Isbaheysi Cusub oo uu Dhisayo Cabdilaahi Yuusuf Iyo cabsi la soo deristay Hadhaagiisii?

Cabdilahi Yusuf ayaa siyaasadan cusub ee Somalia ku macneeyey mid uu dhabanada gacanta ku hayo,wuxuuna aad uga shakisan yahay inay noqonayso tani tii ka tuureeysa saaxada siyaasadda. 

Cahdigii Jabuuti ay ku gaadheen Nuur Cade iyo Shariifyadu  ayaa waji cusub oo siyasadeed u furay Somalida badi waxaana muuqata isbedelo huwan yididiilo .

Cabdilahi Yuusuf ayaa lagu eedeeyey inuu yahay mushkilada Somalia ,iyo inuu wax wayn ka qaban waayey sidii  Somalia nabad ugu soo noqonlahayd, 4tii sano ee ee uu horboodaayey.

Meles Zenawi ayaa eedeyntii uu huwiyey Cabdilaahi Yusuf ayaa  qalbiga waxyeeshay  siyaasad ahaan ,waxaana mowqifka beesha Caalamka wax ka duway hadalkaa Zenawi ee xal raadinta lagu saleeyey lana sheegay in Cabdulahi Yuusuf ku horkufay xal u helida xaalada khalafsan ee Somalida.

Ethiopia ayaa saaxiib fiican mar  la ahayd Cabdilaahi Yuusuf, balse iminka ka wareegtay lana macaamishay hogaamiyaal taagero badan ka haysta shacabkooda sida Nuur Cadde ,sheekh shariif Axmed iyo Axmed C/salaan  si ay wadanka Somaliya iyaduna degdeg uga haajirto.

Ilo u dhuundaloola Cabdilaahi Yuusuf ayaa tibaaxay inuusan taagero u hayn Heshiiska Jabuuti lagu gaadhay, Iyadoo Khubarada siyaasadda ay sheegeen inuusan Cabdilaahi Yuusuf  marna  ka mid noqon karin Maamul ay awooda la wadaagayaan Mucaaradku ,Si kastaba xaalku ha noqdee,Wuxuu Cabdilaahi Yuusuf  Saaxiib la noqday siyaasad cusub oo u baahan inuu si tartiib tartiiba leh ula jaanqaado .

Hadaba Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay uu dhinaca siyaasada guuldarooyin la Hoyday Cabdilahi Yusuf ayaa waxaa warar hoose ay sheegayaan inuu haatan u tafaxaytay sidii uu uga hortagi lahaa heshiiska Jabuuti,isagoo ku talo jira qorshe uu ku dhisaayo Isbaheysi oo ka horjeeda Heshiiska Jabuuti,  wuxuuna mar uu ka  qeyb galay xaflad Jufo oday Dhaqameedka degaankiisa lagu dooranayey uu u sheegay Odayashiisa degaanka iney dhistaan Gole ay ku mideysan yihiin isla markaasna ku hadla Magaca beelaha degaanka Majeerteeniya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Cabdilahi Yusuf oo uu ku eedeeyay Madaxda  Mareykanka,  Ethiopia, Wakiilka UNka iney ka eexdeen lana safteen Siyaasidiintii ka soo horjeeday Reer Muqdisho, wuxuuna si hoose oo sira  ugu sheegay Odayaashiisa uu la kulmay inuu si dhakhso ah uu u unkayo Isbaheysi balaadhan oo dhan ka ah Heshiiskaan la gaadhay, wuxuuna Isbaheysigaasi Xarumo uga dhigi doonaa Muqdisho, & Garoowe, wuxuun ka dalbaday Odayaashaa jufadiisa iney gacan ka siiyaan sidii looga hortagi lahaa heshiiska la sheegay in lagu gaadhay  Jabuuti, kaasoo uu ku tilmaamay ineysan wax dani ahi ugu jirin Majeerteeniya.

Maanta Majeerteeniya waa ka go,doon Somaaliya iyo Caalamkaba, waxanaad ka ogaan kartaan waxa ka socda Jabuuti, Hade anigu xiniinyahayga waan dadaaley ayuu yidhi cabdilaahi yusuf , idinkana waxaan idinku dhaliilayaa inaad wax badan ka gaabiseen, talaa loo baahan yahay, talaa loo baahan yahay, talaa loo baahan yahay.ayuu ku tawaawacay

Isagoo Sheegay inuu da` joogo ,tiisana la ciir ciirayo oo halkuu gaadhi doonana aanu  ogeyn, laakiin waa in aad ogataan ayuu yidhi Cabdilaahi yusuf in aan  Hawiye godob weyn  ka Galnay oo aan Itoobiyaan baan maatidoodii ku gumaadnay, iminka iyagii oo aan Xabad inooga guuleysan ayey siyaasad inooga guuleysteen,

isagoo cabdilaahi  guuldaradaas qaar u huwiyey mr,jingeli ,isagoo yidhi, ninkii Dhulbahante ee ina Jingeli eed hoosta iga soo geliseen in aan wax ka dhigo ,ayaa cadow ii raacay, weligey isma ciilkaabiyin laakiin arrintaa waan isku ciilkaabiyey ayuu yidhi cabdilaahi.
halka iminka ay maraysaana  waa in baarlamaanku isugu tago Baydhabo dabadeedna  la ansixiyo heshiiskii Jabuuti, kadibna baarlamaanka uu noqdo 550 xubnood, beesha caalamka ay taageero siiso Sheekh Shariif sidaana uu ku noqdo madaxweyne, iyaguna dankasta haku qabeene, laakiin inagu iminka waa in aan is abaabulnaa oo aan ka shaqeynayaa sidii aynu siyaasaddaas u kala daadin laheyn, waxaana aad ogsoontihiin in Hawiye aanu maanta Daarood oo dhan u ciil qabin balse uu u ciil qabo Majeerteen oo keliya, marka waxaan idin odhan lahaa waar midooba, oo  tashada anigu bil sii dhaceysaan ayaan ahaye.

Odayaashaa Jufadiisa ayaa dhinacooda sheegay isagoo magacooda uu ku hadlaayey Garaad C/laahi Cali Ciid oo ka mid ah odayaasha Majeerteeniya inay ka soo horjedaan heshiiskaa ay wada gaadheen Beelaha Muqdisho kaas oo ka dhacay Jabuuti, wuxuuna ku tilmaamay mid aan suurtagal ahayn in la kordhiyo xubnaha Barlamaanka taas oo la macno  ah in reer kaliya u bato tirada baarlamaaka si loo waxyeeleeyo ayuu yidhi Cabdilaahi Yuusuf, uuna sheegay in  beelaha Muqdisho laga sugin nabad waarta iyo dowlad loo dhan yahay ,waxaana aanu diyaar u nahay ayuu yidhi in aanu  taageeri doono Isbaheysigaa cusub ee dhowaan uu ku dhawaaqi doono Cabdilahi Yuusuf

Dhinaca kalena  bixitaanka ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan  Somalia waxa uu mugdi weyn gelinaysa sii jiritaanka hadhaagii Cabdilaahi yuusuf , iyagoo la mid noqondoona kaluun  nool biyaha laga soo dhex saaray oo aan rajo danbe laga qabin inuu sii noolaado hadii dibeda lagu sii hayo,  sida aqoonyahanada siyaasada Somalia dersaa ay shegeen , waxaana la warinayaa xeryaha ciidamada iyo goobaha ay ku sugan yihiin ciidamadii Hadhagii Cabdilaahi Yuusuf  in ay la soo daristay naxdin iyo murugo’aad u weyn sida qaar ka mid ah Horboodayaashoodu ay sheegeen.

waxaana Hadhaaga cabdilaahi yusuf ay aaminsan yihiin in hadii ay baxaan  Itoobiya in aysan u jilib dhigi karin quwada kooxaha ka soo horjeeda oo mararka qaarkood khalkhal badan gelin jiray ciidamada Itoobiya laftooda oo ciidan ahaan dhisan qalabkooduna uu u dhan yahay, kuwaasoo marka ay naftooda u baqaan miciinsada madaafiic aad u calculus si ay isaga waabiyaan xoogaga ka soo horjeeda, iyadoo ciidamada hadhaaga cabdilaahi Yuusuf ay haatan dhaqaalo xumo la liicayaan waxayna ka fekerayaan waxa ay ka yeeli lahaayeen isbedelka soo socda.

Kuma koobna  oo  keliya walaacan ka bixitaanka ciidamada Itoobiya Somalia  iyo hadhaaga cabdilaahi yuusuf oo kaliya hase yeshee waxaa la soo warinayaa inuu saameyn xoogan iyagana ku yeeshay ciidamadaa 3800 ah ee midowga Afrika ka jooga  Muqdisho kuwaasoo la aaminsan yahay hadii  Itoobiya ay ka baxaan in kooxaha ka dagalaamaya  Muqdisho ay si fudud oo nafis badan leh heli doonaan kaasoo fursad u siin doona iney culeyskooda oo dhan iskugu geeyaan dhinaca ciidamada AMISOM si ay qasab ugaga dhigaan in iyana ay maalin cad ka huleelaan Muqdisho oo ka dibna talada Muqdisho ay si buuxda ugu hadhaan, waxaana arimahan oo dhan ay ku soo beegmeen xili gaar ahaan shacabka ku dhaqan Muqdisho  ay si diiran ugu dhaweeyeen hadalka kasoo yeedhay Itoobiya ee sheegaya in ciidamadeeda ka baxayaan waxaana shacabkaasi ay rajo aad weyn ka qabaan in Muqdisho ay ku soo noqoto Muqdishaddii bersamaad la yaqiin.

Adan Yusuf Cilmi

Birmingham UK

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.