Wararka Wargeyska OGAAL: Isniin, 27/10/2008

 

Waraysi lala yeeshay Sheekh Xukuumadu waaran u goysay oo laga baadhayo buuraha waqooyi

 “Ina Rayaalaanu is-haysanaa…Afrikaankuna wuxuu u tumaa maalinba ninka taajka gashan”

Hargeysa (Ogaal)- Sheekh Maxamuud Sheekh Muxumed Raagge oo ka mid ah culimada aad looga yaqaano Gobollada Hargeysa iyo Gebiley oo ka mid ah hormuudka dad ka biyo-diidsan in degaamo ka tirsan waqooyiga oo muran ka taagan yahay la raaciyo Gobolka Awdal, ayaa si adag uga hadlay arrimo la xidhiidha dhulkaas lagu muransanaa, isla markaana xusay in beeshiisa hore loogu xukumay, balse aan marna loo fulin.

Sheekh Maxamuud Sheekh Muxumed Raagge oo xalay u waramay Idaacadda madaxabanaan ee Horyaal isaga oo ku sugan buuraha waqooyi ee Golis oo aanu si gaar ah u tilmaamin, waxa uu sheegay in xukuumadu waaran qabasho ah u jartay, kaasoo amarkiisa uu ku sheegay inuu bixiyay Madaxweyne Rayaale, waxa waraysigiisa oo dhamaystirani uu u dhacay sidan:

S: Waxa jira goobo qalabkii diiwaan-gelinta la keenay laga hor-joogsaday, arrintaa maxaa ka jira ee aad ka ogtahay?

J: Waxa weeyaan arrintaasi way jirtaa, waana sanaaduuq loo keenay meel dad laga haystay mudo dheer oo intii wadankuba xorka ahaa ahayd. Isla markaana la yidhi, waa laydinku diiwaan-gelinayaa dhulkii aad dadka ka haysateen ee kaalaya ku cod-bixiya oo isku diiwaan-geliya. Dabadeedna dadkii way ka gadoodeen oo laga kacay, dabadeedna waa laga xoog-roonaaday, sanaaduuqdiina waxa dib loogu celiyay ilaa iyo meel la yidhaahdo Ruqi. Markii dambena dawladda ayaa meesha ciidamo keentay, markaa ilaa immikana ciidankii ay dadku iska abaabuleen iyo ciidankii dawladda ayaa is-horfadhiya.

S: Markaa Sheekh Maxamuud wax shaqaaqo ah oo ka dhacday iyo wax qalab ah oo la qaatay ogaantaa ma jiraan?

J: Maya, maya, qalabka markii baabuurta laga dejiyay ayuun baa dabadeed la yidhi dib ugu ceshada, dabadeedna markii ay arkeen in lala dagaalansan yahay qalabkii baabuurtii ayay dib ugu ceshadeen. Waxaana la yidhi halkiinaa jooga, waanaynu is-garanaynaa, dhul dad leeyahayna sanaaduuqdani idiin qaadimayso, baadilla halkan isugu diiwaan-gelinmaysaan ee sanaaduuqdiinii la noqda, markaa dabadeedna waxa la geeyay xadkii Awdal baa la geeyay oo dib loogu celiyay, Ruqi baa la geeyay. Wax alaab ah oo la qaatayna ma jirto, dawladduna sidaa waa ka markhaati, shacabkii waa ka markhaati, komishanka doorashooyinku waa ka markhaati, wax alla wax loo dhimay iyo handadaad la handaday ama gacan loo geystay midina intaba ma jirto.

S: Madaxweyne ku xigeenka, Badhasaabka Gobolka Awdal iyo wefti ay wataan baa iyagana la leeyahay way soo gaadheen, markaa ma is-aragteen oo ma wada hadasheen?

J: Aniga is-maanaan arag, meel aanu isku aragnana maba joogo. Anigu waxaan ahay muwaadin, waaran baana meel walba la dhigay oo Ina Rayaale dhigay, ninkaa ha la soo qabto ayuu yidhi. Madaxweyne ku xigeenkase waanu xidhiidhnay wax aan sanaaduuqddaas ahayna kamaanaan wadahadal. Madaxweyne ku xigeenka saaka 10:30-kii subaxnimo (shalay) ayaanu wadahadalay, waxaanu yidhi, berri (maanta) baan Gabiley imanayaa, dabadeedna anigu waxaan idhi odayaashii Gabiley way kaa horeeyaan, halkaasaanad isugu imanaysaan odayaashii beesha, dabadeedna ha laga wada tashado.

S: Maadaama aad wada-hadasheen Madaxweyne ku xigeenka, arrintaa wax aan ahayn oo isaku af-garateen ma jiraan?

J: Mayee wax aanu isku af-garanay ma jirto. Aqal iyo beer iyo ceel 1988-kii dad ka qaxeen dadkii ka qabsadayna ilaa immika ay haystaan la doonayana in lagu dul-diiwaangeliyo, wax kaloo aanu ka wada hadli karnaa dee ma taalo, ha laga kexeeyaanu nidhi tiina waa layga diiday.

S: Sheekh Maxamuud sidaad carrabka ku dhufatay, waxa la leeyahay waaran baa laguu soo gooyay oo waa lagu doon-doonayaa, maxaa adiga lagugu haystaa, maadigaa ka dambeeyay arrintan?

J: Aniga arrintuu ka dambeeyayna way leeyihiin, dee beesha ka mid baan ahay, ciddii ka dhiidhida ee iyagu (xukuumadda) u arkaan inay wax ka geysan karayso oo ay ka dagaalanto oo ay ka dedaasho, waa cadowgooda rajiimkan immika meesha ka jira.

S: Immika marka intaa laga yimaado meeshii ma ciidamaa isku haysta oo is-horfadhiya mise waa dhul iska degen oo nabad ah?

J: Nabadi walaal ma jirto, nabadi ma jirto, laba ciidan way is-horfadhiyaan, way is-eeganayaan, way is-arkayaan. Dhawr kun oo qof ayaa la baro-kiciyay, marka horena dhulkoodii qaxoonti ka ahaa, ku dhadhawaa oo kulaalayay oo horfadhiyay, badhna laga haystay. Ilaa 36km laga haystay, xagga dhererkana ilaa dhawr iyo seddatan km baa laga haystay. Intii kalena ilaa xalay (habeen hore) dhawr kun oo qof ayaa la baro-kiciyay oo dib ugu soo qaxay Somaliland hadana.

S: Sheekh Maxamuud ciidamada iyo masuuliyiinta halkaa soo gaadhay ma wada hadasheen oo wax kulan ah ma wada yeelateen iyaga?

J: Mayee maanaan wada yeelan, meel aanu ku wada yeelano kulana anigu ma joogo. Magaalo ma joogo, meeshana ma joogo oo waan ka durugsanahay.

S: Halkee ayaad joogtaa oo aad immika igala hadlaysaa adigu?

J: Buuralayda fog ee Somaliland ee Golis Range ayaan immika kaala hadlayaa oo aan joogaa.

S: Taa marka laga gudbo, waxa la leeyahay shaqaaqadan iyo fidmadan adigaa abuuray oo dadka kicinaya, markaa maxaa adiga dan iyo faa’iido ah ee kuugu jirta arrintaa maad faraha ka qaadid?

J: Oo ninka ku yidhaahda aqalkaygan iyo beertaydan iiga tag, ma fidmo abuur baa weriye?…..Inbadan baanu dhulkayagii baryaynaa oo guurtidu xukuntay oo aanu xukunkii haynaa oo la yidhi waar dadyahow dadkan uga taga dhulkooda oo la diidan yahay oo guurtidii xukuntay ay diidan tahay oo Ina Rayaale reerkoodii baa dhulka haystee muxuu uga kaxayn la’yahay, aniguse maxaan dambiile ku noqon karaa?

S: Sheekh hadii sidaa arrintu tahay miyaanay ka haboonaan lahayn inaad qaab sharciya wax ku wajahdaan oo aad nabadgelyo wax ku doontaan?

J: Middida uu ninkii sitay haysto daabka sharci ma taqaano. Guryihii oo la dumiyay soo arag, beerihii oo layska haysto soo arag, ceelashii soo arag, iskaraabkii oo la gurtay soo arag, dadkii oo hantidii laga dhacay lagu dhex-haysto dhulkoodii soo arag!

S: Laakiin immika waxa la leeyahay arrintu waa diiwaangelin uun ee dhul la qaadanayo iyo doorasho midna ma jiro, markaa maxaad ku diidaysaan dadku inay is-diiwaangeliyaan?

J: Dadka ma halkiisaa lagu diiwaangeliyaa kow dheh, mise meel aanu lahayn baa lala doon-doontaa oo la yidhaahdaa halkaasaan kuugu imane igu sug aan kugu diiwaangeliyee?

S: Hada ka hor arrintani mudo dheer bay taagnayd, sida aad sheegtay guurti baa gashay, xukuumadaa gashay, marar fara badan baa xal laga gaadhay, markaa waxaas oo dhami miyay idiin cuntami la’yihiin?

J: Inaadeer Guurti anigu aan garanayo oo sharci ku fadhidaa ma jirtee sharcigii daaqad baa laga tuuray. Xukunnaday gaadheen hadaad immika ila arki lahayd adigaa argagixi lahaa oo yaabi lahaa. Bal waxaad waydiisaa Guurtida iyo Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre meeshaa dadkii lahaa ma u xukunteen oo ma tidhaahdeen uga taga.

S: Ma cid kale ayay u xukumeen baad u jeedaa markaa?

J: Mayee, annagay noo xukumeen oo ay yidhaahdeen dee dadkan guryahoodii uga taga.

S: Hadii ay idiin xukumeen maxaa loo fulin waayay?

J: Waa Ina Rayaale ciddaanu is-haysanaa, isagii baana ogol inuu halkaa reerkoodii ka tegin oo uu qaato, reerkayaga lagama kaxayn karo buu yidhi.

S: Midda kale guddiga doorashooyinku waxay leeyihiin degaamaddaasi waxay annaga noo xisaabsan yihiin Gobolka Awdal, markaa iyaga wax xidhiidh ah ma la samayseen?

J: Waar waxaan ku idhi, Afrikaanku wuxuu maalinba u tumaa ninka taajka gashan. Ina Rayaale oo ah kii waddankan aanu ka xoraynay ayaa maantana loo tumayaayoo dadkii iska xoreeyay dib loogu adoominayaaye arrintu waa intaa weeye.

S: Ugu dambayntii muxuu xalku noqonayaa?

J: Xalku wuxuu noqonayaa dadkan dhulkooda ha looga tago, hadii looga tegi waayana xaalku wuu xumaanayaa. Afwaynaan u badheedhay duhur cad 1988-kii, kii ku ka xun ayaa waddanka haysta, waana la wada ogyahay, adigaagan weriyaha ah baa og.         

 

 

Beesha Sacad Muuse oo go’aan ka soo saartay muranka deegaanada Waqooyi

“Madaxweynuhu si aan  meeqaamka

Beesha u qalmin ayuu nooga kacay”

Hargeysa (Ogaal) – Beesha Galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa, ayaa sheegtay in wixii khasaare ka yimaada haddii deegaanka muranku ka taagan yahay ee Waqooyiga uu isku dhac ku dhexmaro ciidan xoog ah oo xukuumaddu halkaa geysay iyo dadka deegaanka oo is horfadhiya uu masuuliyadeeda qaadi doono Madaxweyne Rayaale. Isla markaana waxay ugu baaqeen goleyaasha qaranka, xisbiyada Mucaaradka iyo bulsho-weynta Somaliland inay gurmad ka galaan xiisad haatan halkaas ka taagan.

War-murtiyeed ay Salaadiinta, Cuqaasha iyo Wax-garadka Beeshu xalay ka soo saartay magaalada Hargeysa, waxa lagu sheegay in Madaxweyne Rayaale uu beeshooda ula dhaqmay si ka hoosaysa meeqaadka ay mudan yihiin, ka dib markii uu kulan ay dhawaan la yeesheen kaga kacay, isla markaana uu awood Milateri u adeegsaday sidii deegaankaas loo geyn lahaa goobaha Diiwaangelinta oo ay doraad afar ka mid ah dadka deegaanku horjoogsadeen in hawsha laga bilaabo. Bayaanka beesha Sacad Muuse oo lagu faahfaahiyay sababaha muran-xuduudeedka dhaliyay iyo kulamo ay la yeesheen Madaxweynaha, waxa uu isaga oo dhammaystiran u dhignaa sidan;

“Haddii aanu nahay Salaadiinta, Cuqaasha iyo Wax-garadka Beesha Sacad Muuse waxaanu u sheegaynaa shacbiga reer Somaliland yar iyo weynba, Goleyaasha Qaranka iyo asxaabta Mucaaradka ah xaaladda ka taagan xuduudda u dhexeysa gobolka Awdal iyo gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa), oo waqtigan maraysa meel aad xaasaasi u ah oo u baahan in laga gurmado. Taasoo laga baqo qabo in dagaal ku dhexmaro ciidanka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dad shacab ah oo muwaadiniinta Somaliland ka mid ah, taasoo ay sabab u tahay ‘waxaanu ka tirsanaan jiray gobolka Maroodi-jeex iyo waxaad ka tirsan tihiin gobolka Awdal’ ay tahay khilaafka u dhexeeya.

Haddaba, haddii aanu nahay beesha Sacad Muuse waxaanu halkan ku caddaynaynaa in wixii ka yimaada ama khasaare ka dhaca ay masuul ka tahay xukuumadda uu Madaxweynaha u yahay Daahir Rayaale Kaahin. Sababta oo ah, waxaanu ugu tagnay ergo ka kooban Salaadiin, Cuqaal iyo Wax-garad beesha Sacad Muuse ah, waxaananu ula tagnay in goobahaa laysku hayo gobolka ay ka tirsanaanayaan, kuwaasoo kala ah lix goobood oo Waqooyiga Hargeysa ah iyo todoba goobood oo Waqooyiga Gabiley ah, kuwaasoo dhammantood ka tirsan gobolka Maroodi-jeex, ayna isku hayaan gobolka Awdal. Waxaanu ka codsaday Madaxweynaha in goobahaa Diiwaangelineed ama Cod-bixineed ee laysku hayo maanta in la waafajiyo sida ku cad Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ansixiyeen Baarlamaanku, Madaxweynuhuna saxeexay, kaasoo dhigaya inay ahaadaan xuduuddaha gobollada iyo degmooyinku sidii ay ahaayeen 1960-kii. Waxaananu ka codsanay in todobada goobood ee Waqooyiga Gabiley ah oo laga xukumi jiray degmada Gabiley ee gobolka Hargeysa, loo dhigo imikana oo laga dhigo goob Diiwaangelineed oo laga xukumo degmada Gabiley, lixda goobood ee kalena ee Waqooyiga Hargeysa oo 19960-kii laga xukumi jiray Hargeysa loo dhigo Hargeysa.

Codsigayagaa ka dib, Madaxweynuhu wuu naga diiday waxaana muuqatay si aan u qalmin meeqaamka beesha Sacad Muuse inuu naga kacay iyo Salaadiinta oo aanu tixgelin badan siinin. Waxaanu amar nagu siiyay in loo dhigayo gobolka Awdal dhammaantood todobadaa goobood ee Waqooyiga Gabiley ee ka tirsan degmada Gabiley, lixda goobood ee Waqooyiga Hargeysa-na uu laalay. Intaa dabadeed, waxaanu ka codsanay inuu dhammaan wada laalo oo uu ka dhigo heer Komishan ama heer qaran arrimo Nabadgelyo darteed, marka la kala xadeeyo gobollada iyo degmooyinkana gobolka ay raacaan lagu daro, taana wuu naga diiday Madaxweynuhu. Intaa ka dib, waxaanu u dirnay anaga oo eegayna in aan Nabadgelyada dhaawac soo gaadhin laba ergo oo kale. Iyagana (ergooyinka labaad ee ay direen) waxa uu mariyay wadadii uu na mariyay. Sidaa awgeed, waxaanu mar labaad cadaynaynaa inuu Madaxweynuhu amar ku bixiyay in awood Milateri lagu dhigo goobahaa, ka dib markii ay ka gadoodeen dadkii dhulkaa diidanaa in lagu daro gobolka Awdal, oo ay Sanaaduuqdii ka qaadeen nimankii Komishanka ahaa, una soo celiyeen iyadoo aanay waxba ka maqnayn haba yaraatee, kuna yidhaahdeen ‘halkii laydinka soo diray ku celiya gobolkaa nalagama xukumee.’ Amarka ka dib, waxaanu leenahay wixii ka yimaada Madaxweynaha ayaa ka masuul ah ee awoodaa Milateri ku yimaada.

Haddaba, baaqa aanu u soo jeedinayno umadda reer Somaliland ee Nabada jecel waxa weeye; in arrintaa laga gurmado lagana hortago wax dhibaato ah oo meeshaa ka dhaca.

Magacyada

  1. Suldaan Axmed-nuur Cabdilaahi Samaale
  2. Suldaan Xasan Sul. Nuur
  3. Suldaan Ismaaciil Sul. Cabdiraxmaan
  4. Suldaan Xusseen Ismaaciil Geelle
  5. Suldaan Sulub Nuur Warsame
  6. Suldaan Jaamac Cismaan Aadan
  7. Suldaan Ismaaciil Aadan Xirsi
  8. Suldaan Xiis Barre
  9. Chief Caaqil Cabdi Ciidle Amaan

10. Caaqil Cabdilaahi Qalinle

11. Caaqil Xusseen Aw Muuse

12. Caaqil Aadan Ismaaciil

13. Caaqil Khadar Yuusuf Ismaaciil

14. Oday Faarax Cabdilaahi

15. Oday Cumar Ducaale Cali

16. Oday Siyaad Cabdilaahi Digaale

17. Oday Cismaan Maxamed Geelle

18. Oday Maxamed Cabdilaahi

 

Xog-waranka Gudoomiyaha iyo Xumadda Diiwaangelinta   

“Anaga nama khusayso halkaasaa laysku haystaa iyo halkaasaa laysku haystaye Maamulkay u taalaa”

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka

 

“Dadweyne aad u tiro badan ayaa Borama jooga oo doonaya in la siiyo waqti dheeraad ah.”.

Hargeysa (Ogaal) –  Hal qof ayaa ku dhintay laba qofna way ku dhaawacanmeen mid ka mid ah goobaha ay ka socoto diwaangelintu Gudaha magaalada Boorama, ka dib markii buuq ka dhashay duhurnimadii shalay, Islamarkaana ay halkaas rasaas ka rideen ciidamada ilaalinayay Amaanku.

Xamda Axmed Cabdi Miicaad oo da’deeda lagu sheegay 19-jir oo rasaasi ku dhacday ayaa Goobta Qoor-gaab ku geeriyootay, sidoo kale Nimco Ibraahim Daahir ayaa dhaawac soo gaadhay. Iyadoo hawshii diiwaan-gelinta ee halkaas ka socotayna istaagtay.

Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Booliska Boorama Muuse Abdilaahi Hanfi oo ka mid ahaa saraakiisha hagaaminaysay ciidamada Ilaalinta Nabad-gelyada goobtaa u joogay ayaa isna waxa soo gaadhay dhaawac ka dib markii uu jiidhay Taliyaha gaadhi bileysku leeyahay.

Warku wuxuu intaa ku daryaa in Marxuumada Geeriyootay iyo dadkii kale ee halkaas ku dhaawacmayba la geeyay Cusbitaalka Guud ee magaalada Boorama. Ciidamada Bolisku kama ay hadal sababta shilkan keentay.

Dhinaca kale, wararka aanu ka helayno Gobolka Awdal ee la xidhiidha diiwaan-gelintu waxay sheegayaan in hawshu inta badan Goobaha Gobolkaasi ee loo qorsheeyay inay diiwaan-gelinu ka dhacdo ay si fiican uga socotay marka laga reebo, dhawr goobood oo muran xuduudeed darteed ilaa maalintii ugu horaysayba aanay uga bilaamin, goobtaa khaakhuulku ka dhacay oo duhurnimadii shalay Xidhantay iyo sidoo kale, goobaha qaarkood oo cilado farsamo la soo darseen.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kaba-weyne) ayaa ka hadlay muran ka dhashay goobo ka mid ah goobaha Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha laga bilaabay ee Gobolka Awdal, isaga oo sheegay in ay suurtogal tahay in la kordhiyo muddada ay Diiwaangelintu ka soconayso Gobolka Awdal cabashooyin soo gaadhay awgeed.

Waxa kale oo uu sheegay Gudoomiyahu in Shaqaalaha ku hadhay ee ka hawlgalaya Gobolka Saaxil si ay u diiwaangeliyaan dadka aan fursadda u helin is-diiwaangelintu aanay Kaadhadhka codbixinta oo uu sheegay in la siin doono maalinta codaynta dadka sababa jira awgood.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo shalay duhurkii Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, ayaa sheegay in Kooxo shaqaale ah loo diray afar goobood oo ka mid ah Gobolka Saaxil oo hore looga soo gebogebeeyay hawsha Diiwaangelinta, si ay u dhammaystiraan wixii ka qabyo ah hawsha Diiwaangelinta. Waxaanu dadka ku wargeliyay in Shaqaalahaasi aanay Kaadh Cod-bixineed siinaynin dadka, balse kaliya ay diiwaangelinayaan. “Waxaanu shalay (dorraad) oo bishu ay 24 ahayd shaqaalihii u gudbinay afar goobood oo ay dib shan iyo toban cisho lagu jirayo oo ay hawshii ka bilaabantay, isla markaana ay socotaa. Waxa kale oo aan dadka doonayaa inaan u sharaxo oo ay ogaadaan in aan Kaadhadhkii la siinayn. Balse maalinta uu codka dhiibanayo uu Kaadh ka helayo goobta uu ka codaynayo oo uu halkaa ka caddaynayo, mana ah sida tii hore. Waxaana weeye goobahaasi Gobolka oo dhan ayay ka dhaxeeyaan, Gobolka Saaxil ayay ka dhaxeeyaan.” Ayuu yidhi Guddoomiye Kabo-weyne. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Markaa nin kasta meel buu uga iman karaa, goobo kale ayuu ka imanayaa oo aanay joogin Shaqaalahani. Marka uu u yimaaddana wuxuu u sheegayaa goobta uu ka codayn lahaa, goobtaas ayaa Kaadhka loogu dirayaa, maalinta Codayntana halkaas ayuu Kaadhka ka qaadanayaa. Sidaa darteed, waa in dadku fahmaa oo aanay is-qabsan hadhow oo aanay odhan maxaa Kaadh la’ii siin waayay.”

Waxa kale oo uu Guddoomiyaha Komishanku ka hadlay khalad uu sheegay in ay ka dhacday laba goobood oo Gobolka Awdal ah. “Khalad dhacay baa jira oo aanu doonayno inaanu caddayno, kaas oo ah in Baabuurtii Qalabka siday ay is-weydaarteen oo ay kala bedelmeen, Shandadihii iyo Koombiyuutarradiina kala bedelmeen. Markaa si aanu khaladkaasi dib ugu dhicin oo aanay u qaldamin ayaanu Goob kasta lambarkeeda ku qoraynaa qalabkeeda oo aanu Warqad ku dhejinaynaa.” Ayuu yidhi Mr. Kaba-weyne. Waxaanu sheegay in ay ku daba jiraan ciddii khaladkaa samaysay oo ay baadhayaan. “Imikana ciddii ka khaldantay iyo ciddii khaladka samaysay waanu baadhaynaa, waanuna ka daba tegaynaa.” Ayuu raaciyay.

Sidoo kale Guddoomiye Maxamed-Kaba-weyne ka hadlay muran ka dhashay afar goobood oo ka mid ah Goobihii ay diiwaangelinta ka bilaabeen, kaas oo salka ku haya lahaansho xuduudeed. “Waxa na soo gaadhay Goobo laysku qabsaday, anigu maba arko inay jirto wax ay isugu qabsadaan. Sababtoo ah, tani waa diiwaangelin ee maaha codayn..qofku Xisbiga uu yahay iyo cidda uu doono hadhow ha u codeeyo, hase ahaatee qof waliba in uu Kaadhkiisa xorriyad ku qaato oo uu hadhow Mukiladda xal laga doono ayay ahayd. Maaha iyada oo hawshii lagu jiro in laysku qabsado.” Ayuu yidhi Guddoomiye Maxamed.

Guddoomiyaha Komishanku waxa uu sheegay in tirada dadka hadda ku sugan Magaalada Borama iyo gobolka Awdal awgood ay isa soo tarayaan cabashooyin soo gaadhaya, kuwaas oo ku wajahan in la kordhiyo muddada diiwaangelintu ka soconayso Gobolkaas. Isag oo sheegay in ay suurtogal tahay in la kordhiyo muddada iyo qalabkaba.“Imika Dadweyne aad u tiro badan ayaa Borama jooga oo lay soo sheegayay in ay doonayaan in la siiyo waqti dheeraad ah. Anigu kollay koobiyuutarradu lix cisho ayay ku buuxaan oo ay ku xidhmayaan, kollayba dalkeenu wuu Shacab badan yahay, waxaanan laga maarmaynin waxyaabo  badan oo ah in kordhin lagu sameeyo goobta oo lagu kordhiyo qalab kale iyo in habeenkii la shaqeeyo waqti dheeri ah. Wax kale oo iman doonta in haddii dadka la gaadhi waayo lagu daro maalinta lixaad, oo way inoo furan yihiin.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Waxase uu dadweynaha ugu baaqay in aanay culayskooda saarin maalinta u horraysa, balse ay jiraan maalmo badan oo qof waliba si aan diiqad ahayn isu diiwaan-gelin karro. “Laakiin, waxa fiican in aanay maalinta u horraysa uun culayska saarin diiwaangelinta’e oo sida Borama aan Kuyuuga laysku cidhiidhyin, daaqadahana la jejebin. Isla markaana aan inta ay dadku maalintii Kun qof ku tegaan ay yidhaahdaan Kun-kaba hanala diiwaangeliyo, caqliga ma gasho. Markaa iyada oo aan lays dhibin ha lays diiwaangeliyo. Waayo, Koombiyuutarkiiba waxa loogu talo-galay in uu qabto oo uu diiwaan-geliyo 200 ilaa 300 oo qof maalintii.”

Intaa ka dib Guddoomiyaha Komishanka waxa halkaa lagu waydiiyay su’aalo kala duwan. Waxaanay su’aalahaas iyo jawaabihi uu ka bixiyay ay u dhaceen sidan;

S: Guddoomiye, waxa jira Dhul lagu muransan yahay lahaanshihiisa, kaas oo ay Salaadiin arrintaa ka hawlgashay iyo M/weynuhu kulmeen. Markaa murankaas sidee laga yeelayaa?

J: Waxa lay soo sheegay in goobihii afarta ahayd ee muranku ka dhashay mid ka mid ah la furay, saddexda kalena la dhammaynayo oo ay si dhaqso ah u dhammaanayso.

S: Guddoomiye, hawsha Diiwaangelintu waxay ka socotaa gobolka Awdal, goobaha laysku haystana waxaad diiwaangelinta uga bilowdeen Awdal ahaan. Markaa taa laf ahaanteedu miyaanay caqabadda qayb ka ahayn?

J: Horta, mar haddii ay Deegaan tahay arrintani waxa loo samaynayo anigu sida aan u arko haddii aan ahay Guddoomiyihii Komishanka ama Komishan ahaan aanu u aragnaa oo aanu jecelnahay in nin kasta oo Somaliland ahi oo muwaadin ahi in uu samaysto Kaadhkii uu ku codayn lahaa iyo kii Jinsiyadda oo uu qaato. Anaga nama khusayso halkaasaa laysku haystaa iyo halkaasaa laysku haystaa, wixii is-haystaa iyaga ayay u taalaa iyo Maamulka. Anagu Koombiyuutarro ayaanu soo samaynay oo aanu goob ku soo samaynay, goobta magaceeda ayaa ku qoran iyo Gobolka ay ka tirsan tahay. Sidaa darteed, maadaama aan ilaa hadda wax la bedelin oo ay sidii hore tahay, anaga sidii hore ayay noogu diiwaangashan tahay. Waanuse jecelnahay in wanaag iyo xal wanaagsan laga gaadho.

S: Guddoomiye, maadaama murankan xuduudeed caqabad ku noqonayo hawsha Diiwaangelinta, miyaan la odhan Karin markii hore ayaydun Komishan ahaan iyo Xukuumad ahaan ka gaabiseen inaad xal ka gaadhaan arrintan ka hor intii aan la bilaabin Diiwaangelin?

J: Adiga (Suxufiga su’aasha waydiiyay) ayaan ku waydiiyaye, ma waxa jiray qalalaase jiray oo naloo keenay oo nalagu yidhi goobtaa cid ha u soo samaynaynina waanu isku haysanaaye, Koombiyuutarkana ka ilaaliya? Nalama odhanin anaga, meel ay taalana nalooma sheegin. Aniga labaatan ilaa soddon Suldaan ayaa aniga ii yimi iyada oo ay Diiwaangelinta (Gobolka Awdal) maalini ka hadhay, waxaan ku idhi anagu wixii oo dhan waanu soo dhamaynay, dariiqa idiin furani waxay tahay Wasaaradda Daakhiliga iyo Maamulka ayaa shaqadeeda leh. Anagu haddii meeshii laysku haysto waanu ka hadli karnaa, laakiinse markii aanu waxan samaynaynay cidina nooma soo dacwoon, nalamana odhan geestaa raaciya geestanna ka reeba.

S: Guddoomiye waxa jirtay in xubin ka tirsan Guddida Doorashooyinka ee aad Guddoomiyaha ka tahay uu ku eedeeyay Axsaabta inay hab beelaysan u gelayaan Diiwaangelinta oo ay beelaynayaan. Markaa arrintaasi ma jirtaa, mise la qabtaa?

J: Wallaahi, anigu ma joogo goobta (Awdal), wax warbixin ah oo iiga yimi-na ma jiro, in ay Axsaabtii joogaan oo ay cod-bixiyayaal ku yeeshaan goobtana waa loo baahan yahay. Laakiinse, wax caddaan ah oo lay soo sheegay ma jirto oo qoraal ah oo lay soo qoray.

S: Waxaad sheegtay in 200 ilaa 300 oo qof Koombiyuutarkiiba diiwaangelinayo maalintii, waxase jira warar sheegaya in wax ka yar 100 la diiwaangeliyo maalintii. Siday isu-waafaqayaan?

J: Shalay (dorraad) waxa la sheegay in Koombiyuutar kali ahi uu sameeyay oo uu diiwaangeliyay 300 oo qof, bahalladuna (Koombiyuutarradu) isku qaad weeye oo waa isku mid. Berbera waxa lagu dhammeeyay saddexdii cisho ee ay caadiga u shaqeeyeen ayay tiradan badan oo dhan diiwaangeliyeen. Markaa maalmihii hore marka qofku wax ku cusub yahay waa sidaa, laakiin imika waxa jira innamo haddii shaqada loo daayo oo aanay dadku tuurtuurin oo aanay dhibin intay doonaan gaadhsiin kara.

S: Guddoomiye, waxa jira goobo aanay hore doorasho uga dhicin, isla markaana uu saameeyay muran xududeed oo dhinaca xeebta waqooyi ee gobollada Awdal iyo Hargeisa ah, kuwaas ka waran iyaga?

J: Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxay anaga na siisay waxa weeye in ay kuwaasi madax-bannaan yihiin oo ay iskood ahaanayaan. Dadku Kaadhadhka waayi maayaan oo way qaadanayaan inta mushkiladda la xallilayo, xalkuna hadhow marka uu yimaaddo halka loo xallilo ayay raacayaan.

 


“Mushkilada Xeebta Waqooyi Xoog umma baahna”

“Waa in aan Xukuumadduna shacbigeeda u soo xayd-xaydan”

 

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir:

 

Hargeysa (Ogaal)- Suldaan MadAxmed Suldaan Cabdiqaadir oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland ayaa ka digay dhibaato ka dhalata muran salka ku haya lahaanshaha Deegaamo ka mid ah kuwa Xeebta Waqooyi, kaas oo ay lahaanshahooda ay gobollada Hargeysa iyo Awdal midba dhinac ka sheeganayo.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo shalay qaar  ka mid ah Warbaahinta maxalliga ah kula hadlay Hotel Emperial ee Magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay sooyaalka taariikheed ee Deegaamadan oo uu sheegay in ay deegaan ahaan degaan laba Beelood oo ka tirsan Beelaha Somaliland. “Waxaan doonayay in qaddiyaddan Xeebta Waqooyiga in aan dadka fahamsiiyo cidda deegaan ah, cidda hadda rabta inay deegaan ka noqoto iyo cabashooyinka ay dadku noo keenayaan. Horta waynu ogayn oo doorkii hore Doorasho kamay dhicin min Ceel-sheekh ilaa Lughaya, sababtuna waxa weeye, meeshan cid baa u deegaan ah. Dadkii u deegaanka ahi waa dadka Gobolka Salal iyo deegaanka Hargeysa oo aan kali ku ahayn, balse waxa jirta Geela oo dhami laba xilli ayuu Xeebtaa Waqooyi ku baxsadaa, waa xilliga Jiilaalka iyo Xagaaga. Geela Bullaale joogaa halkaas ayuu u daaqsin yimaadaa, …Ka Jig-jiga 200-km halkaa ka xiga maanta haddii aad tagto Deegaankan waad ka helaysaa Geeliisa oo sumaddii leh oo daaqaya.” Ayuu yidhi Suldaanku. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waa bugcadda ugu qanisan Somaliland haddii ay Shidaal noqoto iyo haddii ay Macdan kale noqoto. Dadku Warbixinaha Satelaytka ma akhristaan, waxyaabaha meesha ku jira sida Shidaalka oo kale in ay Bariga Afrika oo dhan maalintii waxay isticmaali karaan uu ku filan yahay.”

Sidoo kale waxa uu Suldaan Maxamed ka dayriyay tallaabo uu ku sheegay in dad laga keenay dalalka deriska ah loogu daadguraynayo Deegaamadaas. Waxaanu ka digay in Deegaan kaliya oo dalka ka tirsan ay ka baaqsato diiwaangelintu, isaga oo sheegay in haddii ay taasi dhacdo ay Hal bacaad lagu lisay ka dhigayso Diiwaangelinta. “Shalay waa la ogaa in aanay Doorasho ka dhicin, waayo cidda u badan ee Deegaankaa deggan ayaa la yaqaanay.. Deegaankan cid baa iska leh ee ciddii lahayd in laga diiwaangeliyo ayay ku qurux badan tahay, diiwaangelintuna haddii ay meel kaliya ka habsaanto wax alla wax kale ee isdiiwaangeliyay waxba kama jiraan.” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed. Suldaanku wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha in aan arrinta awood loo isticmaalin, balse talo-wadaag lagu dhammeeyo.  “Anigu waxaan leeyahay Madaxweynaha, dal Dimuqraadi ah ayaynu nahay reerna-reer xoog kuma qabsan karo, talo wadaag ayaa inaga dhaxaysa iyo in arrinta laysaga yimaaddo oo lagu xisaabtamo nabadgelyada ay Somaliland samaysatay. Waxaanay maanta saaran tahay qurqur Qaanso. In Madaxweynuhu aanu arrintaas awood u isticmaalin ee talo-wadaag lagaga baxo ayaan Madaxweynaha u soo jeedinayaa oo aan ku talinayaa.” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waayo, Somaliland maanta heerka ay marayso Diiwaangelintan waxa hoos socda tiro-koobkii Caalamiga ahaa ee lagu eegayay Somaliland Dadweynaheeda, oo haddii uu 3.5-Milyan ka bato in xorriyaddeeda la siiyo oo lagu ictiraafo. Laakiin, waa in aanay Caadda iyo Xeebtan Waqooyi dhibaato dambe umadda gelin oo aanay Xukuumaddu shacbigeeda u soo xayd-xaydan. Tikniko loogama baahna, Dagaalna loogama baahna ee in xal Siyaasi ah lagu dhammaystiro ayay u baahan tahay. “

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu sheegay in uu Maalinta Salaasada ah Shir qabanayo, waxaanu ugu baaqay Golaha Wasiirada Xukuumadda, Labada Gole Qaran iyo dadka reer Hargeysa in ay ka soo qayb galaan. “Waxaanu odhan lahaa Golaha Wasiirada, labada Gole iyo Dadka waxgaradka reer Hargeysa in ay Shir isugu yimaadaan oo arrintaas la dhammaystiro. Anigu dadka waxgaradka ah ee reer Hargeysa waxaan ka ballan qaaday in aan Beertii Shir ku qabto maalinta Salaasada. Shirkaasi wuu u furan yahay Dadka, waxaanan ku dhiirigelinayaa nabadgelyada aynu ka shaqayno, Xukuumadduna dadka ha ka dayso in ay Xoog ku isticmaasho. Xeebta Waqooyi ha u furnaato Diiwaangelinta iyo tiro-koobkeeda oo Tuulooyinkii hore loo saaray xayiraadda waxaan leeyahay ha laga qaado xayiraadda.” Ayuu yidhi Suldaanku. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waayo, maanta meel dambe oo lagu noqdaa ma jirto. Beelaha meesha Deegaanka ku ahi beelina iskama laha Daaqsinka iyo Dhulka, balse waxa uu ka dhaxeeyaa umadda Xoolo-dhaqatada ah. Haddii ay maanta reer Awdal ay yidhaahdaan waa Deegaan Awdal ah, dee adeer Beeraa laga samaynaya, Geeluna wuu dhego la’yahay oo meel walba wuu jiidhayaa.”

Waxaanu Suldaanku ka digay colaad ka dhalata sheegasho labada Gobol ah, isaga oo xusay inaan dhulkaa laga dhigin Beero. “Cadaawad baa ka bilaabmaysa iyo in ay Reerihii Xabbad isku dhuftaan, sidaana xukun ku tamarin maayo. Shacbiga reer Somaliland-na in ay Dhul-daaqsimeed Beero ka dhigtaan colaadeedu halkay gaadhayso waa la garanayaa. Meesha Geelii Hawd oo dhan baa jooga, Wiil kasta oo Geel jire ahi Qorigiisii ayuu haystaa oo uu sitaa, Tiknikaddii waxa lagu furtayna Qori buu ahaa. Tikniko tii Siyaad Barre ka xoog wayna haddii ay timaaddo, tii  oo kale ayay iska noqonaynaysaa.” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan. Waxaanu Xukuumadda ugu baaqay oo uu yidhi, “Markaa Xukuumadda waxaan kula talinayaa in ay dadkeeda ilaashato, shacbigu Xukuumaddan isaga ayaa doortay..wixii iyo Xilkii ay Rayaale u doorteen haddii uu hayo in lagu ixtiraamaa waa mid waajib ah. Markaa anigu waxaan leeyahay umadda yaan layka horkeenin, waxani dhawr iyo toban qarni ayay soo taagnaayeen, waqtigaasna waxay ahaayeen Deegaan Hargeysa iyo Saylac ka dhaxeeya. Haddii maanta Deegaan kale yidhaahdo waanu soo galaynaaa waxay ila tahay wax suurtogal ah in aanay ahayn.”  Waxaanu ka digay wax uu ku tilmaamay Dhul-ballaadhsi, isaga oo Xukuumadda u soo jeediyay hadal u dhignaa, “Xukuumadda wixii aqoon kaga dhiman ha korodhsato. Waxa jira Buugaag laga qoray oo yaala Xafiisyada Maxmiyadda oo ah Deegaannadu siday ahaan jireen ah, haddii aanay hayna anaga ayaa u haynee ha na waydiiso.”

 Dagaallo ka dhacay Soomaaliya iyo Wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho (AFP/Ogaal)- Ugu yaraan lix qof oo uu ku jiro mid ka mid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa dhintay ka dib markii Ciidamada Maamulka TFG ee Somalia weerar ku qaadeen Magaalada Bardaale oo ay gacanta ku hayeen Kooxaha Dagaalka kala horjeeda. Iyada oo Dagaal kalena uu ka dhacay Deegaamo ka mid ah Gobolka shabeellaha hoose ee  isla Somalia.

Sidaanu ka soo xiganay Wakaaladda Wararka AFP, Lix qof oo uu mid ka mid ahi ahaa waardiye u shaqaynayay Qaramada Midoobay ayaa dhintay ka dib markii Ciidamada Maamulka TFG ay weerar ku qaadeen Magaalada Bardaale oo 310 km dhinaca koonfur-galbeed ka xigta Magaalada Muqdisho. “Saddex ka mid ah Dagaalyahannada Kooxaha ka horjeeda Dawladda iyo laba ka mid ah Ciidamada Dawladda ayaa ku dhintay Dagaalkan, kaas oo ka dhacay meel dibedda ka ah Magaalada.” Sidaa waxa AFP u sheegay Maxamed Aw-Muumin oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka Magaaladaas. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Dagaalku wuu joogsaday, laakiin labada Ciidan way is-hor fadhiyaan wali”

Sarkaal uu hadlay Ciidamada TFG ee Somalia oo lagu magacaabo Cabdi Macalim ayaa sheegay in Ciidamadoodu ay la wareegeen gacan-ku-haynta Magaalada Bardaale. “Si aad ah ayaanu ula dagaallanay, waxaananu ka dilnay laba ka mid ah, imikana anaga ayaa Magaalada ku sugan oo haysana” ayuu yidhi Cabdi Macalim.

Dhinaca kale, Dagaallo laysu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa shalay ka dhacay inta u dhaxaysa Degmooyinka Leego iyo Yaaq-biri-weyne ee Gobolka Shabeellada Hoose ee Somalia. Dagaalkan ayaa qarxay siday Wararku sheegayaan ka dib markii ay Kooxaha Dagaalka kala horjeeda Maamulka TFG ay weerar ku qaadeen Kolonyo baabuur iyo Ciidan ah oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Cabdilaahi Yuusuf iyo kuwa taageera ee Itoobiyaanka. Kuwaas oo la sheegay inay u socdeen Magaalada Muqdisho. Inkasta oo aan si dhab ah loo ogayn khasaaraha dhabta ah eek ala gaadhay labada dhinac, haddana ma aha markii u horraysay ee uu dagaal u dhaxeeya labada dhinac uu ka dhaco Deegamadan.

 

 

Furitaanka Maxjarka Xoolaha Boosaaso iyo fulin-la’aanta ballanqaadka Xukuumadda M/weyne Rayaale

Boosaaso (Ogaal/W.Wararka)- Maxjarka baadhista Caafimaadka Xoolaha ee Magaalada Boosaaso ayaa shalay si rasmi ah loo furay ka dib markii uu Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland ee Somalia Cadde Muuse uu xadhiga ka jaray shalay.

Sidaanu ka soo xiganay Shabakadda Wararka HOL, Maxjarkan ayaa isla shalayba laga bilaabay baadhitaanka Caafimaadka Xoolo gaadhaya ilaa 3000 oo neef. Iyada oo sida uu sheegay Mulkiilaha Shirkadda Xoolo-dhoofka Deegaankaasi uu sheegay in uu hadda wixii ka dambeeya si dhab ah u shaqayn doono Maxjarku. Iyada oo sida la sheegay ay markiiba ku xeroon karaan in ka badan 5,000 oo neef.

Maxjarkan ayaa la sheegay in ay ka hawgalayaan shaqaale tiradoodu dhan tahay 99 shaqaale ah oo isugu jira Ajenabi iyo Soomaali.

Dhinaca kale, Maxjarka Berbera oo ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ballan qaadday in muddo shan bilood ah lagu dhammaystirayo dhismihiisa, ayaan ilaa hadda waxba ka hirgelin. Iyada oo ay hore diidmo uga muujiyeen qaar ka mid ah Ganacsatada dhoofka Xoolaha Somaliland kooto ay Xukuumaddu dhoofka Xoolaha Somaliland ugu xidhay Ganacsade Carbeed oo lagu magacaabo Saleebaan Al-Jaabiri. Hase yeeshee, Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa hore u shaaciyay in muddo shan bilood ah loo qabtay in uu Ganacsade Saleebaan AL-Jaabiri oo gacanta ku haya dhismaha Maxjarkan uu ku dhammaystiro Maxjarka.

 

 

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.