Diin bishii Toddobaad Maxbuus u ah xukuumadda!

Hargeysa December 29, 2008 (Saxannews)- Xarunta Wasaarada Boosaha Iyo Gaadhsiinta Somaliland  ayaa waxaa maxbuus ku ah xawayaan yar oo diin ah oo ku dhibaataysan isla markaana ku jira meel uu shabag ku wareegsan yahay.

Diinkan oo muddo 7-bilood ah ku xidhnaa meeshaas oo aanay cidi waxba ku siinin isla markaana aanay u dhawayn meel uu isagu Biyo iyo baad ka helo maadaama uu ku jiro xeroafarta jihaba uu shabag kaga wareegsan yahay. Xerada uu xidhan yahay diinkani albaabkeeda waxa xidhan saddex ilaa afar quful oo ay ku xidheen Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo ay adag tahay sida looga soo saaro maadaama aanay ogolayn masuuliyiinya Wasaaradaasi in laga saaro diinka.

Diinkan dhibaataysan oo  aanay jirin cid u dhaqdhaqaaqda sidii meesha looga saari lahaa waxa xerada uu ku xidhan yahay dusha ka ilaalinaya ciidamo bilays ah oo lagu amray in aanay cidina u dhawaanin shabagaas oo uu dhexdiisa ku jiro diinku.lama oga sababta rasmiga ah ee loo aanaynayo xadhiga diinka iyo xikmada ka danbaysa toona sidoo kale ma jirto cid qiratay masuuliyada tooska ah ee xukunka xabsiga diinka balse waxa la ogyahay in ay masuuliyiintu ku og tahay meeshaas.

Shabagan dhexdiisa ayaanuu diinku ka helin wax biyo iyo baad toona ah marka laga reebo caws engegay oo aan lahayn wax laga cuno oo ku dhex yaala meesha uu ku xidhan yahay hasa yeeshee mudada dheer ee uu diinku ku xidhan yahay meesha waxa uu quudan jiray kaydka uu sida dabiiciga ah uu usamaysto oo ah farsano Rabaani ah oo uu xayawaanka kale dheer yahay. Noolahan taagta daran ee aan iska difaaci karaynin dulmiga haysta ayaa u baahan xoriyad uu mar kale ku qadhaabto si uu u sii noolaan karo. Lama hubo xaaladiisa caafimaad maadaama aanay jirin cid halkaa ugu gashay oo ka warami karta sida uu yahay caafimaad qabkiisu

Wariye ka tirsan Wargayska Saxansaxo Maxamed Axmed Muuse (Kuraase).  oo booqday  halka uu ku xidhan yahay diinkani ayay iska hortaageen ciidamada ilaalada ka ah goobta uu diinku ku xidhan yahay waxaanay  ku amreen wariyaha in uu dib u noqdo oo aan la ogolayn cid u soo dhawaata xabsiga uu diinkani ku jiro

Abwaan Maxamed Cali Cilmi (Aakhiro) oo ka mid ah shaqaalaha wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo aanu wax ka waydiinay diinka mudda uu meesha ku xidhnaa iyo cida uu xidhan yahay ayaa yidhi“Diinkani wuxuu meesha ku xidhnaa qiyaas ahaan ilaa 7-bilood, waxaana meesha ku xanaanayn jiray ninkii markii hore Engineerka ka ahaa shirkada TDI waanu u roonaa oo biyo waxbuu siin jiray oo aniga oo shaqaalaha wasaarada ah in badan baan arkay isagoo waraabinaya, intii hadaba shirkadii TDI-da masuuliyiinteedu isku khilaafeen ayaa dabadeed qufulo badan lagu kala xidhay meeshii imikana wasaaradaa la wareegtay oo quful kale ku sii xidhay, Diinkiina sidaas ayay muddo dheer ugu qaadatay wali uu ugu xaniban yahay shabagii”. Abwaan Aakhiro oo aanu wax ka waydiinay bal inay wax masuuliyiin xukuumada ah u sheegeen iyo in kale waxa uu ku jawaabay “Dad masuuliyiin ah waanu u sheegnay laakiin waxaad moodaa runta markaan ka sheego diinkan cid xil iska saartay ma jirto dhinac kasta oo ay tahayba, diinkana halkaas ayuu ku dhibaataysan yahay oo uu ku haraadan yahay”. Aakhiro isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in diinkan meesha laga saari karo laakiin aanay ogolayn in diinka meesha laga saaro qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada waxaanuu yidhi “Diinkan sidii meesha looga saari lahaa la iskuma dayin waxaana ka danbeeya shaqaale meesha jooga oo dan gaar ah ka leh meesha sida beerashada oo aan diinka u ogolayn in uu xoriyadiisa ku daaqo geedaha taasaa diinka dib u dhigtay oo beero ay meesha ka samaysteen ayaanay u ogolayn inuu daaqo markaa halkaasuu maxbuus ku yahay”. Abwaan Maxamed Cali Cilmi (Aakhiro) mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd bal inuu sheego caqabada hor taagan ilaa imika waxa uu ku jawaabay “Caqabada na hor taagan waxa weeye diinka waxaa lagu soo saari karaa iyada oo halka uu xidhan yahay gudaheeda loo dhaco, oo shabaga laga qaado hadii taa la samayn lahaana  looma ogola in ay cid meesha ugu gasha  diinka meesha ku dhibaataysana waa la arkayaa” ayuu hadalkiisii ku soo gabogabeeyay Abwaanku.

Dhinaca kalena waxaanu la kulanay Eng: Cali Ibraahin Axmed oo ah ninkii ugu horeeyay ee Diinka keenay goobtan shabaga ah ee Xarunta Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo ah barta uu ku xaniban yahay Diinku waxaan ugu horayn wax ka waydiinay sababta uu diinkan meesha u keenay waxaana uu ku jawaabay “Diinkan isagoo yar ayaan keenay xarunta TDI oo aan Injineer ka ahaa, waxaanay ahayd bishii 5-aad ee sanadkii 2006 waxaanan ka soo qaaday suuqa isagoo dadku  isku tuur-tuurayaan caruurtuna ay dhagax la dhacayso, markaan soo qaatay waan xanaanayn jiray saladh baan suuqa uga soo iibin jiray iyo wixii kale aan is idhaahdo wuu cunayaa, diinkani wuxuu ka mid yahay dulmiga nagu dhacay ee wasaarada iyo xafiiska lagu baabiinayay, una malayn maayo caqli ay xukuumada meesha kaga saarto aanay haynin waayo intii aanu ninka is qabanay ka dib xukuumadaa gacanta ku haysay ee may garan waayin in ay albaabka ka furto ama si kale uga saarto”. Ayuu Engineerku hadalkiisii ku soo gabogabeeyay.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah dadkii goobta joogay ee la kulmay Maxbuuska ayaa malohooda hadal haynta u badaniyay inuu Xadhiga diinka ku yimid faal sheegay, laakiin may jirin cid gaar ah oo ay farta ku fiiqayaan inay iska leedahay mas’uuliyada xukunka xabsiga diinka faal u sheegay awgeed.

Xigasho: Wargeyska Saxansaxo.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.