Ictiraafka Somaliland Waxa Laga Raadinayaa Qol Madow Gudihii

BY C/laahi Axmed Caarshe 

 

Todoba iyo tobankii sannadood ee u dambeeyey waxay shacabka reer Somaliland hayaan ugu jireen sidii ay u rumoomi-lahayd himiladooda ah in ay beesha caalamka ka helaan aqoonsi caalamiya. maalinba maalinta ka dambaysana waxa lays lahaa tolow goorma ayaa lagaadhayaa kob raysleh, oo dadka iyo dalkaba u horseedda haruumar iyo barwaaqo. nasiib-darrose taasi ma ay dhicin welina shacabka reer Somaliland waxay u harraadanyihiin in ay helaan aqoonsi. haddii aan dhinaca kale iska taago tan iyo markii gooni-isu taaga Somaliland lagaga dhawaaqay magaalada Burco 1991-kii ilaa maanta waxa la raadinayey aqoonsi, welina  qabyo waa halkeedii. waxase aan marnaba lays weydiin meesha ay salaaddu ka xidhmi-lahayd. dad badan ayaan fahamsanayn waxa uu yahay aqoonsigu iyo sababta laynoo aqoonsan-waayey toona, sidoo kalena dadka qaar ayaa u haysta haddii la ictiraafo in lacag buur-buurani ay samada ka soo daadanayso oo aan cidiba tacab iyo dedaal gelayn. si kastaba ha’ahaatee marnaba aqoonsiga  Somaliland loo marin wadadii saxda ahayd, sidoo kalena habka ictiraaf raadinta marna lagama heelan talo qaran oo loo dhanyahay. markastana habka aqoonsi raadintu cid gaara ayuu u cuna duubnaa. madaxweynihii hore ee geeryooday Alla how naxariistee marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal oo ahaa siyaasi ruug caddaaya caalamkana laga yaqaaney ayaa marar badan oo uu dibedda ugu baxay ictiraaf raadin markii uu soo noqday ummadda u sheegay in adduunyadu ay dabada u soo jeedisey, balse marxuumku wuu ogaa meesha meesha laynaka haysto. sidoo kalena madaxweynaha Rayaale qaar ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa safaro istaba joog ah ugu baxa wadamada dibedda sida Afrika, wadamada reer galbeedka iyo gaar ka mid ah wadamada Carabta. markasta oo madaxweynuhu dibedda u baxayona waxa uu shacabka u sheegaa in uu keenayo aqoonsigii, safarada madaxweynuhu dibedd ugu boxo si rasmi ah uma sheego cidda casuuntey mana qanciyo warbaahinta iyo ummadda uu madaxweynaha u yahay toona. telefishanka iyo Idaacadda ay dowladdu maamusho ayaa inta madaxweynuhu maqanyahay laga saaraa heesho wadaniya oo dadka lagu maaweelinayo looguna sheegayo in ictiraafkii la soo wado waxana ka mid ah heesaha laga sii daayo Idaacadda iyo Telefishanka. “ISHA MUUQATAA WAQOONSIGII SOMALILAND’ iwm cid kasta oo dhaliisha siyaasadda madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ayuu xisbiga talada hayaa ku sifeeyaan in ay ka soo horjeedaan aqoonsiga Somaliland, dadka maanqaabinta ahina way rumaystaan. marka uu dalka ku soo laabto madaxweynihii aqoonsiga laga sugayey waxa keliya oo uu warbaahinta u sheegaa in safarkisii guul ku soo dhammaaday guushuna maaha mid la arko. balse hadda waxa muuqada in ay soo afjarantay riyadii ay xukuumadda Rayaale dadka ku madadaalin jirtey, waxa kale oo laga ilbaxay dhagxaantii inta meel la dhigo la odhan jirey “wershad ayaa laga dhisayaa oo lacag faro badan ayaa ku baxaysa” safar kasta oo madaxweynuhu u baxayo waxa uu ka xaystaa labada wasiir oo ugu dhow golihiisa wasiiradda marka uu tago wadamada reer galbeedka sida kuwa reer Yurub waxa keliya oo madaxweynuhu la kulmaa oo aanu dhaafin lataliye ama qof xoghayn ka ah xafiis. waxa kale oo uu la kulmaa madaxweynuhu koox tuug ah oo shahaadooyin been abuur ah tusa ina sheegta in ay yihiin Companiyo waxayna madaxweynahana  u sheegaan in ay wershado u dhisayaan, madaxweynuhuna wixii tuugto u soo sheegtay ayuu dadkiisa ula yimaaddaa oo yidhaahdaa “wershado ayaa laynoo dhisayaa wax la dhisayona lama arko. sidoo kale madaxweynuhu waxa uu soo qaataa waxa ay u soo sheegaan la taliyashaaha uu la kulmaa inta lacagta ah ee loo dhiibano jeebka ayuu ku ridaa. ciddii uu la kulmay la doodo miiskana ma garaaco waayo ciddii uu Rayaale yahay in hadal cad u sheegaya cid uu la kulmay waxa la arkilahaa dowlada ay isku dheceen Rayaale. marka u dambaysana waxay ku yidhaahdaan aqoonsiga waxad ka raadisaan dhinaca afrika. waxana muuqada sida aanu madaxweynuhu uga talinayn aayaha ummaddan ee uu isagu danaysanayo. taa ayaana ku tusaysa in aqoonsiga laga raadinayo meel aanu ku jirin. hadaba halkee ayuu aqoonsigu ku jiraa? maxaase inaka hortaagan?

 

marka wadan la aqoon sanayo laba arrin midkood ayaa lagu aqoonsadaa. 1- wadan inta shuruudo lagu xidhay buuxiya oo ka soo baxa shuruudhii lagu xidhay sidaana lagu aqoonsado. 2- wadan markaa laga leeyahay dano siyaasadeed, labadaa qodob ayaa wadan lagu ictiraafaa hadaba inagu shuruudihii layna ku xidhay waxaynu buuxiney oo doorashooyin muqraadiya ayaynu qabsanay maantana waxaynu maraynaa heer diiwaan-gelineed markaa maxaa laynoo aqoonsan layahay? waxa laynoo aqoonsan layahay oo aynu u xanimannahay qadiyadd siyaasadeed  Polical Issue maanta adduunyadu ay ina ka leedahay dano siyaasadeed mar hore ayaa layna aqoonsan-lahaa. tusaale ahaa dowladda Maraynku markii ay dhowaan aqoonsatay wadanka yar ee Kosovo waxay ka lahayd dano siyaasadeed in ay burburiso midowgii laysku odhan jirey soofiyadka. hadaba maxaa xal ah? xalku waxa uu noqonayaa mar haddii maanta aanay jirin dano siyaasadeed oo layna ka leeyahay waxa ina la gudboon in la tashado taladaasoo ah mid qaran laba qodobna laga tashado. 1- in aynu inagu is aqoonsano oo wax qabsano inaga oo dhaqaaleheena yar isku filaysiinayna, dhulkeena hodanka ah qodanayna waxana hubaal ah haddii aynu inagu wax qabsanno oo sidan hadda aynu nahay wax ka bedelno qasab ayaa laynoo aqoonsanayaa. 2- qodobka labaadna waxa weeye inaga oo dadkii aynu la nidowney 1960-kii ku nidhaahna walaalayaalo nafasaxa hana isu ducayno. qalinkayguna wuxu qabaa in aqoonsigu halkaa ku jire waayo adduunka sharci caalamiya ayaa yaalla oo la ixtiraamayaa, aqoonsigana meel aanu ku jirin ayaynu ka raadinaynaa

 

 

 

 

C/laahi Axmed Caarshe Freelnce Journaliste,

 

E-mail daauus70@hotmail.com or 4112109

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.