Gudoomiyayaasha Sadexda Xisbi Qaran Oo Kulan Ka Yeeshay Arimo Door Ah.

Hargeysa(Somaliland.Org) Gudoomiyayaasha sadexda xisbi qaran ee UCID,KULMIYE iyo UDUB ayaa maanta yeeshay kulan ay kaga wada hadlayeen sidii loo meel marin lahaa heshiis ay sadexda xisbi hore ugu kala saxeexdeen arimo la xidhiidha hawlaha doorashooyinka iyo sidii loo wada samayn lahaa gudi dhex ah oo la socota sidii aanay xukuumada iyo xisbul-xaakimkeeda UDUB aanay ugu takri fail hantida qaran.

Kulankan oo  ka dhacay qasriga madaxtooyada ee uu degan yahay gudoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Riyaale waxa dhinaca axsaabta mucaaradka ka socday gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo labadiisa ku xigeen halka dhinaca xisbiga UCID-na uu ka socday gudoomiyaha xisbigaasi Faysal Cali Waraabe iyo ku xigeenkiisa waxayna warar ku dhow dhow kulankaasi tibaaxeen inay hogaamada sadexda xisbi kaga wada hadleen dhawr arimood,kuwaas oo la sheegay inay ka mid ahaayeen sidii loo dhaqan gelin lahaa go’aamo ka mid ahaa heshiiskii sadexda xisbi qaran ay u wada gaadheen badhtamihii bishii June ee sanadkan waqtigaas oo ay ku ekayd mudadii shanta sano ahayd ee hogaanka talada dalkan loo doortay Mudane Riyaale.

 

Waxaana go’aamada heshiiskaasi sadexda xisbi ay hore isula qaateen ka mid ahaa sidii loo wada samayn lahaa gudi dhex ah oo gacanta ku haysa awooda hantida qaranka,isla markaana aanay xukuumada iyo xisbigeeda UDUB aanay si gaara ugu takri falin hantida qaranka sida dhaqaalaha,warbaahinta,gaadiidka iwm waxayna xogo u dhuun daloola kulankaasi tibaaxeen in M/weyne Riyaale arintaas ka cago jiidayo isagoo la sheegay inuu ku dooday in arintaasi ay ku filanyihiin gudiga doorashooyinka qaranka,hase yeeshee doodaasi gudoomiyaha xisbiga UDUB mudane Daahir Riyaale ma noqon mid ay ku qancaan labada hogaamada labada xisbi ee mucaaradka ah.

 

Waxa kale oo xogaha u dhuun daloola kulankaasi ay intaa ku dareen in kulankaa lagaga wada hadlay sidii gudiga doorashooyinka iyo hawlahooda loo dhiiri gelin lahaa isla markaana awoodahooda loo madax banaanayn lahaa taas oo sadexda dhinacba ay isla qaateen.

 

Inkasta oo aanay kulanka ka soo bixin wax ay ku heshiiyeen sadexda dhinac balse waxa lagu wadaa inay kulamo kale isugu imaan doonaan mudooyinka soo socda,kaasoo lagu wado inay xal kaga gaadhaan sidii ay u dhaqan gelin lahaayeen waxyaabihii ay hore ugu heshiiyeen.

Liban M.Shire

Somaliland.Org Hargeisa

libmaw@hotmail.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.