“Madaxweynuhu wuxuu amar ku bixiyey in awood militeri lagu dhigo Sanaaduuqda goobihii ay dadku ka gadoodeen, wixii khasaare ah..

Madaxweynuhu wuxuu amar ku bixiyey in awood militeri lagu dhigo Sanaaduuqda goobihii ay dadku ka gadoodeen, wixii khasaare ah ee ka yimaadana Isagaa masuuliyadeeda qaadi doona”

Hargeysa, October 26, 2008 (Haatuf) – Madax-dhaqameedyada beesha Sacad Muuse ayaa xukuumada Riyaale uga digay inay isku daydo inay xoog milateri u adeegsato degaanada lagu muransan yahay ee waqooyiga Gabiley iyo Hargeysa, kuwaas oo ay dorraad dad gadoodsani ka soo qaadeen goobihii la dhigay qalabka diiwaangelinta, iyadoo ku talo-galku ahaa inay goobahaas ka bilaabanto diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Jimcihii dorraadka ka bilaaban gobolka Awdal.

Madax dhaqameedyadan waxa kale oo ay sheegeen in ay ergo ugu tageen madaxweyne Riyaale iyagoo doonaya sidii loo fulin lahaa sharcigii kala xadaynta gobolada iyo degmooyinka, hase yeeshee waxay sheegeen in madaxweyne Riyaale ku gacan seedhay una sheegay in deegaanada waqooyiga gobolka Hargeysa la laalay, toddobada goobood ee Gabiley-na la raaciyey gobolka Awdal, sidaas darteed waxay tibaaxeen in haddii ay xukuumadu xoog istidhaahdo ku muquuni goobaha waqooyiga gobolka Gabiley inay dusha ku qaadi doonto khasaaraha ka yimaada goobahaasi taas oo ay sheegeen in haddaba qarka u saaran tahay in ciidamada Qaranka iyo shicibku ay isku dhacaan. Sidaana waxay madax dhaqameedka iyo waxgaradka beesha Sacad Muuse ku sheegeen shir Jaraa’id oo ay xalay ku qabteen magaalada Hargeysa kaas oo ay ka soo saareen baaq go’aamada beesha oo qoraal ah kuna saxeexan yihiin 22 xubnood oo iskugu jira Salaadiin, Cuqaal iyo waxgarad ka tirsan beesha Sacad Muuse.

Waxaanu qoraalkaasi oo uu shirkaasi ka akhriyey Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdi u qornaa sidan: “go’aan beesha Sacad Muuse ka soo saartay shaqaaqada ka taagan waqooyiga Gabiley

Haddii aanu nahay salaadiinta, Cuqaasha, waxgaradka beesha Sacad Muuse waxaanu u sheegaynaa shacabka reer Somaliland golayaasha Qaranka saddexda Xisbi Qaran in xaalada ka taagan xuduuda u dhexaysa gobolka Maroodi Jeex iyo gobolka Awdal oo wakhtigan maraysa meel xasaasi ah una baahan in laga gurmado, lagana cabsi qabo in dagaal ku dhex maro ciidamada Somaliland iyo dad shicib ah oo Somaliland ka mid ah taas oo ay sabab u tahay waxaan ka tirsanaan jirnay gobolka Maroodi jeex iyo waxaad ka tirsan tihiin gobolka Awdal ay tahay khilaafka halkaa ka taagan, hadaba haddii aanu nahay beesha Sacad Muuse waxaanu halkan ku cadaynaynaa in wixii khasaare ee ka dhaca deegaanadaasi ay masuuliyadeeda qaadi doonto xukuumada uu Riyaale Madaxweynaha ka yahay.

Madaxweyne Riyaale waxaanu ergo ugu tagnay ergo ka kooban salaadiin, cuqaal, iyo waxgarad beesha Sacad Muuse ah waxaanu ugu tagnay in goobaha laysku hayo gobolka ay ka tirsanaanayaan kuwaas oo kala ah lix goobood oo waqooyiga Hargeysa ah iyo 7 goobood oo waqooyiga Gabiley ah oo dhamaantood ka tirsan gobolka Hargeysa oo ayna Isku hayaan gobolka Awdal, waxaana Madaxweynaha ka codsanay in goobahaas Diiwaangelineed ama codbixineed ee laysku hayo in la waafajiyo sida ku cad Dastuurka Somaliland ee ay baarlamaanku ansixiyeen madaxweynuhuna saxeexay kaas oo dhigaya in ay ahaadaan in xuduudaha gobolada iyo degmooyinku ay ahaadaan sidii ay ahaayeen 1960 kii, waxaanu ka codsanay Madaxweynaha in todobada goobood ee waqooyiga Gabiley oo lagu xukumi jiray degmada Gabiley ee gobolka Hargeysa, imikana laga dhigo goob diiwaangelineed oo laga xukumayo degmada Gabiley, lix-da goobood ee kalana ee waqooyiga Hargeysa oo laga xukumi jiray 1960 kii Hargeysana loo dhigo gobolka Maroodi Jeex ee Hargeysa.

Codsigaa aanu ula tagnay Madaxweynuhu wuu naga diiday, waxaana muuqatay meeqaamka beesha Sacad Muuse oo uu ka kacay Salaadiinta isaga oo wax tixgelin ah siinin, waxaanu amar nagu siiyey in 7 goobood ee waqooyiga Gabiley dhamaantood loo dhigayo gobolka Awdal , lixda goobood ee waqooyiga Hargeysa-na uu laalay, intaa dabadeed waxaanu ka codsanay in dhamaantood wada laalo oo uu ka dhigo heer qaran ama heer Komishan arrimo nabadgelyo awgeed, marka la kala xadeeyo gobolada iyo degmooyinkana lagu daro gobolka ay raacaan taana wuu naga diiday Madaxweynuhu, intaa dabadeed waxaanu u dirnay anaga oo eegayna in nabadgelyada dhaawac soo gaadhin waxaanu u dirnay laba ergo oo kale iyana waxa uu mariyey wadadii uu na mariyey.

Sidaa darteed waxaanu mar labaad cadaynaynaa in Madaxweynuhu uu amar ku bixiyey in awooda militeri lagu dhigo goobahaas, ka dib markii ay ka gadoodeen dadkii diidanaa in dhulkaas lagu daro gobolka Awdal, sanaaduuqdiina ka qaadeen hawlwadeenadii komishanka una soo celiyeen sanaaduuqdii ay ka qaadeen kuna yidhaahdeen anaga Awdal nalagama xukumee ku celiya halkii sanaaduuqdaa laydinkaga soo dhiibay.

Amarkaa ka dib waxaanu leenahay wixii ka yimaada Madaxweynaha ayaa ka masuul ah ee awooda militeri ka yimaada hadaba baaqa aanu usoo jeedinaynaa ummadda Reer Somaliland ee nabada jecel in arintaa laga gurmado lagana hortago wax dhibaato oo meesha ka dhacda”

Magacyada Salaadiinta iyo Cuqaasha beesha Sacad Muuse ee ku saxeexnaa baaqaasi:

1.      Suldaan Axmed-Nuur Cabadilaahi Samaale.

2.      Suldaan Xasan Suldaan Nuur.

3.      Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan,

4.      suldaan Sulub Nuur Warsame

5.      Suldaan Jaaamac Cismaan Aadan

6.      Suldaan Xuseen ismaaciil Geelle

7.      Suldaan Ismaaciil Aadan Xirsi.

8.      Suldaan Xiis Bare

9.      Chief-Caaqil Cabdi Ciidle Amaan

10.  Caaqil Cabdilaahi Qalinle

11.  Caaqil Xuseen Aw Muuse

12.  Caaqil Aadan Ismaaciil Xasan

13.  Caaqil Khadar Yuusuf Ismaaciil

14.  Oday Maxamuud Dhool dahable

15.  Oday Maxamed Cige

16.  Oday Faarax Cabdilaahi

17.  Oday Omar Ducaale Cali

18.  Oday Cismaan Maxamed Geelle

19.  Oday Maxamed Cabdi Maal

20.  Oday Maxamuud Cali Cumar

21.  Oday Xasan Aw Muuse

22.  Oday Siyaad Cabdilaahi Digaale

Xigasho: Haatuf

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.