Wararka Wargeyska OGAAL: “Waxaan xukuumadda ka

 

Hargeysa (Ogaal) – Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland KULMIYE iyo UCID ayaa soo dhaweeyay natiijada hordhaca ah ee  xukuumadu ka soo saartay baadhista cidii ka danbeysay qaraxyadii sadexanka ahaa ee 29-kii October laga fuliyay magaalada Hargeysa. 

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng; Faysal Cali Waraabe iyo Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo xalay wargeyska Ogaal xog-waraysiyo kala gaar ah mid kasta goonidiisa ulla yeeshay waxa kale oo ay kaga hadleen warar maalmihii ugu danbeeyay soo baxay oo sheegayay in xukuumadu ka cagajiiday qodobo ka mid ahaa heshiis Xisbiyadu gaadheen markii Madaxweyne Rayaale ay ka dhamaatay Mudadii xilka loo soo doortay bishii May ee aynu soo dhaafnay, kaasoo sheegayay in la sameeyo Guddi wada jir ah oo ka shaqaysa dhiirigelinta diiwaan-gelinta iyo doorashooyinka.

Gudigaasi oo aan ilaa hada la sameynin, Islamarkaana la sheegay in Xukuumada iyo Xisbiyada mucaaradka ahi isku maandhaafsan-yihiin.

Gudoomiyaha UCID

Eng; Faysal Cali Waraabe oo xalay Ogaal wax ka waydiiyay ugu horeyn sida UCID ahaan ay u arkaan faah-faahinta Wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland ka bixisay baadhista weeraradii sadexanka ahaa,waxa uu yidhi, “Xisbi ahaan waanu soo dhawaynaynaa. Guul weeye mar haddii cidii wax ina yeeshay la soo saaray oo farta nayloogu fiiqay. Sababtoo ah, mar haddii aynu cadowgeena ogaanay waa in aynu u tabaabulshaysanaa sidii aynu iskaga celin lahayn. Laakiin, dawladda waxa laga rabaa inay si dhakhso ah kiiska Maxkmadda u keento, cadaymahana la keeno, ciddii arrintan gacan ka geysatay ee reer Somaliland-na, iyada oo aan la shirkiyaynayn waa in Ciqaab la tusaa, waxaanan dawladda ka codsanayaa inay Xukunkii dilka ahaa isticmaasho oo ay xukunka khafiifka ah ka dayso. Sida ay Diinteenu (Islaamka) sheegayso, qofkii dila qof Islaam ah oo aan waxba u geysan, dil buu mutaystay waana in la dilaa. Sidaa darteed, waxaanu hambalyaynaynaa in muddo bil ka yar ay ku soo saareen cadowgii ina soo weeraray.” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID.

Wax la waydiiyay inay haboonayd in xukuumadu tafaasiil intaa ka badan ka bixiso cidii arrintaa fulisay oo ay ku jiraan magacyada dadkii is miidaamiyay, waxa uu ku jawaabay, “Horta dhowr waxyaabood baynu u baahnayn. Marka koowaad, cadowgu waa ayo, xagee laga soo abaabulay iyo yaa soo abaabulay? Taas waynu haynaa oo waxay inoo sheegeen halkii laga soo abaabulay iyo cidda soo abaabushay, dadkii is qarxiyayna laba way inoo hayaan, afarta hadhayna waxa la ogyahay in aanay reer Somaliland ahayne ay Soomaaliya yihiin. Laakiin, waxaan filayaa in magacyada la heli doono, waxaanan dareensanahay dadkeenan la adeegsaday ee gudaha jooga in dadkaa dibadda ka yimi ay xataa magacyo khalad ah siiyaan. Kolay baadhistii way socotaa, laakiin waxa cadaatay oo Ilaahay mahadii ah in qof qudhi reer Somaliland (dadkaa isqarxiyay) ahaa, kuwa xun-xun ee baxsaday ee reer Somaliland ah ee gacanta siiyayna waa la yaqaanaa, Inshaa Allaahu waynu ka dabo tegi doonaa.”

Dhinacyo kala duwan ayaa xukuumadda ku eedeeyay qaabka ay qaraxyadii ka dib uga hawlgashay, sida xidhitaanka jidadka halbowlaha ah qaarkood iyo baadhista xoogan ee ciidamadu sameeyaan. Sidaa aawadeed, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo arrintaa wax laga waydiiyay, waxa uu si adag u naqdiyay qaabka hawlgalka Xukuumada ee arrintaa ku saabsan, taas bedelkeedana waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay in la sameeyo xeerka amniga qaranka. “Xukuumadda waxaan u sheegayaa qorigu inta uu xeradiisa ku jiro ayaa laga nabad qabaa. Haddii qoriga xeradiisa laga soo saaro khasaare badan buu keenaa, imikana dhimasho iyo khasaare badan buu keenay. Arrintu maaha in waddooyinka la is taago oo gawaadhida la baadho habeenkii oo shacbiga reer Somaliland cidhiidhi la geliyo. Laakiin, waxa weeye in dawladdu Shuruuc soo saaro oo ay Nabadgelyada ku adkaynayso, Argagixisadana kula dagaalamayso, shacbiga iyo asxaabta qarankuna gacan ku siiyaan. Markaa waxaanu leenahay dawladda, ciidamadan aan tabobarnayn halaga saaro ee dadkii baadhaya, tuugtuna soo hoos gelayso. Ciidamadeenu calaamad ma leh, derajo ma leh oo qof waliba wuu soo iibsan karaa Tuute (dirayska ciidamada). Markaa ciidamadan magaalada halaga saaro, waayo dawladdii baa dadka Argagixiso ku abuuraysa. Samaynta xeerkii Argagixisada lagula dagaalami lahaa kii Nabadgelyada lagu adkayn lahaa in la soo dhigo dadka oo dhan iyo Baarlamaanku waa u diyaar. Wadanku shuruuc buu u baahan yahaye, askari aan tabobarnayn oo wadada lagu soo daayay habeenkii oo 50 mitir isku jiraa nidaam maaha. Waxa ka muuqata askarta nidaam la’aan, waxaan fowdo ahayna magaalada kuma soo kordhinayaan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID oo ka hadlayay hawlgalada xukuumaddu ka samaysay qaraxyadii iyo bedelka talaabada ay qaaday.

Mar wax laga waydiiyay sida uu u arko wefti Wasiiro ah oo Arbacaddii xukuumaddu u dirtay wadamada Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti, si ay ugala soo hadlaan dhibaatada qaraxyadii Hargeysa iyo gacanta ay Somaliland ka siin karaan, waxa uu sheegay in bixitaankoodu haboonaa waqti ka horaysa xilliga safarkooda. “Horta in wefti baxo way fiican tahay. Laakiin, wefti baxay mar dambe ayay baxeen, adduunku markuu diyaarka ahaa ee uu lahaa maxaad na waydiisanaysaana waxba may waydiisan, imikana waa caadadoodoo laba Wasiir bay isku dareen oo wax nidaam ah iyo wax qoraal oo ay adduunka hor dhigayaan ma jirto, balse way iska fiican tahay inay dadka la soo kulkulmaan. Laakiin, waxaan hubaa wax habaysan oo dawladdaysan – nidaamsan in aanay la tegin. Siyaasad iyo istaraatijiyad ay leeyihiin naga caawiya lama tegayaan, loogamana baran dawladda Rayaale,” ayuu yidhi Injineer Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca kale, mar aanu wax ka waydiinay samaynta Guddi isku-dhaf ah oo doorkoodu ahaa inay ka hawlgasho arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka oo qayb ka ahayd heshiis ay mucaaradka iyo xukuumaddu ka gaadheen khilaafkoodii bishii May ee sannadkan, waxa uu sheegay in samaynta Guddigaas uu Madaxweyne Rayaale hor taagan yahay. “Arrintaasi waxay ka mid ahayd arrimaha ugu muhiimsan ee lacagta (Diiwaangelinta) la inoogu soo daayay, guddi heshiiska ku jirtay bay ahayd, waxay ahayd guddi wanaag samaynaysay oo inoo wanaajinaysay diiwaangelinta iyo doorashada, guddi aanu isku raacay (hogaamiyeyaasha xisbiyada) bay ahayd. Laakiin, ilaa hadda may hirgelin, xaga xisbiga UDUB-na way ka hirgeli wayday, waxyaabaha imika naylagu xidhayna way ka mid tahay. Markaa waxaanu jecelahay in aanu aniga iyo Guddoomiye Siilaanyo arrintaa kala hadalo Madaxweynaha, sidii ay guddigaasi hawshooda si degdeg ah ugu bilaabi lahaayeen.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

Gudoomiye ku xigeenka KULMIYE

Dhinaca kale, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo aanu wax ka waydiinay aragtooda ku saabsan natiijada xukuumaddu soo bandhigtay ee la xidhiidha qaraxyadii Hargeysa, ayaa sheegay inay tahay mid ku dhawaaqisteeda la sugayay. “Arrintaa xukuumaddu ku shaacisay cidii geysatay weerarkii Argagixiso ee Hargeysa ka dhacay waa arrin loo baahnaa oo aynu sugaynay, sababta loogu baahnaana waxa weeye; cida ina soo weerartay in aynu ogaanaa waxay daruuri u tahay wax iska caabinteena iyo nabadgelyadeena oo ay kow ka tahay. Waxa weeye, marka aynu cadowgii ogaano ee aynu isla garano inuu kaa yahay oo ah talaabadii koowaad, talaabada xigtaa waxa weeye in cadowgii la derso, kow siduu cadowgu u fikirayo, khidadda iyo habka uu u dagaalamo, tababarkiisa, deegaankiisa, meelaha uu inoo soo mari karo ama ka soo dusi karo, hubkiisa, ujeedooyinkiisa fog iyo kuwa dhow. Kolka intaa iyo xaaladdo kale oo badan laga derso cadowga, ayaa waxa markaa dabadeed aynu qaabaynaynaa nidaamka amaankeena loo sugi karo. Markaa waa talaabo hore loo qaaday ayaan qabaa, oo xaga amaanka ah, waayo cadowgii baynu ogaanay.” Sidaa ayuu yidhi Muuse Guddoomiye Ku-xigeenku.

Muj. Muuse Biixi oo la waydiiyay in xukuumaddu Mucaaradka wadatashi kala yeelatay qaabka arrintan loo wajahayo, waxa uu sheegay in xukuumaddu wixii maamulka la xidhiidha ay leedahay, isla markaana aanay ku farogelinayn. Balse, maalintii dhacdada ee 29 Oct iyo laba goor oo kaleba ay xukuumadda la kulmeen, isla markaana talooyin u gudbiyeen. “Laakiin, waa arrin waajib ah oo talooyinkaa aan imika kuu sheegayo iyo kuwo kaleba waanu siinay,” ayuu yidhi.

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE oo sidoo kale la waydiiyay sida ay u arkaan qaabka ay xukuumaddu uga hawlgashay dhacdadaas, waxa uu sheegay in wixii amaanka la xidhiidha ay dawladdu u xilsaaran tahay.

Dhinaca kale, mar la waydiiyay dhismaha guddi isku-dhaf ah oo ka hawlgalaya diiwaangelinta iyo doorashooyinka oo ay Mucaaradka iyo xukuumaddu ku heshiiyeen bishii May ee sannadkan, waxa uu sheegay in haatan wadahadalo uga socdaan xisbul-xaakimka UDUB. “Weli gudigaasi sidii la rabay ummay hana-qaadin, hawsheedii iyo sidii ay u hawl-geli lahayd ayaanu Xukuumada ka wada hadlaynaa.” Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee KULMIYE.

Mar la sii weydiiyay waxa hortaagnaa gudigaasi in la sameeyo, mar hadii ay heshiiskii ka mid ahayd waxa uu ku jawaabay Muuse Biixi oo uu yidhi. “Howl kasta oo la galo dood ayaa ka timaada, waa run gudigaasi inay hawl-gasho wey ahayd oo heshiiska wey ku jirtay, laakiin dhinac ayay ka timi arrintii oo ay ka soo noqotay inay ka doodayaan, markaa arrintaa waa lagu heshiiyay iyo laguma heshiin mid-na ku odhan maayee wadahadal ayaa nooga socda, berito (Maanta) ayaanu ka balan-sanahay”

 

Somaliland: “Guuldarrada ugu wayni waxay ahayd in hay’addaha amaanku aanay ku xisaabtamin qaraxyo is-miidaamina”

 

New York (CNN iReport/Ogaal)- Warbixin lagu baahiyay CNN-ta ayaa lagu sheegay in hanaanka ay hay’adaha amaanka Somaliland ku soo hawlgalayeen labaatameeyadii sannadood ee la soo dhaafay uu ahaa mid khaldan, isla markaana u baahan isbedel ilaa xad ah oo weji cusub u yeelaya guud ahaanba xoogaga arrimaha amaanka Somaliland, si looga guulaysto argagixisada.

Warbixintan oo aanu ka soo xiganay CNN, waxa lagu sheegay inaan ciidamada amaanka Somaliland laga sugayn oo keliya in dhacdooyinkii Hargeysa ruxay ay dhaceen uun iyo inay aaminsanaadaan in siyaabo isku mid ah ay isticmaalin argagixisadu. Balse, warbixintan oo lagu soo bandhigay in hay’addah amaanka Somaliland ay ku guuldaraysteen, iyada oo dhamaystiran waxay u dhignayd sidan: “Sannado fara badan oo ku sinaa ilaa ay ka dhaceen weeraradii argagixiso ee Somaliland bil ka hor, hay’addaha amaanka Somaliland waxay ku soo shaqaynayeen fahanka guud ee badanaaba ay u muuqdaan weerarada argagixiso inay ugu iman doonaan: sida in la weerarayo masuuliyiinta dawladda, xafiisyada dawladda, Idaacadda, Taleefishan, goob-salliideed ama biyo-soo-saarka; iyo shaqaalaha ajaanibka ah. Waxa sidoo kale la fahansanaa in hanaanka weerar u iman karaa ay la mid noqon doonto uun sidii kuwii hore loo soo arkay ee hawlagalladii argagixisadu ka fuliyeen Somaliland, looguna yeedho ‘weerar hubaysan, dil-qorshaysan iyo afduubitaanada.’ Weeraradii argagixiso ee Hargeysa ka dhacay Oct 29, waxay muujiyeen in hay’addaha amaanka Somaliland ay ku soo shaqaynayeen fahan khaldan. Waxaana cadaan ahayd inaanay eegaynba oo aanay ku xisaabtamin qaraxyada is-miidaaminta ah, iska dhaaf qaraxyo gudban oo si isku-xidhan looga fuliyo wadnaha magaalada Hargeysa’e, isla markaana taas ayaa ah guuldarrada ugu wayn ee ka timi dhinaca hay’addaha amaanka Somaliland. Isbedelka iyo fadhiisinta mid ama laba sarkaal oo ciidamada amaanka ah, taasoo ah tallaabada ay dawladu qaaday ilaa hada ayaan ahayn mid ku haboon sidii loo sixi lahaa guuldarrada noocaas oo kale.  

Inay ku andacoodaan in dhacdooyinka argagixisadu ay ka dhacaan caalamka oo dhan, ayaan iyana ahayn mid cudur-daar u noqnaysa hay’addaha amaanka sidoo kale. Haa, argagixisanimadu waa mashkilad caalamka oo dhan haysata, laakiin taasi maaha mid ka saamaxaysa masuuliyiinta Somaliland shaqadooda ay dalka ku badbaadinayaan dalka. Marka sidan la leeyahay, maaha in la yaraysanayo caqabadaha baaxadda leh iyo mashaakilaadka khaaska ah ee soo wajahaya Somaliland. Marka ugu horaysa Somaliland waa wadan aasan oo aan aqoonsi haysan, isla markaana aan haysanin dhaqaalaha iyo wax-soo-saarkii maaliyadeed una baahnaan doona inay argagiisada iskood u jebiyaan. Sidaa daraadeed, waxay u baahan tahay taageerada beesha caalamka. Laakiin, beesha caalamku waxay diidanaayeen immika labaatameeyo sannadood inay siiyaan aqoonsi diblomaasiyadeed Somaliland, kaasoo ka dhigi lahaa dal sharciyan hela nooca dhaqaale iyo taageerooyinka arrimaha amaanka u horseedi lahaa inay si wax-ku-ool ah ula dagaalamaan argagixisada. Hase yeeshee, maaha in guud ahaanba mashaakilaadka arrimaha amaanka Somaliland ay xidhiidh la leeyihiin dhaqaale la’aanta. Waxaana ka mid ah meelahaas; Sida arrimo ka mid ah dhaqankooda; sida in argagixisadu ay isku qariyaan meelaha diiniyan lagu barakaysto, sida Diinta Islaamka, isla markaana ay badanaaba awoodaan inay dadka qaar ku khiyaameeyaan argagixisadu ee ah in la aamino in iyagu ay yihiin muslimiin dhab ah oo qof kasta oo iyaga ka soo horjeesta ajandayaashoodaas xanuunka qaba uu noqonayo mid loo qaato inuu yahay calooshii-u-shaqayste iyo qof u adeega reer galbeed. Burburinta aragtiyaha, ujeedooyinka iyo hababka argagixisadu ku dhaqmaan iyo baritaanka dadka siyaabaha argagixisadu uu ku yahay Diinta Islaamka ayaa ah wax ay Somaliland qabsan karto, isla markaana ay tahay inay iskood ugu dhaqaaqaan, sidoo kalena waxay kaalin muhiim ah ka gelaysaa inaanay Somaliland ku dhicin gacmo agagixiso. Laakiin, maaha oo keliya muwaadiniinta caadiga ah kuwa looga baahan yahay inay bedelaan dareemadooda, balse, masuuliyiinta amaanka sidoo kale, sidaa aawadeed, masuuliyiinta arrimaha amaanku kuma degenaan doonaan inay ku fekeraan in argagixisadu ay berri isticmaali doonaan habab iyo taaktikooyin la mid ah kuway maanta isticmaalaan. Khubarada Cilmiga arrimaha bulshada ku takhasustay, ayaa ugu yeedha isbedelka aasaasiga noocan oo kale ah ‘U digo-rogashada Aragti Tusaale.’ Markaa Somaliland waxay u baahan tahay U-digo-rogashada hanaan tusaale mudan oo lagu saleeyo aragtiyaheeda ilaalinta amaanka si looga guulaysto argagixisada.”

 

 

 

Muxuu Caalamku ka yidhi bixitaanka Itoobiyaanka?

Somalia: Maamulka TFG oo ku dhawaaqay inaanay dagaal dambe la gelayn Al-Shabaab iyo bixitaanka Itoobiyaanka

Muqdisho (Xinhua/Ogaal)- Maamulka TFG ee Somalia ayaa shalay sheegay in aanay Dagaal dambe la geli doonin Kooxaha Dagaalka kala horjeeda, waqti ay Dawladda Itoobiya shaacisay inay dhammaan Ciidamadeeda kala baxayso Somalia dhammaadka Bisha dambe.

Wasiir-ku-xigeenka Gaashaan-dhigga Maamulka TFG ee Somalia Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Maamulkiisu’aanu diyaar u ahayn in ay Dagaal dambe la galaan Kooxaha Dagaalka kala horjeeda iyo in ay Dagaal dambe ku qabsadaan Magaalooyinka ay ka qabsadeen. “Ciidamadayadu diyaar uma aha in ay dagaal dambe galaan.” Ayuu yidhi Salaad Cali Jeelle oo u waramayay Shabakadda Wararka Xinhua ee dalka Shiinaha. Waxaanu sheegay in sababta aanay dagaal dambe u galayn Ciidamadoodu ay tahay in la dhawro oo la hirgeliyo Heshiis ay dhawaan dalka Jabuuti ku gaadheen Maamulkiisa TFG iyo Isbahaysiga Dib-u-xorayntu. “Sababtu waxay tahay hadda waa waqtigii nabadda iyo dib-u-heshiisiinta ee u dhaxaysa dhinacyada Soomaalida.” Ayuu intaa raaciyay Wasiir-xigenka dhawaan la magacaabay ee Gaashaan-dhigga TFG. Kooxaha dagaalka kula jira Maamulka TFG ee Somalia ayaa hore gacanta ugu dhigay goobo iyo Magaalooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin Magaalooyin-dekedeedka Marka iyo Kismaayo.  Kuwaas oo ay kula wareegeen dagaallo dhex maray labada dhinac. Hadalka ka soo yeedhay Xukuumadda TFG ayaa ku beegmay waqti ay shalay Dawladda Itoobiya shaacisay in uu soo gebo-gebaynayo joogitaanka Ciidamadeeda ee Somalia, isla markaana uu dhammaan Ciidamadiisa kala baxayo Somalia dabayaaqada bisha dambe. “Wasiirka Arrimaha Dibeddu Seyoum Mesfiin wuxuu sheegay in Itoobiya go’aansaday inay Ciidamadeeda ka daad-gurayso (Somalia) dabayaaqada sanadkan.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya Wahide Belay oo sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya uu ku sheegay arrintan Warqad Qoraal ah oo Salaasadii toddobaadkii hore u diray Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Mr. Jean Ping.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Mr. Jean Ping ayaa walaac ka muujiyey go’aanka ay gaadhay Itoobiya iyo sidoo kale Dhawaaqa ka soo yeedhay. Waxaanu ku tilmaamay haddii Itoobiya tallaabadan qaaddo mid sii xumaynaysa xaaladda Somalia. hase ahaatee, wuxuu ku hanjabay haddiiba aanay Hoggaanka TFG ee Somalia heshiis ka gaadhin muranka ka dhaxeeya, ay iyaguna Midow Afrika ahaan Ciidamadooda oo tiradoodu gaadhayso 3,600 kala baxayaan Somalia. “Tani waxay keeni kartaa xaalad burbur. Haddii muranka Dawladda Ku-meel-gaadhka ahi oo ah kuwa aanu halkan u nimi si aanu u caawino aanu joogsan oo aan xal loo helin, isla markaana ay Itoobiya Ciidamadeeda kala baxdo, Ciidamada Afrikaanku sidoo kale way ka baxayaan Somalia. taasina waxay keenaysaa in Xaaladdu sii xumaato.” Ayuu yidhi Mr. Jean Ping, siday qortay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Dhinac kale, Ergayga gaarka ah ee arrimaha Somalia u qaabilsan Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ahmedou Ould Abdallah ayaa AFP u sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsaha badan looga arrinsado hadalka ka soo yeedhay Itoobiya. “Waxa anaga dhammaantayo aanu doonaynaa waa in xasilooni loo helo Somalia. Xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika waa in ayaa loo baahan yahay in ay si dhaqso ah wada-xaajood uga yeeshaan daad-guraynta Ciidamada Itoobiya ee Somalia.” ayuu yidhi Ergaygu. Dawladda Itoobiya ayaa Ciidamadeeda u dirtay Somalia badhtamihii sanadkii 2006, ka dib markii ay Maxaakiimta Islaamiga ahi ay la wareegeen gacan-ku-haynta Magaalooyinka Koonfurta Somalia badankooda.

 

 

Musharraxa  Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga UDUB oo  si  weyn loogu soo dhaweeyey Hargaysa

Hargeysa (Ogaal)- Axmed Maxamed (Jawhari) oo ahaa Musharaxii ku dhawaaqay inuu u tartamayo Jagada Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga UDUB dhexdiisa oo dorraad dalka ku soo laabtay, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Egal International Airport ee Hargeysa.

Mr. Axmed Jawhari oo ka soo kicitimay dalka Ingiriiska, isla markaana ay soo dhaweyntiisa waxa ka qaybqaatay masuuliyiin ka tirsan Xisbiga UDUB iyo dadweyne kale oo tiro badan, ayaa mar uu Qolka nasashada ee Madaarka ugu waramayay Warbaahinta, waxa uu sheegay inuu dalka u yimi sidii u amba-qaadi lahaa hawlaha Musharraxnimadiisa ee uu kaga dhawaaqay Magaalada London ee Carriga Ingiriiska, isla markaana uu rejaynayo inuu mansabkaa ku guulaysan doono. “Waxaan u imi in aan ka qaybgalo Waddanka dhismihiisa iyo wax-ka-qabadkiisa oo aan waxa ka dhiman ku taageero dawladda jirta” ayuu yidhi Mr. Axmed Maxamed (Jowhari). Axmed Jawhari oo la weydiiyey inuu ka noqday mowqifkiisii ahaa inuu xisbiga UDUB dhexdiisa isku sharraxayo jagada Madaxweyne-ku-xigeenka iyo in kale, waxa uu ku jawaabay, “Maya ee arrintaa kama noqon iyada lafteeda ayaan u socdaa, jagada Madaxweyne-ku-xigeenka ayaan doonayaa in aan isku soo taago..” Sidoo kale mar la weydiiyey Mr. Jawhari inta ay le’eg tahay rejada uu ka qabo inuu ku guulaysnayo musharraxnimadiisa xisbiga UDUB dhexdiisa waxa uu yidhi; “Rejo wanaagsan baan ka qabaa, waayo waxaanan ogahay in aan macluumaad fara badan halkaa ku soo kordhin karo.”

MMr. Jawhari waxa kale oo la waydiiyay in jiro hadal uu Xoghayaha Guud ee UDUB ku sheegay in aannu Mr. Jawhari weli codsigiisa musharraxnimo u gudbin masuuliyiinta xisbiga, waxaanu ku jawaabay, “Waqtigii codsiga la gudbinayey iminka maaha, xilliga codsiga la gudbinayaa waa marka Golaha Dhexe isku yimaado ee la soo saarayo musharrixiinta Xisbiga, aniguna markaas baan geynayaa, balse iminka xilligeedii maaha.”

Mr.Jawhari oo ka mid ah golaha dhexe ee Xisbiga UDUB oo muddoonkii dambe fadhigiisu ahaa Carriga Ingiriiska, ayaa dorraad markii uu ka soo degayay Madaarka Egal ee Magaalada Hargaysa, waxa halkaa ku sugnaa Xoghayaha Guud Xisbiga UDUB iyo Wasiiro Xukuumada ka tirsan. Kuwaas oo ay gacan-qaad salaan ah isku waydaarsadeen halkaas. Waa markii u horeysay ee Mr.Jawhari intii ku dhawaaqay inuu u tartamayo Jagada M/weyne ku Xigeenka ee xisbiga UDUB dhexdiisa uu yimaado Somaliland.

 

Gabadh u dhalatay Somaliland oo Maraykanka u metelaysa Shirka Hoggaamiyeyaasha soo koraya

Hargeysa (Ogaal)- Gabadh reer Somaliland ah ayaa markii u horaysay dalka Maraykanka u metelaysa Shirka Dhalinyarada Dunida, kaas oo sanadka soo socda lagu qabanayo Qaaradaha Maraykanka, Yurub iyo Eashiya.

Isra Maxamed Cumar Xaashi oo ah Muwaadinad reer Somaliland ah ayaa noqotay Wakiilka Dalka Maraykanka u metelaya mid ka mid ah Shirarka Dhalinyarada Dunida (GYLC) oo sanadka soo socda lagu qaban doono Magaalooyinka Washington D.C iyo New York ee Maraykanka, Vienna, Budapest iyo Prague ee dalalka Austaria, Hungry iyo Czech Republic ee Qaaradda Yurub iyo sidoo kale Magaalooyinka Beijing, Hangzhou iyo Shanghai ee dalka Shiinaha. Shirkaas oo ay ka qayb galayaan in ka badan 100 Waddan oo Caalamka ahi. Sida lagu sheegay Warqad Qoraal ah oo Madaxa arrimaha Waxbarashada ee Dugsiga NICHOLAS                SENN HIGH SCHOOL ee Magaalada Chigaco, gobolka Illinois ee dalka Maraykanka oo ah Dugsiga ay Gabadhani dhigato Mr. Marguerite C. Regan, gabadhan oo Shirka ku meteli doonta Dugsigan iyo guud ahaan Maraykanka, ayaa doorashadedu ka dambaysay ka dib markii ay ka soo dhex baxday Koox Arday ah oo gaar loo xulay aqoon ahaan.

Warqadda Qoraalka ah ee Waalidka Isra Maxamed Cumar Xaashi lagula socodsiinayay arriintan, ayaa waxay u dhignayd sidan; “Waalidoow, Inantiina Isra waxa loo doortay in ay Maraykanka ku metesho Shirka Dhalinyarada Dunida ee la qaban doono Xagaaga 2009-ka. Aqoonhannadan caanka ah ee Isra waxay ka qaybgali doontaa mid ka mid ah Barnaamijyadan kala duwan ee Maraykanka oo lagu qaban doono Washington D.C iyo New York. Barnaamijka Yurub ayaa isna lagu qaban doonaa Magaalooyinka Vienna, Budapest iyo Prague, iyada oo sidoo kale Barnaamijka Shiinaha lagu qaban doono Beijing, Hangzhou iyo Shanghai. Markii u horraysay waxa lagu soo xulay Isra xulasho ay sameeyeen qaybta adeegga Ardayda ee Guddida Dugsiga, waxaanay kasbatay dhibcaha heerka laga doonayay qofka la magacaabayo. Sidaa darteed, waxaan idiin soo dirayaa Wargelintan gaarka ah. Fadlan iga aqbala hambalyadayda shaqsi ahaaneed ee Magacaabista Isra. Magacaabista Isra ee ay Maraykanka iyo Dugsigeedan-ba ku metelayso goobo Caan ah oo Dunida ahi waxay timi ka dib markii laga dhex doortay Koox ka mid ah Ardayda ugu saraysa Dalka. In ka yar 1% oo ardayda Dugsiyada sare ah ayaa hesha Fursaddan oo kale. Siday sheegeen qaar badan oo Shirarkan ka qayb galay, Shirkani waa khibrad. Ka-qaybgalka Shirka Dhalinyarada Dunida ee Maraykanka, Yurub iyo Shiinaha, waxa muhiimmadu tahay barashada Xarumaha dhaqanka iyo awoodda                muhiimka ah, kuwaas oo aragti cusub u furi doona doorkeeda hoggaamineed ee Mustaqbalka.

In ka badan 100 Waddan ayaa diri doona hoggaamiyayaasha Dhalinyarada, kuwaas oo taariikho, dano iyo himilooyin kala duwan leh, si ay uga qayb galaan kulankan Caalamiga ah…waxaan Shaqsiyan Shirka uga rejaynayaa Isra soo-dhawayn wacan.

 

Markab hor leh oo la afduubay iyo Dalalka Spain iyo Britain oo sheegay inay xoog isticmaali doonaan

 

 

Hargeysa (Ogaal) – Kooxo budhcad badeed Soomaali ah ayaa shalay waxaa ay gacan ku dhigeen Markab Tangar ah oo Kiimiko sida, kaasoo ay saarnaayeen shaqaale u kala dhashay wadamada India iyo Britain islamarkaana watay calanka wadanka Liberia.

Kooxahan afduubka kula dhaqaaqay Markabkani ayaa waxaa la sheegay in ay ahaayeen koox si aad ah u hubaysan. Waxana la sheegay in shaqaalaha Markabkan ay ku jireen labo qof uu u dhalatay wadanka Britain iyo 20-kale oo u dhashay wadanka India.

Markabkani oo marayay gacanka cadmeed ayaa kooxaha budhcad badeeda ah ee Afduubtey waxa ay ula dhaqaaqeen biyaha wadanka Soomaaliya sida uu sheegay Muwangura oo ah isku dabaridaha barnaamijka Badmareenada ee bariga Africa.

Budhcad badeeda Soomaalidu waxaa ay noqdeen kuwa ay Awoodoodu ku sii xoogaysato biyaha Somaaliya, waxana ay sanadkan oo kaliya ay qaadeen ilaa 96-weerar oo ay ku Afduubanayeen Maraakiib. Kuwaasoo haatan gacanta ku haya Maraakiib badan oo uu ka mid-yahay Markab laga leeyahay Dalka Sucuudiga.

Ka sokow Maraakiibta Deegaanada Maamul-goboleedka Puntland waxa uu noqday mid dadka Ajaanibka ah sidoo kale loo qabsado madaxfurasho. Waxana ugu danbeeyay oo magaalada Boosaaso lagu afduubay laba Suxufi dhawaan.

Wadamada Spain iyo Britain ayaa waxaa ay shaaciyeen in ay xoog ku soo furanayaan saxafiyiintan lagu Afduubtay magaalada Bosaaso oo wadamadooda u dhashay.

Wasiirka arimaha dibada dalka Spain Miguel Angel  Moratinos ayaa shalay waxaa uu sheegay in wadamada Spain iyo Britain ay ka shaqaynayaan sidii wariyayaashan loo sii dayn lahaa. “Waxaan Bilaabaynaa in aan qaadno talaabo degdeg ah oo lagu sii daynayo saxafiyiintaasi”ayuu yidhi  Moratinos oo war saxaafadeed uu soo saaray laga sii daayay raadiyaha qaranka dalka Spain

 Sawirqade u dhashay wadanka Spain iyo wariye kale oo u dhashay wadanka Britain ayaa maalintii Arbacada aheyd lagu Afduubtay magaalada Bosaaso kadib markii dablay hubaysan ay gacanta ku dhigeen,waxaana la sheegay in saxafiyiintaasi ay diyaarinayeen oo ay dhameeyeen warbixin ku saabsan Budhcad badeeda Soomaalida ah iyagoo markii la Afduubtayna la sheegay in ay doonayeen in ay ka dhoofaan gudaha magaalada Bosaaso. Hase ahaatee, iyaga laftoodii ayaa ka mid noqday dhibanayaasha loo heysto madaxfurashada, taasoo meesha ka saartey in xataa la ogaado qaabka ay u shaqeeyaan budhcadu iyo sababta Maraakiibta iyo Ciidamada Xooga ah ee Beesha caalamku u soo dirtay Soomaaliya ay wax uga qaban-waayeen Budhcad-badeeda, iyadoo uu jiro shaki weyn oo laga qabo in ay jiraan wadamo ka raali ah arrintan oo iyagu Il kaliya ku eegaya Budhcada tan kalena howlo gaar ah ku fushada.

 

 

Telefishan dareenka dadka ku shaqeynaya oo suuqyada la soo geliyay

 

Hargeysa (Ogaal/W.Wararka) – Shirkada ugu weyn ee sameysa Miraayadaha la iska arko (TV) dalka Jaban,  ayaa suuqyada soo gelisay Talefishin Cusub oo aan hore dunida loogu arag, kaasoo la shaqaynaya dareenka qofka.

Tv-gaan cusub ee suuqa soo galay oo mudo dheer sameyntiisa lagu howlanaa ayaan u baahneyn in aad u adeegsato qolabka meesha fog wax lagaga bedelo ee Remote control-ka, iyadoo aad ku howl gelin karto oo kaliya hababka ah dhaq-dhaqaaqa gacmahaaga, codkaaga iyo foodhida.

Sida  laga soo xigtey shirakadda sameysay Tv-gan, marka aad dooneyso in aan shidato Tv-ga waxa lagaa doonayaa in aad sameyso labbo goor foodhi iyadoo sidaasi uu ku shidmayo, halka marka aad dooneyso in aad iska damisid aad sedex jeer foodhyeyso. marka aad u baahato in aad codka dheereyso ama yareyso waxa aad adeegsaneysanaysaa oo kaliya dhaq-dhaqaaqa gacamahaaga, iyadoo aad ku bedali kartid talaabadaasi Chennela-da aad daawaneyso oo aad ku kala doran karto .

Hassan YeeY

Hadhwanaagnews,

Koonfur Africa Office.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

 

 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.