Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatada Oo Isku Khilaafay Bixinta Cashuurt Macaashal-macaashka

Waxa Soo Baxay Dareen Ah in Wasiirka iyo Ganacsatadu Iska Waraystaan Sidii Loo Xalin Lahaa Arrinta Macaashal-macaashka”…Gudd. Rugta Ganacsiga

 

Hargeysa (Ogaal)- Guddiga Wasiirada ah ee xukuumaddu u xilsaartay dakhli-kordhinta, ayaa shalay kulan la yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada dalka.

 

Kulanka oo ay albaabadu u xidhnaayeen oo uu guddoominayay Wasiirka Maaliyadda ee Somaliland Xusseen Cali Ducaale (Cawil), isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen xubno ka socday Rugta ganacsigu waxa uu ka dambeeyay ka dib markii ganacsatada badeecaddaha soo dejiyaa ka biyo diideen wareegto uu soo saaray Wasiirka Maaliyaddu, taasoo jidaynaysa in Cashuurta Macaashal-macaashka ay ganacsatadu ku bixiyaan gudaha Dekeddda Berbera, ka hor inta aanay alaabooyinkoodu suuqyada dalka soo gelin. Wasiirka Maaliyadda Xusseen Cali Ducaale oo markii kulankoodu dhammaaday Saxaafadda la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha keenay wareegtada uu soo saaray iyo sida loogu baahan yahay in ganacsatadu Cashuuraha ku waajibay u bixiyaan.

 

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Cabdiraxmaan Faarax Sugaal oo isna hadal kooban halkaa ka jeediyay, ayaa sheegay sheegay in ujeedada kulankoodu la xidhiidho xalin lahaa cabashooyinka ay ganacsatadu ka muujiyaan Wareegtada Wasiirka Maaliyadda. “Kulankani waxa uu ka dambeeyay cabashooyinka soo ifbaxay Wasiirka Maaliyaddu soo saaray oo ku saabsanayd qaabka Macaashal-macaashka oo in la sii qadimo ahayd, lagana qaado ganacsatada inta aan badeecadduhu magaalooyinka soo gelin, taasoo uu ka soo dhexmaray dareen ah arrintaa in ganacsatadu iyo Wasiirku iska waraystaan sidii loo xallili lahaa hawshaa Macaashal-macaashka,” ayuu yidhi Mr Sugaal. Wuxuuna intaa ku daray, in ganacsatadu diyaar u yihiin bixinta Cashuurta Macaashal-macaashka, isla markaana ay ka wada hadlayaan qaabka ay isula qaadan lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda. 

Xigasho Ogaalnews

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.