Deegaamada waqooyiga Hargaysa si madaxbanaan bay diwaangalintu uga qabsoomaysa, gobolna lahoos gaynmaayo ilaa inta xalkooda la gaadhayo.’

Guddoomyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Md. Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kabaweyne)

 

Hargeysa (Jam)- Guddoomyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Md. Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kabaweyne) ayaa shaaca ka qaaday in Komishan ahaan aanay khusayn, isla markaana arrin u taal ahayn deegaannada iyo goobaha la isku haysto ee muranku ka taagan yahay, balse ay shaqoodu tahay sidii ay diiwaangelin uga sameyn lahaayeen goobaha xukuumadda u cayin tahay, si dadka reer Somaliland ay u qaataan warqadaha codbixinta iyo jinsiyadda.

 

Md. Maxamed Kabaweyne oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa waxa uu ka hadlay deegaannada waqooyiga Hargeysa iyo Gabiley, isaga oo isla markaana faahfaahin ka bixiyey sida ay hawsha diiwaangelnta codbixiyeyaashu uga socoto Gobolka Awdal, waxaanna uu xusay in dhibaatoyin yaryari soo waajaheen habsami-u-socodka diiwaangelinta, isla markaana ay jiraan khaladaad arrinta ka soo ifbaxay.

 

“Hawshii diiwaangelintu si sharaf leh ayey Gobolka Saaxil uga bilaabantay uguna dhammaatay, Gobolka Awdalna si rasmi ah ayey shaqadii uga bilaabantay, hawshuna waa mid baaxad weyn oo dalkana qiimo ugu fadhida, marka hawl lagalayana khaladaad way ka soo bixi karaan, wayna jiraan qalab iyo gaadiid ka khaldamay goobihii loogu talogalay oo meelo kale maray, arrintaana waannu u ogaano ciddii khaladka ka dambeysay,” ayuu yidhi Md. Kabaweyne, waxaannu intaa ku daray; “Waa khalad in dadku dhul isku qabsadaan waqtigan oo diiwaangelin lagu jiro, hawshuna maaha mid doorasho loo codaynayo ee waa is diiwaangelin, markaa annaga nama khusayso deegaannada la isku haysto iyo cidda isku haysataa muhiimadayaduna waa in dadku qaataan waraaqaha codaynta iyo jinsiyadda, arrintaasina waa mid u taal xukuumadda Somaliland inay kala xadayso dhulka lagu muransan yahay.. Deegaamada waqooyiga Hargeysana si madaxbanaan bay diwaangalintu uga qabsoomaysa gobolna lama hoos gaynayo ilaa iyo inta xalkooda la gadhayo.”

 

Waxa kale oo Md. Kabaweyne shirkiisa jaraa’id ku sheegay in deegaannada waqooyiga Hargeysa ay si madaxbannaan diiwaangelintu uga dhacayso, iyada oo aan gobolna u hoos gaynay ilaa iyo inta la xallinayo qaddiyadooda.

Xigasho: Jamhuuriya

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.