Dhacdadii Dhacday argagaxa badnaay iyo Madaxweynahii oo naxdintii iminka ka soo toosay

Waxaan arkay meel aay ku qoran tahay madaxweynahii ina Riyaale ayaa shir jaraa’id ku qabanaayaha aqalka madaxtooyada oo dadkii la hadlaaya sidee loo baaray qaraxyadii gil gilay Hargaysa bil iyo badh ka dib, waa sheeko aad iyo aad la yaab leh wax maanta soo toosiyay ee uu ku xasuustay in uu dadka uu madaxweynaha u yahay in uu wax u sheego ma iminka ayuu naxdintii ka soo kacay misa Siilaanyo iyo Ina ali waraaba ayaa yiri waar dadka la hadal oo wax u sheeg, wali lama arag Taariikhdana kama dhicin nin dhan oo masuul ah oo sidaa madaxweyn Somaliland sameeyaha oo dadkaba dhag u dhigin wax uu doonayo mooyaan ah. somalidu waxaa ku maah maahdaa war laqabaa xiso ma leh ee maxuu ku hadli ma wax uu oran waar intii waxaan la maqnaa naxdin iyo baqdin i gashay ee raali iga ahaadaha, inkasta oo aanay ahaan in aan madaxweynaha ugu maahmaaho maahmaadaa hadana waan ka maarmi waayay oo wax kala oo aan ku masaalo ayaan waayay oo ahaan laxdu waxa aay la cidaa waa macaac wax aay la aamustaana waa macaac  oo iminka u dhiganta waxan uu maanta sheegayaa waa maxay dadku waa wada ogyahay waxa dhacay iyo xalka aay ka soo fuleenba ee maxuu ku hadli, hadaba miyaanay la mid ahaan maahmaahdii aan diidanaa in aan ugu maah maaho, waxa maanta u wacnaad in uu madaxweynahu yiraahdo waar waxii dhacay dhaca ah dalka aanu ilaashano oo cadawga u soo wada geedno inta uu Somaliland TV tago si dadku u wada maqlo ama Hargaysa Radio ee ma aha in uu yiraado isku kaalayaha shirbaan qabanayaa oo kaga hadlayaa waxii dhacay ah,  maxaa yeelay wax ku soo baxaysa su’aal ah oo madaxweyn dalkan dhan madaga ayuun baa ka hadli kara oo sheegi kara waxii aad doonayso waxii aanad doonayna diidi kara meeyaha madaxdii kaleh mee wasiirkii dakhiligu waxan aad sheegayso maxuu u sheegi waayay isagu ma shaqadiisa ayaanu ka adkeen misa ma yaqaan sida wax loo sheego miyaa, madaxweyn maanta kaagama fadhino in aad noo sheegtid waxii dhacay ee waxaanu kaa sugaynaa side looga hortagi lagaa in aad kuwa danba iyo foodkii in uu dhacayo iyo inkale nooga warantid, arigan Itoobiyaha dadkii reer Somaliland ee lahaa ka kaxaasteen, seelada ariga ee aad u xirtay ninka saudiga ah, dhulkii aay isku haasteen reer boramo iyo reer Gabilay , dakhligii wadanku xalka uu marayo, adiga iyo reer jabouti hadalada idin dhax maray, tira koobkii xalka uu marayo waxaas oo dhan ayaanu kaaga fadhinaa ee iminkaba inta aad dadka u yeerto ha oran waxba garan meesi ama aniga ayaa madaxweyn la’iidoortay  ah ee waxaan iraado sacabka iigu tuma. Madaxweyn taasu mardanba socon maaso oo waxa lagula xisaabtamayaa dadkuna waxa aay ogaadeen in barlamankan meesha jooga maalin walba lagu hadido masharaka idin siin maayno hadaadaan sidaa yeeli ama Guurtidan aad jeebka kuugu wada jirta cid danba oo wax ka maqlaysaa ma jirto ee inta foodka halayso ama waayayso dadka iyo dalka wax u sii qabo oo runta u sheeg oo hurdadan aad ku jirto ka toos ayaan ku oran lahaa aniga oo waliba sharafta aad huwantahay ee ah madaxweynahii dalkaaga kugu qadarinayaha waxaan ku leeyahay waar ka kac meesha oo wax qabo oo dadkan ku jacal iyo mid ku nacaba wax u qabo.
 
    Madaxweyn dadkan mar ayaad wax u sheegtay oo aad tiri waxbaan qabanayaa waaba waxaad qabataa ah nabadii yareed ee aay ku faani jireen ayaaba daaqada logo soo dhacay oo adiga oo madaxweynaha lagu dili gaaray gurigaagii ee mudana madaxweyn hurdada badan ka toos danta dalka hoos u eeg kuna tusaala qaado Mohamed Siyaad Barre xalka uu ku danbeeyay sharaf iyo maalba kuna darso Saddaam Hussein xalka uu ku danbeeyay madaxweyn maanta wax aad u qabato dalka iyo dadka ayuunbaa kaa harayaha ama lagu caayi ama lagu amaani. Madaxweyn hadal badnaani waxba ma tarto ee waa adiga iyo damiirkaaga wax walba oo laga dhaqto dad ducufa ah iyo agoon waleebaanay meel lagu gaareen ee wax la socdoba halkii hore ayuunbaa lagu soo noqdaa taasuna waa iga waano.
 
 
  Shacabku hadaanu dowladiisa iyo dalkiisa la shaqaan ama wax la qaban dowladu meel ma gaarto, wax haboon in aad dowlada wax la dhirin dhirisaan oo la xisaabtantaan qaladkeeda u sheegtaan wanageedana ugu mahad naqdaan, hadii aan in taasu jirin dowladi dowlad ma noqnaayso dalna ma jirayo ee sidaa ogaada.
 
  Hanoolato Somaliland

 

  Best Regards

Abdulaziz M. Al-Somali
IT Customer Care Center Department
Central Area / CA I&M Division
IT/CDSD/CA Network  Support Unit.
E-Mail/ wiilbari2@gmail.com

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.