Shir Ka Dhacay Galbeedka London Oo Looga Hadlay Sidii Loo Horumarin Lahaa Ciyaaraha Gobolka Togdheer

 Taariikhdu markay ahayd 18/10/08 waxaa ka dhacay galbeedka magaalada london shir ay isugu yimaadeer qaar ka mid ah qurba jooga deggan wadankan ingiriiska shirkaas oo ay qaban qaabadiisa lahaayeen dhalinyaradii waayadii hore u ciyaari jiray gobolka Togdheer, waxaa kale oo iyaguna kala qaybqaatay laba fanan oo kala ahaa Cabdi Jamac (Qaboojiya) CabdiQani Omar Geedi  iyo  dhalinta iyaguna ku hawlan oo daneeya horumarinta ciyaaraha dalka gaar ahaan gobolka Togdheer.

 

    Shirkani wuxuu ahaa shirkii ugu horeeyey ee noocan ah oo laysugu yimaado dalkan ingiriiska waxaana loo balamay in uu shirkani noqdo kii bilaabi lahaa shirar badan oo is dabajoog ah oo loo balamay, ka ugu horeeyaana uu ka dhici doono magaalada Birmingham 01/11/08 hadii alle idmo. 

 

 

Waxaa shirka kadka telefoonka kaga qayb galay Abdirahmaan Ali Ubaxle oo dhawaan ka soo laabtay wadankii isaga oo ay u suuroobi weyday inuu shirka ka soo qayb galo, wuxuu mudane Abdirahmaan ka warbixiyey xaalado guud ee dalkii gaar ahaan xaaladaha imika uu kusan yahay gobolka Togdheer oo ay duruufo adagi ku gadaaman yihiin, wuxuu si gaar ah uga hadlay arimaha ciyaaraha iyo sidii gobolka looga taakulayn lahaa guud ahaan horumarinta sportiga.

 

waxaa isaguna goobta shirka ka hadlay Maxamed Jaruur oo isna ka soo laabtay dhawaan wadankii hooyo gaar ahaan magaalada Burco oo  isna warbixin ka bixiyey xaalada ciyaaraha ee gobolka. Maxamed Jaruur oo isagu kamid ahaa dhalinyaradii  sideetanaadkii u cirayaara jirtay kubada cagta wuxuu aad ugu dheeraaday sidii looga qayb qaadan lahaa sidii gobolka looga horumarin lahaa ciyaaraha iyada oo imika dhalinyaradii reer Burco ay duruufo gaar ahi ay haystaan  oo intooda badan ku fakeerayan sidi  u tahribi lahaayen,. Waxaa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay rag kale oo ay kamid ahaayeen Cabdi Jaaquur,Cabdi Good,Cabdi Jaamac, Cismaan Aaden Caabi, Mubaarik Yuusuf (Bidhi), Mubaarik Hilaac, Faysal Yuusuf Macalin iyo Cabdiqani Cumar Geedi ragaasi waxay dhammaantood ka hadleen sida ay u haboon tahay iminka sidii loo kobcin lahaa dhamaan sportiga gobolka .

Shirkani waa mid gogol xaadh u ah shir kale oo kadhici doona magaalada BIRMINGHA kaas oo lafilaya xubno tira badani inay ka soo qayb galaan. waxaanu ku boorinaynaa dhalinyaradii danaynaysay horumarinta gobolka inay ka soo qayb galaan shirkaa

 

   Wabilaahi towfiiq 

 

Cabdi jaaquur

Email:ajaaquur@hotmail.com

0044(0) 7957941312         

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.