Wararka Wargeyska OGAAL, Khamiis: Magacyada Dhimashada iyo dhaawaca Qaraxyadii Argagixiso ee shalay

Hargeysa (Ogaal)- Siday tibaaxeen Wararkii ugu dambeeyay ee xalay laga soo xigtay hawl-wadeenada Caafimaadka, ilaa 21-qof ayaa ku geeriyooday Qaraxyadii xidhiidhka ahaa ee lala beegsaday Xafiiska UNDP, Safaaradda Itoobiya iyo Xarunta Madaxtooyada Somaliland. Isla markaana waxa la sheegay in soddomeeyo kale ay gaadheen dhaawacyo kala duwani, kuwaas oo qaarkood isla shalayba loo duuliyay dalka Jabuuti.

Xogaha laga helayo goobaha Caafimaadku waxay tibaaxeen in aan la wada aqoonsan Magacyada dadka dhintay, balse qaar badan oo ka mid ah la aqoonsaday, qaarkoodna aan la aqoonsan. Sidaa daraadeed, sidaanu ka soo xiganay Hawl-wadeeno Caafimaad Magacyada dadka dhintay ee la aqoonsaday waxa ka mid ah;

Ibraahim Cabdirisaaq Cabdilaahi Sool oo dhalasho Finland ah haystay oo dhawaan dalka yimi, islamarkaana isaga iyo Xaaskiisu ay ka mid ahaayeen dadka Qaraxu ku haleelay Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa, halkaas oo la sheegay in ay Fiise ka doonayeen, balse uu Marxuumku ku geeriyooday Marwadiisuna ay ku dhaawacantay. Sidoo kale Magacyada aanu ka helnay dhinaca hawl-wadeenada Caafimaadka waxa ka mid ah;

Magaca Goobta
1. Xildhibaan Maxamed Cismaan Libaaxo (Golaha Guurtida) Madaxtooyada
2. Daahir Cali Iid, (Xoghayihii Madaxtooyada) Madaxtooyada
3. Xuseen Maxamed Faarax (Af-gaab) (La taliyihii Madaxweynaha ee dhinaca Hay’addaha) Madaxtooyada
4. Maxamed Cilmi Geelle, (madaxii amniga UNDP) UNDP
5. Xusseen Aadan Cabdi ?
6. Maxamuud Maxamed Yuusuf (Fool) ?
7. Maxamuud Cabdiraxmaan Sugule ?
8. Maxamed Axmed Cumar Madaxtooyada
9. Ibraahin Cabdirisaaq Cabdilaahi ?
10. Layla Xaaji Cabdi Rooble Madaxtooyada
11. Siciid (Darawal UNDP) UNDP

Intaas ka sokow, siday tibaaxeen Warar laga soo xigtay hawl-wadeenada Caafimaadka tirada dadka dhintay ee kale lama aqoonsan Magacyadooda, kuwaas oo ay ku jiraan is-qarxiyayaashii Baabuurta Qaraxa loo adeegsaday watay.

Magacyada Dhaawaca:

Sida laga soo xigtay Saraakiil Caafimaad oo u dhuun-daloola goobaha lagu dawaynayay dhaawacaa dadka ku dhaawacmay qaraxyadii shalay, waxa dadka dhaawacmay Magacyadooda ka mid ah;

1.       Sulub Cabdi Saleebaan

2.       Maxamed Cabdilaahi Guulleed

3.       Xiis Mahdi Sugaal

4.       Barre Yaasiin Geelle

5.       Maxamed Cabdi Cismaan

6.       Maxamed Axmed Cismaan

7.       Cabdilaahi Cabdi Xasan (Dayr)

8.       Ibraahin Cabdilaahi (Huutuu) (Sarkaal sare oo ka tirsan Sirdoonka)

9.       Cali Cabdilaahi Xaashi

10.    Cabdicasiis Maxamed Faarax (Sarkaal UNDP – waxa isla shalay loo duuliyay Jabuti)

11.    Xuseen Faarax

12.    Xusseen Xasan (Makaanik UNDP)

13.    Khadar Cabdilaahi Muxumed

14.    Jamaal Cabdi Maxamuud

15.    Abokor Sulub, (Taliyaha ciidanka ilaalada Madaxtooyada)

16.    Cabdirisaaq Xaamud Caydiid, (Weriye ka tirsan Telefishanka Space Channel)

17.    Maxamed Aadan Ismaaciil (Adiino) (Sarkaal UNDP – waxa isla shalay loo duuliyay Jabuti)

18.    Maxamed Ismaaciil (xafiiska xisaabaadka Madaxtooyada)

Dhinaca kale, intaas kuma dhama magacyada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay masiibadaasi, mana kala cadda Magacyadaa dhimashada iyo dhaawaca in ay sax ku yihiin siday nagu soo gaadheen iyo inay wax ka qaldan yihiin. Waayo, Maamulka Cusbatalka guud ee Hargeysa si rasmi ah umuu shaacinin Magacyada oo dhammaystiran, balse waxaanu ka soo xiganay Saraakiil Caafimaad oo goobaha daawaynta ku sugnaa.

Hargeysa: Weerarkii Argagixisada iyo Wararka tallaabooyinkii ka dambeeyay

“Waqtigaa waxaan Xafiiskiisa la joogay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Md. Cabdillahi Maxamed Ducaale..Weerarkan  oo kalena wuxuu sii dhiirigelinayaa  dedaalkii aanuu ugu jirnay awalba la dagaalanka Aargagaxisada”

Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland

Hargeysa (Ogaal) – 21 qof ayaa dhintay, illaa 31 ruux oo kalena waa ay dhaawacmeen, ka dib markii shalay qaraxyo ismiidaamin ah oo argagixiso lala beegsaday xarunta madaxtooyadda Somaliland, Xafiiska ganacsi ee Itoobiya ku leedahay Hargeysa iyo Xarunta hayadda UNDP.

Weeraradan ayaa loo adeegsaday Saddex Baabuur oo nooca Surf-ta loo yaqaano ah, kuwaasoo  xambaarsanaa  waxyaabaha qarxa, isla markaana ay saarnaayeen niman isbiimeeyayaal ahaa, kuwaas oo si gaar-gaar ah qaraxyada ula beegsaday xarumahaa. Iyada oo in ka yar saddex daqiiqo u dhaxeeyeen qaraxyadaas.

Weerarkii koowaad:

Abbaaro 10:10 daqiiqo ee subaxnimadii shalay ayay ahayd markii inta badan Magaalada Hargeysa laga maqlay dayaanka qaraxii u horeeyay  oo lala beegsaday Xarunta Hay’adda UNDP ee Magaalada Hargeysa.

Caadiyan intii dunida sulaaqa Colaadeed la soo dersay laga soo bilaabo dhacdadii 11-kii September ee lala beegsaday Daarihii dhaadheeraa ee Maraykanka, waxa guud ahaan jirtay feejignaan laga qabay Weeraro Argagixiso. Sidaa daraadeed, Hay’adaha Caalamiga ah ee Sama-falku waqtigaa intii ka dambaysay waxa Xarumaha ay degan yihiin loo sameeyay baro-Kaantarool iyo Kaabado adag. Kuwaas oo difaac ahaan loogu talo-galay inay ka qabtaan Gaadiid kasta oo damca in uu xoog ku galo Xarunta. Sidaa daraadeed, shalay subax,  sida laga soo xigtay dad goob-joogayaal ah,  Baabuurka ku dhex qarxay xarunta UNDP waxa uu ka gudbay Kaabado si tallan-taalli ah oo saddex Xagal ah isu-daba yaala. Kuwaas oo loogu talo galay inay gaadiidka ku qasbaan inay qunyar socod ku galaan xarunta.

Goob-joogayaashu waxay sheegeen in gaadhiga qarxay uu daba galay mid ka mid ah Baabuurta Qaramada Midoobay oo laga furay Albaabka hore ee Xarunta.

Waxana goob-joogayaashaas oo ay ku jiraan qaar ka mid ah hawl-wadeenada UNDP intaa ku dareen, in baabuurka falka lagu fuliyay ay saarnaayeen laba Nin, kaasoo isaga oo si xawli ah u socda uga faa’iidaystay Jaaniska uu ka helay Al-baabka laga furay Baabuurka ka horeeyay uuna u gudbay gudaha, hase ahaatee mid ka mid ah raggii Baabuurkaa watay ee qaraxa geystay ayay ilo xog-ogaal ahi sheegeen in uu ka degay Baabuurka, isla markaana uu iska dallacay Bir Kaantarool oo gudaha  xarunta ah, uuna ku noqday gaadhiga. sida goob-joogayaal laga soo xigtay,  markaa kadib gaadhigu,Il-bidhiqsiyo gudahood ayuu ku qarxay meel aan ka fogayn Xafiisyada Xarunta.  Qaraxaas oo aad u xoog waynaa waxa uu geystay khasaare xoog leh oo naf iyo maalba leh.wararku waxay intaa ku dareen, in is biimeeyayaasha ka sokow ay  laba qof oo kale ku dhinteen Xarunta UNDP , kuwaas oo la sheegay in mid ahaa sarkaalkii amniga u qaabilsanaa UNDP, midna la sheegay inuu ahaa Dirawal wade ka ahaa mid ka mid ah gaadiidka UNDP. Warku wuxuu intaa raaciyay, in ilaa lix  qof oo kalena ay ky dhaawacmeen halkaa. Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, Maxamed Aadan Ismaaciil (Adino) iyo Cabdicasiis Maxamed Faarax oo culayska dhaawacyadooda dartood la sheegay in loo qaaday Dalka Jabuuti  iyo xubno kale.

Ka sokow khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca, waxa sidoo kale burburay qaar ka mid ah Xafiisyada Hay’adda iyo dhawr baabuur oo xarunta dhex-yaalay. Waxyar ka dib-na waxa halkaa gaadhay Ciimada ammaanka.

Weerarkii labaad:

Qiyaastii hal daqiiqo ka dib ayaa qaraxa labaad ka dhacay Xafiiska Itoobiya ku leedahay magaaladda Hargeysa, halkaas oo sida la sheegay ay ku sugnaayeen Shaqaalaha Xafiiska ka sokow, dad fiise ay kaga soo muraadsadaan Itoobiya ka doonayay Xafiiska. Inta badan dadkii goobtaa ku sugnaa ayaa loo badinayaa in ay ku  geeriyoodeen qaraxaas, in kasta oo aan la haynin tirada rasmiga ah ee ku dhimatay halkaas oo dadka qaarkood uu jidhkoodii uu googo’ay oo wadar ahaan loo soo ururiyay. Isla markaana waxa gebi ahaanba qaraxaasi burburiyay dhismihii safaarada iyo qalabkii kale eedhex yaalay.

Wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland Waqtigaa qaraxa  argagixiso lala beegsaday  Xafiiskiisa, muu joogin oo wuxuuu noo sheegay in uu ka maqnaa. Mr. Wubishet Dimmise.  “Nasiib wanaag, waqtigaa waxaan Xafiiskiisa la joogay Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Mudane Cabdillahi Maxamed Ducaale” Sidaas ayuu yidhi safiirku Mr  Wubishet Dimmise  mar xalay fiidkii khadka telefoonka uu Wargeyska Ogaal kula xidhiidhay.Safiirka oo wax laga sii waydiiyay waxa dhacay wuxuu yidhi;  “Waxa keliya ee aanu ognahay waxa weeye, inay kooxo hubaysan oo ismiidaaminayay ay na soo weerareen, ilaa imikana kama hayno warar sugan oo ku saabsan, balse waxaa jira dad ku dhintay iyo qaar ku dhaawacmayba, weerarkuna ma ahayn mid keligayo  ku koobnaa, balse waxaa kaloo naloo sheegay inay sidaas oo kalena weerareen madaxtooyada iyo xarunta UNDP-da, waxaana nalagu wargeliyay in la baadhayo.” Ayuu yidhi.

Waxana uu tilmaamay inaanay haynin tirada rasmi ahaan wax ku noqotay weerarkan.

Safiirku mar uu Wargeyska Ogaal  waydiiyay, waxa ay dawlad ahaan kala qaban karaan Somaliland arrintan iyo sida ay u arkaanba, wuxuu ku jawaabay;   “Runtii waad ogtahay, waxaanu si feejigan ugu jirnaa  dagaal aanu kaga soo horjeedno argagaxisada, isla markaa  waanu la dagaalami doonaa meel kasta oo ay joogaan,waanan sii wadi doonaa.  weerarkan  oo kalena waxa uu nagu sii dhiirigelinayaa  dedaalkii aanuu ugu jirnay awalba la dagaalanana argagaxisada.” Ayuu yidhi Wakiilka.

Dhinaca kale, siday baahisay Laanta Afka Soomaaliga BBC-du shalay, War Dawladda Itoobiya ka soo saartay Magaalada Addis-Ababa ayaa lagu sheegay in Qaraxa lala beegsaday Xafiiska ay Itoobiya ku leedahay Hargeysa ay kaga dhinteen Dawladda Itoobiya saddex qof.

Laba Suxufi oo ka tirsan Telefishanka SLSC oo xilliga qaraxu dhacay Xafiiska Itoobiya ka ag-dhawaa, isla markaana midkood uu ka mid yahay dadka ku dhaawacmay ayaa sheegay, in Baabuur Xaajiyad Surf ah oo si xawli ah u socdaa afka hore ku sii qaatay Albaabkii Deyrka hore ee Safaaradda, gudahana u galay Xarunta, halkaas oo uu intaan aragtidiisaba laga bogan ku qarxay. Qiiqa kor uga kacay ayaana laga arkayay qaybo ka mid ah Magaalada Hargeysa. Iyada oo uu dhulka la simay guud ahaan dhismayaashii halkaa ku yaalay. Weriye ka tirsan Ogaal oo goobtaa booqday ayaa arkay qaar ka mid ah Dadkii ku geeriyooday halkaa oo laga dul gurayo burburkii dhismayaasha dumay. Ka hor intii aanay goobtaa gaadhin Baabuurta Caafimaadka ee loogu talogalay gargaarka degdegga ahi, waxa Maydka iyo dhaawacyadaba lagu gaadhsiinayay Cusbatalka Xaajiyad ka mid ah kuwa Booliska.

Goobta Xafiiskan xidhiidhka ganacsiga Somaliland iyo Itobiya ku yaalaa, waxay wax ka yar 200 oo tallaabo dhinaca Koonfureed ka xigtaa dhismaha Madaxtooyada Somaliland ee qaraxa sadexaad lala beegsaday, isla markaa waxa uu dhismaha safaaradu ka soo hor-jeedaa Xarunta dhexe ee Xisbiga UDUB, dhanka koonfureedna wuxuu ka kulaalayaa dhismaha Wasaaradda Ganacsiga. “Shirka oo noo socda ayaanu maqalnay Qaraxa hore ee ka dhacay UNDP, markii aanu dibedda u soo baxnay dhammaantayo ee aanu u wareegnay dhinicii qaraxu naga xigay ee Galbeedka xarunta, ayaa waxaanu la kulanay Qaraxii labaad oo  hortayada ka qarxay. Halkaasna waxa dhaawac ku  gaadhay afar qof oo naga mid ahaa.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Wakiillada Xisbiga UDUB ee Diiwaangelinta oo waqtigaa shir uga socday xarunta dhexe ee Xisbiga.

Weerarkii saddexaad:

Il-bidhiqsiyo kadiba,Waxa yeedhay qaraxa saddexaad ee xarunta Madaxtooyada lagu hujuumay,  Gaadhiga Weerarka lagu fuliyay waxa uu ka galay mid ka mid ah Albaabada dhinaca Waqooyi u jeeda ee Madaxtooyada. Waxana uu gudaha ugu tegay oo uu sii jiitay sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Caddaani, Gaadhi uu leeyahay oo halka uu ku beegnaa yaalay. Waxaanu ku qarxay sida la sheegay intaanu wada gaadhin dhismaha Madaxtooyada.

Qaraxan waxa ku geeriyooday Xoghayihii Madaxweynaha Daahir Cali Ciid, La-taliyaha Madaxweynaha ee xidhiidhka Caalamiga ah Xuseen Maxamed (Af-gaab), Xil. Maxamed Cismaan (Libaaxo) oo ka tirsanaa Golaha Guurtida iyo sidoo kale qaar ka mid ah Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada iyo nabad sugida. Guryaha la jaarka ah iyo Guriga Madaxtooyada laftiisa ayaa la sheegay in gariirka qaraxan iyo firidhkiisu waxyeelo soo gaadhsiiyay. Isla markaana ay waxyeelo gaadhay gaadiidkii xarunta dhex yaalay waqtigaa. Dhimashada iyo Khasaaraha moodka ah ka sokow, waxa qaraxaa sadexaad gaystay dhaawac tiro badan.

Ammaanka Magaalada Hargeysa ayaa qaraxyadan ka dib aad loo adkeeyay, Iyadoo intii la kala gurayay dhaawacyada iyo Maydadka ay xidhnaayeen Jidadka gala ama ka baxa goobahan Qaraxyadu ka dhaceen.

Dadka dhintay qaraxyadan ayaan badhkood la aqoonsan, Isbadalka guud ahaan jidhkooda qaraxyadani soo gaadhsiiyeen darteed, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha guduhu. Islamarkaana waxa uu tilmaamay in Xukuumada Somaliland magacowday Guddi ka hawl-gasha Aas-qaran oo loo sameynayo dadka ku geeriyooday falkan argagixiso. “ Waxaa lagu aasi doonaa Xabaalaha Qaranka, iyada oo guddi heer qaran ah loo saaray aaskooda.” Ayuu yidhi Wasiirka daakhiligu. Gudigaas oo ay xubnihiisa ka mid-yihiin Badhasaabka Gobolka Hargeysa Cali Xassan (Cali Asad) iyo ku simaha Maayarka Hargeysa, ahna Gudoomiye ku xigeenka Golaha Deegaanka Maxamed Cabdilaahi Uurcadde.

Marka la soo ururiyo guud ahaan dhacdadan argagixiso, ma jirin dhiillo ka horraysay iyo dareen dadka reer Hargeysa ka qabeen in qaraxyo qorshaysan oo dad Nafahooda halligayaa fuliyaan ku soo maqan yahay. Sidaa daraadeed, waxay arrintan, Dawlad, Axsaab iyo shacbiba u arrkeen talaabo fool-xun oo lagu wiiqayo Nabad-gelyada Somaliland iyo duulaan gardaro ah oo lagu soo qaaday qadiyad ahaan. “horraa loo yidhi nabadgelyo badani way ku hodaa, markaa tani waa baraarujin ee aynu toosno oo difaacno danteena”.sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadweynaha.,

Gunaanad:

Qaraxyadaas kadib,waxay ciidamada amaanku ku talaabsadeen baadhis xoog leh, iyadoo dadkana loogu baaqay inay ka caawiyaan ciidamada baadhista.ma jiraan warar si toos ah uga soo baxay dawlada oo ka hadlaya heerka baadhista iyo in dad la xidhay toona, hase ahaatee warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxay in ay jiraan dad la taxaabay kadib markii raadad galeen. Isla markaana War lagu faafiyay Shabakadda Wararka ee Somalilandgov.com, ayaa sheegay in Ciidanka ammaanku ay qabteen laba qof oo looga shakiyay inay lug ku lahaayeen arrintaa. Laakiin, tibaaxahaa ka sokow, waxa la filayaa in maanta warar dheeri ah oo amuurtaa la xidhiidhaa ay ka soo baxaan dhinaca Dawladda.

Dunidu maxay ka tidhi Qaraxyadii shalay ee Hargeysa?

Nairobi (Ogaal/W.Wararka)- Qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha iyo Siyaasiyiinta Caalamka ayaa ka hadlay Qaraxyo xidhiidh ahaa oo shalay ka dhacay meelo kala duwan oo Magaalada Hargeysa ah. Waxaanay ku tilmaameen falal argagixiso oo looga dan leeyahay khalkhal gelinta nabadda ka jirta Somaliland.

Hoggaamiyayaasha iyo Siyaasiyiinta ka hadlay Qaraxyadan is-daba joogga ahaa ee ka dhacay Magaalo-madaxda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa oo lala beegsaday Xarunta Madaxtoyada, Xarunta Hay’adda UNDP ee Hargeysa iyo Xafiiska Itoobiya ku leedahay Somaliland iyo sidoo kale laba Xarumood oo kuwa Sirdoonka Maamul-gobolleedka Puntland ee Somalia ah, kuwaas oo waqti aan sidaa u kala fogayn lala beegsaday Qaraxyo is-xigay, ayaa waxa ka mid ah, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon, Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, Kaaliyaha arrimaha Afrika u qaabilsan Wasiirka arrimaha Dibedda Maraykanka Jendayi Frazer, Xoghayaha Siyaasadda iyo amniga ee Midowga Yurub Javier Solana, Guddoomiyaha Midowga Yurub iyo sidoo kale Wasiirka arrimaha Dibedda Itoobiya Seyoum Mesfin.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa Qaraxyada lagu weeraray Xarumo ay ka mid tahay Xarunta UNDP ee Hargeysa ku tilmaamay falal laga xishoodo. “Weeraradani waa tallaabo laga xishoodo, kuwaas oo si ujeedo leh loola beegsaday Shicib aan waxba galabsan iyo Shaqaalaha Qaramada Midoobay oo si hagar-la’aan ah ugu adeegaya dadka baahan ee Muwaadininta Soomaalida ah.” Ayuu yidhi Ban Ki-moon. Isaga oo tacsi u diray dadkii ku dhintay Weeraradan iyo kuwii ay waxyeelladu ka soo gaadhay.

Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha Dibedda u qaabilsan Afrika Jendayi Frazer ayaa Qaraxyadan ku tilmaantay inay u eg yihiin Qaraxyo ay ka dambeeyaan Ururka Al-Qaacida. “Weerarkani wuxuu u eg yahay imd ay ka dambayso Al-Qaacida.” Ayay tidhi Jendayi Frazer. Waxaanay xustay in Geeska Afrika ay ka jirto Argagixiso. “Tani waa khatarta daran ee Argagixisada Geeska Afrika” ayay raacisay hadalkeeda. Iyada oo War-Murtiyeed arrintan ku saabsan oo ka soo baxay Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Wasaaraddaasi Sean McCormack lagu tilmaamay Weeraradan kuwo caqli-xumo ah.

Waxa kale oo Weeraradan ka hadlay Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi mid looga dan lahaa in lagu horjoogsado wax-qabad kasta oo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ka fulin lahaa Dal Afikaan ah, isla markaana lagu carqaladaynayo.

Xoghayaha Siyaasadda iyo amniga ee Midowga Yurub Javier Solana ayaa si adag u cambaareeyay Weeraradan oo uu ku tilmaamay kuwo ay ka dambeeyeen argagixiso. “Waxaan si adag u cambaaraynayaa Weerarada argagixiso ee laga fuliyay Hargeysa iyo Boosaaso.” Ayuu yidhi Mr. Solana. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska dadkii ku waxyeelloobay ama ku dhintay Weeraradan laga fuliyay Somaliland iyo Puntland.”

Warsaxaafadeed ka soo baxay Midowga Afrika oo uu ku saxeexnaa agaasimaha guud ee Midowga Afrika Mr. Jean Ping ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay Weeraradan. “Waxaanu ba’an u cambaaraynaynaa falalka argagixisanimo.” Ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedkaas.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya Seyoum Mesfin ayaa Qaraxyadan ku tilmaamay kuwo looga dan leeyahay in xasillooni-darro lagaga abuuro. “Weeraradani waa shaqo caadi u ah Argagixiso doonaysa in ay abuurto xasillooni-darro, balse waxaan idiin xaqiijinayaa in aanay la tegi dooni, balse la hor keeni doono Caddaaladda” ayuu yidhi Seyoum Mesfin oo u waramay Wakaaladda Wararka Reuters.

“Xukuumaddu waa inay talaabo adag

ka qaadaa dadkii Shirqoolkaa ka dambeeyay”

Suldaan Cismaan Suldaan Cali

Burco (Ogaal) Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, gaar ahaana Gobolka Togdheer, ayaa dawladda ugu baaqay inay u hawlgasho sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd cidii ka dambaysay weeraradii shalay lala beegsaday dhowr goobood oo muhiim ah oo ku yaala magaalada Hargeysa.

Suldaan Cismaan oo xalay khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Ogaal isaga oo jooga magaalada Burco, waxa uu cambaareeyay weeraradaa ismiidaaminta ah ee lagu soo qaaaday Somaliland, isla markaana waxa uu xukuumadda iyo shacbiga guud ahaan ugu baaqay in layska kaashado sidii loo ilaalin lahaa qaranimada iyo dadka ajaanibka ah ee ku sugan. “Waxaan aad u cambaaraynaa, wax laga xumaadana ah falkaa iyo shirqoolkaa lagula kacay Somaliland iyo jiritaankeeda umaddeeda iyo dadka kale ee shisheeyaha ah ee martida u ahba. Waxaan u arkaa shirqool weyn oo loogu talogalay in lagu dhaawaco ama lagu waxyeeleeyo jiritaanka iyo gooni isu-taaga Somaliland iyo qaranimadeeda. Waxaan leeyahay xukuumaddu waa inay talaabo adag qaadaa, oo wax lagaga soo qabanayo falkaa cidii ka dambeeyay iyo wixii ku lug lahaa iyo adkaynta amaanka iyo jiritaanka wadankaba. Markaa xukuumadda waxa looga baahan yahay inay dedaal dheeraad ah la yimaadaan. Waxaan ku soo gebogebaynayaa hadalkayga, dhammaanba shacbiga reer Somaliland waxaanu ku baraarujinayaa inay ilaashadaan nabadooda, jiritaanka iyo qaranimadooda iyo weliba horumarkaa ay maanta joogaan, meelna uga soo wada jeestaan wax alla wixii waxyeelaynaya jiritaanka, qaranimadooda iyo nabadgelyadooda iyo dadka martida u ah wadanka joogaba cadowga ku ah.” Sidaa ayuu yidhi Suldaanku.

Madaxda Dawladda iyo Mucaaradku

maxay ka yidhaahdeen dhacdadii shalay?

Hargeysa (Ogaal)- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo hogaamiyeyaasha xisbiyada Mucaaradka, ayaa jawaab isku mid ah ka bixiyay qaraxyadii shalay lala beegsaday xarunta Madaxtooyada, xafiiska Itoobiya ee Somaliland iyo xarunta hay’adda UNDP, isla markaana  waxay shacbiga ugu baaqeen inay u midoobaan difaacida qaranimadooda iy ilaalinta Nabadgelyada.

Madaxweyne Rayaale:

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin qaraxyadaas ka dib, hadal uu warbaahinta u mariyay dadweynaha wuxuu ku yidhi;

“Waad ogtihiin in qaranka la soo handaday, Madaxtooyada qarax lagu sameeyay, UNDP lagu sameeyay, Safaarada Itoobiya ee halkan joogtana lagu sameeyay. Markaa waxaan dadweynaha u sheegayaa, marka hore inay degenaadaan, marka xigana inay feejignaadaan, gacan buuxdana ay ka siiyaan ciidanka amniga cid kasta oo la baadhayo oo la daba gelayo. Sababtoo ah, qarankeenii baa lagu soo duullay, cadow baa ku soo duullay ku talogalay qaran ahaan in aan burburo, wixii aan sagaal iyo tobankaa sannadood soo dhisaynay. Markaa umadyahay waxaan idin leeyahay waa inaad hurdada ka toostaan, waa inaad feejignaataan, dabagalna ku samaysaan dadka cadowga ahi dadka uun bay dhex joogaane. Waa inaad ciidamada Booliska u soo sheegtaan wax kasta oo aad ka shakidaan. Ciidamada Amnigana waxaan amar ku siinayaa in saacadaa (shalay) laga bilaabo heegan buuxa oo boqolkiiba boqol ah inuu dalku ku jiro. In baadhis la sameeyo wixii dhacay iyo cidii ka dambaysay. Somaliland-na uma naxariisan doonto cid kasta oo ay ku cadaato inay dembigaa lug ku lahaayeen. Shacbiga Somaliland waxaan leeyahay isma dhiibayno, geesinimaynu ku wajahnaynaa arrintan inala soo gudboonaatay. Qarankana isuma taagayo marnaba, hawshiisuna way socon doontaa, doorashada iyo Diiwaangelintu isuma taagayaan oo way socon doonaan, Illaahayna wuu inagu guulayn doonaa in aynu gacanta ku qabano cidii mu’aamaraadkaa ka dambaysay.”

Baarlamaanka:

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo si weyn u cambaareeyay weeraradaa Argagixiso, ayaa ku baaqay in loo midoobo ka jawaabista weerarada cadowga. “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo ka Shirgudoonka labada gole ee Baarlamaanka iyo Xildhibaanada, waxaan shacbiga reer Somaliland u sheegayaa uguna baaqayaa inay maanta waajib tahay midnimadeenu. Waayo; maanta waad ka warqabtaan in la soo weeraray Madaxtooyadeena, Safaarada Itoobiya iyo xafiiska UNDP. Markaa arrintaa waxaynu kaga baxaynaa oo xalkeedu yahay midnimo qaran. Sidaa aawadeed, waxaan mar labaad ku baaqayaa in aynu u midowno difaaca qadiyaddeena.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu.

Xisbiga KULMIIYE:

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa qaraxyadaas ku tilmaamay falal Argagixiso ah oo lagu waxyeelaynayo Dimoqraadiyada iyo Nabadgelyada Somaliland. “Arrintaasi mid muran ku jirta maaha. Arrintaasi waxa weeye; fal aad iyo aad u fool xun oo lagula kacay dadweynaha Somaliland. Si buuxda ayaanu u dhaleecaynaynaa haddaanu xisbiga KULMIYE nahay iyo haddii aanu nahay qaranka reer Somaliland iyo asxaabta intayada kale kuligayo.” Sidaa ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo oo u waramay Laanta afka Soomaaliga ee idaacadda Codka Maraykanka ee VOA. Wuxuuna intaa raaciyay oo uu yidhi; “Maanta Madaxtooyada waanu isugu wada tagnay hadaanu asxaabta Mucaaradka nahay, dawladda hadaanu nahay iyo hadday tahay qaybaha kala duwan ee bulshada. Arrintaa waxaanu u aragnaa inay tahay cadaawad iyo duullaan lagu soo qaaday dawladnimadayada, dadnimadayada, Nabadgelyadayada, wadajirkayaga iyo Dimoqraadiyadayada. Waa arrin fool xun oo Illaahay hortii ku xun, Islaaminada ku xun, Soomaalinimada ku xun oo dadnimada ku xun. Arrintaa si buuxda ayaanu u dhaleecaynaynaa, dadkayagana waxaanu ugu baaqaynaa iyo dadka nabadda jecel meel ay joogaanba in arrintaa meel looga soo wada jeesto. Markii ugu horeysay ee dalkayaga Argagixiso isku dayday inay falal noocaas ah oo kale kula kacdana maaha. Dhowr jeer oo hore ayay dhacday oo dadweynaha reer Somaliland baa toos wax uga qabtay, ugana daafacay dalka, maantana waxaan hubaa kuna kalsoonahay in dadweynaha reer Somaliland Culimo-awdiinkiisa, dhalinyaradiisa, wax-garadkiisa, siyaasiyiintiisa, ciidamadiisa iyo guud ahaan shacbigiisu meel arrintaas ka wada taagan yihiin.”

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu sheegay in marka la eego marxaladda Diiwaangelinta lagu jiro iyo doorashooyinka soo socda ay falalkani muujinayaan cadaawad loola badheedhay jiritaanka Somaliland. “Waxaanu leenahay, maanta anaga oo ay noo socotay Diiwaangelintu, u tabaabul-shaysanaynay hirgelinta Dimoqraadiyada, doorashooyinkiina nagu soo dhawaadeen in arrimahaas oo kale yimaadaan waxaanu u arkaynaa cadawnimo u kas iyo maan loola badheedhay jiritaankayaga. Waxaanu doonaynaa in aanu halkan ka cadayno marka aanu arrimahaas oo kale la hadlayno in aanaan dad shacbi ah iyo dad gaar ah oo aan Somaliland u dhalan ee nagu dhex jira, shaki iyo dhibaato iyaga gelin mayno. Waa dad qaxoonti ah, waa dad nala jooga waana dad nala mid ah. Laakiin, cid kasta ha ahaadeen oo meel kasta haka soo jeedeene, dadka falalka caynkaas ah ku kacayaa arxanimo-daro ayay nagula kaceen, anaguna waanu iska daafici doonaa Inshaa Allaahu.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Wuxuuna intaa ku daray, in aanay waxba u dhimi doonin hirgelinta Diiwaangelinta iyo doorashooyinka soo socda, isla markaana ay taas ka midaysan yihiin dhinacyada siyaasadda Somaliland.

Xisbiga UCID:

Guddoomiyaha xisbiga UCID Injineer Faysal Cali Waraaabe, ayaa isna dhinaciisa si weyn u cambaareeyay hujuumkii qaraxyada ahaa ee shalay lagu soo qaaday Somalilandwaxaanu yidhi, “Arrintani waa mid aad iyo aad u fool xun oo aanu cambaaraynayno. Waa duullimaad lagu soo qaaday madaxbanaanideena, xornimadeena, qaranimadeena, isdiiwaangelinteena iyo doorashadeenaba. Waa dagaal cad, waxaanuse u sheegaynaa kuwa waxaa sameeyay ee shayaadiinta ah, in aanay arrintani naga joojinaynin himiladeena, taasoo ah in Somaliland ahaato dal madaxbanaan oo Ictiraaf hela, horumarna gaadha. Waxaanu u sheegaynaa dadka waxaa samaynayaa in aanay Islaam ahayn ee ay yihiin dad Shaydaan duufsaday, oo dad aan waxba galabsan dilaya, dad Nabadgelyada ka soo horjeeda oo khal-khal doonaya weeye, markaa kuwaasi waa dad ehlu-naar ah. Somaliland hadday is leeyihiin wiiqa oo niyad jebiyana, Somaliland iyada oo Jabhad ah oo SNM ah ayay niyad jebi wayday, tana waxaanu ka qaadaynaa firfircooni iyo midnimo. Waxaan leeyahay dadka reer Somaliland, walaalayaal dadka inagu soo qaxay ee reer Soomaaliya hala badbaadiyo, yaan lagu cadho burburin, qof xumi cidna maaha, kuwana waa kuway ka soo qaxeen. Waxa kale oo aan dadka reer Somaliland leeyahay, bidix eega oo midig eega, wixii aad ka shakidaan waa in aynu inagu maanta wada Boolis noqonaa, oo aynu dalka ilaashanaa oo aan dawladda uun lagu haynin. Waxani wax dhaqankeena ah maaha, wax dawladdeenu awood u leedahayna maaha ee waa in aynu dalka wada ilaashanaa.”

Gebogebo:

Dhammaan masuuliyiintaa kala duwan ee xisbiyada iyo dawladda iyo qaar kale oo dhacdadan ka hadlayba waxay tacsi u direen guud ahaan shacbiga Somaliland, gaar ahaan ehelada, asxaabta iyo guud ahaan qaranka ay ka baxeen dadkii ku dhintay qaraxyadaas xidhiidhka ahaa, kuwii ku dhaawacmayna waxay Illaahay uga baryeen inuu caafimaad siiyo.

Qaraxyadii Boosaaso iyo Cadde Muuse oo ka dhoofay

Boosaaso (Ogaal/W.Wararka) – Shalay 10:30 subaxnimo waqtiga Geeska Africa ayaa laba qarax oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ay ka dhaceen xarunta hay’adda Sirdoonka maamul-goboleedka Puntland ee Soomaliya[PIS].

Weeraradan ayaa sababey dhimashada sadex qof oo midi aheyd haweeney ka howl-galeysay xarumaha la qarxiyay. Halka labada kale ee dhintay lagu sheegay, iney ahaayeen kuwo saarnaa gaawaadhida leysku miidamiyey. Sidoo kale,warku waxa uu intaa ku daray in ugu yaraan todoba ruux ay ku dhaawacmeen weerarkan.

Qaraxyadan oo dad is miidaamiyey ay fuliyeen ayaa maamulka Puntland sheegay in la garanayo muuqaalada wajiyadooda, waxaana burbur xoogani uu soo gaadhay labada xarumood oo ku kala yaala dhinaca Madaxtooyada iyo agagaarka garoonka diyaaraddaha Boosaaso.

Ismiidaamintan kadib ayaa waxaa si weyn magalada looga maqlayey daryanka rasasta kala duwan ee ay ridayeen ciidamada la dagaalanka Argagixisada ee weerarka lagu soo qaaday.

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Cadde Muuse ayaa ka hadlay qaraxyadan ka hor intii aanu ka dhoofin Boosaaso shalay, wuxuuna shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in weerarada ka dhacay Boosaaso uu aad ugu xun yahay isla markana shacabka ugu tacsiyadeynayo, isagoo intaa raaciyay in dhibaatooyinkii ka jiray Soomaaliya ay soo gaadheen Puntland. “Waa dhibaato inagu cusub oo aan hore loogu arrag Puntland iyo Somaliland oo imika na soo gaadhay, Soomaaliyase waa ay ka jirtay, markaa waa ka tacsiyaynayaa dadka waxyaaladu ka soo gaadhay ee Somaliland waxaan leeyahay, waa cadow, waana inaynu iska kaashanaa” sidaas ayuu yidhi Cadde Muuse waxaana uu ku dooday inay hayaan caddaymo rasmi ah iyo sawirada dadka fuliyay qaraxyadan oo maydkooda ay qaateen ciidamadu.

Mr.Muse ayaa garoonka magaalada Boosaaso ka raacay shalay markaa ka dib, ganacsato Carab ah, kuwaasoo la sheegey in kulamo maalmahii aynu soo dhaafayba wadahadalo uga socdeen Boosaaso. Kuwaasoo la xidhiidha sida la sheegay in shirkado ka socda UAE lagu wareejinayo garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo dekadaba.

Lama oga qodobada heshiiskaasi ka kooban yahay, mana aha heshiiskii ugu horeeyay ee Cadde Muuse la galo shirkado kala duwan, heshiisyadaas oo badi maamul goboleedkaasi ka abuuray muran.

Qaraxyadan Boosaaso oo sida xadiga dadka ku waxyeeloobay wararka la xidhiidha tilmaamayaan koobnaa, waxay isku mar dheceen qaraxyo kale oo is-miidaamin ah oo ka dhacay Dalka Somaliland.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.