii dambe khalad madbici ku tilmaamay laakiin arrintaasi waxay keentay hadal badan oo saameyn ku yeeshay kalsoonidii lagu qabay Komishanka, markaa maadaama uu weli hadhsan yahay Server-kii sidee baad dadka hadhow ugu qancin kartaan tiro kasta oo is-dhinta marka la geliyo Server-ka?

J: Horta waxaan idiin sheegaynaa arrintani xubintaas Komishanka kelidii ayey ku koobnayd, hadalka isagaa yidhi isagaana beeniyay oo aanu yeedhnay kuna nidhi sidee ayey u dhacday, si caam ahna wuu u beeniyey, isla markaana anigu ka Gudoomiye Komishan ahaan go’aanka arrintaas sidaa kagama tegaayo, guddi baan u saarayaa, annaga dhexdayada (Komishanka) waanu isa sugaynaa oo kooramkayagiiba ma dhamma oo shaqo ayaa lagu kala maqan yahay. Markaa marka imika Sool naga dhammaato qaraar baanu ka gaadhaynaa arrintaas guddina waanu u saaraynaa, waxaanu doonaynaa arrintaa wixii dambi ku lahaa inaanu tallaabo ka qaadano.

S: Arrinta Server-ka ninka keliya ee gacanta ku hayaa waa isaga (Gudoomiyaha guddida diiwaangelinta), waxay dadka qaar rumaysan yihiin in Server-kuna yaalo guri uu isagu leeyahay, arrintaas maxaa ka jira?

J: Horta Serverku wax guuri kara oo nin guri geysan karo maaha, Server-kuna wuxuu ahaa qalab la socday agabkii qandaraaska weyn lagu bixiyey ee hawshan diiwaangelinta tifaftiraayey, markaa annaguu halkan (Xarunta Komishanka) noo yaallaa, wuxuuna ku jiraa daartaas aanu u dhisnay, nimankaa Hindida ah baana gacanta ku haya, nin ku-meel-gaadh ahna National Registrar-kii (Agaasimihii diiwaangelinta) baanu ka dhignay oo khabiir ku ah Hindiduna tababartay, isaga laftiisuna Hindiya ka soo baxay, kaas baa gacanta ku haya, waana wax ninka Ismaaciil ee aad tidhi guri buu dhigtay aanu waxba ka fahmi karin weeye, Server-kuna ka weyn wax habeenkii la qaadi karo oo guri la geyn karo subaxdiina la soo qaadi karayo, arrintaasina waxaan u malaynayaa waa iska sheekadii suuqa. Anigu haddii aan ninkaa (Ismaaciil Muuse Nuur) aqaanana waxaan leeyahay kelmadaa shaydaan baa ka keenay. Anigu waxaan qabaa in arrintaasi cidii ay gashoba tallaabo aan ka qaado.

S: Dhowaan waxa jirtay warar ka soo baxay Muwaadin ku guulaystay jagada Agaasimaha Diiwaangelinta Qaranka, ninkaas oo ahaa Maxamed Baaruud, hase yeeshee la sheegay in Madaxweynuhu is hortaagay oo uu diidday, idinkuna aad ku raacdeen, markaa maxay tahay sababta loogu diiday ninkaas muwaadinka ah, xataa haddii la diiday ninkaas maxaa loo baahin waayey oo cidda ku guulaysata loogu dhiibi waayey inta nin ku meel-gaadh ah aad u dhiibaysaan?

J: Horta ninka noqonaya National Registrar-ka, anigu fikirkayga waxaan jecelahay inuu noqdo nin wax walba ka qaalisan oo marka gees kasta loo eego oo xisbi ama qabiil ama wax kale oo dhan ka baxsan ayaanu anigu jeclahay inuu noqdo. Waxa ilaa imika cid kastoo timidba lagu dhaliilay waa wuxuun, mid la yidhaahdo waa xisbi iyo mid la yidhaahdo waa qabiil, wax kasta ha ahaatee, markaa Maxamed Baaruud isaga halka ay ciladu kaga dhacday waa Axsaabta oo waxa la yidhi waa xisbi. Annagu runtii wixii Axsaabtu noola yimaadaan, waxa jirtay Axsaabta kale (Mucaaridka) wax ay noola yimaadeen oo aad ka warhayso oo berigii qolada Komishanka gobolada aanu soo magacownay, waa tii qaar la diiday oo ay mucaaridku diideen, waa tii ay nagu keliftay ilaa xad inaanu kansal-garayno. Markaa annagu haddii nalagu qabsado haddii aanu mid siino maalin ka kalena waanu siin karnaa, oo waxa weeye wixii ay diidayaan axsaabtu ee ay iska kaaya hortaagaan annaga dhibaato ayey nagu tahay oo mar walba werwer ayey nagu tahay haddaanu qofkii meeshii keeno isagoo cidi diidayso. Ninka meesha la geynayaana inuu dhexdhexaad noqdo oo annagana naga sii dhexdhexaadsanaado ayaa loo baahan yahay.

S: Markaa Komishan ahaan ma baadheen Maxamed Baaruud inuu xisbi yahay iyo in kale?

J: Wallaahi annagu waanu baadhnay, oo annagu shakhsi ahaan ninkaas ugama warhayo, laakiin xubnihii Komishanka dhexdoodii markii hore waanu ansixinay, waa la soo diiday, markii dambe diidmadiina komishanka ayaa loo soo bandhigay, komishanka ayaana qaraar ka gaadhay oo majooratigii baa diidday, maaha wax shakhsi ku xidhan, rasmi ahaan baanu miiska u keenay, intii badnayd ayaana diidday.

S: Maadaama Komishanku marka hore ogolaaday maxaa diidmada dambe keenay, waxaanay dadku wax ka soo saareen in diidmada Madaxweynaha uun ay tahay?

J: Markaa hore dee annagu ceeb maanu arkayn cidina nagoomay soo dacwoon, markii horena sidaas baanu ku qaadanay Maxamed Baaruud annagoo wada naqaana, markii dambena arrintaas baa timid.

S: Markaa waa ayo hadda cidda aad ku-meel-gaadhka ugu magacowdeen?

J: Waxa la yidhaahdaa Maxamed Cumar Taani, waa nin aad u yaqaana oo ah ninka ugu sareeya guddida farsamada oo dhan (technical committee) oo ah ninkii Hindiya tababarka loogu diray, oo ah ninka hawsha kala wada ah.

S: Maxaa idinka hortaagan maadaama ay xubintani tahay xubin muhiim in inta aad warbaahinta ku baahisaan ay muwaadiniintu si siman uga soo qayb-galaan, kadibna qofka ku munaasib ah laga qaato?

J: Runtii marka ay naga dhammaato hawsha gobolka Sool ayaanu hawshan gelaynaa.

S: Guud ahaan Komishanka, gaar ahaan Gudoomiye ahaan adiga waxay dadka badankiisu aaminsan yihiin inaad u janjeedhaan dhinaca xisbiga UDUB, doorasho haddii ay timaadana ay ka sii deyriyaan natiijada aad soo saari doontaan, arrintaas maxaad ka odhan lahayd?

J: Waa nasiib-darro weeye, Soomaalida cid ka eed baxaysaa kuma jirto, dadkeenuna waa bulsho “oral society” ah oo markay qaadka cunnaan waxay doonaan iskugu sheekaynaya, anigu nin soo gubtay baan ahay oo meel walba soo maray oo maanta qof qof ka jeclayso niyadiisa’aanay ku jirin baan ahay, haddii aan ogahay in sidaas lay odhanayo runtii ma baan qabteen meeshan, waxaa aan 24-ka saacadood aanu u fadhiyo-na waxa weeyaan ilaalin aan doonaayo meesha maadaama ay masuuliyadii aniga I saaran tahay inaan anigu wixii ilaaliyo. Anigu haddii ay hawshani dhammaato waan jeclahay in la helo Komishan isku mid ah oo meel u wada jeeda oo isku feker ah oo is-fahma. Haddii aan waayo Komishankaas oo meel u wada jeedsanayn anigu qudhaydu sidaa aad sheegayso ee ah fartaaba kugu gudan, anigu waxaan ahay ninka qofkii kasta ee igaga wanaagsan uga tanaasulaya. Aniguse waxaan qabaa haddii aan helo dad aanu isku af-garano shaqada, filimaayo inay xagayga ka imanayso oo inta noloshayda ka hadhay in wax sumcaddayda dhulka dhiga ay dhacayso, tanna u malayn maayo inay ka dhacayso, haddii aan waayo cidii igala shaqayn lahaydna waan ka fekerayaa..

Xigasho Haatuf.

This entry was posted in News and tagged . Bookmark the permalink.

Comments are closed.