Gabiley wax yar oo fudud inay ku ficiltanto waan ka wacdiyayaa” Xaaji Cabdi Waraabe

Gabiley wax yar oo fudud inay ku ficiltanto waan ka wacdiyayaa”
“Xukuumadda ninkaan raacin baa xun..Sanduuqana meeshii la dhigaaba waa Somaliland”

“Dhalinyarada la dirayo iyo Odayaasha dirayaba waxaan u soo jeedinayaa S/land-eey mid noqda”

“Gabadhii ninkeedu jeclaa ee aan Ubadka ka helin waxay tidhi, Ilaahay ma li’i, waadse iga eed la’dahay…imika”

X. Cabdi-Waraabe

“Gabiley kolkii Gobolka la siiyay dadka oo dhami wuu ku farxay, Gobollada la bixiyay waxa loogu farxad badnaa Gabiley iyo Oodweyne. Haddaba, Gabiley wax yar oo fudud inay ku ficiltanto waan ka wacdinayaa, waa ka wacdinayaa. Waa Magaalada kaliya ee istaahisha (Gobolnimada), waa lays eegayaa oo dhulka Gobollada la siiyay ta nabadgelyada, Maaliyadda iyo isu-soo dhawaanshaha ka shaqaysa way ku negaanaysaa. Ta fidmo abuurta ee ficil imika abuurta ee qiiq kicisa, iyaduna eegmadeeda iyo dib-u-dhaceeda ayay yeelanaysaa. Gabiley raggii kolkii la siiyay Degmanimada 1930-maadkii ka shaqeeyay baan ahay, raggii Shirkaa fadhiyay ayaan ahay. Sh. Muxumed Warsame iyo Jaamac Samatar raggii ka shaqeeyay cidi kama noola, Ina Xagaa-dheere ayaa Faras isaga oo ku jooga oo dabbaal-degaya noo yimi. Walaalayaalow Gabiley waa la jecel yahay ee Odayaasheedaay, Culimadeedaay, Dhalinyaradeedaay Gabiley kalgacalka ha u qalanto.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida X. Cabdi Xuseen Yuusuf (X. Cabdi-Waraabe) oo shalay waraysi dhinacyo badan taabanaya ku siiyay Xarunta Golaha Guurtida Weriyayaal ka kala socda Warbaahinta.

Guddoomiyaha Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida X. Cabdi Xuseen (Cabdi-waraabe) waxa uu sheegay in Diiwaangelintu ay tahay mid Somaliland lagu eegayo, isla markaana ay tahay dhammaystirka jidkii ay Somaliland aqoonsi caalami ah ku heli lahayd. “Somaliland Caalamku maanta indho dheer ayuu ku hayaa, Maxammadiya iyo Macatabiya-ba indhaha ayaa lagu hayaa. In badan baynu soo rafaadnay oo aynu soo shaqaynay, waxaynu joognaa khatinkii Ilaahay wax inaga aqbalayay. Caalamkii baa inoo soo jeestay oo waxa laynu xidhay meel adag oo tiro-koob baa laynagu xidhay. Diiwaangelintaasi Afrikaba kamay dhicin, waa calaamo laynu eegayaa. Guurti, Madaxweyne, Golayaal, Wasiiro, Baarlaman, Shicib, Rag iyo Dumar, Culimo iyo Caamo waxa inala gudboon in aynu dedaalnaa, in aynu sidaynu isugu duubnaan jirnay aynu isugu duubnaanaa.” Ayuu yidhi X. Cabdi-Waraabe.

Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “In aynaan hoos isu eegin, in aynaan wax Magaalo ah iyo wax yar oo fudud dhabaqo ka keenin, sidaynu wax u dooran jirnay ee gobonnimada ahayd in aynu u dooranaa. In shicibka ina eegayaa ka ina jeceli ku farxaa, ka ina necebina ka naxaa ayaa inaga inala gudboon.”
Xaaji Cabdi waxa uu Dadweynaha Gobolka Saaxil ku amaanay siday uga qaybgaleen Diiwaangelinta, isaga oo ugu baaqay Dadweynaha ku dhaqan Gobolka Awdal in ay la yimaadaan dedaal dheeri ah, isla markaana laga hortego rabshado kale oo dhaca.  Waxaanu sheegay in Sanaaduuqda codaynta iyo is-diiwaangelinta halkii la geeyaaba ay tahay Somaliland. “Magaalada loogu horraysiiyay ee Berbera salaan baanu u diraynaa nabadgelyada iyo sida wanaagsan ee ay isu-diiwaangelisay, iyada oo ay muddadu ku yarayd oo aanay is-diiwaangelintii dhammaynin. Gobolka imika ku jira shaqada (Awdal) waxa laga doonayaa in uu ka sii kordhiyaa oo Carruur baa yaac-yaacaysa iyo waxaas laga daayaa oo dhabaqa laga ilaaliyaa. Meesha Sanduuqa la dhigayo wax lagu murmo maaha, maanta nin loogu guri maayo, wax nin leeyahay maaha, wax la kala badsanayo maaha, wax Xisbi leeyahay maaha ee caamka Somaliland ayaa loogu gurayaa ee Magaceena” ayuu yidhi X. Cabdi-Waraabe. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Sanduuqa halkee la dhigaa iyo halkee la dhigaa cibro ma laha oo meeshii la dhigaaba waa Somaliland. Kolka codayntu inaga dhacdo, halkii sixid u baahanba waa la saxayaa, laakiin intaa ay codayntu inaga dhacayso buuq inaga ilaaliya, dhabqa ilaaliya, Gobolka ilaaliya.”

Mar X. Cabdi la waydiiyay muranka ka taagan qaar ka mid ah Deegaannada Xeebta Waqooyi iyo sidoo kale Magacaabista Gobollada iyo Degmooyinka cusub ee uu M/weyne Rayaale magacaabay, waxa uu sheegay in Degmooyinka iyo Gobollada la magacaabay looga baahan yahay in ay isku filnaansho gaadhaan, isla markaana ay Xukuumadda taageeraan. Isaga oo tilmaamay sababta ay waqti xaadirkan Guurti ahaan ugu hawlgeli waayeen arrinta muranka xadka “Salal waanigaa dusha kala hadlay. Salal ahaan berigii hore Doorasho kama dhicin sida la yidhi, maantana ha qasina. Gobolka waxa loo dhigay xad, wuxuu yidhi Madaxweynuhu meeshii u qalanta ee is-bixisa, is-bixinta wax badan baa ku dhex duuban sida Maaliyadda, Dhismaha, Xukuumadda soo dhawaynteeda, Nabadgelyada. Hadday sanqadh ka bixi waydo, Maaliyad soo saari waydo ama soo dhawayn waydo (Xukuumadda) Maxamadiya iyo Macatabiya umadda la gudboon iyadaa iska reebtay. Waxaan doonayaa inay Salal soo baxdaa oo si sharaf leh u soo baxdaa, oo ay dhabaqada ilaalisaa, walaalnimadana soo dhawaysaa.” Ayuu yidhi X. Cabdi. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Sanaaduuqda la sheegayo ee Ceel-bardaale, Ceel-sheekh ilaa halkaa kol hore way u baxday Guurtidu oo waxbay xukuntay, wixiina lama fulin ee kolka ay Doorashooyinku inaga dhacaan baa la soo saarayaa. Maantase waxaan idinku dardaarayaa qoladii iyo Magaaladii dhigtay Sanduuqa berigii hore, maantana ha dhigto. Laga haleeli maayo imika Xukun dambe iyo kala saarid, xukunkii hore iyo ka dambe ee la eegi doonaba, maantase dhabaqa guud iyo awr-awr cuna inaga ilaaliya, sidaas ayaynu Caalamka kalsooni kaga helaynaa. Waxaa wax ka wayn baynu doonaynaa, Ictiraaf baynu doonaynaa, Shirarka Ilma Nebi Aadan in aynu ka qaybgalno ayaynu doonaynaa oo aynu inana wax ka taransano, dadkana wax ku tarno oo Walaaladeenaa (Somalia) degi waayay  wax ku tarno ayaynu doonaynaa.”

Sidoo kale waxa la waydiiyay su’aal u dhignayd, maadaama waxa laysku haystaa xad goboleed tahay, ma la odhan karaa Xeerka kala xadaynta Gobollada ee aan hirgelin ayaa sabab u ah? Waxa uu ku jawaabay, “Waa la soo saari doonaa (Xeerka kala xadaynta Gobollada), wax waynu dhammaysanay oo waynu soo soconay, umad wax kala qaadata ayaynu ahayn, laakiin wixii dhiman marka ay Doorashadani dhammaato, oo ayaynu qodob walba farta saari doonaa.. Imikase wixii cannaan ah Golayowga ayaa leh, anaguna wax badan-na la qabay, waxna waa dhiman yihiin. Waxaa dhiman waanu ku soo soconaa oo wax aanu daynayno maaha, waxna waanu ka meel-dhignay oo way noo yaalaan, waxaa noo yaala kolka codayntu naga dhacdo ayaanu dhammaynaynaa haddii Alla yidhaahdo.”

Su’aal nuxurkeedu ahaa in uu ka war hayo kulamo dhex maray Madaxweyne Rayaale iyo qaar ka mid ah Salaadiinta Gobolka Hargeysa ayaa mar la waydiiyay waxa uu kaga jawaabay, “Kama war hayo. Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedku kii hore maaha waa fara-badan yihiin, nin waliba wuu cumaamatay. Ninkuna haddii uu wax aanu aqoonin ku degdego waa masiibo. Hoggaan-dhaqameedka waxaan leeyahay hadal ha abuurina ee nabadgelyo abuura, haddii aad Suldaan tahay oo aad u cumaamatay, haddii aad u cumaamatay Caaqil, haddii aad u cumaamatay saaxibul-maal, maanta fidmo iyo hadal ha abuurina ee nabadgelyo abuura. Kolkaad nabadgelyada dejisaan, nin waliba halkii ka maqan isaga oo nin wayna halkan eega aayar ha yidhaahdo. Waxaanu ballan idiinku qaadaynaa in la hagaajiyaa oo ay Xukuumaddu hagaajisaa oo Guurtida iyo Baarlamaanku ka shaqeeyaa, oo aynu isugu tagnaa inaga oo Bah iyo Boqorba u dhan waxa yaryar ee caynkaas ah aynu toosinaa. Cid kale iskuma hayno ee waa dhexdeena, waa toosinaynaa.” waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Wax kale ninka ku soo daraa waa nin ka soo horjeeda dhismaha Somaliland. Siday Nabadgelyo u dhacdaa oo aynu Waraaqahaa ugu ridnaa maahee, ninka mid kale keena ee soo dhex geliyaa waa nin Kab maro ku duubaya, waana loo aamusayaa, waana la ogaan doona, qalinkaana lagu reebi doonaa. Ninka soo baxa ee ama Suldaan ah ama Caaqil ah ama Saaxibul-maal ah ama Sheekh ah, isna waa soo bixi oo Rabbi-na waa sheegi, Ragna waa sheegi, Qalinka Xukuumadduna wuu sheegi.”

Waxa kale oo la waydiiyay guddoomiyaha aragtida ay ka qabaan eedaymo Guurtida loo jeedinayo oo ah in ay qayb ka yihiin carqaladda hadda ka taagan xadka Gobollada, iyaga oo lagu eedeeyo inay Xukuumadda la jiraan. Waxa uu Guddoomiyuhu ku jawaabay, “Dawladda ninkaan raacin baa xun, Dawlad waynu wada nahay ee Xukuumadda. Waa lala hadlaa oo waxay ku gardaran tahay baa la yidhaa waxaa daa, laakiin ninka raacay waa amaan. Ninkaad Madaxda ka dhigatay waa inaad raacdaa oo aad la shaqaysaa oo aad toosisaa. Kuwa maanta hayaa way shaqeeyeen..Shantii Soomaaliyeed ka eeg Suuqeenaa ka dhisan. Shantii Soomaaliyeed Ismaaciil Cumar Geelle maahee, yaa ka dhisan ee aan inaga ahayn? Inagay dhismo inaga sugayaan. Qolada Jigjiga sagaal Madaxweyne ayay marayaan, qolada Koonfureed-na waad arkaysaa, qolada NFD (Soomaalida Kenya) waad arkaysaa waxa Mandheera ka dhacaya.” Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Qoladani (Xukuumadda) amaan bay muteen, laakiin Waraabihii Waraabaha kale qabashada baray waa sidaas oo lagu sii xejiyaa buu yidhiye, iyagana waxa la odhanayaa dedaalka kordhiya. Shacabkana waxaanu leenahay khilaaf dantiina maaha ee hareerihiina eega. Anagu haddii aanu Guurtida nahay, waanu la hadalnaa Madaxda, mase caayayno mana mucaaridayno, wax ay qabteenna xaasidi mayno. Waxay soo saareen oo ay ku tabceen wax qiimo badan, wax aanu ku mucaaradno wax kordhiya maahee ma jirto. Ninka mucaaradka ahi dembi buu shaqaysanayaa oo waa xaasid.”

Sidoo kale waxa X. Cabdi-Waraabe ka hadlay qaar ka mid ah Isimo iyo Garaado dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Sool oo sheegay in aanay Diiwaangelin iyo Doorasho ka dhici doonin Deegamadaas. “Gabadhii ninkeedu jeclaa ee aan Ubadka ka helin waxay tidhi, Ilaahay ma li’I, waadse iga eed la’dahay. Laascaanood Xukuumaddu way ka eed la’dahay, Guurtiduna way ka la’dahay. Guurti baanu dhignay oo fadhida, aniguna waan tegay oo marna afartan habeen baan fadhiyay, marna laba bilood baan fadhiyay. Maanta waxaanu leenahay Laascaanood meeshii Somaliland hogaamin jirtay bay ahayd ee u aqoon badnayd, kolka lagu daro Buuhoodle waddanka raggii hoggaamin jiray bay ahayd ee ku faani jiray..Reer Laascaanood waxaan leeyahay tacabkii hore ayaad ka dib dhacdeene, kan dambe ha ka dib dhicina, magaciinii ha aasina, magacii raggii hore idiin dhigay ha aasina. Rag caqiibo leh ayaa nool, haddii uu Suldaan yahay iyo haddii uu nabad-doon yahayba, haddii uu Dugsi yahay, haddii uu Biyo yahay, hadduu Waddo yahayba Madaxdiisii way la hadhay” ayuu  yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waar dee Suldaan waa la samaystaa, balse lama daba galo ee isagaa inuu Shacabka dabagalo leh. Haddii Salaadiintu dadka ka dhex baxo, ninka Beesha ka tagaa dee Suldaan uma aha. Beeshu waa inay ka tashataa nolosheeda, Caruurta, Agoonta, Dumarka, Baayac-mushtarka, waa inay Beeshu nin qudha ka tashataa.”

Dhinaca kale, mar wax laga waydiiyay aragtidiisa ku wajahan magacaabista iyo caleemo-saarka waqti xaadirkan ee Salaadiinta iyo Cuqaasha, ayaa waxa uu ku jawaabay, “Ninkii qaad qaaday ee laba Jawaan oo qaad ah meel dhigayba Caaqil baa laga dhigay ama Boqor baa laga dhigay. Dhibaato wayn baa inaga haysata halkaa, Koonfur baanay inagaga soo dareertay arrintaasi. Maxaa yeelay, tafaruq weeye oo Beelaha ayay kala kaxaynaysaa, Mujtamacii bay kala furfuraysaa isu imanayay.  Haddiise ay dhacday oo ay waqtiga la socoto raggiina sidaa yeelayow boqorku yaanu cidla u bixin oo anigaa talinaya odhanin..waxa loo baahan yahay ninka Magacaa sheegtay inaanay dadku kala xigin, haddii uu Daallin yahay inuu u hiiliyaa oo uu qabtaa, haddii laga gardaran yahayna u hiiliyaa. Maaha inuu nin qolo sita noqdo. Maanta ragga bannaanka u baxay Beeshu yaanay isku hallayn ee ha tashato Laascaanood iyo Buuhoodle.”

Ugu dambayntii waxa uu X. Cabdi Xuseen Yuusuf soo jeediyay oo uu yidhi, “Dhalinyarada la dirayo iyo Odayaasha dirayaba waxaan u soo jeedinayaa Somaliland-eey mid noqda. Maantaa Caalamku idin eegayaa oo reer Nebi Aadan ayaa idin eegaya ee qof walbow xil isa saar. Wax nin loogu burayo tani maaha oo taasi way dambaysaa, tani waa magaceenii oo Shacabka ayaa loo codaynayaa, waana taynu ku kala hadhaynay inaga iyo cadowgeenu. Walaalayaalow, adeerayaalow waxaan idinku dardaarayaa muran la’aan afarta tahayba u gurmada, oo qaynuunku siduu yahay ku socda. Waraaqahaa ha ka seexanina, rag iyo dumar ka ku ridi waaya waa qof Calankeena ridaya oo inaga soo horjeeda.”

Ogaal

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.