Musharraxa Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga UDUB oo si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Madaarka Hargaysa.

Hargeysa (Somaliland.Org)- Axmed Maxamed (Jawhari) oo ahaa Musharaxii ku dhawaaqay inuu u tartamayo Jagada M/weyne ku xigeenka Xisbiga UDUB dhexdiisa ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeya y madaarka diyaaradaha ee Caasimadda Hargeysa.
Mr. Axmed Jawhari oo ka soo kicitimay dalka Ingiriiska, ayaa soo dhaweyntiisa waxa ka qaybqaatay masuuliyiin ka tirsan Xisbiga UDUB iyo dadweyne badan, waxaana isaga oo qolka nasashada ee Madaarka caalamiga ah ee Egal ugu waramayey warbaahinta uu sheegay inuu dalka u yimi sidii u amboqaadi lahaa hawlaha musharraxnimadiisa uu kaga dhawaaqay magaalada London, isla markaana uu rajaynayo inuu mansabkaa ku guulaysandoono..

“Waxaan u imi in aan ka qaybgalo waddanka dhismihiisa iyo wax-ka-qabadkiisa oo aan waxa ka dhiman ku taageero dawladda jirta,” ayuu yidhi Mr. Axmed Maxamed (Jowhari).
Axmed Jawhari oo la weydiiyey inuu ka noqday mowqifkiisii ahaa inuu xisbiga UDUB dhexdiisa isku sharraxayo jagada Madaxweyne-ku-xigeenka iyo in kale, waxa uu ku jawaabay, “Maya ee arrintaa kama noqon iyada lafteeda ayaan u socdaa, jagada Madaxweyne-ku-xigeenka ayaan doonayaa in aan isku soo taago..”
Mar la weydiiyey Mr. Jawhari inta ay le’eg tahay rajada uu ka qabo inuu ku guulaysnayo musharraxnimadiisa xisbiga UDUB dhexdiisa waxa uu yidhi; “ Rajo wanaagsan baan ka qabaa, waayo, waxaanan ogahay in aan macluumaad fara badan halkaa ku soo kordhin karo.”

Mar la weydiiyey inuu jiro hadal uu Xoghayaha Guud ee UDUB ku sheegay in aannu Mr. Jawhari weli codsigiisa musharraxnimo u gudbin masuuliyiinta xisbiga, waxa uu ku jawaabay, “Waqtigii codsiga la gudbinayey iminka maaha, xilliga codsiga la gudbinayaa waa marka Golaha Dhexe isku yimaado ee la soo saarayo musharrixiinta xisbiga, aniguna markaas baan geynayaa, balse iminka xilligeedii maaha.”

Mr.Jawhari oo ka mid ah golaha dhexe ee Xisbiga UDUB,ayaa fadhigiisu ahaa mudooyinka Dambe Cariga Ingiriiska ,ayaa shalay markii uu ka soo degayay Madaarka Egal ee Magaalada Hargaysa ayaa waxa halkaa ku sugnaa Xoghayaha Guud  Xisbiga UDUB, Iyo Wasiiro Xukuumada ah Kuwaasoo ay gacan qaad salaan ah  isku waydaarsadeen halkaas.

Waa markii u horeysay ee Mr.Jawhari intii ku dhawaaqay  inuu u tartamayo Jagada M/weyne ku Xigeenka ee xisbiga UDUB dhexdiisa  uu yimaado Somaliland.

 

Xigasho Togdheernews

 

 

 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.