Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ku soo laabtay Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargaysa, kadib markii uu soo dhamaystay kormeer qaatay muddo shan maalmood ah oo uu ku soo maray deegaanadii ay ka socotay diwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka ee Gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Siilaanyo oo kormeerkiisa ay ku wehelinayeen saraakiil sarsare oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, waxa ay soo mareen deegaamo fara badan oo ka tirsan gobolka Sanaag, iyaga oo u kuur galayay sida ay hawsha diiwaangelintu uga socoto deegaamadaasi.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo hoggaaminayey wefti ballaadhan oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee xisbiga, mudane Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir, xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo xubno ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga, ayaa xubnihii kale ee weftigu waxay weli ku sugan yihiin magaalada Ceerigaabo, iyaga oo shalay ka soo laabtay deegaamada Xiis iyo Maydh ee xeebta gobolka Sanaag oo ay soo kormeerayeen sida hawsha diiwaangelintu uga socoto, halka Guddoomiyaha, mudane Axmed Siilaanyo-na uu socdaalkiisan Hargeysa ku soo maray degmooyinka Ceel Afweyne iyo Gar’adag ee gobolka Sanaag, dhulkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyey.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, mudane Siilaanyo, waxa la filayaa Khamiista inuu dib ugu laabto magaalada Burco, halkaas oo la sheegay inay isugu imanayaan xubnaha kale ee ku hadhay Sanaag, isla markaana ay uga ambabixi doonaan kormeer ay ku mari doonaan deegaamada Gobolka Sool oo diiwaangelintu ka bilaabmayso Jimaha, 2da January, 2009.

Dhinaca kale Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Sool Kayse Maxamed Tungub ayaa xukuumadda Somaliland iyo xisbiga UDUB ku eedeeyay in deeqaha iyo mucaawinooyinka ay bixiyaan Hay’addaha samafalku ay u adeegsadaan olole ay taageero ugu doonayaan xisbiga UDUB.

Guddoomiyaha Sool ee xisbiga KULMIYE oo u waramayay Radio Horyaal waxa uu sheegay in masuuliyiinta xukuumadda ee gobolka Sool iyo masuuliyiinta xisbiga UDUB ay dhawaan dadwaynaha gobolka ku dhaqan u qaybiyeen raashin ay bixisay Hay’adda WFP. Raashinkaasi oo ay shuruud dadka kaga dhigeen in ay siinayaan ciddii ka tirsan xisbiga UDUB oo kaliya.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee gobolka Sool waxa kale oo uu sheegay in aan gobolka waxba loogu qaban lacagtii boqolkiiba labada ahayd (2%) ee cashuurta dalka loogu daray in gobolka Sool lagu horumariyo, isaga oo sheegay inta yar ee gobolka soo gaadhana inay ku tagri falaan Badhasaabka gobolka Cali Sandule iyo masuuliyiinta kale ee jooga gobolka.

Kayse Maxamed Tungub waxa kale oo uu intaa ku daray in shacabka gobolka Sool ay diyaar u yihiin diwaangelinta codbixiyayaasha. Inkasta oo uu sheegay in ay jiraan goobo ka mid ah gobolka oo ay adagtahay in laga hirgaliyo diwaangelinta.

Axmed Maxamed Saleebaan, Somaliland.org, Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.