M/weyne Riyaale Oo Jawaab Ka Duwan Baadhitaanadii Wasiirka Daakhiliga Ka Bixiyay Qaraxyadii 29-kii Oktoobar Ee Hargeysa.

Hargeysa(Somaliland.Org) M/weynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa jawaab ka duwan baadhitaanadii uu dhowaan soo saaray Wasiirka Daakhiliga C/laahi Cirro ka bixiyay qaraxyadii 29-kii bishii hore ee Oktoobar laga beegsaday dhawr goobood oo ku yaala caasimada Hargeysa.

 

M/weyne Riyaale wuxuu sidaa ku sheegay shirjaraa’id oo uu maanta markii u horeysay kaga hadlay baadhitaanadii ka soo baxay qaraxyadii lala beegsaday gobo ay ka mid ahayd xarunta uu degan yahay M/weyne Riyaale ee madaxtooyada,kaasoo uu kaga aragti duwanaa baadhitaankii wasiirka daakhiliga.

 

M/weyne Riyaale Isagoo ugu horeyn hawsha baadhitaanadii ka hadlayana wuxuu yidhi “Baadhistii meel fiican ayay maraysaa , waxaas dhacay way ku jireen dad shisheeye ahi, Inaga ayaase u badnayn mar kastaba dadka samaynayay falalkaas. Dad inaga ah oo la duufsaday , oo quraankaa shaydaanka ee diinta Islaamka aan ku jirin loo akhriyay ayaa falalkaasi inta badan adeegsada, Soomaalidu waxay ku maah maahdaa ‘Gudin yahay imaad goyseen haddii aan badhkay kugu jirin, Ninka is qarxiyay ee Hargeysa inoogu yimid hadaanan inagu qarinayn oo aan alaabta u soo ururinayn ma dhici karteen in uu inagu qarxo, waxa markaasi loo baahan yahay shacbiga Somaliland in kuligeen soo wada jeedno , kuligeen Booliis wada noqono ayaa loo baahan yahay oo waxyaabahan ka dhacaya caalamka aragti mid ah oo wadaniyad ah , aniga oo aad ugu amaanaya shacbiga Somaliland in ay mar kastaba aragtidaasi leeyihiin , oo mar kastaba falalkaasi dhacayay gacan ka gaysteen aad ayaan ugu amaanayaa.”

 

Waxaanu M/weyne Riyaale sheegay inay xukuumadiisu ku dedaali doono inay kor u qaado tayada ciidamada “Waxa aanu ku dedaali doonaa xukuumad ahaan bal in tayada aqoonta ciidamada amniga kor loo qaado , si ay baraarug u yeeshaan lagaga hor tago dhacdooyinkan oo kale. Tii Baarlamaankeena nasiib wanaag waxa inoo suura gashay in aynu sii ogaano laga sii hawl galay , waxa la sii ogaado waa laga hor tagi karaa, laakiin waxa aan la sii ogaan dhibaatadiisa ayay yeelanaysaa in laga hor tago,waxaanuna samayn doonaa ciidamo si gaar ah u tababaran oo markiiba ja jawaaba falalka argagixisadu Somaliland ku soo qaado .” Ayuu yidhi Madaxweyne Riyaale

 

Waxaanu intaa ku daray “Run ahaantii waxa aan soo jeedinayaa maanta in aanu baraarugeena ku ka weyn aynu qaadano , wakhtiyadaa ay dhacayeen waxay ahayd wakhtigii ugu horeeyay ee doorashooyinka dawladaha hoose samaynay , yacni waxa la inoo diidayaa in aynu dawlad noqono ayaa la inagala dagaalamayaa, falalkaasi oo dhami waxa ay dhaceen wakhtiyadii doorashooyinkii dawladaha hoose ee ugu horeeyay aynu bilownay ayay dhaceen.”Ayuu yidhi Mr,Riyaale

M/weyne Riyaale waxa uu sheegay inay jiraan culimo waaweyn oo reer Somaliland oo carruurtoodu ay ka mid yihiin kooxaha ka dagaalamaya Soomaaliya inkasta oo aanu carabka ku dhufan magacyada culimadaasi waxaanu yidhi “Waxa muuqata oo jirta oo aan maanta inaga qarsoonayn , caruurteenii oo magaalo kasta laga kaxeeyay , inamadaasi Shayaadiinta inaga noqday ee Koonfurta jooga Afqaanistaani iyo Ina Cabdi Godane ay madaxda ka yihiin ayaa caruurteena halkan ka gaxeeya oo halkaasi jooga , oo la lugooyaa oo qaarna halkaasi ay ku dhintaan qaarna la inoo soo tababaraa oo la inoo soo celiyaa , waxa muuqata oo aan jecelahay fariintan ka gudbiyo in dad waaweyn oo xitaa culimadeenan waaweyni ku jiraan caruurtoodii qaar ay Kismaayo iyo Xamar ku maqan yihiin, ma odhan karo iyaga ayaa diray , laakiin way ka baxsadeen , waxaan leeyahay geesinimo yeesha aad dawlada ku soo ogaysiisaan, haddii aad u yeelan waydaan waxa aanu u qaadanaynaa inaad raali ka tihiin , ninkii soo sheegi waaya inuu raali ka yahay ayaanu u qaadanaynaa”

 

Waxaanu intaa raaciyay “Waxa inagu badan had iyo jeer waar tol iyo ilmaadeer baa inagu badan , ninka isku kaa qarxinaya horta tol kulama aha , waa in ay kala baxdaa tolka ninka aynu nahay waa ninka ogol in ay Somaliland jirto, waa ninka ogol in dadka Somaliland nabad galo, waa ninka ogol in aynu nabad ku noolaano hourumarna aynu ku naaloono, ka inaga soo hor jeedaa inala tol ma aha, inalama qola maaha, waa in aynu la dagaalanaa, dhamaanteen inaga oo meel uga soo wada jeedna in aynu la dagaalano ayaa inala gudboon, waxaanan aaminsanahay oo aan kalsooni ku qabaa in ummada Somaliland dagaalkan ka guulaysan doonto, cadow kasta oo isku daya in uu tabahaa soo maleego.” Ayuu yidhi M/weyne Riyaale.

 

 

 

 

Mar uu M/weyne Riyaale ka hadlayay inay xukuumadiisu diyaarisay sharci lagula dagaalamo argagaxisa waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu diyaarinay sida distoorkeenu dhigayo qodob-ka Tobnaad Farqadiisa 7-aad , in argagaxisada nooc kasta oo ay tahayba aynu la dagaalano, sidii argagaxisada lagula dagaalamayayna waanu diyaarinay, Golaha Baarlamaanka ayaanu u gudbin doonaa haddii ilaahay yidhaahdo, waayo waa in sifo sharci ah lagula dagaalamaa waxani socda, oo shareecadeenana ku fadhiya , distoorkeenana ku fadhiya , kaasina si deg deg ah ayaanu golayaasha Qaranka ugu gudbin doonaa.”

 

 

 

M/weyne Riyaale marka laga yimaado hawsha baadhitaanadii qaraxyadaasi waxa kale oo uu ka hadalay hawsha diiwaan gelinta ee lagu wado inay maalinta beri ah ee koowda bisha Discembar ka bilaabanto gobolka Hargeysa wuxuu yidhi  “Waxaan jecelahay in aan ka hadlo arrintan diiwaan gelinta , ka mid ayay ahayd waxyaabaha taargatka la inooga dhigtay , waayo marxalad marxaladii hore ka horumarsan ayaynu marba ku tallaabsanaynaa, shalay doorasho caadi ah ayaynu galnay , maanta mid ka weyn oo diiwaan gelin ah oo Voter Registration ah oo ID Card , Somaliland waa markii ugu horeysay oo ay ID Card yeelato , Jinsiyadeeda la xaqiijiyo ayay ahayd, waa dagaal markaasi ujeedo badan leh”

 

Waxaanu intaa raaciyay “Waxaan u soo jeedinayaa shacbiga Somaliland maanta weliba Gobolka Maroodi-Jeex diiwaan-gelintaa in aynu dhamaanteen Booliis ka noqono, ilaalino oo aynu u shaqayno sida ugu wanaagsanm oo aynu cadowgeena tusno in ummad qadiyadeeda ku adag aynu nahay, oo aan liic-liici karin, oo aan la hadidi karayn, oo aan wadadooda ka leexanayn in aynu nahay in aynu muujino ayaan shacbiga u soo jeedinayaa.”Ayuu yidhi M/weyne Riyaale

 

M/weyne Riyaale wuxuu sheegay inuu wefti wasiiro ah u diray wado ka mid ah qaarada Afrika gaar ahaan kuwa ku jira urur gobolleedka EGAD kuwaas oo kala soo xaajoon doona sida uu tilmaamay qaraarkii qaramada midoobay ee derejada Afraad lagaga dhigay Amaanka Somaliland waxaanu ugu dambeyntii yidhi “Waxa hadda ku maqan dalalka aynu jaarka nahay ilaa Kenya Wasiirkii Qorshaynta iyo Wasiirkii Arrimaha Dibada , iyada oo aan u diray , waad maqlayseen in Wasiirkii Qorshayntu sheegay in la yidhi Securtiy-gii Somaliland ayaa hoos loo dhigay , waa arrin la yaab leh , markii hore ayaynu dulmi ku qabnay ayaan leeyahay heerka ay UN-tu ku qiimaysay Somaliland, markii hore heerka ay ku qiimeeyeen inay dulmi ahayd ayaan aaminsanahay , arrintaasina waa arrin aynu ka dacwiyayno , mid aynu aqbli doonina maaha. Waxa ballan qaadi doonaa xukuumad ahaan dadka martida inoo ah sida Itoobiya, UNDP iyo ajnabiga kale ee dalka maal gashanaya in amnigooda xoojino, oo il dheeraad ah oo tii hore ka toban jibaar ah inaanu iska saarno.”

 

Liban M.Shire

Somaliland.Org Hargeisa

l

 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.