Muranka Xudduudaha

Muranka Xudduudaha

By Hamud Duale

Markii ay Afrika inteeda badani qaadatay xoriyadii ee ay mugdii Isticmaarka ka baxaday, ismaandhaafkii ugu horeeyey, wuxuu ka dhashay xudduudihii isticmaarku ka tegey oo wadannada Afrika oo dhan beelo isku ab ah kala qaybinayey.

Ururka midowga Afrika markuu arrintaa darsey ee uu ka baaraan degey, waxaa la isla gartay in ammaanka iyo nabada wadamada jaarka ah ay ku jirto, iyada oo xudduudihii Isticmaarku dhigay sidooda loo daayo oo lagu dhaqmo.

Xudduudahaa isticmaarka way ka maarmi weydey Afriki, intoodii badnaydna way ku kala badbaadey.

Guddoonkii Midawga Ururka Afrika, arrintaa qaraar ayuu ka soo saaray, waxaana xeer laga dhigtay in xudduudii isticmaarka sidooda loo daayo, islamarkaana xeer ayaa laga dhigay oo waa lagu heshiiyey.

Jamhuuriyaddii Somaliya Xeerka iyo qaraarkii Afriki ku heshiisey way ku gacan sayday. Markay qadiyadooda horgeeyaan ururka midawga Afrikana, waa lagu diidaa iyada oo loo cuskanayo Xeerkii iyo heshiiskii Afriki isku raacday, ee hore loo go’aansaday.

Jamhuuriyada Somaliye waxay ka doorbiday in ay xeerkaa u hogaansato, in ay miciinsato oo ay sedexdii maqnaa qori caarraddii iyo xoog ku soo dhacsato.

Arrintaasi Somaliya Xoog ahaan iyo siyaasad ahaanba waa laga guuleystey, Dhiig badan iyo maal badan iyo maal badana way ku weydey..

Xudduudaahaa isticmaarku dhigay Afriki way maarmi weydey oo dan iyo ammaan looga doorbiday kuwa cusub oo la sameeyo.

Xudduudaha Somaliland ay ku Salaysan tahay iyaga laftooduna waa kuwii isticmaarku dhigay oo la aqoonsaday. Ma aha Xudduuda cusub.

Markay dawladda Somaliland xudduuda Puntland iyo Somaliland ee ciidamada dhiiga u shubayeen, xudduuda la sugayey ma ahayn mid cusub. Waxaa la sugayey oo loo dagaalamayey xudduudii isticmaarku dhigay. Somaliland hal tallaabo kamay gudbin.

Xudduuda Itoobiya iyo Somaliland u dhaxaysaa waa tii Isticmaarku dhigay oo dadka Somaliland wada aqoonsan yahay oo aan sina looga gudbi Karin.

Saylac beri hore ayay Jmhuuriyada Jabuuti ku murmi lahayd, haddii aannay xudduudaa isticmaarku dhigay iyo go’aankii laga gaadhey u hogaansaneyn.

Muranka laga dhallinayo beesha wada degan ee Awadal iyo Gebiley, waa mid aan waafaqsanayn meelaba. Waxaa soo waayo aragnima ah oo laga soo maray waayaha xudduudaha, dawladda Somaliland way iska baalmartay. Faahfaahina kamay bixin waxay kaga maarantay xudduud jirjiray iyo waxa ku kilfey in qaar cusub jeexdo.

Mar haddii wax ku kelifayaa jirin oo aanay dadweynihii qancin Karin, waxaa ka haboon in xudduuduhu siday ahaayeen loo daayo.

Goor Ciidan lagu muquuniyo iyo xoog, go’aan aan laga baaraan degin oo la isku waafiqin, qarnigeedii ma joogno. Goor loo baahdo in la Jabhadeeyana Qarnigeeedii ma Joogno. Waxaa loo baahan yahay in la wada hadlo oo aayartii dhallatay la isl meel dhigo. Sedbursina waa reeban yahay.

Muriidka Dugsi Aragtiyeedka Cabdillaahi Timacadde

Hamud Duale

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.