Wararka Wargeyska OGAAL: Kulan dhexmaray Madaxweyne Rayaale iyo Guddoomiyeyaasha xisbiyada Mucaaradka

Hargeysa (Ogaal)- Hogaamiyeyaasha xisbiyada Mucaaradka ah ee KULMIYE iyo UCID, ayaa shalay kulan la yeeshay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xalay Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay waxyaabihii ay kaga wada hadleen kulankaas, waxa uu sheegay in Madaxweynuhu la socod siiyay halka ay marayso baadhista qaraxyadii 29 Oct lala beegsaday goobo muhiim ah oo ku yaala magaalada Hargeysa iyo guud ahaan talaabooyinka ay xukuumad ahaan u qaadeen adkaynta Nabadgelyada. “Madaxweynaha waanu u tagnay, waxaanu nooga waramay halka ay marayso baadhistii iyo hawshii Nabadgelyada ee dawladdu u xilsaaran tahay. Wixii aarraa iyo talo ah ee aanu isku biirinaynay waanu is dhaafsanay, guud ahaan arrimahaasina waa kuwo aanu meel ka wada taaganahay, wixii war ah ee ka soo kordhay ee u dambeeyayna wuu na siiyay. Markaa wixii talooyin ahaa aanu isa siinaynay waanu ka wada munaaqishoonay.” Sidaa ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa kale oo uu sheegay inay ka wada hadleen arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka in aanay saamaynta qaraxyadii dhacay dib uga dhigin waqtigii loo qorsheeyay. “Waxaanu ka hadlaynay qiimaynta doorashooyinka iyo meesha ay marayaan arrimaha diiwaangelintu iyo in aanay arrintani inaga weecin jidka aynu ku joognay,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in aanay wax is afgarad ah ka gaadhin dhismaha Guddi isku-dhaf ah oo ay hore ugu heshiiyeen, taasoo qayb ka ahayd heshiiskii ay ka gaadheen dhammaadkii muddada xil-haynta ee Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa. “Midda kale, Madaxweynaha waxaanu ka wada hadalay Guddigii joogtada ahaa ee ay asxaabta Mucaaradku dhaafsadeen in la sameeyo dawlad-wadaag ah, markii waqtigiisu dhacay ( May 15). Waxay ahayd oo aanu ku heshiinay in Guddigaa joogtada ahi ilaalisho hantida qaranka, gaadiidka… taasoo aan xaga xisbiga UDUB ka hirgelin,” ayuu yidhi.

Mar la waydiiyay in Madaxweynuhu ka qanciyay sababta aanu heshiiskaasi dhinacooda uga fulin, waxa uu sheegay in Madaxweyne Rayaale dhismaha Guddigaa u arko kuwo aan loo baahnayn. “Arrintaa ka wada hadalay aragtidayadana u gudbinay. Laakiin, weli wax is afgarad ah oo aanu ka gaadhnay ma jirto, isku sina noogumay wada muuqan. Isaga (Madaxweynaha) waxay ula muuqataa in aan loo baahnayn Guddigaa, anagana waxa noo muuqata in loo baahan yahay, horena loogu heshiiyay, loona baahan yahay in la dhaqaajiyo oo ay xilkeeda iyo hawsheedii gudato. Sidaa darteed, arrintaa weli meel buuxda isla’aanu dhigin, waxaananu ku guubaabinay inuu dib u eego, maadaama ay tahay heshiis aanu galay,” ayuu yidhi Axmed Maxamed Maxamuud.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu sheegay inay u bandhigeen sida ay u arkaan natiijada baadhista qaraxyadii Hargeysa ee xukuumaddu soo bandhigtay, isla markaana ay ku qanacsan yihiin.

 

Hargeysa: ambabaxa hawl-wadeenada diiwaangelinta Maroodi-jeex

 “Interpeace waxay nagu tidhi haddaad doonaysaan inaynu macaamilno aanu helno Lacagtii waxaad ku bixiseen”

Guddoomiyaha Diiwaangelinta

Hargeysa (Ogaal) Guddoomiyaha Guddiga Farsamo ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Ismaaciil Muuse Nuur, ahna xubin ka tirsan Komishanka doorashooyinka, ayaa sheegay in hay’adda Interpeace ee Deeqbixiyeyaasha Somaliland ka caawinaya diiwaangelinta doorashooyinku ay guddigooda u soo jeedisay inay keenaan xisaab-xidhkii lacagaha ay ilaa hadda kharash gareeyaan, haddii kalena ay dhaawacmayso wada-shaqayntoodu.

Ismaaciil Muuse Nuur oo xalay Ogaal Khadka Telefoonka wax kaga waydiiyay arrimaha Diiwaangelinta gobolka Hargeysa, waxa uu sheegay in 760 qof oo ah hawlwadeenada fuliya diiwaangelintu ay shalay u kala baxeen degmooyinka gobolka, kuwaasoo ka hawlgalaya 337 goobood. “Maanta (shalay) waxa loo baxay meelaha aan degmooyinka ahayn ee Dibedaha ah, dadkii way wada baxeen oo hadda (xalay) ayaan ka soo galay. Waxa baxay guud ahaan Kooxo dhan 760, berrito-na (maanta) waxa baxaya Kooxaha Magaalooyinka ee Hargeysa, Gabiley, Wajaale, Balli-gubadle iyo Sallaxley. Waxaanu isla garanay maanta (shalay) in bixidoodda, diyaar-garowgooda iyo Lacagtoodii oo la siiyo iyo sidoo kale in ay Qalabkooda sii qaataan oo ay sii degaan, Bisha 1-deedana ay hawsha bilaabaan oo Maroodi-jeex meel kastaba ha ka bilaabanto. Goobaha ay u baxeen 337 goobood oo Gobolka Maroodi-Jeex ah, goob kastana waxa ka shaqaynaya 8-qof.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelintu.

Mar aanu Guddoomiyaha waydiinay waxa ka jira warar sheegaya in Hay’adda Interpeace ee Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah Wakiilka uga ah Dhaqaalaha ku baxaya Diiwaangelinta ee ay bixiyaan ay Shuruud ku xidhay bixinta wixii Lacag ah ee ay Komishanka siinayo, waxa uu ku jawaabay, “Way jirtaa, mar walba haddii ay Lacag bixiyaan waa inaad ku celisaa sidii ay Lacagtaasi u baxday, Odhad baana yimaada laba jeer oo baadha. Markaa imika way na yidhaahdeen runtii in Lacagayowgii hore ee kharash-garayseen, xitaa Lacagtii ay Dawladda Somaliland bixisay waxaad ku bixiseen aanu helnaa oo waa la doonayaa ayay na yidhaahdeen oo waa in Odhid-ka Somaliland la geliyaa oo ay soo saaraan. Haddii  kale, Lacagayowga dambe ee aanu bixinayno way saamayn kartaa ayay yidhaahdeen.” Guddoomiyaha waxa aanu waydiinay saamaynta ay arrintani ku yeelan karto haddiiba ay arrintan ay ku tallaabsadaan Ha’yadda interpeace, waxaanu ku jawaabay, “In aanu Diiwaangelinta Hargeysa qabano u baaqan mayso arrintan. Waayo, Lacagtii aanu ku qabanaynay Diiwaangelinta Hargeysa iyo meelaha kaleba waanu haynaa oo Lacagi ay naga xanniban tahay mabaananu galneen (Diiwaangelinta) imika. Hase ahaatee, waxay leeyihiin waad la raagteen ee waa in Waraaqihiinii dhinaca Dhaqaaluhu uu waadix noqdaa, haddii aad doonaysaan in aynu sii wada macaamilno dhinaca Dhaqaalaha.” Waxa kale oo aanu Mr. Ismaaciil Muuse Nuur waydiinay in ay ilaa hadda Xisaab-celintaa celiyeen iyo in kale iyo sababta keentay in ay la raagaan oo aanay u gudbin. “Wali maanu gudbin, dhawr goor ayaanu ka wada hadalnay, nimanka Xisaabaha noo qaabilsan ayaa leh haddii Xisaab-celin la doonayo waa in Xisaabtii hore oo dhan la xidhaa. Dabadeed, dhawr jeer ayaanu xidha nidhi. Laakiin, waanu is-fahmi ayuun baan u malaynayaa.” Ayuu yidhi Mr. Ismaaciil Muuse. Mar aanu waydiinay waqtiga u qorshaysan inay gudbiyaan xisaab-celintaa, ayaa waxa uu guddoomiyuhu sheegay in aanay jirin waqti cayiman oo uu sheegi karaa, balse ay tahay arrin cakiran oo u baahan in sida ugu dhaqsaha badan loo fuliyo “Wallaahi ma sheegi karo oo wali waqti maanu qabsan, laakiin waa arrin cakiran oo nalaga sugayo. Sababtoo ah, iyagu (Interpeace) way ku kulul yihiin inaanu celino (Xisaab-celinta). Markaa qasab bay  noqonaysaa in hawshaa dhaqso loo galo.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Diiwaangelintu. Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta waxa kale oo aanu wax ka waydiinay waxay Guddi ahaan ka yeeleen Kharashka Kooxaha ka hawlgalaya Diiwaangelinta Gobolka Hargeysa, maadaama ay  hore u dhacday cabasho dhinaca dhaqaalaha ah oo ka timi Shaqaalihii fuliyay hawshii Gobollada Awdal iyo Saaxil, waxaanu ku jawaabay, “Cabashadii waxay ahayd intii uu hakadku inagu yimi oo aananu Lacag bixinin, balse maanta Lacagihii Safarka oo dhan way qaateen, xitaa kii ay markii hore ku yimaadeen.

Guud ahaan saddex safar Lacagtooda ayaanu siinay. Waxa caado ah had iyo jeer badh baa la siiya Lacagtooda ka hor inta aanay hawsha bilaabin, marka ay soo noqdaanna qaybta kale ayaa la siiyaa. Markaa cabashadu waxay ahayd intii dhibtu inagu dhacday oo aananu garanaynin dhab ahaan waqtiga hawsha dib loo bilaabayo. Balse maanta (shalay) iyaga oo iska wada mabsuud ah (qanacsan) oo Lacagtoodii ay qaateen ayay tageen.” Mar aanu guddoomiyaha waydiinay in ay dalka soo gaadheen Agabkii Kaydka Macluumaadka (Server) iyo Hawl-wadeenadii la sheegay in loogu soo tababarayay Dalka Kenya, ayaa waxa uu ku jawaabay, “Way yimaadeen hawl-wadeenadii iyo Khuburadii ku shaqaynaysay Server-kii (Agabka kaydinta Macluumaadka), kuwaas oo  markii loo diiday in ay dalka ku soo laabtaan Shirkaddii heshiiska inala galay, loo soo tababaray. Sidaa darteed, Server-kii wuu yimi, ninkii ku shaqaynayayna wuu yimi oo wuu la socday. Markaa imika maalmahan xidh-xidhiddiisii ayaa lagu jiraa.”  Waxaanu sheegay in uu shaqaynayo, isla markaana maalmaha Diiwaangelinta Gobolka Hargeysa socoto ay suurtogal tahay in lagu dhawaaqo Natiijadii Gobollada Awdal iyo Saaxil. “Server-ku wuu shaqaynayaa,  markaa hadii ay Xisbiyada iyo Komishanku isla gartaan in la geliyo Macluumaadkii Awdal iyo Saaxil. Laakin, berri (maanta) ayuun baa ka hadhay Gobolka Hargeysa, hase ahaatee,  lixda cisho ee ay socoto Diiwaangelinta Hargeysa, waxa la soo saari karaa Natiijadii Saaxil iyo Awdal, haddii layska garto.” Ayuu yidhi Ismaaciil Muuse Nuur. Ugu dambayn Guddomiyaha Guddida Diiwaangelintu wuxuu Bulshada ku dhaqan Gobolka Maroodi-jeex ugu baaqay in ay si wacan uga qayb qaataan Diiwaangelinta. “Maadaama Hargeysa tashay Caasimaddii dalka ee ugu il-baxsan, uguna horumarsan dalka, waa in Dadku aanay ka welwelin wixiibaa idinka dhammaanaya ee aynu si wanaagsan oo muujinaysa in aynu Waddan Nabad ah nahay, oo khatartan ah Kaalinta Afraad (Heerka Nabadgelyada) ee layna geliyay inaga saari karta, waa in aynu si nidaam leh oo wanaagsan aynu uga galnaa Diiwaangelinta Gobolka Maroodi-jeex.” Ayuu hadalkiisa ku soo gebogebeeyay.

 

“Anigu Xamar joogi maayo’e Hargeysa

ayaan ku dhashay, SNM-na waan ka tirsanaa”

Ismaaciil Buubaa

Hargeysa (ETN/Ogaal)- Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka tirsan Baarlamaanka Kumeel-gaadhka ah ee Soomaaliya, ahna siyaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ayaa Somaliland ugu baaqay inay gacan ka geysato dib-u-heshiisiinta dhinacyada isku haya siyaasadda Koonfurta Soomaaliya.

Prof Ismaaciil Buubaa oo u waramay Telefishanka Caalamiga ah ee ETN, waxa uu dawladda Somaliland ugu baaqay inay hormood ka noqoto, isla markaana gogol u fidiso wada-hadallo iyo Shirweyne dib-u-heshiisiineed oo dhexmara dhinacyada Soomaaliya. “Wada hadalka arrintan cida looga baahan yahay in ay aloosto oo ay gogosha dhigto oo ay ka shaqayso waa Somaliland”. ayuu yidhi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa. Mr Ismaaciil Buubaa oo ah Siyaasi reer Somaliland ah, balse aaminsan Mabda´a midnimada labadii dal ee Lixdankii Midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaasina xilal kala duwan ka soo qabtay Maamullada isaga dambeeyey Somalia ee TNG iyo TFG ee lagu soo dhisay dalalka Jabuuti iyo Kenya, ayaa la waydiiyay in ay jirto wax iska bedelay aragtidiisii uu ka qabay goonni-isu-taagga Somaliland oo uu fikir ahaan hore uga horjeeday iyo in uu u muuqdo nin Somaliland madax-bannaanideeda hadda taageersan, ayaa waxa uu ku jawaabay, “Horta anigu waxaan ahay reer Somaliland, waana jirtaa in aniga ay ila tahay in Somaliland ay ummadda Soomaaliyeed ka qayb-qaadato oo dawlad Soomaaliyeed oo mideysan ay jirto, weliba ay qayb libaax ka qaadato.Laakiin reer Somaliland ayaan ahay haddii laba Waddan loo kala baxo, dee anigu Xamar joogi maayo ee Hargeysa ayaan ku dhashay, in laygula yaabana ma aha, weliba ururkii dalka xoreeyey ee SNM, ayaan ka tirsanaa.” Hase ahaatee, Weriyihii waraysanayay ayaa sii waydiiyay sababta keentay in uu hadda u muuqdo nin bedelay mawqifkiisii hore, waxaanu ku jawaabay, “Siyaasadu waa maxay?, Siyaasadu waa ‘The art of possible” waa wixii suurgal ah, wixii aan xaqiiqada ku fadhiyina waa dhalanteed.” Ismaaciil Buubaa oo hore u ahaa Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Waxbarashada ee Maamulka TFG ee Somalia, ayaa toddobaadkii hore sheegay in haddii maaro loo waayo qaska ka taagan Somalia ay muhiiimaddu noqonayso in la aqoonsado Somaliland.

 

Wasaaradda Maaliyadda iyo ganacsatada

oo isku khilaafay bixinta Cashuurt Macaashal-macaashka

“Waxa soo baxay dareen ah in Wasiirka iyo ganacsatadu iska waraystaan sidii loo xalin lahaa arrinta Macaashal-macaashka”

Gudd. Rugta Ganacsiga

Hargeysa (Ogaal)- Guddiga Wasiirada ah ee xukuumaddu u xilsaartay dakhli-kordhinta, ayaa shalay kulan la yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada dalka.

Kulanka oo ay albaabadu u xidhnaayeen oo uu guddoominayay Wasiirka Maaliyadda ee Somaliland Xusseen Cali Ducaale (Cawil), isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen xubno ka socday Rugta ganacsigu waxa uu ka dambeeyay ka dib markii ganacsatada badeecaddaha soo dejiyaa ka biyo diideen wareegto uu soo saaray Wasiirka Maaliyaddu, taasoo jidaynaysa in Cashuurta Macaashal-macaashka ay ganacsatadu ku bixiyaan gudaha Dekeddda Berbera, ka hor inta aanay alaabooyinkoodu suuqyada dalka soo gelin. Wasiirka Maaliyadda Xusseen Cali Ducaale oo markii kulankoodu dhammaaday Saxaafadda la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha keenay wareegtada uu soo saaray iyo sida loogu baahan yahay in ganacsatadu Cashuuraha ku waajibay u bixiyaan.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Cabdiraxmaan Faarax Sugaal oo isna hadal kooban halkaa ka jeediyay, ayaa sheegay sheegay in ujeedada kulankoodu la xidhiidho xalin lahaa cabashooyinka ay ganacsatadu ka muujiyaan Wareegtada Wasiirka Maaliyadda. “Kulankani waxa uu ka dambeeyay cabashooyinka soo ifbaxay Wasiirka Maaliyaddu soo saaray oo ku saabsanayd qaabka Macaashal-macaashka oo in la sii qadimo ahayd, lagana qaado ganacsatada inta aan badeecadduhu magaalooyinka soo gelin, taasoo uu ka soo dhexmaray dareen ah arrintaa in ganacsatadu iyo Wasiirku iska waraystaan sidii loo xallili lahaa hawshaa Macaashal-macaashka,” ayuu yidhi Mr Sugaal. Wuxuuna intaa ku daray, in ganacsatadu diyaar u yihiin bixinta Cashuurta Macaashal-macaashka, isla markaana ay ka wada hadlayaan qaabka ay isula qaadan lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda.

 

 

 

Nuur-Cadde iyo Sh. Shariif oo dalbaday Ciidamo nabad-ilaalineed iyo Itoobiyaan ka gudbay Xadka labada dal

Nairobi (Press TV/Ogaal)- Dhinacyada Siyaasadda Somalia ee dhawaan heshiiska ku gaadhay dalka Jabuuti, ayaa Beesha Caalamka ka codsaday in Ciidamo Nabad-ilaalineed oo Caalami ah loo diro Somalia, maalin uun ka dib markii Itoobiya ku dhawaaqday in ay Ciidamadeeda kala baxayso Somalia dhammaadka bisha dambe. Iyada oo shalay la arkayay Ciidamo hor leh oo dhinaca Somalia uga tallaabaya Xadka Somalia iyo Itoobiya ee Magaalada Doolow.

Ra’iisal-Wasaaraha Maamulka TFG ee Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde) iyo Guddoomiyaha Isbahaysiga Dib-u-xoraynta Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed oo Shir socday muddo laba maalmood ah kula galay Ururka Midowga Afrika Magaalo-madaxda Kenya ee Nairobi, ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay diyaariyaan Ciidamo nabad-iaalineed oo Caalami ah, ka dib markay Itoobiyaanku ka baxaan Somalia. Waxaanay sheegeen haddii aan tallaabadaa la qaadin in taasi ay noqon karto oo ay horseedi karto xaalad qalalaase iyo dhib hor leh. “Waa xaalad aad u khatar badan, taas oo keeni karta Rabshado.” Sidaa waxa yidhi Ra’iisal-Wasaaraha TFG Nuur-Cadde. Guddoomiyaha Isbahaysiga Dib-u-xoraynta Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa sidoo kale isna hadalkaa ku taageeray Nuur-Cadde, isla markaana ku baaqay in Ciidamo la geeyo Somalia. “Waxaanu u baahannahay in Somalia la geeyo Ciidamo xasillooni ka dhaliya Somalia.” ayuu yidhi Sh. Shariif. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waddamada Afrikaanka ah ee doonaya in ay Ciidamo u diraan Somalia, waxaanu leenahay soo dhawaada.”

Dhinaca kale, hadalkan ka soo yeedhay dhinacyada Siyaasadda Somalia ee dhawaan heshiiska gaadhay, ayaa waxa uu ku soo beegmay waqti ay Ciidamo Itoobiyaan ah oo tiro badan, isla markaana wata Gaadiid Dagaal oo gaadhaya ilaa 100 Gaadhi ay galeen gudaha Somalia, iyaga oo ka gudbay Xadka Somalia iyo Itoobiya ee Degmada Doollow. Waxaanay Wararku sheegayaan in ay u gudbeen dhinaca Gobolka Bay, iyaga oo ka gudbay Degmada Berdaale ee gobolka Bay, isla markaana u jihaysteen dhinaca Magaalada Baydhabo ee xarunta Bay. Gelitaanka Ciidamada Itoobiya ee Somalia waqtigan ayaan la garanaynin ilaa hadda sababta keentay, iyada oo maalintii Jimcihii ay Dawladda Itoobiya ku dhawaaqday in ay Ciidamadeeda kala baxayso Somalia dhammaadka Bisha December ee sanadkan.

 

Daladda Deegaan Network oo lagu wareejiyay 1500 oo geed

Hargeysa (Ogaal)- Dalada Deegaan Network, ayaa shalay 1500 oo geed ka guddoontay hay’adda wadaniga ah ee Candlelight.

Munaasibada kala wareejinta dhirtan oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka socday, Wasaaradda Deegaanka, Candlelight iyo Deegaan Network. Cabdiqani Saleebaan Axmed oo ah Madaxa qaybta Deegaanka ee Cadle light oo halkaa ka hadlay, ayaa sharaxaad ka bixiyay sababaha ay dhirtan u qaybiyeen, isla markaana waxa uu tilmaamay in dhirtan oo isugu jira geed-midhood, ubax iyo kuwo kale ay la xidhiidho ololaha dhiraynta Hargeysa.

Guddoomiyaha Shabakadda Deegaan Network Muxuyadiin Axmed Jibriil oo isna halkaa ka hadlay, ayaa u soo jeediyay Bulshada in ay ka faa’iidaystaan Dhirtan iyo beeristeeda. “Haddii aanu nahay Shabakadda Dhalinyarada Deegaan Network, run ahaantii dhirtan aanu ka guddoonay Hay’adda Waddaniga ah ee Candlelight, isla markaana ay hirgelinteeda leedahay Deegaan Network, waxaanu Bulshada u sheegaynaa dhir-beeristaasi in ay sida ugu qiimaha badan uga faa’iidaystaan oo ay shuruudaha aanu ku xidhnay ay ka soo baxaan..” ayuu yidhi Guddoomiyaha Deegaan Network. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Dhirtii waa la gumaaday oo waa la jaray, Cimiladiina way isbedelaysaa. Markaa waxa kaliya ee aanu u baahannahay waxa weeye Deegaan Caafimaad qaba. Faa’iidada dhirtu inoo leedahay lama soo koobi karo, hase ahaatee waxa dhir-beerista laga dan leeyahay waa in Isbedelka Cimilada wax laga qabto.” Waxaanu ka waramay Faa’iidada Dhirta iyo sida loogu baahan yahay in la ilaaliyo. Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Axmed Diiriye  oo ka socday Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga ee Somaliand, waxaanu ka war bixiyay sababaha keenay Cimilada isbedelaysa ee sii kululaanaysa Caalamka. Waxaanu sheegay in Dhir-jaristu ay tahay sababta ugu wayn ee keenta Cimilada isbedelaysa. Isaga oo tilmaamay in tallaabada lagaga hortegi karaa ay tahay, iyada oo la badiyo dhir-beerista.

Dhinaca kale, Axmed Diiriye wuxuu ka war bixiyay shir toddobaadkii hore lagu soo gebogebeeyay Magaalo-Madaxda Itoobiya ee Addis-Ababa, kaas oo uu sheegay in lagaga hadlayay Cimilada isbedelaysa iyo sida looga gaashaaman karo. Waxaanu aad ugu dheeraaday dhibaatooyinka cimilada isbedelaysaa ay ku keeni karto Deegaanka iyo Noolaha ku dhaqan. Ugu dambayntii wuxuu Axmed Diiriye u soo jeediyay Bulshada in laga faa’iidaysto Dhir-beerista, isaga oo Deegaan Network iyo Hay’adda Candlelight ku ammaanay dedaalka ay ugu jiraan sidii Deegaanka loo dhawri lahaa.

 

“Siciid Cali Muuse, laftiisaaba iila ekaa budhcad-badeed!”

Wariye ka tirsan BBC-da oo warbixintii ugu xiisaha badnayd ka diyaarisay budhcad-badeeda Soomaalida

 

“Inantayda yari waxay igu tidhi Hooyo ma kuula hadlaa budhcad-badeeda?” Mary Harper

London (BBC/Ogaal)- “Mid ka mid ah mashaakilaadka soo wajahaya suxufiyiintu waa iyaga oo aan awoodin in dadka ay doonayaan ay ku helaan talefoon,” sidaa waxa lagu bilaabay warbixin dheer oo ka hadlaysa sheeko ku saabsan suxufiyad BBC-da a tirsan iyo caruurteedii oo ku hadaaqaysa waxyaabihii shaqadeedu ahayd.

Warbixintan oo ay suxufiyadu kaga hadashay sababta caruurta yar-yar ku keliftay inay ku dhegaan magacaa ‘Budhcad-badeedda Soomaalida,’ waxay u dhignayd sidan: “Laakiin, siday daaha-ka-rogtay weriyaha Mary Harper in lala xidhiidho budhcad-badeeda Soomaalida ee haysata, kuna dul-taagan markabka Sirius Star ayaa isu rogtay ciyaar-caruureed caadiya. Budhcad-badeeda markabka Sirius Star haysataa waxay qabatimeen inay ku dhigaan talefoonada BBC-da. Waxay ahayd galab Axadeed oo qabow, mugdi iyo qoyaana lahayd. Waxaan ku dhex-jiray gaadhigayga, waxaanan gaadhiga ku siday inantayda 12 jirka ah oo saaxiibadeedna ay xaga dambe la fadhiday, waxaananu ka soo noqonay xaflad sannadguuro dhalasho ahayd. Waan daallanaa, waxaanan khadyaan ka taagnaa ku dhex-jirista gaadhiga. “Mummy (hooyo), mummy,” cod iigu yeedhayay ayaa xagii dambe igaga yimi. “Waxaan doonayaa inaan talefoon u diro budhcad-badeeda.” Inantayda ayaa iga maqashay aniga oo ku celcelinaya codkaas, isla markaana isku deyay inaan taleoon ku helo budhcad-badeeda dul-saaran markabka Sirius Star. Sida caadadu tahay intay talefoonka qaadaan ayay mar labaadka dhigaan markaan idhaahdo waa BBC. Rabitaankayga ah inaan budhcad-badeeda talefoon ku helo ayaa I gaadhsiisay meel aan xataa ku kaydasado lambarradooda talefoon-gacmeedkayga. “Mummy, mummy, fadlan anigu ma kuu talefoonin karaa budhcad-badeeda adiga?” “Maya.” Waqtigan la joogay oo roob qariyay muraayadii hore ee gaadhigayga, isla markaana ay baabuuri is-xidhay jidadkii, waxaan ku dhawaa inaan caruurta kula biiro ciyaartooda. “OK”, ayaan ku idhi, waxaanan ugu tuuray talefoonkaygii gaadhiga xaggiisii dambe. “Waxba iskama yaqaanaan budhcad-badeeda.”

Isla-qosol gariirkii budhcad-badeeda:

“Hello. Fadlan ma la hadli karaa budhcad-badeeda,” ayay ku tidhi inantaydu dabcan codkeedii caruurnimo. Waxaanan maqli karayay qof kale oo ku soo celinaya cod iyo wada-sheekaysi cajiib ahaa oo xidhiidhsamay, kaasoo isla markiiba dhamaaday markii inantaydu codkii qosolka badan lahaa jartay. ‘Khayraadkayaga ugu dambeeyaa waa badda dhexdeeda, isla markaana maraakiibta kalluumaysiga shisheeyaha ayaa dhaawacay kalluunkayagii…….Daybad, budhad-badeed……’ ayaa ka mid ahaa codkii googo’ayay ee aan ka maqlay. Wada-sheekaysi ayaa bilaabmay. Maalintii xigtay, waxaan tegay xafiiska ay dadku ku badan yihiin ee Daarta Bush House ee London, halkaas oo ay ku taalo BBC Qaybteeda Af-Soomaaligu. Waxaanan u sheegay sheekadii dhacday. “Aynu immika isku dayno ‘Let’s try now,’” ayuu yidhi soo-saarihii Siciid Cali Muuse, kaasoo, hadii aan ku dhaco aan odhan lahaa, wuxuu u ekaan lahaa laftiisu budhcad-badeed. Wuxuu leeyahay muuqaal dibad-joog iyada oo indho falaash ahna uu lahaa iyo weliba uu leeyahay dhabar qaab-socodkiisu soo goday. Wuxuu garaacay lambarkii. Budhcad-badeedkii ayaa soo jawaabay. “Waan ka xumahay (I’m sorry),” ayuu af-soomaali ku yidhi, “Booskii Budhcad-badeedu wuu hurdaa. Aad buu u mashquulsanaa xalay, isaga oo ilaalinayay wax weeraro iman karayay, waqtiga habeenkii, ma ogtahay, waa waqtiga noogu mashquulka badan annaga. La soo hadal laba saacadood ka dib.”

Budhcad-badeedkii magaciisa ku sheegay Daybad, ayaa ku hadlayay af-soomaali, isaga oo si degen isugu kalsoonaa. Wuxuu sheegay inaanay Soomaalidu lahayn doorasho kale oo aan ka ahayn inay baddaha sare wax ka soo afduubaan. “Maanaan haysan wax nidaam dawladeed ah inka badan 18 sannadood ahayd. Ma haysano wax nolol ah. Khayraadkayaga ugu dambeeyay wuxuu ahaa badda, isla markaana maraakiibta shisheeyaha ayaa kalluunkayagii cidhib-tirtay.” Waxaanu sheegay in shaqaalihii markabka ay haysteen si wanaagsan loola dhaqmayo. “Way tegi karaan meel-ka-meel. Way ku seexan karaan sariirahooda, xataa waxay haystaan furayaashoodii. Shayga keliya ee ka maqani waa xorriyadoodii uu markabkoodu socdaalkiisa ku sii wadan lahaa.” Intaa ka dib, waxaan si degdeg ah u maqlay cod ku hadlayay af-ingiriisi. “Hello. Kani waa kabtanka Markabka Sirius Star oo hadlaya.” Kabtankii oo ahaa nin u dhashay dalka Poland lana yidhaahdo Marek Nishky, ayaa si la yaab lahayd u soo hadlay isaga oo la-hayste ah. Waxaanu sheegay inaanu haynin wax uu ka cawdo, qof kastaana uu fiican yahay, isla markaana budhcadu u ogolaadeen shaqaalaha markabku inay la xidhiidhaan qoysaskoodii. Markii su’aalahaygii noqdeen kuwo aad uga horimanayay, ayuu aad isugu sii buuqay. Ugu badnaan waxaan arki karayay inay budhcadu hareera taagan yihiin. Waxaanu sheegay inay tahay inaanu gunaanadno wadahadalkayaga, isla markaana wuxuu si anshax lahayd iiga mahad-celiyay werwerkaygii aan muujiyay. Qaybta Af-soomaaliga ee Bush House way ku dambaysaa inta badan sheekooyinka aad ka maqashaan Soomaaliya ee qaybaha kale ee BBC-da. Waxay qaybtaasi ka kooban tahay koox dad ah oo aad uga soo fogaaday dalkoodii hooyo, kana soo fogaaday dalka barriinsaday qalalaasaha ku dhawaad labaatameeyada sannadood ee aan lahayn dawlad dhexe oo shaqaynaysa. Taasna macneheedu waa inaanay jirin cusbaaalo haboon, dugsiyo iyo amaan toona. Qoriga ayaa wax kasta uga dhigma Soomaaliya. Qaybta Af-soomaaliga ee Idaacadda BBC-du aad bay uga heleen waraysiyadayadii, laakiin yaa yaqaana inay kuwaasi iman lahaayeen hadii aanay inantaydu sii wadanin hawsheedii oo aanay cadaadinin xarafka P oo u taagan ‘Pirates’ budhcad-badeeda.

Shaqaalaha Idaacadda BBC-da qaybteeda af-soomaaligu waxay sigaarka u cabaan sida Chimneys-ka (qowmiyad dhaqankooda laga yaso Yurub), waxaanay u qoslaan si ilaa dalqadu muuqanayso waqtiyada aan kaftanka ku haboonayn. Waxay iigu qosleen si axmaqnimo lahayd. ‘Waxaan u qalmayay in layga bixiyo daraasiin geel ah markii ugu horaysay ee aan imanayay BBC-da aniga oo gabadh wejigeedu cusub yahay oo da’yar ahaa, halka aan maanta layga siisanayn mid ama laba geel ah amaba laga yaabe mid badhkeed.’ Ayay tidhi gabadh ka mid ahayd shaqaalaha qaybta Soomaaliga ee BBC-da.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.