Wasiirka Daakhiliga Oo Xaflad UDUB Lahayd Uga Baaqsaday Kulan uu Maanta Ku Hor Imaan Lahaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada.

Hargeysa(Somaliland.Org) Wasiirka Arimaha Gudaha C/laahi Ismaaciil Cirro ayaa maanta ka baaqsaday inuu hor yimaado kulan ku xog wareysan lahaayeen mudanayaasha golaha wakiilada.

 

Inkasta oo aanu wasiirka daakhiligu Mr,C/laahi Ciro sheegin sababta uu uga baaqday kulanka uu ku hor imaan lahaa mudanayaasha golaha wakiilada oo lagu waday inay mudanayaashu kaga xog wareystaan xaalada dalka ayaa hadaba waxa la sheegay in wasiirku ku mashquulsanaa xaflad xisbiga UDUB ay dib ugu qabateen xubin hore uga tirsanaa xisbigaa oo dabayaaqadii sanadkii hore sheegay inuu ka baxay xisbigaa UDUB kuna biiray xisbiga KULMIYE oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Xaaji C/laahi loona yaqaano As-hari,kaas oo shaki badan laga muujiyay ku biiritaankiisii xisbigaasi KULMIYE.

 

Waxaanu wasiirka daakhiliga Mr,Cirro iyo inta badan wasiirada xukuumada Riyaale ku maqshuulsan yihiin hawlo ka baxsan hawlihii ay u hayeen qaranka,kuwaas oo ku hawlan hawlihii ay qaban lahaayeen madaxda xisbiga UDUB iyo ololayaal Udubaysan oo ay ka wadaan qaybaha bulshada iyo guud ahaan gobolada dalka.

 

Lamana oga taalabada iyo qaraarka ay ka gaadhi doonaan mudanayaasha golaha wakiiladu wasiirka daakhiliga C/laahi Ismaaciil Cirro,

 

  Liban M.Shire

Somaliland.Org Hargeisa

libmaw@hotmail.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.