Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo lagu casuumay shirweyne caalami ah oo ka dhacaya dalka Sweden

 “Waxaan ka warbixin doonaa xaaladda siyaasadeed, nabadgalyo iyo dhaqaale ee Somaliland iyo kaalinta uu xisbiga KULMIYE kaga jiro  hawlaha dalka iyo kuwa gobolka Geeska Afrikaba”— Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar

“Qaar ka mid ah wadamada Afrika iyo Yurub waxaanu xisbi ahaan la samaysanay xidhiidh wanaagsan oo waxtar u leh horumarinta hawlaha qaran-dhiska Somaliland”—

 

 

 

Dr. Maxamed candillaahi Cumar
Dr. Maxamed candillaahi Cumar

 

 

 

 

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa maanta u dhoofay magaalada Stocklom ee dalka Sweden ka dib markii uu xisbiga KULMIYE martiqaad rasmi ah ka helay urur waynaha ka dhexeeya xisbiyada dimuqraadiga ah ee qaaradda Yurub ee loo yaqaano ELDR oo shirwayne caalami uga bilaabmayo dhawaan magaalada Stocklom ee dalka Sweden. Guddoomiyaha Xisbiga Muj. Axmed Siilaanyo oo isna ka qaybgalayay kulankan ayaa hawl qaran awgood u baaqday. Waxa ay casuubaddani daba socotaa shirwaynayaal caalami ah oo isdaba joog ah oo masuuliyiinta sare ee xisbiga KULMIYE ay hore uga qayb qaateen. Kalfadhigii kal hore ee shirwaynahan oo ka dhacay magaalada Berlin waxaa ka soo baxay war murtiyeed ugu yeedhay wadamada Yurub inay aqoonsiga soomaliland.

 

Shirwaynaha sanadkan oo ka balaadhan kii kal hore, oo ay ka qaybgalayaan wufuud ka socota wadamo badan, waxaa qodobada u qurshaysan in lagu lafo-guro ka mid ah arrimo la xidhiidha xoriyadda dadka, suuqa ganacsiga, horumarinta deegeenka iyo qodobbo xidhiidh la leh xagga nabadgalyada iyo siyaasadda dibadda ee caalamka. Waxaana lagu talo jiraa inay ka soo baxaan qaraaro saamayn ku yeelan kara arrimha aduunka qaar ka mid ah.

 

Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar oo uu waramay Somaliland.Org ka hor intii aanu dhoofin ayaa  yidhi “xisbiga KULMIYE wuxuu ku shaqaynayaa siyaasad dibadeed oo kobcinaysa xidhiidhka Soomaliland la leedahay caalamka, waxna ka qabanaysa baylahda ka muuqata siyaasadda xukuumadda ee dibadda, sidaa awgeed ka qaybgalkayga shirwaynahani wuxuu ka jahaysan yahay dadaalka uu KULMIYE ugu jiro ka midha dhalinta himiladaasi”. Wuxuu kaloo  intaa ku daray “ Qaar ka mid ah wadamada Afrika iyo Yurub waxanu xisbi ahaan la samaysanay xidhiidh wadashaqayneed oo waxtar u leh horumarinta hawlaha qaran-dhiska  Somaliland.

 

Xogahayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE wuxuu kaloo sheegay in inta uu shirwaynuhu socdo uu kulamo gaar ah la yeelan doono qaar ka mid ah hogaamiyayaasha Yurub ee ka qaybgalaya shirwaynaha iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda Sweden. “Waxaan ka warbixin doonaa xaaladda siyaasadeed, nabadgalyo iyo dhaqaale ee Somaliland iyo kaalinta uu xisbiga KULMIYE kaga jiro hawlaha dalka iyo kuwa gobolka Geeska Afrikaba, waxaan kaloo ka mahadcelin doonaa taageeradii uu shirwaynahani reer Yurub sanadkii hore siiyay qaddiyadda aqoonsiga Soomaliland. Waxaa kaloo ka hadli doonaa hawalaha diyaargarawga doorashooyinka madawaynanimada ee dalka ka soo socda, khatarta ay budhcad badeedu ku hayso gobolka, arrimha xuquuqul Insaanka ee Soomaliland iyo hindisayaasha xisbiga KULMIYE ee ku jeeda sidii nabadgalyo loogu soo dabaali lahaa colaadaha ka aloosan manadqadda Geeska Afrika” ayuu yidhi xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE

 

Haweenayda la yidhaa Annemie Neyts-Uyttebroeck, MEP, President ELDR, Belgium, oo  madaxa ka ah Eurpean Liberal Democratic Reform (ELDR) ahna  shirguddoonka shirwaynahan, ayaa  bishii November ee kal hore waxay ku cambaaraysay Madaxwaynaha Soomaliland, Mudane Daahir Riyaale Kaahin, xadgudubyo ka dhan ah quxuuqan insaanka oo maamulkiisu kula kacay dad reer Soomaliland ah.  Waxayna ugu yeedhay inuu joojiyo tacadiyada noocan oo kale ah, haddii uu doonayo in urur xisbiyeedka ELDR uu sii wado taageerada uu u hayo qaddiyadda aqoonsiga dawladnimada Somaliland. ELDR waxay hore ugu soo jeedisay ururka midowga Yurub (EU) ee ay ka tirsan tahay in Somaliland la siiyo aqoonsi siyaasadeed oo buuxa.

 

Ka qaybgalka Xoghayahaha Arrimaha Dibadda KULMIYE ee shirwaynahani waxay dar-dar cusub galinaysaa dadaalka kooxaha siyaasadda ee reer Yurub qaarkood ugu jiraan aqoonsiga Somaliland.  

 

Somaliland. Org News Desk

 

 

 

 

 

 

 

 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.