Qoyska Madaxtooyada Dad Ka Tirsan Oo Weriye C/laahi Axmed Caarshe Ugu Hanjabey Inay Dilayaan.

Hargeysa (Somaliland.org) Dad ka tirsan qoyska madaxtooyada Somaliland ayaa dil ugu hanjebey wiil dhallinyaro ah qoraana ah oo magaciisa la yidhaahdo Cabdillaahi Axmed Caarshe dhowaan ayuu warbaahinta qaar ka mid ku soo bandhigay feker ah in uu qori doono buug ku saabsan waxqabkii madaxweyne Daahir Rayaale.

Dadkan u soo hanjebey ayaa waxay fariimo badan ugu soo direen E-mailo dadkaasoo ku doodayey inay isku qoysyihiin madaxweynaha. waxa lagu wargeliyey C/laahi Axmed Caarshe haddii uu dib u soo qoro magaalo ku saabsan buuga uu qorayo in la dili-doono, waxa kale oo fariimaha loo soo diray ay xambaarsanaayeen aflagaadooyin fool xun-xun ee aan loo meel deyin.

Xubnahan ku doodaya inay isku qoys yihiin madaxweynaha ayaa uga digey Mr. C/laahi haddii ay dib warbahinta ugu arkaan in ay dilayaan habeen madow. lama oga sababta ku keliftay dadkan sheeganaya in ay yihiin qoyska madaxtooyada inay dil ugu hanjebaan qof muwaadin ah oo ku dhex jira hawlihiisa suxufinimo ama qoraanimo.

si kastaba ha ahaatee C/laahi Axmed Caarshe waxaa uu dhowaan soo bandhigay in uu ku howlanyahay buug uu ka qoprayo madaxweyne Rayaale.

hadaba waxa u caado ah qoyska madaxtooyada in ay aflagaado, dil iyo xadhig ugu hanjebaan cidkasta oo ay u arkaan in aanay u xaglinayn dhinacooda, aflagaadooyin qaawan ayay dadka tirsan qoyska madaxtooyadu hore ugula keceen dad magac ku leh bulshada dhexdeeda halka qaarna la xidh xidhay. sanadkii 2006-dii ayay ahayd markii sifo sharci-daro ah xabsiga loogu taxaabay madaxdii wargeysaka HAATUF markii ay soo bandhigeen fadeexado musuq-maasuq oo ay xilligaa wargeysku ku eedeeyay inay ku keceen qoyska madaxtooyadu isla markaana ku soo bandhigeen macluumaad badan.

Waxaana waqrigan muuqata in madaxtooyadu ka shakiday buugga uu C/laahi qorayo waana sababta keentay in la soo handido.  

C/laahi Axmed Caarshe oo shebekada Somaliland.org la xidhiidhay waxaa uu sheegay in aanay hanjebaadi iska hortaagi-doonin yoolkiisa qoraanimo iyo hadafkiisa saxaafadeed.

Libaan M.Shire

Somaliland.org Hareisa

libmaw@hotmail.com

 

 

 

 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.